Soomaliya masii ahaan doontaa qaran?
c/raxmaan
saalax cadaawe
xareed130@hotmail.com
Mucjisada soomaalida haysata waxa weeye 'siday baylahda ugu yihiin cadawgooda
xoogga iyo xirribta badan iyo siday garashadoodu umaqantahay', taas oo
fududaynaysa in ay si-sahlan dabin aysan kasoo waaqsan ugu dhacaan, sida
maantayba muuqata.
2007-da soomaaliya waxay gashay masiibo iyo god geeriyaad, kadib markay
kudhacday gacanta Ethiopia, iyadoo Ethiopia shaati kadhiganaysa damiirlaawayaal
iyo qabqablayaal dagaal, islamarkaasna taageero iyo maamuus kaheleysa quwadaha
reer galbeedka.
Ethiopian-ka ummada maantay looyaqaan( marka laga reebo Soomaalida iyo
Oromada) ee kunool wadanka gerigo'anka ah ee saboolnimada, cudurada iyo
badla'aantu curyaamisay; waxay qabaan dareen taariikheed oo dhow iyo mid diineed
oo ku xanbaaraya in ay shucuubta kale ee Bariga Africa tirtiraan ama
cabiidsadaan, hadba intay awoodaan.
Aan ku horreeyo dareenka taariikheed ee ay qabaan Ethiopian-ku: waxay
Ethiopia aaminsantahay in Bariga Africa ay iyadu xaq uleedahay in keligeed
kataliso maamul ahaan, dawladaha kalena xaq ulahayn in ay
jiraan--Somalia-Jabuuti iyo Eretrea.
wixii kahorreeyey bartamihii qarnigii 19-aad xuduuda siyaasadeed ee caalami
ahaan Ethiopia ugu naaloon jirtay waxay ahayd Bariga Africa oo dhan; madoonayo
in aan si-ballaaran uga sheekeeyo taariikhda gobolka balse waxaan soo
qaadanayaa laba qodob oo cadaynaya fikirkaas Ethiopianka:
- 1889-kii boqorkii ladhihi jiray Menilik, waxa uu jeediyay khudbad
taariikhda gashay oo uu ulajeeday quwadaha reer Europe oo markaas ku
hawllanaa googoosashada qaaradda Afrika, wuxuu sheegay: in xeebaha Bariga
Afrika aysan reer Europe kusoo xadgudbin; haddii ay taasi dhacdona ay
noqonayso in Ethiopia lakala jarjaray; isaguna uusan taas aqbalayn, wuxuu
qoray qoraalo uu ku caddaynayo xuduuda Ethiopia( Abyssinia) oo ay kujiraan
Somalia, Jabuuti iyo Eretrea. Aragtidaasi waxay gundhig u ahayd dagaaladii
dhexmaray Italy iyo Ethiopia sannadadii 1895---1896 iyo 1936---1941, oo ay
kadhalatay in Talyaanigu qabsado Ethiopia.
- 1913-kii boqorkii ladhihi jiray Ras Makahil ee markaas xukumayey
Ethiopia, wuxuu warqad usoo qoray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo
Daraawiish,wuxuu warqadaas Sayidka ugu sheegay: in isagu yahay Boqorka
shucuubta Bariga Afrika--muslim iyo masiixiba--madow iyo caddaanba, ciddii
taas khilaaftana ay wareersantahay; Sayidkkuna aytahay in uu taas marka hore
aqbalo, kadibna uu helayo taageerada xabashida si uu reer Europe ula
dagaalamo.Sayid Maxamed isagoo kafekeraya cadawgiisa faraha badan iyo
taagdarradiisa wuu aqbalay arintaas, sidaasna waxa uu ku helay taageerada
boqorkaas mudo dhowrsano ah, iyadoo waliba sayidku ahaa ninkii ugu horreeyey
ee somali ah ee lasoo banbaxay fikrada ah "Somaliya Somali baa
utalinaysa", marag waxaa ii ah buugga " Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid
Maxamed" ee Aw Jamac Cumar Ciise.
Dhanka kale, dareenka diineed ee Ethiopianku qabo waa mid soo jiray muddo
kudhow 12-qarni, Bariga Afrikana waxaa kadhacay dagaalada dhexmaray muslimka iyo
masiixiga kuwa ugu xun, walina lasaadaalinayo in ay soo noqdaan, balse
Ethiopianku waxyaabaha dareenkooda carinaya waxaa kamida:
- tirada dadka muslimka ah ee kunool gobolka oo aad uga badan tan
masiixiga, middaas oo Ethiopian-ka kadhigaysa jasiirad ku dhextaal badwayn.
- dadka muslimka ah oo deggan dhulxeebeedka, taas oo dhaawacaysa awoodda
dhaqaale, Istaraatijiyo iyo xaddaaradeed ee Ethiopian-ka.
- iyadoo taariikhda Bariga Afrika soo martay xilliyo masiixiyiinta loo
cudud sheegtay sida: bilawgii qarnigii 16-aad, dagaalkii uu hoggaaminayey
Axmed Gureya(allaha u naxariistee), iyo kii Masar ugu gargaartay muslimiinta
Bariga Afrika kahor immaantankii gumaystayaasha reer Europe.
haddaba, innagoo xaqiiqadaas iyo afkaartaasi inna hortaal, maxaynu
kasaadaalin karnaa maantay wadankeenna (somalia) muquunada ah ee galay gacanta
melletiriga Ethiopia?, maxaynu qiyaasi karaynaa innagoo ogsoon meesha ay marayso
xuquuqul insaankii iyo madaxbannaanidii reer galbeed inna cabsiinayeen? bal eeg:
Ciraaq maxaa lagu haystaa? Afqanistaan ma mareekan iyo Nato ayay saldhigyo u
noqonaysaa? kuwa hadda duulaanka loo qalqaalinayo sida Iran ma cidbay xoolo
kahayaan? !!!.
Aniga waxay ilatahay in hadalkii Xuseen Caydiid ee uu jeediyay 02/Jan/2007 ee
ahaa "in labada dal ee Somalia iyo Ethiopia ladoonayo in laysku daro" aynu
markale isagoo kamadanbays ah kasugno xagga Ethiopia.
c/raxmaan saalax cadaawe
xareed130@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
11, 2007