Dibigii Caddaa Weli Ma Dhiman!!!
Markii nasiib darrada weyni ku
dhacday dhulka soomaaliya gaar ahaan markii ay ciidamada Xabashidu
“njijaaseeyeen” xeebaha Banaadir iyo Jubbada Hoose, dadku waxay (fag-tii
hore) ku kala duwanaayeen sida loo arkay waxa dhacay iyo sida habboon ee
loola macaamili karo, laakiin 8 bilood ka dib, qof kasta wuxuu yaqiinsaday
inay soo degtay masiibo weyn iyo shar barax la’ oo qof ka aamin ah uusan
jirin!!.
Dilkii akhlaaq xumada iyo arxan-darrada lahaa ee
loo geystey marxuum Maxamed Xasan (Dhiil), xaafadda Sanca ee magaalada
Muqdisho, waxuu far waaweyn wax ugu qorey kuwii aysan weli u kala caddayn
Xabashidu cadaw iyo saaaxiib midka ay yihiin!. Waxay dad badani arkayeen
markii ay isaga iyo mootadiisii ay baabuur weyn dul-marsiiyeen dhulkana ku
malaaseen ee uu sidi xabbad qare ah dhiiggiisii daahirka ahaa u buuxiyey
goobtii ay ku legdeen, ka dibna isaga dhaqaaqeen iyagoon wax xil ah iska
saarin. Haddaba waddanka ay taasi ka dhacayso ma waxaa ka talisa dowlad
Soomaaliyeed mase waa waddan gumaysi ku jira? Ergada shirka (sirta)
dib-uheshiintu ma awoodaan inay arrinkaas iyo kuwa la midka ah uga doodaan
shirkooda??.
Dhibaatada Geeska Afrika waxay
soo jirtey waaya badan, waxayna soo martay marxalado badan, iyadoo marna
kici jirey marna qaboobi jirtey. Colaad kasta oo labada ummadood (Somalida
iyo Xabashida) dhex martay reer galbeedkii hore ee macantableyda ahaa (Sida
Boortaqiiska), shuuciyiintii diin-laaweyaasha ahaa(Sida Ruush-ka), iyo kuwa
maanta dimuqraaddiyadda sheegta (Mareykan iyo xulafadiisa) mar kasta waxay
xigeen dhinaca Itoobiya, waxaana ka go’nayd inay hubiyaan adkaanshaheeda.
Sida la ogyahay Itoobiya iyo
soomaaliya isku mar ayaa bur-bur ku yimid. Itoobiya waa loo soo gurmaday
lana badbaadshey, Soomaaliyana waxaa la maal-gelieyey burburkeeda! Haddaba
dowladdii Maxamed Siyaad ma asal raac ayay ahayd? Sidoo kale waxaa la
burburiyey Dowladdii Carta oo, si ay u qanciso reer galbeedka baabi’say
maxkamado islaami ah oo jirey waagaas, iyadoo dhoofinta dadka la
raadsanayana ay xoogeysatay waagii dowladdass, haddaba maxaa loo burburiyey
maadaama ay diyaar u ahayd inay raalli geliso reer galbeedka?
Maadaama ay caddahay in qorshaha
burburinta soomaaliya uu yahay wax horey loo dejiyey, Maxkamadaha lugu
marmarsoonayayna ay yihiin wax ka dhashay burburintii dowladda iyo
firaaqadii ka soo baxday, maxaa loo qaadan karaa inay nugu haystaan reer
galbeedku iyo reer Bariguba?
Anigu waxaan qirayaa inaanan jawaab aan hubo u
haynin, haddii aysan ahayn inay raadinayaan si ay meesha uga saaraan
sheegashdeenna ah inaan nahay muslimiin 100%.
Maxaa lugu fasiri karaa in waddankeenna ay
dhibaato ka abuuraan (oo qabqablayaashii maal geliyaan), qaxootigeennana
daabulaan? Maxay tahay sababta ay Itoobiya gacanta noo geliyeen? Maxaa loo
fahmi karaa hadalkii Jandai Frezier ee ahaa “Suurta gal maaha iyadoo 70
Milyan ay bad la’yihiin, in 10 Milyan ay haysato xeebta dhererkaas leh!!”
miyuusan meesha kasoo “shiiraynin” shirqool weyn oo soo xaluulanaya..
dhibaatadiisuna ay billow tahay?
Kuwa madaxa ciidda gashada (si
ay xaqiiqada uga dhuuntaan), waxay jecel yihiin in dhacdooyinka laga soo
billaabo Idaale iyo Daynuunaay (oo wax kasta dusha looga tuuro Al-shabaab!),
waxay jeclaan lahaayeen in xasuusta laga masaxo taxanaha taariikhda gobolka
iyo sababaha runta ah ee degganaanshaha u diiday. Dhacadaii 11 sept dhowr
maalmood ka dib liis “madow” oo la soo saaray, soomaaliya way ku jirtay
iyadoo markaas aysan ka jirin wax halis ku ah reer galbeed iyo cid kale
toona, Haddaba sow meesha kama muuqato in mar kastaba naloo dan lahaa?
Waayuhu casharro badan waa noo
dhigeen haddii aan wax ku qaadanayno. Waxaan soo barannay inaan duruufuhu
xaalad kaliya ku nagaan oo ay is-beddelaan. Ilaahay waxba lama aha inuu
(goor dhaw) na tuso xabashi oo hilbahooda la weray, meel kasta oo ay
Soomaliya ka qabsadeenna laga dahiray. Guusha iyo guul darrada Ilaahay baa
go’aankeeda leh, waxaase naloo kaga baahan yahay inaan waajibkeenna gudanno
si aan u filanno guusha Alle.Waxaa laysaga baahanyahay samir. Dagaalku cid
uusan xanuunjinayn ma jirto.
Muuqaalka runta ah ah ee Muqdisho!!
Muuqaalka runt ah ee Muqdisho waxaa tusaale u
ah: 25 July 2007, Ciidamo Itoobiyaan ah miino kula kacday jidka warshadaha
ilaa uu hilibkoodii kor fuulay guryaha saqafyadooda!! Isla habeenkaas
agagaarka Hotel Ramadan meel aan xaafaddayda u dheerayn ayaa Ciidamada
dowladda FKMG ay wadar-abaadiyeen dumar qaarkood waayeel yahay qaarna umulo
qaarna carruur yar yar… maalintii xigteyda oo ay mudaaharaad usoo baxday
xaafaddii falkaasi ka dhacay, iyo ciidamada dowlada (isla kuwii falka
geeystay) oo xabbado ku kala eryey.. sidoo kale nin aan deris nahay oo xiran
muddo ka badan bil.. oo lasheegay inaan ilaa iyo hadda la weydiinin wax ka
badan magaciisa!!!! Arday iyo macalimiintoodii oo laga kaxaystay dugsi ay
wax ku baranayeen, dad bukaan ah iyo dadkii la joogay oo lagala baxay
Isbitaal…iyo reer gurigoodii dab la qabadsiiyey markii wiilashoodii lala
baxay ka dib. In marka la arko muuqaalka ciidamada dowladda iyo
Itoobiyaankooda laga kala cararo si aysan ugu ciil bixin marka
ay mujaahidiintu xanuunjiyaan!!..Habeenkii Xabashida, dowladdeeda, iyo
shacabkaba waxaa usoo hoyda argaggax, cabsi iyo welwel. Dowladda iyo
Itoobiyaanku waxay ka baqaayaan in lasoo weeraro (waxaa casho joogto ah
looga dhigay qarax iyo dhimbilo), shacabkuna waxay ka bayaan in laga
aargoosato. waa meel la wada baqaayo, Shacabku waxay ka baqayaan xabashida,
xabashidu waxay ka baqaysaa mujaahidiinta, mujaahidiintuna waxay ka
baqayaaan Allah!!.
Muuqaalka beenta ah ee Muqdisho!!
Shirka (sirta) dib-uheshiisiinta qaranka oo ay
fadhiyaan ku dhawaad kun ergo ah oo ka kala socota qabiillada soomaaliya!
Hawl kasta oo socota ujeeddadeeda wax uun baa laga fahmaa marka laga reebo
shirkaan. Waxaa isugu yimid qeybaha bulshada soomaaaliyeed ay ka koobantahay
qaarkood sida :Aqoon-yahan, culimo, kaluundi, muqayil, qaac-raac,
geeda-fuul, foor-foorshe, anaanuf, ardaal, tubaaka-cun, fuumatoore,
nay-nayle, buuta-foori, daanaq, il-kuleeble….looma kala harin. Waana laysku
dhex-jiraa!! Waa dhab inay qabiillada Soomaaliyeed oo dhan ka kooban
yihiin!.. laakiin yay la dagaashan yihiin kuwaasi oo ay la heshiinayaan?.
Wax kasta waxaa ugu muhiimsan lacagta ay hay’adda UNDP ugu tala gashey
socodsiinta shirka.. Natiijada kaliya ee ka soo bixi karta shirkaas waxaa
waaye “Itoobiya waa ku saxnayd inay soomaaliya qabsato, waxayna sii joogi
kartaa inta ay doonto!!” cidii natiija kale ka sugta waxay biya moodday
dhaan-daba gaalle, wayna ku hungoobi doontaa.
Waxaa yaab leh sida xirfadda leh ee loo soo
xulay dadka shirka hogaaminaaya. Mudane Cali Mahdi waxaa muuqata inuu
kasbaday xirfad cusub oo xagga jilitaanka ah. Isagoo og in muhimmadda shirku
ay tahay dhaqaalaha UNDP, haddana wuxuu awoodaa inuu yiraahdo waxaan wadnaa
dib-heshiisiin!. Waa kee qofka aaminsan in dhibaatada soomaliya lagu
xallinayaao reer hebel ayaa loo “hoyday” iyo beel heblaayo ayaa cimaamad la
saaray??! Mudane Mahdi wuxuu ogyahay inay dad badan oo xigtadiisa ah ay
xabsiyada ka buuxaan iyadoo badankooda wax lugu haysto aan la ogayan. Wuxuu
ogyahay in daka guryahooda lagala baxo meel lala aadayna uusan weydiin
Karin. Wuxuu ogyahay in dalka cidda ka talisa aysan ahayn dowladda
federaalka soomaaliya, balse ay tahay dowladda federaalka Itoobiya. Wuxuu
ogyahay in arrintu ay aad uga qotta dheer tahay in xoogaa kitaabo ah la
dhex dhigo dad aan ixtiraam u haynin oo ay kala boobaan, qaarkoodna horey
suuqa laga geeyo.. Annaguna waxaan ognahay inuu Itoobiyaanka uga hortegay
Afgooye kuna yiri “Soomaalida hubka xoog uga dhiga!!”. Xasuusin: Mudane
Mahdi (wax kasta haddii la sameeyey) waxaa laga qancin waayay mar ay ku
fudaadeen qaar ka mid ah ciidamadii maxaakimta oo ay ka qaadeen hub lagu
waardiyaynayay, Ilaa ay madaxdii maxaakimtu ay idaacadaha si cad uga
cudur-daarteen, Muxuu rabaa in lagu qanciyo kuwa iyagoo arkaaya xaasaskoodii
ay gaalo hortooda ku fuushey? Kuwa wiilashoodii lala baxay habeen madow oo
aan raadkooda iyo raqdooda la hayn? Kuwa maalin kasta ay xabashidu iyo
mooryaantu ku shiish bartaan? Kuwa inta masaajidda laga kaxaystay lagu soo
gaday kummanaan dollar.? Ma awoodaa inuu hawlahaas oo hordhigo shirkiisa??
Yaa fiican Ciidamada Dowladda iyo
Itoobiyaankeeda??!
Yaa roon dhurwaa iyo waraabe??. Waxaan maqli
jirey “markii Furuq la arko waraabow fara ka leef-leef ayuu noqdaa”, markii
Xabashi la arko mooryaan waxuu noqotay i qarso, marki laga reebo kuwa
soomali la moodi jirey laakiin ay caddaatay inay xabshi ahaayeen. Mooryaanu
inta badan dadka wey xirtaan si ay u gataan, laakiin xabashidu qofka ay
qabsadaan xitaa haddii aysan goobta ku dilin ma jirto cid kala hadli karta
kuwa ugu sarreeya ee isu haysta inay keensadeenba ha noqotee!! Waxaa wax
lala yaabo ah in inta badan dadka ay dileen ama ay xireen ay yihiin kuwii
iyaga taageeri jirey.. waxaan garan waayay inay tahay caddaaladdii Allee oo
soo deg-degtay iyo inay si kale wax u jiraan!!
Durdurada Maxamed Dheere & wadka loo siman
yahay!
Waxaan inta badan maqalnaa Maxamed Dheere oo
yiraa wax kasta cagtaan marihaa.. cidii xabashi isku taagta carradaan ku
noolaa mayso!, iyo Qeyb-diid oo leh kolley dadka Burcad uma marin doonno!
Laaakiin waxay illoobeen in wadka loo simanyahay. Waxay moodeen kol haddii
ay Xabashi Xamar timid in adduunkii halkaas ku dhamaaday, laakiin durdurada
waa looga horreeyey..waana looga dambayn doonaa. M. dheere beri ayuu Jawhar
xukumi jirey, meel kasta wuxuu moodaa Jowhar. Muqdisho Jowhar maaha,
Al-shabaabna Mooryaantii uu marada u taagi jiretey maaha. Arrin kasta waxay
leedahay duruufteeda iyo xalkeeda. Koleey wuxuu u shaqeynaayo waa Xabashi,
waxa uu tacbahaayana waa godob, suuska uu ku ahmaahdo ayaana loogu gudi
doonaa.
Ma shan- baalaa shuqulkiisa!! Shimbirow
shuushi yaqaane!!
Ka ganacsiga dadku maaha wax ku cusub Soomaliya
gaar ahaan Muqdisho, laakiin Maxkamadihii Islaamiga ka hor waxaa laga
ganacsan jirey dadka aysan qabiilladoodu hubysnayn. Laakiin markii waddanka
loo qabtey kuwii dadka ku gadi jirey Sii-sii, Sey-biano iyo Bermuda, waxaa
muuqata inay ganacsigoodii sii ballaariyeen, oo markaan ay cid kasta gadmi
karto. Sida ay badeecadu u kala qiimi sarreeyso ayaa dadkuna u kala qiima
sarreeyaa. Sida badeecada sicirkeedu ugu xiran yahay dalkii ay ka timid,
dadkuna wuxuu qiimahoodu ku xiranyahay qabiilkooda, astaamahooda diimeed,
bal-wad la’aantiisa iyo xoolaha ay haystaan.
Kufsiga Qaranka Iyo Kufsiga Muwaadiniinta!!!
Waxaan marar badan maqalnaa ciidamada dowlada oo
kufsaday.. qof dumar… islaan waayeel ah.. mid umul ah.. gabar yar… waxaa
muuqata in markii ay xarig la kala gaari waayeen ay goosteen inay
“caarkooda” uga caana maalaan!.
Wargays la oran jirey SHUMAC oo kasoo bixi jirey
waqooyiga Muqdisho sanadkii 1992-dii wuxuu qoray in taccaddiyo kufsi ah oo
ka dhacay xaafada Shangaani ay qaar ka mid ah masuuliyiinti xilligan ee
gobolka Banaadir si shakhsi ah ugu lug lahaayeen … .hadii uu qoraalkaasi run
ahaa ….. ma moodaa inay dhacdooyinku is-fasirayaan?? Kol haddi ay nimankaasi
kufsadeen Qarankii Soomaaliyeed, maxay la tahay inay muwaadiniinta
kufsadaan??
Xiddig kale ayaa dhacay!!
Markii ay barwaaqada tahay ama libin lugu jiifo
raggu waa wada rag.. garka iyo “qurdaha” waa laga simanyahay.. laakiin waxaa
lays bartaa markay dhanaanaato.. Xaaji Cabdi imaan Cumar iyo C/llaahi Sh.
Xasan, lagama filayn inay meeshaas ku leexdaan, laakiin rag meeshii loo
malayhaayay ka hoos maray waa badan yihiin.. haddii uu dariiqu dheeraado waa
iska caadi in qofba meel ku xiiqo …. dhib ma laha waa muhiim in “ragga” iyo
“rahu” ay kala cad yihiin! meeshaan dhex-dhexaad ma jiro qof kasta wuxuu xaq
u leeyahay in uu ka soo jeesto meeshii uu saxda u arko!! hangaraac-na lug
kaliya uma dhutiyo!
Mooshinka Baarlamaanka !!
Qofkii mar uun tega xarunta barlamaanka ee
Baydhabo.. waxaa u caddaan lahayd waxa lugu sheegay barlamaanku waxa ay
yihiin. Wuxuu arki lahaa muqayiliin marna marqaansan, marna qaadiraysan..
marna hurdaysan. Waxaa isweydiin leh ma run baa inay dan ka leeyihiin in
xukuumaddu wax qabato iyo inaysan qaban???? Maxay tahay wax qabadka ay
xukuumadda ka sugayaan kol haddii waddanka in la gumaysto ay sharciyeeyeen?
Haddii ay dhab tahay in uu jiro mooshin wax lugu ridayo waxaa hubaal ah inuu
jiro qof ay Itoobiya nacday!! ee tolow waa kee qofkaas?? Safarka deg-degga
ee Prof. geeddi ee Adis-ababa waxaa loo fahmi karaa inuu isagu isu qaatey
cidda loo dan leeyahay.. uuna goostey inuu isa soo “dahiro!”, waxaana
muuqata inuu ku guulaystay (ugu yaraan waqtigaan!).
Dhaqaalaha Dekedda Iyo Garoonka Muqdisho.
Waxaan arkay warbixin ay soo saareen guddi lugu
sheegay inay ka tala bixiyaan ama kormeraan lacagaha ka yimaada dekedda iyo
garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaan hubaa inay astureen ceebo badan
laakiin.. arrin waxaa jirta ka baxsatay.. dekedda iyo garoonkaba lacagahooda
kuma filna..kharashaadka ay u baahanyihiin , xitaa ciidamada ilaaliya wax
mushaar ah ma qaataan!!! Waqtigii Maxaakimta garoonka iyo dekedda waxaa
mushaar ka qaadan jirey dad ku dhow labaatan kun oo qof (haba u badnaadeen
ciidamadii maxaakimta..), haddaba maxaa is-beddelay iyadoo la ogyahay in
cashuurihii la laba laabay ???? jawaabtu waa koobantahay.. waddanku gumaysi
ayuu galay. Tusaale ahaan dadka Ciraaq waxay ka mid ahaayeen dadka ugu
dhaqaale iyo nolol fiican caalamka, maanta maxaa xaalkood yahay??
Baasaboorka cusub & mixnad kale!
Waxaa muuqata in dowladda federaalku aysan ka
tegayn dariiq kasta oo ay dadka ku cariirin karto, waxaa war ka taaganyahay
baasaboorka cusub ee soo saareen. Bishii June billowgeedii Col. Gaafow oo
soomaalidu aad u taqaanno ayaa yiri bishaan wixii ka dambeeya luguma safrin
doono baasaboorkii hore…Waxaan is weydiiyey Col. Gaafow waa ogyahay inaan
muddadaas waxba ku suurta gelayn.. ma is-yeel-yeelayaa mase wax loo soo
qoray ayuu akhriyey? Baasaboor-ka cusub inuu hir galo wixii fududayn lahaa
ma samaysay dowladdu, immisa meelood ayaa laga heli karaa Baasaboorka Cusub?
Aaway baasaboorka dukumintigii ka horreyn jirey oo laga tix raaci jirey
qofka baasaboorka loo samaynaayo.. waxaan ognahay inaysan jirin dukuminti
aqoonsi iyo sugnaan midna .. sida aan ognahay waxaad u baahantahay inaad
lacag bixiso oo aad soo qaadato baasaboorka cusub. Haddaba muxuu kaga duwan
yahay midka yaalla suuqa C/lla shideeye , inuu ka qaalisanyahay maahee?
Bishi July sidoo kale waxaa ka hadlay Prof.
Geedi isagoo u qabtey muddo cusub oo ah laba bilood. Haddaba waxaan hubaa
inaan muddadaas waxba suurta gelayn lakiin waxaa laga yaabaa inay tahay tab
kale oo lagu ciqaabayo muwaadiniinta.. si looga dhigto sabab kale oo qofkii
la doono lugu xirto si looga xoola qaato!!
Ganacsatada Bakaaraha & taladii sheekh
Fu’aad
Waxaan xasuustaa in maalin uu Sh. Fu’aad Mohamed
Khalaf (Allaha dhowree) uu ka istaagay masaajid ku yaalla Suuqa Bakaaraha
intii uu socday dagaalkii weynaa ee Muqdisho ku dhex maray kooxaha iska
caabbinta iyo Itoobiyaanka, wuxuu ku yiri waar niman yohow naftiinna iyo
maalkiinna hadda isku difaaca, wallaahi haddii ay wiilasha yar-yar ee hor
taagan soo jiraan, in aydaan si xor ah u ganacsan doonin… waaad ka shallaayi
doontaan hadii aad moodeen in Xabashi ay dad gaar ah raadsanayso!! Maanta
hadalkiisii ma soo baxay mase maya? Jawaabta waxaan u daynayaa ganacsatada
bakaaraha (Haddii ayba wax akhriyaan!!).
Al-shabaab & walaalohood!!
Afkii lugu yiri is qaban waa.. ilaa Oday Bush ..
Condaliza… idaacad kasta oo aad dhegeysato xitaa haddii aadan fahmayn…waxaad
ka maqlaysaa “Al-shabaab”. Maxay yihiin A-lshabaab iyo walaalahooda ay isku
dariiqa yihiin? Qola kasta waxa ay jeceshahay ayay ku sheegtaa. Reer
galbeedku waxay ku sheegaan argagaxiso, Prof. Geeddi wuxuu ka daba yiraa
waxa ay dhahaan .. Maxamed dheere wuxuu ku sheegaa qabiil!! Al-Islaax
(garabka fasakhmay) waxay ku sheegaan niman gacan fudud oo faham-koodu
hooseeyo… Culimada dowladdu waxay ku sheegaan niman dowlad diid ah oo mudan
in la ugaarsado!! Britsh Broadcasting Corporatioj waxay ku sheegtaa niman
mayal adag… idaacadaha Muqdisho waxay ku sheegaan.. dabley aan haybtooda la
garanayn!!! Bashiir Raage wuxuu jecel yahay inuu ku sheego Gafuurra-duub!!..
Bulshada Rayidka ahi magacooda waa iska ilaaliyaan inay si furan uga
hadlaan, laakiin warbixinnada hoose ee ayay ku qoraan. Iyagoo sheega inay
halis ku yihiin mashruuca reer galbeedka iyo xabashida ee waddanka!!
Maadaama siyaabo kala duwan looga hadlay.. anna
ii oggolaada inaan ugu yeero "dhacantii ummadda", (ooddii) umadda.. difaacii
umadda.. xayn-daab ay dhurwaayadu ka caageen ilaa dugaagga caalamka oo dhan
uu isugu yeertay…..kuwa taariikhda cusub ee Geeska Afrika ku qoray
dhiiggooda.. kuwa aan geerida ka haybaysan…waxaan u haystaa inay yihiin
mujaahiddiin.. inta aan ka aqaanno midkoodna kuma ogi inuu xoola
jecel-yahay, ama inuu qabiiliiste yahay. Waxay ila tahay in xitaa qofkii aan
iyaga jeclayn uu jeclaado sida ay xabashida u halakeeyaan!.Sida ay dhagar
qabayaashu.. uga cabsanayaan, iyo sida aysan dheg jalaq ugu siinayn caga
juglaynta . Waxay ila tahay inay ixtiraam mudan yihiin!
Run ahaantii ma jirto aqoon hore iyo xiriir toos
ah oo igala dhexeeya laakiin waxaan ahay shaahid dhacdooyinkii Muqdisho
dhamaantood xaadirey iyo goob-jooge xaq u leh inuu makhaati furo..Ma
difaacaayo khaladaadkooda. Ma diidani inay muqanayaan daldaloollo.. laakiin
qof kasta waxa uu yahay haloo qiro!! Haddii ay khalad leeyihiin dadka kale
ayaa ka khalad badan. Waxay ila tahay qofkii doonaya inuu u caqli celiyo
inuu marka hore garabkooda soo istaago.. qofkii sidaas yeela oo kaliya ayaa
xaq u leh inuu khaladaadkooda tiriyo, qofkii aan sidaas yeeli karin ha iska
aamuso dhinacii guulaysta ayaa u talin doonee!
Maxay uga carareen Goobaha dagaalka?
Qofkii wax ka yaqaanna xeeladaha dagaallada
wuxuu ogyahay inaysan markii horeba sax ahayn qaabka golihii Maxaakimtu u
wajaheen dagaalka ay la galeen Itoobiya iyo reer galbeedka, Su’aasha saxda
ay waxay tahay maxay markii horeba u doorteen iska hor-imaadka furan.. oo ay
u dooran waayeen dagaalka “ka dhuumo-oo-gaad!”.. kaasoo ah kan kaliya ee
lugu wajahi karo aaladaha halista ah ee ay haystaan Itoobiyaanka iyo kuwa
tageera?? Su’aashaas anigu jawaab uma hayo… laakiin waxaan hubaa in dagaalka
ay hadda kula jiraan Itoobiyaan iyo taageerayaashooda uu yahay kan kan
kaliya ee wax looga qaadi karo… Haddaba qofkii aaminsan inay ka carareen
goobaha dagaalka ..waxaan leeyahay ha deg-degin.. dagaalku hadda ayuu billow
yahay .. dhacdooyinka hadda socda iyo kuwa la sugayana waa markhaati aan
laga murmi karin!!
Arrin aan ka wel-welsanahay!!
Waxaan kalsooni badan ku qabaa inaan Itoobiya
sii haysan karin soomaaliya, waxaana haddaba muuqanyasa inay billaabeen inay
xiiqaan, laakin midda aan ka wel-welsanahay waxay tahay kooxaha kala duwan
ee la dagaallamaya Itoobiyaanka isku ujeeddo ma yihiin? Khaladaadkii hore ma
la garowsaday, mase lagu waana qaatey? Waxaan hubaa inay ka simanyihiin in
Soomaliya laga xureeyo Gumaysiga qabsaday dalkana lugu xakumo shareecada
Islaamka.. laakiin qaabkee ayaa loo wajahayaa? khasab maaha in 100% isku si
wax loo fahmo laakiin waa in laga midaysan yahay goolka muhiimka ah ee iyo
mabaadi'da asaasiga ah ee aan gor-gortanka geli karin.
Arrinta kale ee aan ka welwelsanahay waxay tahay
wax yeellada howl-gallada qaarkood ka soo gaareysa shacabka, iyadoo markii
ay cadawga wax gaaraan uu ku ciil-baxo shacabka, sidoo kale waxaa marrar
badan dhacda in nabar cadawgii loo waday uu si kma’ ah dhibaato ugu gaysto
dad shacab ah oo meesha ka dhawaa. Waxaan rejeynayaa in mustaqbalka ay
arrintaas wax is ka beddelaan oo hawl-gallada loo qorsheeyo sida cadawgana
ugu dhibaatada badan, shacabkana ugu dhibaatada yar.
Eretrea iyo Itoobiya waa laba waddan oo ay
Muslimiintu ku badan yihiin laakiin ay kirishtaanku (Orthodox) xukun adag
ku haystaan, hase yeeshee waxa kala duwan danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin.
Itoobiya waxay doonaysaa inaan soomaaliya cagaheeda isku taagin ama ay ka
dhalto dowlad ay iyadu xukunto oo aan wax tar ahayn. Eretrea waxay doonaysaa
in ay Somaliya ka dhalato dowlad xoog leh oo Itoobiya khatar ku ah.
Inkastoo ay iska yaryiin waxa ay qaban karto haddana waxba kuma jabna in
xilligaan la kaashado (ugu yaraa inta ay u hoggaansamayso cadaadiska reer
galbeedka.) kol haddii ay tahay dowladda kaliya ee si cad u sheegtay inay ka
soo horjeeddo qabsiga Itoobiya ee waddanka.
Sidee waddanka lugu xorayn karaa?
Waxaan arkaa dad badan oo aqoon yahaynno ah oo
warbaahinta (siiba internet-ka) wax ku qora . Waxaan aad ula yaaba marka ay
qaarkood yiraahdaan .. rabshada hala joojiyo oo Itoobiyaanka fursad hala
siiyo.si loo arko waxa ay sameeyaan. dariiq nabad ah halugula dagaallamo!!
Dariiqii Mahatma Gaandi iyo Nilson Mandella!! Itoobiyaanka ha lala shaqeeyo
si ay nooga tagaan!!! Caalamka ay sheegayaan sow maaha midka annagoo
war-moog ah nugu darsaday liiska waddamada ugu khatarsan aduunka?? Caalamku
ma aha kii falsafadda Gaandi ay ka socon jirtey.. meel kasta waxay leedahay
duruufteeda waxayna u baahantahay xalkeeda.. Annagu halkaan waxaan si ficil
ah u aragnay in Itoobiyaan qof ixtiraama uusan wax aan akhlaaq-xumo ahayn
kala kulmayn!!
Beled-weyn iyo dibiga guduudan!!
Waxaa soo muuqanaaya ifafaale ah in Beleweyn ay
ku socoto jidkii Muqdisho, Beledweyn waa magaaladii ugu horreysay oo
Itoobiyaanku gulufkii ugu dambeeyey kusoo galeen, maamul loo sameeyo iska
daaye waxaa la billaabay in layska hor-keeno jawaasiistii itoobiyaanka.
Waxay xabashidu Beledweyne ka dhigteen xarun ciidan oo ay ka ilaaliyaan
ciidankooda jooga Koonfurta soomaaliya kana weeraraan dadka soomaali Galbeed
ee ka soo horjeeda gumaysiga.
Haddaba sheekadu sow kuma socoto tii dibiga cad,
dibiga guduudan iyo dibiga madow? Waxaa hubaal ah in Itoobiya aysan ku ekaan
doonin Xamar iyo Beledweyn. Haddii magaalooyinka qaar iska dhaadhiciyeen
inay ka aammin yihiin dhibaatada Muqdisho oo kale, ha ogaadeen in magaala
kasta ay markeeda la bood-boodi doonto.. iyadoo inaysan jirin magaalo
kaligeed is difaaci karta looguna naxariisan doonin aamusnaanta ay manta
aamusan tahay.
Nasiib wanaag waxaa muuqata inaan dibigii
caddaa(Muqdisho) uusan weli dhimman, laakiin isaga iyo dugaaggii cuni
lahaaba ay dhaawac yihiin, waxaa weli la haystaa fursad dahabi ah oo si
wada jir ah looga hortagi karo, waxaana laga yaabaa haddii ay daycanto
farsaddaasi inaan dib dambe loo helin. Waxaan rejeynayaa inaanan la
shallaayin waqti uusan shallaay wax tari doonin sida ku dhacday ganacsatada
Bakaaraha oo kale oo ku riyoonayey in xoogaa laaluush ah oo ay siicaan
jawaasiista ay iyaga iyo xoolahooda badbaadin doonto!!
Wixii aan saxo waa I waa fajiyey Allaah, wixii
aan khaldana waa naftayda daciifka ah iyo sheydaan.
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
12, 2007


|