SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

SOMALIDU MA SIDKANTO

.   aug. 20. 2007. 

Cabdiraxman Sh. Ismacil (Abuuturaab).

Abuturab100@gmail.com 

Ujeedada dhanbaalkan ma ahan in dad lagu amaanayo ama dad lagu dhaliilayo, laakiin wuxuu tilmaaamayaa dabeecadda lagu yaqaan qofka Somaliga ah oo caadiga ah,  Danna igama hayso dadka aan magacooda sheegi doono laakiin waxan daneynayaa dhacdooyinka . Taariikhda lagama been sheego, midda kale haddaad rabtid xaqaaqga inaad heshid, qofka kaa soo horjeeda ama cadawgaaga ah xaqiisaa loo ogolaadaa, inaad cadawgaaga xaqiisa siisid iyo inaad xaqaaga daafacatid haddey iska kaa dhex galaan ha sugin in aad xaq heshid, xaqaaga in aad heshid waxa saldhig u ah inaad sokeeye iyo shisheeyaba xaqooda siisid. diinta islaamkaa sidaas amreysa.

Allah SWT wuxuu yiri quraanka kariimka macnaha aayada;    

"kuwa (xaqa)(rumeeyow noqda kuwo u istaaga caddaalad, oo ah marag Eeb,xataa ha ahaato mid naftiina lid ku ah ama waalidkiin ama qaraabadiin, ha ahaado qani ama faqiir Allaah baa idiinka wanaagsan,ha raacina hawada inaad cadaalad fashaan, haddaadse leexisaan markhaatiga ama diidaan in aad marag furtaan , xaqiiqadii Allah si qota dheer buu u og yahay waxad faleysaan"(4:135).

Abuu Sufyaan oo markaas mushrig sanam caabuda ahaa baa ka xishooday inuu been ka sheego Nabi Muxammad CSS, oo uu uarkayay markaas cadowgiisa ugu weyn, marka aan ka xishoonno in aan taariikhda ka been sheegno,waxa nabigeennii CSS laga wariyay "mu'min beenlow ma noqdo".

Somalidu waxay tiraahdaa gaal dil gartiisana siih,ama cadowgaga caaqila waa la marag gashadaa,                                                                                  

Waxa dadkeenna ku batay in ay wax ceebeeyan, Nabigeena CSS waxa laga wariyay inuu yiri "mu'minka ceebeysane ma ahan ceebeeyana ma ahan",dhibkana buunbuuniyaan xalna aysan sheegin, Nabigeena CSS waxa laga wariyay inuu yiri "Qofka yiraahda dadkii way halagsameen asagaa ugu halag badan", waxan leeyahay qofkastoo dhib ama khalad sheegaya ha ku daro wuxuu u arko xal. 

Somalidu waa dad isku kalsoon oo jeeb cid kale gali karin, waxan jeclahay in aan  warbixin siiyo dadka ceebeeya Dawladda ku meel gaarka, iney u adeegayaan Ethiopia iyo dana shisheeye,waxan leeyahay taariikhda ku noqdoo ogaada, Somalidu ma sidkanto;

Madaxweyne C/lahi Yusuf ma ahan nin lagu adeegan karo, waxad ogsoon tihiin in waqtiguu hogaaminayay ururkii SSDF Itobiyanku xiray  ciidamadiisii la gumaaday, kadib markuu diiday in uu fuliyo danaha Itobiya, inuusan ogolaan karin in Itobiya qabsato Somaliya, macquul ma ahan in la yiraahdo, maantay oo uu madaxweyne Somaliyed yahay wuxuu u adeegayaa sidii Itoboya ula wareegi lahayd Somaliya.

Madaxweynihii hore Somaliya Maxamad Siyad Barre, Neto iyi warso buu marba middii danihiisa ka hortimaada cayrin jiray, asagoon cidnaba wax u ogayn.

Ra'iisul wasaarihii hore Maxamad Xaashi Cigaal oo ka hadlaya golaha qaramada midoobay waqtiguu safiirka ka ahaa, wuxuu u doodayay in China lagu daro golaha qaramada midoobay,wuxu yiri; xaq ma ahan in loo diido China in ay ku biiraan qaramada midoobay, isla markaasna qadariyaan shuruucda qaramada midoobay,markuu hadlayo siduu isugu kalsoon yahay iyo arimuhuu go'aaminayo waxad mooda in uu kasocda dal Superpower-ah.

Gen.Maxamad Farax Caydiid iyo Maraykanku waxay noqdeen, nin qab weyn iyo nimaan u qabin, Gen. Caydiid  dalka maraykanka oo aduunka ugu xoog weyn iyo xulafadii Unisom ugama duwanayn dagaal oogayaashii kale oo ay xamar iyo Somaliya isku hayeen, maraykankuna wuxuu diyaarinayay xabsigii Caydiid lagu xiri laha.

Dawladii madaxweyne Cabdiqasin Salad oo awoodeedu ku ekeyd Hotel ay Xamar ka daganayen, baa waxay u hanjabi jireen ciidamad Itobiya markay soo gaaraan xuduudaha Somaliya sida, Galdogob, Feerfeer, Doolow, Iwm.

Barlamanka Somaliyed waxa  la isku gacan qaaday Nayrobi, oo baarlamanku ku qaybsamay in aan ciidamada Itobiya Somaliya cag soo dhigin, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Maxamad Qanyare Afrax iyo dagaal oogayaalkii kale ee la mawqifka ahaa ma filayo in mowqifkoodii is badaley hadda, Waxase Somalidu tirahdaa, gacantaadu haddey shakal kaa gasho waa la maarmaariyaa. 

Markaan dawladdeennii ridnay 1991, Itobiya waxay go'aansatay in aysan Somaliya ka dhalan dawlad col u ah, si ay u yareeyaan colaadooda gobolka, meesh dalaka Itobiya dariska la ah qaar ka mida go'aansadeen in aaney Somaliya ka dhalan dawlad Itobiya heshiis la ah, si ay uga kaashadaan colada Itobiya ee gobolka, ama aan loogu ciriiryin saaxiibtinimad Itobiya ee gobolka,  

Itobiya waxay heshay dawlada C/lahi Yusuf iyo Geeddi, oo saaxiibo siyaasadeed u ah, waxay qorsheynayeen Itobiyanku sidey ugu gacansiin lahaayeen dawlada ku meel gaarka, sidey  maamulka dalka ku hanan lahaayeen, markii maxakimtu ka dhex kaceen waxay si fudud ku jabiyeen qabqablayaashii Muqdisho, kuwaasoo ahaa cadawgooda, ahaana cadawga dawladda ku meeel gaarka, markay halkaas mareyso bay xaajadii qaalin buuba saareen, waxay arki waayeen dawladii, waxayna si joogto ah ugu hanjabeen  Itobiya, waxay maxakimtu u dulqaadan waayeen 100 askari oo Itobiyana oo marmar imaan jiray Baydhabo marmarna ka noqon jirey, waxayse sababeen in ay dalaka soo galaan 10,000 oo askari oo Itobiyan ah. 

Sikasta ha ahaatee madaxweyne C/lahi markuu nafta u yaabay buu wuxu amray in Itobiya dalka soo gasho si ay ciidama maxakimta uga badbaadiyaan, sidaasaa Itobiyanku dalka ku qabsatay haddana kama amar qaataan dawladda ku meel gaarka, ee waxay ka amar qaataan Mallas, waana ballan ka baxii kobaad, Hankii Itobiyana kor buu u kacay oo hadda waxay raadinayaan sidii Somaliya loo qaybin lahaa ugana mid noqon lahayd dawladda Federalka Ethiopia, tasoo ah riyadii boqoradii hore ee Itobiya.

Raggii qabey in Itobiya dalka soo gasho, sida C/lahi iyo Geeddi, iyo kuwii kasoo horjeeday waqtigii Naynobi ,sida Muse Sudi,  Qanyare, iyo kuwii kasoo horjeeday mar walba in ciidamada Itobiyanku dalka yimaadaan sida, Barre Aadan Shire (Barrehiiraale),Xil dhiban Cabdi cabdille (Jinni-boqor), iyo ragga badan oo la mowqifkas ah, baa dhammaantood waxay ku hawlan yihiin sidey gacantooda shakasha ugala bixilahaayeen, kuwo hoobiyaha, bombada, iyo miinada aasaya waxa mira dhalkoodu yahay  sidey gacanta u ingajin lahaayeen si aysan si sahlan ugu bixin, (Ismase oga). 

Maxaa annaga nala gudboon haddaan nahay Somaliweynta dalkoodii la qabsaday?, waxay aniga ila tahay in aan gacanta shakasha ku jirta subagno si ay si sahlan ugu soo baxdo, waa inaan dawladda taageerno, raacno, daba istaagno, la safanno,u hiilinno, isku wareejino sidii shinnidii, waxan hadda haysannaa aas-aas, haddaan adkeyno guri noqonaya, haddaan duminana waxa nalaga ilaalin doonaa in aan mar danbe dhagax-dhagax saarno.

Waa inaan is cafino, midowno, isu samirno,si aan Itobiya go'aankii hore ee saaxiibtinimada ugu celino, Qaranimadeennii iyo dawladnimadeenniina u soo ceshanno. 

Markaan saas yeelno laba arimood mid bay noqon, in Itobiya si sahlan ku baxdo, waana sidaan u badinayo, iyo in dawladda la haystaha ah iyo Itobiya isku dhacaan, oo annagoo Somali mida Itobiya la dirirno dalkeenana  ka saarno, waxa cadeynaya in haddii dawladdu dad hesho la dirireyso Itobiya haddey xal kale waydo.

1- C/lahi camalkii, madax adaygii, geesinimadii,xorriya jacaylkii, uu Itobiya kula diriray asagoo Addis ababa jooga ma filayo in uu ka baqayo asagoo Xamar jooga.

2- Siduu isu badalay ra'yigii Xuseen Caydiid, shalay wuxuu lahaa waxan la midoobeynaa Itobiya, maantana wuxuu leeyahay uma dulqaadanayo in dadkeyga Itobiyanku xasuuqo. 

Waxan raali galin ka bixinayaa qof kasta oo aan taariikhdiisa ama fikirkiisa si khaldan u turjumay, qofna inaan xumeeyo ma rabo waxase intaas dhaafi waayay xogteydii.Somalidu waxay dhahdaa, Aqoon la'aan Allow ha nagu cadaabin eexna ha nooga tagin.

ILAAHOW AMMAAN, DAWLADNIMO, IYO ROOB NASIIH 
 

Taladiina iyo taageeradiinaan codsanayaa. 
 

Cabdiraxman Sh. Ismacil (Abuuturaab).

Abuturab100@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com