SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jandaya Frazer oo ka tarjuntay munaafaqnimada Maraykanka.

Qore: Jimcaale Rooble
Jimcaalerooble@hotmail.com

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. 

Waxaa qofkastaahi iska ogyahay in maraykanku qorsheeyay maalgalinayo islamarkaana kormeerayo waxa Soomaaliya ka dhacaya, hadii aan dib u xusuusano intii aanay Itoobiya Muqdisho dagaalka kusoo qaadin waa kii taliyihii hore ee ciidamada Maraykanka Jeneral John Aby Zeid uu booqasho ku tagay magaalada Adisababa si loo gunaanado qorshayaashii la rabay in lagu qabsado Muqdisho caasimada umadda Soomaaliyeed, markaas wixii ka danbeeyayna waa iska cadayd sida uu faraha ugula jiro maraykankanku arrimaha Soomaaliya asagoo adeegsanaaya Calooshiis u shaqayste Meles Zenawi iyo ciidamadiisa.

Hadaba maraykanka oo ku ceeboobay dagaalkii uu la galay taageerayaashii Jeneral Caydiid 1993-kii ayaa mudo isku dayayay inuu ka fogaado arrimaha Soomaaliya inkasta oo aanu marna faraha kala bixin, hadana markii  11-kii September la qarxiyay dhismayaashii gancsiga ee New York ayaa Maraykanku  si cad oo aargoosi ka muuqdo u- sheegay inuu doonayo inuu weerar xaga circa ah ku qaado dalka Soomaaliya laakiin  dowladii KMG ee lagu soodhisay degaanka Carta ee Jabuuti  ayaa dadaal badan oo ay samaysay ku guulaysatay in maraykanku marmarsiiyo u heliwaayo weerarka Soomaaliya. Mar kale ayuu hadana taageero toos ah u fidiyay qabqablayaashii dagaalka sida lawada ogyahay asagoona diiday inuu aqoonsado kooxda Mbagati asagoo leh waxaan taageeraynaa shaqsiyaad masuul ah oo ka tirsan dowladda,-qofkii la socday arrimaha waa xasuusan karaa bayaanadii wasaarada arrimaha dibada Maraykanka kasoo bixi jiray waqtigaas- Maraykanka mar kale ayaa ceeb iyo waji gabax kasoo wajahday faragelinta Soomaaliya kagadaal markii laga adkaaday Dagaal oogayaashii iyo Jaajuusyadiisii lagana eryay dalka ayna soo baxday awoodii shacabka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayay midowgii maxkamadaha islaamiga, taasoo Maraykanka iyo xulafadiisa u cadaysay in dhamaan shirqooladii iyo qorshayaashii uu u dhigay inuu ku lugooyo ummadda Soomaaliyeed ay guuldaraysteen. 

Nasiib daro maraykanku wax kuma qaadan dhacdooyinkaas oo idil ee wuxuu si qaawan u-taageeray in la baabi’iyo qaranimada Soomaaliya lana hoos geeyo Itoobiya asagoo ku marmarsiyoonaaya inuu argagixiso kasoo horjeedo uuna rabo inuu taageero dawlada KMG ah waayaab! oo sow maahan tii uu hore u diiday inuu taageero oo uu ka doortay dagaal oogayaasha.Laba wajiilanimada noocan ah ee siyaasadda maraykan-ku ku sifowday guud ahaan iyo gaar ahaan siyaasadiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya waxaa si iska hor imaanaysa isna baraanbaraysa u tarjumay  Jandaya Frezer oo katirsan qaybta Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka  waraysigii ay BBC-du la yeelatay 17-kii bishan Augost taasoo ay ku guul daraysatay inay si cad u tibaaxdo siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan dalka Soomaaliya ayadoo si isku qasan u hadlaysay ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa tusaale ahaan “ Xubnaha barlamaanka xorta ah waa madax soomaaliyeed oo dibadda joogta , ha ka soocmaan argagixisada Asmara fadhida, ha ku noqdaan dalkooda angaa amaankooda balan qaadayna.” Waxay kaloo tiri hadal aad u kala fog oo iska hor imaanaya ayna ka muuqato munaafaqnimo wayni “Kuwa dagaalamayaa  go’aan ha ka gaareen siyaasad ahaan inay wadahadal ka qayb galaan, heshiiskii Khartuum ee 2-dii Juun ayaa dhigayay in lawada hadlo !!, qof kastaa ee maqla waxa ka socda soomaaliya waa ka walaacayaa laakiin waxaan rabnaa in la joojiyo rabshadaha oo lawada hadlo”.

Jandaya Frezer waxay hadalkeeda kusoo gaba gabaysay hadal macnihiisu yahay Soomaaliya in ciidamo afrikaan ah oo dhexdhexaad ah aan  la keenayn waayo bay tiri walaaca xaga amaanka iyo dhaqaala la’aan iyadoo bulshada caalamka ugu baaqday inay waajibkooda kasoo baxaan. 

Waa yaabka yaabkiise Jandaye Frazer oo ay tahay inay aad ula socoto arrimaha Soomaaliya ka taagan ayaa waxay muujisay munaafaqnimo aan miitaal lahayn oo ay kolay ku matalaysay wajiga foosha xun ee siyaasada maraykanka ee ku aadan Soomaaliya. Waxay isku dayday inay kala qaybiso xoogagga muqaawamada Soomaaliyeed iyadoo  soo dhowayn been ah u muujinaysa xubnaha Barlamaanka xorta ah doonaysana inay ka fogayso qaybaha kale ee muqaawamadda isla markaasna waxay ogtahay in waxa ay dalbanayaan qaybahaas oo idil ay tahay shay qura oo ah in lasoo celiyo qaranimadii Soomaaliya ciidamadda cadowga itoobiyana ay ka baxaan  dalkeena hooyo, Waxay soo qaaday heshiiskii Khartuum ee Maxkamadaha islaamigaa iyo kooxda Mbagati ku gaareen iyadoo ogsoon in ay ka shaqaysay in kooxda Mbagati burriyaan wixii lagu heshiiyay , diidaana in ciidamada cadowga dalka laga saaro.

Waxay sheegaysaa Jandaya Frazer in  waxa Soomaaliya kasocda laga walaacayo laakiin kama hadlayso xasuuqa ciidamadda itoobiya kawadaan Muqdisho, layaabna malahan taasu waayo kuwa wax xasuuqayaa waxay ka amar qaadanayaan hogaanka ameerikaanka, tan ugu danbaysa ee ay ka hadashay oo ah  ciidamadda Afrikaanka ah ee la rabay in lageeyo Soomaaliya waxay sheegtay in ciidamadamadaas sababta loo gayn waayay ay aaminsantahay in dowladaha Afrikaanku ka walaacsan yihiin amaanka Soomaaliya iyagoona aan doonayn in askartooda lagu dilo dalkaas iyo dhaqaale la’aan sida ay hadalka u dhigtay, taas oo macnaheedu noqon karo in Itoobiya aysan waxba ka qabin hadii ciidamadeeda lagu laayo Soomaliya taasoo hadii qaab kale loo dhigo la macna ah waa askar calooshood ushaqaysato ah oo dhimashadoodu qiimo ku fadhiyin, xaga dhaqaalahana Itoobiya kama walwalsana mar hadii maraykankanku diyaar layahay isagoon waliba doonayn cid aan itoobiyaan ahayn in ay howshaas qabato taasoo tilmaamaysa sida qotada dheer ee maamulka maraykanku cadaawadda ugu hayo dadka Soomaaliyeed.  

Hadalkan masuuladan Maraykanka  ayaa soo bandhigaya jaahilnimada  ka haysata masuuliyiinta Ameerikaanka taariikhda, dhaqanka iyo qaab fekerka shacabka Soomaaliyeed, haduu is leeyahay maraykanku waxaad heshay qaar kuu shaqeeya oo heeryo qaadyo ah, ha aqriyo taariikhda shacabka Soomaaliyeed , kacaankii Axmad guray, kii Sayidka , Halgankii culimada soomaaliyeed ee looga soo horjeeday gumaysiga sida kii gobollada dhexe oo ay hogaaminayeen Xaaji  Aadam iyo Xaaji yuusuf, iyo Sheekh Cali maye-hii Marka, sidoo kale dagaaladii shacabka soomaaliyeed la lagaleen gumaysiga reer yurub sida macrakadii lagu hoobtay ee Lafoole taas oo dersi lama ilaawaan ah ay ugu dhigeen cidkasta oo isku dayda qabsashada dhulka Soomaaliyeed, waa inay xasuustaan wadaniyiintii SYL iyo SNL  kuwaasoo u diiday gumaysiga jiif iyo joog, waxaan naga fogayn 3-dii Oktoobar 1993-dii  ceebtii Muqdisho ka raacday Ciidamadii Marines-ka markii dhulka lagu jiiday maydadkooda, hadaba su’aashu waxaa weeye Gumaysiga Xabashida madow  ma u babac dhigi karaa tumaatida Xoogagga muqaawamada Soomaaliyeed la damcsanyihiin?, jawaabtu waa cadahay, Xabashida waxaa loo dhigi doonaa dersi aysan iloobi doonin ilaa qiyaamuhu ka dhaco ilaahay idanki, xeelada shaydaanka iyo xulafadiisuna waa mid liidata, ilaahay-na waxa uu isku waajibiyay inuu mu’miniinta ugargaarayo sida ilaahay quraankiisa noogu sheegay.  Wasalaamu calaykum. 
 

Qore: Jimcaale Rooble
Jimcaalerooble@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com