SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ANNIGA, ADIGA, ISAGA, IYADDA…, IYO REER TOLKEEN

Waa qorey Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com

Aadanaha waxaa uggu sharaf badan midka uggu dhaw Allihii abuurey, ee maalintiina dul jooga xuduudiisa, marka intii is jecel baalka  is gashtana isagu hor jooga mowlihiisa. Is garashadda iyo  faraca uu qofku ka yimid waxay ka mid tahey  waxyaabihii ALLE islaamka u soo dejiyey balse isku ugaar-sashadda iyo isku takoorku  waa wax u gaara ummadaha qaarkood. Soomaalidu waxay  dheeraysatey  inta kale in ay dowladdii iyo dalkii oo dhan la qab-yaaladeeyey oo jilib-jilib  sabooyin loo sameysatey.

Inkasta oo ruux miyir qabbaa uu san ka sheekeyn Karin waxa qabiil baday soomaali hadana koley waxaa qof walba ku filan ,,, meesha ratigu ugga jabay !!”meeshuu joogo oo u qaxay ama uu hadda ku nool yaheybba”.

Su’aal qofka aan soomaaliga aheyn had iyo jeer soo cel celiyo ayaa ah “ dadkan maxaa isku direy oo ay  kala rabbaan,”,, jawaabta su’aashas lama hayo  balse waxaa in badan  oo naga mid ah ay ku laab laabtaan “waxaan nahey dad qabiil ku dhisan oo dhaqankii miyiga u soo rarey magaalo hadana aan wax badan baran, kan wax barteyna la reer baadiyeyn karo “in uu u fekero sidda ninkii ceelka iyo ratiga ninka kale kula dagaalamayey”, qaar kalena waxay ku daraan ,, fara galin shishiye iyo tartan qabiil ayaa meesha na dhigay, qaar kalena in Somalia  ay ku duntey sad -bursi “qof rabba wax kasta in uu isagu noqto”, In kalena waxay qabaan in soomaaliya loo dumiyey labadda qaran ee dhinacyadda ka xigga dartood (Kenya,Itoobiya)  ,, oo dhul soomaaliyed boob lagu siiyey dowladihii Soomaaliyeed ee horena ay ka hadlen dhulkas ka maqan ”. Intaasba waxbaa ka sax ah laakiin yaa weli arkey decembar 2006 iyo dagaalkii luug Augusto 96 ka hore askari ajnabi ah oo taangi ku dhex wadda dhul soomaaliyeed,”intii xorta aheyd” marka laga reebo howlgalkii UNISOM. Soomaalia waxaa bur-buriyey duleeyey halkay taalo manta dhigay ninka la yiraah QABIIL oo sixun loo adeegsaday ,,, ilaa hadaad masjid dad ka wacdiso xitaa la is waydiiyu horta yuu ahaa !!   

Wadaad taqbliiqa oo aan asxab nahey  ayan ku arkey wadan kale ,, isagoo koox ajaanibba ku jira ,, markan is  nabdinay ka dib ayaan ku iri sheekhey-giiyow kuwan inagaa uga baahi badan manta taqbliiq ee maxaa qaldan jawab an la yabbey ayuu hal-haleel ii siisay ,, Tabliiqa soomaaliya qabiilo gooniya laga urinayaa ,, halkanse ciddi kuma taqaan !  

Hadaba miyaaney yaab aheyn ummad wax kasta uu QABIIL ugga milmey “darsamey” oo dabkii ay ku gubatey shaley iyo doraad weli ku dhex  gaardinaysa..caaqilku waa kan u camal samsayta beri “aakhiro” iskuna daya in  ka gaashanto xumanta. Garadka ama maskaxdu waa midda kala sarta shar iyo kheyr xuman iyo same hadiise wax kasta lagu lumbriyo yaad tahey ama yuu yahey.. waxaa loo laban doonaa  risaaladda ka hor.”Islamka ka hor” 

Hadaan nahay soomaali waa in aan xasuusano in aan ku dhacney dabbin kaas oo ah kii shaley deriska kala rarey, abti iyo wiilkiis isku direy , sodag magan ah mididda loo surey ,,welina raggii ku qaraban jirey ay nool-yihiin ..oo markii ay dan leeyihiin  turubka xabadda ranka ( kan wax badan ka adag) ah soo kor marinayey. 

Waa hubaal in qofkasta oo naga mid ah  cashar aan aadanaha kale qadan ama dhigan uu dhigtey welina book-tu u kala baxsan tahey, hadaba taariikhdu iyadaa is qorta marqatina ah ee qabiil iyo adigu sidaad isku tihiin !!. waxan qoraalkeygga ku soo xirayaa labbo qiso oo kala nooc ah balse qabiil ku saabsan. 

  • Waa duhur kulul  waxaa wadanka ka jirey dowladdii kacaanka   meeshuna waa  hotel shabele  waa la buuxaa oo dadku waxa uu kala boobayaa baabuurta, anagoo koox ah oo dhoodhoob travel agency  ag tagan ayaan waxaan maqaley ….. gabar ku calaacalysa alla yaa Muslima war ninku I dhac ee ii qabta ,,,  hadana way ku celisay ,,, mar sedexad bay hadana ku celiyey iyadoo oohin raacisay ,,ninku  xoog badan malaheyn lakiin mindi dheer uu sitey ,,  gabadhii hadalkeedii  way badashey ,, alla yaa Soomalia  war ninka dahabbuu iga goostey ee ii qabta ,, mar kaley ku celisay ,,,, cidna ma dhaqaaqin ninkiina weli wuu sii muuqdaa ,,, markaas ayey  tiri alla yaa reer hebal ah ,, war ninka ii qabta aadna way u ooysay ,, intaan hubay oo aan tiriyey  9  ruux baa oraday ,, oo 2 saaxiibadeydii aan iskuulka iskala soo baxney ahaayeen … isagoon TUBEX ,, dhafin ayana dahabkii laga soo dhigay.

Gabadhaas meel fiican ayey ka soo bilowdey  qeylo dhaanta balse dadku umma dhago nuglaanin,,, saaxibbaday markay soo laabteen ayaan waydiiyey why aysan islaam-nimadda uggu bixin …mid ayaa si qosol ku jiro  u dhahay  adba islaam aad tahey ee why u bixin ,, kii kalse ayaase runta taabtey,, yirinna sxb gabadhu waa abtirsatey !!!  

  • Qisadda kale waa : AIRPORT  ka mid ah wadamadda carabta ayaa koox ardey Soomaliyeed ah ku saad beeshay ,, loona diiday in ay wadanka gudaha u galaan ,, diyarada ay raaci lahaayenna waxaa ka dhiman 72 saacadood ,, ardey jeebkiis ma buurna ,, ee waxaa dhacdey in la sahay beeley ,, maalintii koowadba sababtoo ah ku soo tala gal maaheyn 3 days transit ah. Mowlac lagu dukato ayaa la is daadshey.  casirkii malintii labad  ayaa waxaa soo marey  3 nin oo raga siyaasadda soomaaliya  hor booda ka mid ah ,, waa lagu xoomay bal in wax laga soo helo ,, the best word oo laga maqlaa waxay aheyd ,, YAAD TIHIIN  bal isku kaaya sheega, nin ardeydda ka mid ah ayaa u jawaabey oo yiri  waxaan nahey ex gaanari- yaashiinii “ ninka baaburka tuuga xambaarka ah xabadda ka ridda” iyo siyaasiyinta mustaqbalka ee waa naga taalaa ee wax nagu tuura. Jawaabtii waxay noqotey horta reerkaad tihiin noo sheega qabiilo anaan rabin in ay wax bartaan baa jiree !!! Then waan is fahmeynaa,, ardeydii waa iska aamuseen ,sabbatoo ah ma garan karaan qabiilka ay diidan yihiin,iyo kan ay ogal yihin. ragiina waa safreen.

Waa hubaa qof DAMIIR bini aadam leh oo aan word lord soomaali ah ka aheyn in uusan sidaas sameeyen atleast wax uun-buu ku reebi lahaa ,, balse hogaamiye kooxed Somaaliyeed iyo wax barasho waa col.

Waxan filaa in qof walba uu jeclan lahaa in uu ragaas ogaado balse ,,, siyaasiga soomaaliga ah waa isku maskax X,Y,Z makala laha dhamaantood waa wadda Z waana kuwii shaley deriska isku direy.welinna rabba in shaarkas uu wato oo uu Tolkiis hadba wax us heego ,, markii uu  wareerana xasarad hor leh ,, ku abuuraya magaca tolkisa. 

Su’aalaha aan aan aqristaha uga tagayo oo qofkasta oo naga mid ah laga rabbo ,, in uu dib u eego waa kuwan :

  • Qabiil muxuu ku tarey adiguse maxad tartey  !!! “ hadad qaaran ku bixisay reer X baan is haynaa ee wax keen ,,, maxa kuu soo baxay” ( qabiil ceel qotey, school, isbitaal dhisatey ,, waa amanan yahey ,,haddey kheyr isku kaalmeysteen)

  • Qabiil ku tiir-sananan  la’aan  ma noolan kartaa “ abtirsiga iyo ehel xiririntu kumajirto”

  • Dadku waxay ka yimadeen Nabi Adam NNKH aadmna waxaa laga abuurey Dhoobo ,, ma aragtey  qof bini aadam ah  oo nus ah ( the formula 4.5)

  • Baadi-dda naga maqan qof-qof ama koox koox umma raadin karnee qaladkeena ma QIRANAA!!! Si aan wada jir uggu baadi goobno.

GABAGABO

Horumuraka aadanaha waxaa  aas- aas u ah baahidda uu nooluhu dareemo in uu u bahan yahey is badal. Taxahana dheer ee taarikhda ayaana ka marqaati u ah heerarka kala duwan ee nolasha aadamigu soo martey. Dhamaadkii  sagaashameeyadii waxaa soomaaliya booqasho ku tagey  ergay  ay Horumuraka aadanaha waxaa  aas- aas u ah baahidda uu nooluhu dareemo in uu u bahan yahey is badal. Taxahana dheer ee taarikhda ayaana ka marqaati u ah heerarka kala duwan ee nolasha aadamigu soo martey. Dhamaadkii  sagaashameeyadii waxaa soomaaliya booqasho ku tagey  ergay  ay ISESCO u dirtey soomaaliya si uu qiimayn dhab ah uggu soo sameeyo heerka tacliinta soomaaliya  qoraalkii uu oo u qorey  gudiga fulinta  ee ISESCO  waxa uu cinwan uga dhigay “ MAXAY SAN SOOMAALIYA  U BAAHNEYN” isagoo  qoraagu xusay in uu Soomaaliya ka soo helay  eray la mid ah  midka aduunyaddu u taqaan globalization kaas oo ah Somalization “wax kasta in ay baa’ba’aan sabab la’aan… cidda baa bi’ineysana  ay tahey dadkii dhulka u dhashey oo cid kale u adeegaya ogaal iyo ogaal la,anba”. inkasta oo aan isku qilaafsanahey dhibka soomaaliya ka holcaya xalkiisa meesha laga raadin lahaa ,, haddana waxaan dhamaanteen isku waafaqsanahey in loo bahan  yahey in  xal la helo, si aan at least  sidda aduunka looga nool yahey aan uggu noolano  nabadda geedka la sarayna aan kala soo degno.

Hadaba si taas loo gaaro ama loo badi gobo waa in aan dib boorka uga jafnaa waxa innaga wadda dhaxeeya oo aanan marnaba ku kala tagsaneyn taas oo ah, DIIN,CIID iyo CALAN. lana helo halbeeg aan QABIIL oo lagu qiimeeyo qofka wax tarkiisa qofnimo iyadoon laga fiirineyn madasha iyo magaca uu hayb ahan uga soo jeedo.  

Alle waxaan ka baryeynaa in uu nagu soo celiyo hannuunka iyo miyir qabka ,, qaarkeena motorka qabiilku weli ka qaylinayana  uu tuso in WADA JIR wax lagu waayey aan lagu helayn  kali- kali . Basal ninkii aan midi ku jarin ee fiiqa ayaa fahmi kara qabiil iyo qurunkiis Sidda basashas kaga dabo wareegi ilaa ad garto jirida ayuuna qabiil u socon ilaa aad gaarto oday labadisa xaas is ximayan oo caruurtii isku taqaan  ,, Bah x iyo Bah  y ,, Alla run - badnaayaa ,, suubanaheenii Muxamed NNKH “ ISAGA HARA WAA QURUNE”. 

Ilaahow waxaan kaa baryeynaa  hanuun iyo wadajir ,,,,aamin. 

Waa qorey Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com