Wararkii: Aug 21, 2007
-
Max'ed Dheere "Dadka u qaxay
inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye waa Argagixiso".
-
War saxaafadeed ka soo baxay
ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed
-
Ciidamo isku uruursanaya
degmada Diinsoor ee gobalka Bay..
-
Ra'isul Wasaare Cali Geedi
oo dib ugu shalay ugu soo laabtay Muqdisho
-
Qaraxyo ka dhacay Magaalada
Muqdisho
-
Dowladda Rwanda oo sheegtay
in ay Soomaaliya u tababareyso ciidamo
-
Guuldaro kale oo soo
wajahday xulka 17-jirada Soomaaliya
Max'ed Dheere "Dadka u qaxay inta u dhexeysa
Muqdisho iyo Afgooye waa Argagixiso".
Guddoomiyaha
gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max'ed
Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) oo shalay ka hadlay xaflad
lagu soo bandhigayey hub laga soo qabtay Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arrimo fara badan oo la
xiriiray gobalka Banaadir, waxa uu sheegay in
qalalaasaha iyo weerarada ka socda Magaalada Muqdisho ay
yihiin kuwo ay ka dambeeyaan Odoyaal ay ka mid yihiin
Max'ed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo madax ka
ah Golaha Midnimada Beelaha Hawiye.
"Ciddii
shidda dab iyada ayaa ku bixi doonta sidii ay horey ugu
baxeen kuwa haatan ku sugan Magaalada Asmara" ayuu yiri
Max'ed Dheere oo sheegay in dhaqdhaqaaqa ay wadaan
odoyaashaasi ay la socdaa.
Max'ed
Dheere waxaa kale oo uu sheeg ay in dadka u qaxay inta u
dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ay yihiin dad argagixiso
ah oo halkaasi ku quudiyaan Hay'adaha Caalamiga ah, hase
yeeshee waxaa deegaanadaasi weli ku sii qulqulaya dad ka
cararaya iska hor imaadyada ka socda Magaalada Muqdisho,
iyagoo halkaasi ka raadinaya gobo ay gabaad ka dhigtaan.
Max'ed
Dheere waxaa kale oo uu sheegay in warbaahinta Magaalada
Muqdisho ay yihiin kuwo aan ka hadlin xaqiiqda dhabta
ah, isago sheegay in ay buubuuniyaan wax aan loo
baahneyn.
Max'ed
Dheere waxa uu sheegay in warbaahinta ku sifoobeen kuwo
qayb ka ah qalalaasaha ka taagan Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka waxa uu tacsi u diray qoysaskii iyo
eheladii ay ka geeriyoodeen mas'uuliyiintii ka tirsanaa
Idaacadda Horn Afrik, waxa uuna ku tilmaamay Idaacadda
Horn Afrik mid si geesinimo ah uga hawlgasha dalka, waxa
uuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo dib
u heshiisiinta.
Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada
Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal loo gaystay
dad rayid ah, iyo waliba ciidamo ka tirsan
Dowladda Federaalka.
Qarax lala damacsanaa Guddoomiyaha Degmada
Kaaraan ayaa waxaa la sheegay in uu ka
badbaaday, waxa uuna sheeg ay guddoomiyuhu mar
la wareystay in ay ku raad joogaan ciddii ka
dambeysay qaraxaasi, sidoo kale qarax ka dhacay
agagaarka Degmada Heliwaa a yaa lala beegsaday
gaari ka tirsan Gawaarida Dowladda, hase yeeshee
waxaa la sheeg ay in aysan wax khasaaro ah ka
soo gaarin, balse rasaas ay ciidamo fureen ayaa
waxaa ku dhaawacmay hal qof.
Dhanka kale labo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay
suuqa Bakaaraha, lama garananayo sababaha loo
dilay dadkaasi.
Waxaa kale oo maalintii shalay ahayd isgoyska
Black-sea lagu dilay askari ka tirsan ciidanka
Booliiska, waxaana askarigaasi laga qaatay
qorigii uu sitay, waxaana markiiba goobta soo
gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka,
waxayna rasaas u fureen jiho kasta, waxaana mudo
hal saac istaagay isku socodkii gaadiidka iyo
dadka.
War saxaafadeed ka soo baxay ururka Midnimada
Xirfadleyda Soomaaliyeed
Waxaa shalay
war-saxaafadeed soo saaray Ururka Midnimada
Xirfadleysa Soomaaliyeed, waxa uuna
war-saxafadeedkiisu quseeyey arrimaha dalka
Soomaaliya ka taagan, waxa uuna u qornaa sidatan:
“Waqtigaan casriga ah, in caalamku taageero iyo
qarash ku bixiyo dowlad ku dhisan qaab kala sareyn
iyo takoor iyo cunsiriyad ama afar nin iyo naag iyo
ku tiirsanaan ciidan shisheeye oo aan nabad iyo
kalsooni dhalin Karin, xiligaan waxaa aad uga haboon
dhisme dowlad milatari ah iyo dib u soo nooleynta
ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya oo gacan bir
ah ku qabta ammaanka dalka iyo dib u heshiisiin
qaran oo miro dhal ah iyo in caalamku ka taakuleeyo
dhinacyada dhaqaalaha, qalabeynta ciidamada iyo dib
u dhiska iyo waliba dhiiragelinta wax soosaarka
dalka, sidaa darteed iyadoo la tixgelinayo ammaanka
dalka iyo dadka, sinaanta iyo xaquuqda
bini’aadanimo, waxaan Dowladaha Xiriirka Soomaaliya
(Contact Group) ka codsaneynaa in la maalgeliyo
qaabkaan, qarashna aan lagu bixin qaab madhaliis ah
oo aan soo kordhin karin wax aan dib aheyn”.
War-Saxafadeedkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa
Guddoomiyaha Ururka Midnimada Xirfadleyda
Soomaaliyeed Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaali).
Ciidamo isku uruursanaya degmada Diinsoor ee gobalka
Bay..
Wararka ka
imaanaya degmada Diinsoor ee gobalka Bay waxay
sheegayaan in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay
halkaasi isku urursanayaan, waxaana la sheegay in ay
wataan 20 tikniko ah, waxayna ka kala tageen
Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Ciidankaan
ayaan la garaneyn sababaha halkaasi loogu uruurinayo,
balse warar ayaa waxay sheegayaan in ciidankaasi ku
wajahan yihiin Magaalada Kismaayo kaddib markii halkaasi
ay dhawaan ku dirireen ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka, kuwaas oo u kala baxay aakhirkii qaab
qabiil.
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka waxa uu sheeg ay in arrinta kismaayo lagu
dhameyn doono wada hadal iyo isafgarad, iyadoo dhawaan
wafdi ka socda Magaalada Kismaayo ay la kulmeen
madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ay isku afgarteen in
arrintaasi lagu wajo wada hadal.
Ra'isul Wasaare Cali Geedi oo dib ugu shalay ugu soo
laabtay Muqdisho
Ra'isul
Wasaare Cali Max'ed Geedi ayaa dib ugu soo laabtay
magaalada Muqdisho kadib markii uu dhowr todobaad ku
maqnaa Magaalada Nairobi.
Ra'isul
Wasaaraha ayaa sababaha ugu weyn ee uu u tagay magaalada
Nairobi ahayd ka qaybgalka aroos wiil uu dhalay, sidoo
kale Ra'isul Wasaaruhu waxa uu Magaalada Nayroobi kulan
kula yeeshay madax ka tirsan Qarmada Midobey, Dowladaha
Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ay isla soo qaadeen
xaaladda Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in kulan
saddex geesood ah ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan
Madaxeynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, Ra'siul
Wasaare Cali Max'ed Geedi iyo Guddoomiye Sheekh Aadan
Madoobe, kaas oo looga hadli doono xaaladda ka taagan
Magaalada Muqdisho oo maalmahan cirka isku shareertay
kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal joogto ah,
kuwaas oo lala beegsanayo Madaxda Dowladda iyo waliba
saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku
leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale
weeraradaasi dhibaato ka soo gaartaa dadweynaha rayidka
ah oo iyagu intoodii badnaa isaga cararay Magaalada.
Dowladda Rwanda oo sheegtay in ay Soomaaliya u
tababareyso ciidamo
Dowladda
Rwanda ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay
Soomaaliya u soo diri doonaan ciidamo tababar siiya
ciidamada Dowladda Federaalka ah.
Afhayeen
u hadlay Dowladda Rwanda ayaa sheegay in
ciidamadaasi yihiin kuwo gacan ka gaysanaya sii kor
loogu qaadi laha tayada ciidamada xoogga dalka
Soomaaliya.
"Ciidamadaasi ma ahan kuwo u socda dagaal, ee waa
tababarayaal" ayuu yiri AFhayeen u hadlay Dowladda
Rwanda.
Ciidamo
fara badan oo lagu waday in loo soo diro Soomaaliya
kuwaas oo qayb ka noqon lahaa ciidamada AMISOM ayaa
dib u dhacay kadib markii loo waayey dhaqaalihii ku
bixi lahaa.
Dowladda
Burundi ayaa waxay diyaarisay ilaa iyo 150 oo
askari, hase yeeshee ciidamadaasi ayaa loo la' yahay
qalabkii iyo dhaqaalihii kale ee lagu soo
daad-gureyn lahaa, iyadoo Qaramada Midoobey u
ololeyneyso sidii ciidamada Soomaaliya loo dirayo u
noqon lahaayeen kuwo hoos taga Qaramada Midoobey.
Qaramada
Midoobey ayaa ilaa ciidan gaaraya 1600 u soo dirtay
Soomaaliya kuwaas oo ku sugan goobo ay ka mid yihiin
Xarunta Madaxtoonyada, Garoonka Diyaaradaha iyo kuwo
kale, mana sameeyaan wax dhaqaqaaq ah oo ku waadan
dhinaca nabadda.
Guuldaro kale oo soo wajahday xulka 17-jirada
Soomaaliya
Xulka
qaranka Soomaa-liya ee da'doodu ka hooseyso 17 jirada
ayaa waxa uu mar kale kulan la yeeshay xulka wadanka
Burundi oo martigelinaya tartanka Bariga iyo Bartamaha
Afrika.
Cayaartaan
oo ahayd mid aad u adkeed ayaa xulka qaranka Soomaaliya
waxa uu soo bandhigay cayaar xirfadeedu sareysay balse
waxa uu la kulmay guuldaro kadib markii looga badiyey
3-0.
Waa
guuldaradii labaad ee uu xulka qaranka Soomaaliya la
kulmo, waxaana horey uga soo badiyey xulka wadanka
Ruwanda.
Maalinta
arbacada ah ayaa cayaartoodii ugu dambeysay waxa ay la
yeelan doonaan xulka wadanka Tanzania, inkastoo ay ka
hareen tartanka haddana xulka waxaa la sheegay in uu
muujiyey karti iyo dadaal dheeraad, maadaama inta uu
tababarka sameynayey aysan ka badneyd mudo bil ah.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.