SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Wararkii: Aug 10, 2007
  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalo ka dhacay magaalada Muqdiso.
  • Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo dagaal beelood ku.
  • Shirka dib u heshiisiinta oo ay soo wajahday dhaqale.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalo ka dhacay magaalada Muqdiso.

 Waxaa maalmahan si aad ah uga socday Magaalada Muqdisho dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaoo isku dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana dagaaladii ugu dambeeyey ay dhaceen habeenkii xalay ahaa kaddib markii kooxaha iska caabinta ay dagaal ku soo qaadeen dhowr xarumood oo ay degan yihiin ciidamada Dolwadda, waxaana xarumahaasi ka mid ah saldhiga Booliiska Hawl-wadaag iyo xaruntii hore ee ciidankii guul-wadayaasha, waxaa dagaalkaasi waxyeelo ka soo gaartay dhowr askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda, hase yeeshee rasaastii la isweydaarsaday ayaa sidoo kale waxay waxyeelo gaarsiisay dad rayid ah, kuwaas oo markii uu waagu u baryey qarkood isaga cararay guryahoodii.
 
Ciidamada Milatariga ayaa waabarigii waxay bilaabeen in ay dhowr qofood ka qabtaan xaafadaha dhexdooda, iyadoo la arkayey dhallinyaro fara badan oo cararaya, isla markaana u baxsanaya goobo kale si ay naftooda ugu badbaadsadaan 
 
Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo dagaal beelood ku.
 
Wararka naga soo gaaraya Gobalada dhexe waxay sheegayaan in sii xoogeysteen dagaaladii maalmahan u dhexeeyey Beelaha Murusade iyo Xawaadle kadib markii deegaanka Wabxo oo ka tirsan Ceel Buurlagu dilay 11 qofood kaddib markii ay soo weerareen koox maleeshiyo ah oo rasaas ooda uga qaaday dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay ku jireen Haween iyo Carruur.
 
Dhacdadaasi waxaa si aad ah uga xumaaday beelaha kale ee ku sugan Gobaladaasi oo iyagu markiiba dalbaday in si deg deg ah loo xaliyo, waxaana goobtii mashaqadu ka dhacday u ambabaxay Odoyaal iyo waxagarad ka tirsan labada beelood ee Murusade iyo Xawaadle.
 
Labada bilood ayaa waxay isku haystaan dhul daaqsin ah oo labada beelood u dhexeeya, kaas oo ka tirsan Gobalada Hiiraan iyo Galguduud.
 
Falka xasuuqa ah ee ka dhacay deegaanka Wabxo ayaa waxa uu daba joogay fal horey halkaasi uga dhacay oo lagu dilay shan qofood.
 
Shirka dib u heshiisiinta oo ay soo wajahday dhaqale.
 
iyadoo dhowr todobaad uu socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa haatan shirka waxaa soo wajahay dhaqaale xumo, kadib markii afar maalmood la hakiyey shirkaasi, sidoo kale shirka ayaa waxaa la soo gudboonaaday carqalad la xiriira dhinaca beelaha, kadib markii qaar ka mid ah Beelaha gudiga dib u heshiisiinta ku eedeeyeen in shirka looga hadlay arrimo aan loo baahneyn, sidoo kale Beelaha qaarkood ayaa waxay ka cabanayaan in iyagoo looga tiro badsaday dhinaca ka qaybgalka shirka.
 
Cali Mahdi Max'ed ayaa haatan waxa uu wadaa dadaal uu ku doonayo sidii uu u miro dhalin lahaa shirkaasi,waxa uuna kulamo la qaatay odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beelaha Hawiye, isagoo sheegay in carqaladda ugu weyn ee shirka haysta ay tahay Beelaha Hawiye oo aan daacad ka aheyn shirkaasi, waxa uuna u soo jeediyey Beelaha Hawiye in ay gacan ka gaystaan sidi  uu u najixi lahaa shirkaasi, isagoo ugu baaqay Kooxaha Muqdisho dagaalka ka wada in ay dagaalka joojiyaan oo waxay tabanayaan u soo bandhigaan guddiga dib u heshisiiinta qaranka.
 
Amiin Yuusuf Khasaaro.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com