SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xil & Xilligaan!!

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)
E-Mail: dirham114@myway.com
E-Mail: cabdiraxmaandirham@hotmail.com

 Dagaalkii qaraaraa ee Dowladda Federaalka oo garab ka heleysa ciidamada wadanka Itoobiya iyo Maxaakiimtii Islaamiga dhex maray, kadib waxay Dowladda Federaalka la wareegtay Gobalada Soomaaliya intooda badan gaar ahaan Magaalada Muqdisho, inkastoo lagu xanto in aysan dhanka amniga wax badan ka qaban, haddana waxay si rasmi ah u bilowday in ay dhameystirno waxyaabihii ay is lahayd waa ay kaa dhiman yihiin, waxayna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi bilaabeen magacaabidda xubno hoosaadyada Dowladda sida Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo ku xigeenadooda, Taliyayaal ciidan iyo ku xigeenadooda iyo xilal kale, oo loo magacaabay qaybo badan oo ka tirsan Gobalada dalka, waxaana soo baxay is qabqabsiyo ka dhashay magacaabista xilalkaasi cusub, maadaama ay jireen dad badan oo ka biyo diidsanaa wadiiqada ay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka u mareen magacaabista xilalkaa cusub, waxayna taasi keentay in xubnihii loo magacaabay xilalka cusub qaarkood gudan waayeen xilalkii loo magacaabay halka qaar kalana, markii ay dooneen inay u holadaan hawshii Dowladda Federaalku u xilsaaratay ay naftoodii ku waayeen.

      Maqaalkaan aan ugu magacdaray Xil iyo Xiligaan, ayaa qoraalkiisa waxaa igu dhaliyey markii ay dhacday in xubno badan oo Dowladda Federaalka ka tirsanaa la dilay, qaarkoodna dhaawacyo loo gaystay ay markii dambe u dhinteen, waxaana xubnihii ugu dambeeyey oo ay kooxo aan la garaneyn ay dileen ka mid ahaa guddoomiyihii Degmada Yaqshiid iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Dharkeenlay, balse Inta aanan u guda gelin waxa keenay dilalka lala beegsanayo xubnahaasi oo ay dad badani fasiraadyo kala duwan ka bixinayaan, waxaan jeclahay in aan marka hore idin xusuusiyo in Soomaalidu ay ka mid tahay adduunka dadka ku nool kuwooda ugu xilka jecel, waxaana dhacda in qofka Soomaaliga ah si uu xil ku helo uu wax badan oo xitaa ku xadgudub diimeed ah u sameeyo, xil jaceylka Soomaalida waxaa tusaale weyn loo soo qaataa heerka uu maanta wadankeena  Soomaaliya gaarsiisan yahay, halka Caalamka uu horumar marba marka ka dambeysa ku talaabsado Soomaaliya iyadu waxay horumar ka sii sameysaa fowdada iyo qalalaasaha jahwareerka badan abuuray ee ubaddkii Soomaaliyeed ee soo hanaqaaday iyo wayeelkiiba kala lumiyey.

      Heerka xil jeceyl, Soomaali waxaa la dhihi karaa waxa uu marayaa 1000c , oo ah heer kulul aad u sareeya oo kulka ka soo baxa uu nafta ruuxa bini’aadamka ah jari karo, wayna muuqataa runtii in dhibaatada Soomaaliya ku habsatay ay dad badan god u galeen, oo intooda badani aan waxba galabsan, halka qaarkoodna ay dunida dacaladeeda darxumo ku nool yihiin.

      Xil Jaceylkii Soomaali ee sidaa ahaa ee ay wax badan ku soo qaribeen, ayaa haatan waxa uu ku soo biyo shubtay in laga cararo amaba uu dhuumasho tago qabashada xilalka qaarkood, haddiise uu shaqsi ku adkeysto in uu xil hebel qabto, waxay dani ku kaliftay in uu sameysto waardiye har iyo habeen dul taagnaada, waxa uu ku soo kacaa jawi qariban oo naxdin ayaa hareereysa, waaba haddii uu soo toosee, waxayna in badan oo dadka ka mid ah sheegeen in Xil iyo Xiligaan lagu tilmaami karo (godka gal aan kugu gubee).

      Nin da’ ah oo waayo araggii hore ka mid ahaa, ayaan maalin la sheekeystay, waxaan weydiiyey sababta xubnaha xilalka ka haya Dowladda Federaalka loo beegsanayo, ninkaasi ayaa qoslay oo yiri “Maandhow, waqtigu waa uu is bedelaa, oo hadda ciddii xil raadisa iyada ayaa godka is gelisay, sida aan qabana, xil iyo xiligaan iskuma wanaagsana, waxaana u soo jeedin lahaa dadka xil doonka ah in ay marka hore haagaajiyaan kuwa xilka ku haysta”, “oo sidee ayay u hagaajin karayaan?” ayaan Odeygii weydiiyey, waxa uuna iigu jawaabay “way fududahay, waana iyadoo xaqiiqda laga run sheego oo meel la isugu keeno kuwa xil doonka ah iyo kuwa u diidan, islana gartaan waxa ay isku hayaan”.

      Ma yara aarada kala duwan oo ay ka bixiyaan shacabka Soomaaliyeed, xaaladda haatan taagan ee xil iyo xiligaan, waxayna sheegeen in badan oo dadka ka mid ah in Xiligaan uu yahay midkii ugu xumaa oo ay weligood arkaan, waxay sheegeen in Soomaali iminka isku koobneyn oo ay gacmo kale soo kordheen, isla markaana xiligaan dhinacyadii kale ee arrimaha Soomaaliya lugta ku lahaa iyo Soomaaliba xeerada gunteeda isugu yimaadeen, xaalkuna taagan yahay iga duruq, sidaa darteedna xil lagu kifaaxo oo garabka loo rito aysan hawl yareyn, balse ciddii indho adeeg sameysa iyana lagu indho adeegi karo, waxayna hadalooda ku soo koobeen (Xil iyo Xiligaan!!) oo ay Calaamatul cajiib weyn dul dhigeen, taas oo marka la fiiriyo noqon karta in la yaab laga muujinayo madaxtinimo xiligaan la raadiyo, sidaa darteed akhriste maxaa kaaga baxay (Xil iyo Xiligaan).

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)

E-Mail: dirham114@myway.com

E-Mail: cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com