Xarunta SSWC oo lagu qabtay Siminaar ku saabsdan doorka Haweenka ee
Nabadda..
Xarunta
SSWC oo inta badan isku haysa arrimaha Haweenka iyo Carruurta ayaa
maalintii shalay ahayad waxaa lagu soo gebagabeeyey siminaar socday mudo
saddex maalmood ah oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Siminaarkaan ayaa waxa uu ku saabsan doorka ay Haweenku ku leeyihiin
arrimaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaan cashiro ka bixinayey
Sheekh Ibraahim Max’ed Cumar, Qadiijo Axmed Abuukar iyo Yuusuf Barqad
Ducaale, waxaana xiriiriye ka ahaa Barqad Cawaale Aadan.
Siminaarkaas intii uu socday ayaa waxaa si aad ah loo lafa guray sida
nabad loogu soo dabaali karo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta ay
ku leeyihiin Haweenka, waxaana la isku raacay in loo baahan yahay in
Bulshada lagu wacyigeliyo nabadda iyo dib u heshiisinta, sidoo kale ka
qaybgalayaashu waxay soo jeediyeen in nabadda ay ku imaan karto iyadoo
dadka laga dhigo hubka Isla markaana loo noqdo Kitaabka Alle, waxay
kaloo soo jeediyeen in loo baahan yahay hogaan cadaalad ku dhisan.
Mar lag hadlayey dhinaca haweenka, waxay soo jeediyeen ka
qaybgalayaashu in Haweenka la siiyo kaalin mug leh, dhinaca Siyaasadda,
maadaama ay yihiin xoogag jira kana mid ah Bulshada.
Siminaarkaasi waxaa gebagabadii ka hadlay Hinda Axmed Faarax oo ah
kusimaha Hay’adda SSWC, waxayna sheegtay in Siminaarada noocan oo kale
ah ee lagu xoojinayo nabdda y Hay’addu dhowr jeer qabatay kuwaas oo ay
sheegtay in ay ka soo baxeen natiijo wax ku ool ah. Hinda waxay
sheegtayin siminaarada noocaan oo kale ah ay Hay’addu joogteyn doonto si
nabad dalka loogu soo dabaalo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com