SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xawaaladii DALSAN ma daad baaqaaday mise dad?????

Ahmed-haadi Muhumad

Odense Danmark

haadi30@hotmail.com 

Sidaan wada ognahay shirkaddii xawaaladda ee la oran jiray Dalsan barisamaadkii, waxaa halmar si kadis ah        albaabada loogu laabay sanadkii hore qiyaastii bishii sanaad iyadoo markaa ay ahayd shirkad ay wax ku lahaayeen soomaali badan oo dacalada aduunka kala jooga oo isugu jira dad xoogsato danyar ah, waayeel, agoon, oo ka tirsan bulshada qeybaheeda kala duwan. 
Arintaa yaabka leh ee ku timid Dalsan markey dhacday dadkii hantiilayaasha ahaa waxaa ku dhacay jiho wareer iyo war la,aan halka xoolahoodii ku dambeeyeen, waayo waxay waayeen cid u sheegta sida ay wax u dhaceen iyo cidda lunsatahay hantidoodii intaba, taana waxay keentay in dadku is weydiiyo su,aalo fara badan oo ay jawaab u waayeen.

Arintu si kastaba ha ahaatee dadkii hantidoodii lagu dhacay Dalsan waxay isku waafaqsan yihiin, In aan maalkoodii daad iyo dab midna haleelin ee dadkii hantidooda gacanta ku hayay ay lunsadeen qaabkey rabaanba haku xadaane, xoolahoodiina maanta lagu shaqeysto kaliya magacii Dalsan la badalay.

 
Ugu dambeytii waxaan u soo jeedinayaa dadkii mas,uuliyiinta ka ahaa shirkadaas iney ka soo baxaan mas,uuliyadoodii, Allana ka baqaan, dadka dhibanayaasha ahna ay u cadeeyaan halka maalkoodii uu maray iyo cida lunsatay intaba.

Ahmed-haadi Muhumad

Odense Danmark

haadi30@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com