Barnaamijkii Radio
Xoriyo
-
Dadwayne gumaysigu ku laayay meelo kala
duwan.
-
Xidhay iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u
gaystay dadwaynaha.
-
JWXO oo beenisay guul gumaysigu sheegtay.
-
OHRC oo shir jaraaid ku qabatay hoolka
caalamiga ah ee magaalada Geneva.
-
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo
gudoomiyaha JWXO oo ka dagay Washington DC
======================
Dadwayne gumaysigu ku laayay meelo kala duwan.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dad shacab ah ku laayay.
07/08/07 Maraacaato waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen dhawr nin oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay;
04/08/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen
Lix-irridood nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray; Dayr Aaden
Dalwiye.
02/08/07 Shilaabo waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin lagu magacaabi jiray;
Fiixiye Cabdi Salal
Dhinaca kale weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen
kuwa gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare markii ay
taariikhdu ahayd 01/08/07, waxay ugu gaysteen khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Xidhay iyo waxyeellooyin kale oo gumaysigu u
gaystay dadwaynaha.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiy ayaa
dadwayne rayad ah meelo kala duwan ku xidhxidhay. Waxay sidoo kale
ciidammada gumaysigu hanti ka dhaceen dadwaynah.
09/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Ceel-Ogaadeen
ku xidhxidheen dadka kala ah;
4-
C/llaahi Xasan Cabdi iyo
5-
Sangaab oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
08/08/07 magaalada Dalaad waxay ciidammada
gumaysigu ka qaqabteen dad rayad ah oo lagu xidhxidhay magaalada
Qabridaharre. Dadkaasi waxay kala yihiin;
2-
Maxamed-Wali Cabdi Salal iyo
3-
Barkhadle Mursal Cagoole.
07/08/07 waxay ciidammada gumaysigu dad shacab ah
ka qaqabteen Maraacaato, kuwaasoo ay ku xidhxidheen magaalada
Qabridaharre. Dadkaasi waxay kala yihiin;
05/08/07 Yucub waxay ciidammada gumaysigu ka soo
qaqabteen dad shacab ah, kuwaasoo ay ku xidhxidheen magaalada
Wardheer. Dadkaasi waxay kala yihiin;
3-
Qalalab oo magaciisa buuxa aanaan haynin iyo
06/08/07 magaalada Sagag waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
2-
Muxumed C/raxmaan Cirro
3-
Axmed Aarbe Gaaxnuug iyo
4-
Xafsa Maxamuud Cabdi Qaybe
06/08/07 Cadaley, waxay ciidammada gumaysigu
hanti kaga boobeen dadwayne deegaankaas deggan. Dadka hantida laga
boobay waxaa ka mid ah;
1-
Shukri Kaariye oo laga dhacay 4000 oo Bir iyo
2-
Muxubo oo magaceeda buuxa aanaan haynin, taasoo
laga dhacay 12 Neef oo Adhi ah.
JWXO oo beenisay guul gumaysigu sheegtay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa
beenisay war xaqiiqada ka fog oo ka soo baxay wasaarada
gaashaandhigga gumaysatada Itoobiya oo sheegtay inay guulo waawayn
ka soo hoyisay hawlgal millatari oo ay Ogaadeenya ka fulisay.
Guusha ay xukuumadda Itoobiya sheegatay ee ah
inay guulo millatari ka soo hoyisay Ogaadeenya waa hadal aan xaqiiqo
ku fadhiyin, isla markaana loogu talagalay in ballanqaad nabadgelyo
oo been ah loogu fidiyo sharikadaha shidaalka oo taliska Addis Ababa
oo ka codsanayo inayna ka noqonin qorshayaashoodii ahaa inay shidaal
ka soo saaraan Ogaadeenya, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ay JWXO
soo saartay.
JWXO waxay bayaankan ku sheegtay in ciidammadeedu
ay leeyihiin awood ay dalkooda ku difaaci karaan, taabba-galna
yihiin. Waxay kaloo JWXO caddaysay in taliska Meles Zenawi uuna
gacanta ku haynin dalka Ogaadeenya, taasoo ku kalliftay siyaasada ah
inay saxaafadda caalamiga ah dalka u diiddo, isla markaana ka
caydhiso Ururka Laanqayrta Cas.
Waxaa sidoo kale bayaankan lagu shegay in sii
wadista hawlo shidaal iyo gaas dabiici ah laga soo saarayo
Ogaadeenya oo xaaladdan ku sugan lagu macnayn karo oo kaliya
masuuliyad xumada horseeday in taliska Addis Ababa uu denbiyo dagaal
ka galo dadwaynahayaga rayadka ah.
JWXO waxay mar kale sheegtay inayna marna
oggolaan doonin in taliska gumaysiga ah ee Addis Ababa uu
intifaacsado khayraadka dabiciga ah ee Ogaadeenya..
OHRC oo shir jaraaid ku qabatay hoolka
caalamiga ah ee magaalada Geneva.
Maalintii Arbacada ahayd ee 08-08-07, ayaa waxa
lagu qabtay xarunta warfaafinta ee magaalada Geneva kulan
saxaafadeed eey soo qabanqaabiyay Ururka Xuquuqul Insaanka
Ogaadeenya oo kaashanaysa Midowga Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub.
War saxaafadeedka ayaa cinwaankiisu ahaa :
Ciidamada itoobiya oo xasuuq, barakicin iyo cuna qabateeyn ku haya
shacabka Ogaadeenya iyadoo aan jirin cid xusuuqa aay geeysanayaan
kula xisaabtamaysa.
Xaruntan warfaafineed ayaa ah goob aay ka
diiwaan gashan yihiin warfaafinta caalamiga iyo kuwa lokalka ah ee
ka howl gala xarumaha Qaramada Midoobay ee Geneva,iyagoo ay
saxaafadaha badankoodii soo xaadireen si aay u dhageeystaan is la
markaana u faafiyaay war saxaafadeedkan. Ururka Xuquuqul Insaanka
Ogaadeenya ayaa halkaa ku soo ban dhigay wajiga dhabta ah ee taliska
arxanka daran ee gacanta ku haya awooda itoobiya iyo sida uu u
meelmariyo tacadiyada qorshaysan oo uu ku fuliyo shacabka dulman .
War saxaafadeedkan oo sacday mudo ka badan saacad
iyo badh ayaa lagu xusay gabood falada ka dhanka ah xuquuqda
biniadamka sida: dilka shacabka, kufsiga, xariga, cuno-qabateeynta
ula kaca ah oo keeni karta macluul iyo abaar baahsan oo ku habsata
dadka iyo duunyadaba, ee uu sida badheedhka ah u sameynayo gumeysiga
itoobiya, ujeedaduna tahay sidii umada reer Ogaadeenya wadankooda
loogala wareegi lahaaa isla markaana kheyraadkooda looga
manaafacaadsan lahaa.
War saxaafadeedkan ayuu lagu codsaday in wadamada
Mareykanka, Midowga Yurub, iyo wadamada xorta ah ee jecel nabada iyo
cadaalada soo fari galiyaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka
taagan Ogaadeenya xilna is ka saaraan ka hortagida dhibaato kale oo
ku timaada shacbiga Ogaadeenya, is la markaana ku qasbaan gumaysiga
itoobiya in aay meel mariso dhowrida xuquuqda aasaasiga ah ee
muwaadiniinta Ogaadeenya iyo rabitaankoda aayo ka talineed.
Eryidii itoobiya ee Ururka Laanqeeyrta Cas iyo
dilkii badhhedhka ahaa oo aay u geeyteen masuuliyiintii heyada OWDA,
ayaa waxey muujinaysaa in itoobiya aay go’aansatay xasuuqida
shacabka iyo sida aanay u dooneeyn in cid markhaati noqon karta aay
ku sugnaadaan dhulka Ogaadeenya.
Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa war
saxaafadeedka ku soo gaba gabeeyay baaq iyo codsiyo loo jeediyay
Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo heeyadaha caalamiga ah ee xaq
dhorka xuquuqda asaasiga ah ee bani’aadanka in aanay indhaha ka
laaban xusuuqa qorsheysan oo uu go’aansaday taliska Addis-Ababa,
isla markaana aay fulinayaan ciidamada cadowga ee jooga dhulka
Ogaadeenya.
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha
JWXO oo ka dagay Washington DC.
¨Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha
JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa 09-08-2007 ka dagay gegida
Diyaarahada Caalamagiga ee Dulles International Airport, Washington
DC, subaxnimadii darraad markay saacada Washington, DC.
ahayd 8:15AM.
Waftigan ayaa waxaa weheliya Hogaanka Arimahada Dibada ee JWXO,
Mudane Abdirahman Mahdi.
Sida uu noogu soo waramay wariyaha RX ee magaalada Washington DC
Xuseen Alifle Waftigan ayaa u yimid wadanka Maraykanka hawlo la
xiriira halganka ay JWXO ugu jirto aayo katashiga shacabka Ogadeniya
iyo arimo kale oo muhiim ah,faahfahinta iyo wixii kazoo baxa
socdaalka waftigaasna waxaad ku maqli doontaan idaacadahayaga soo
socda.
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari