Cambaareeyn Xasuuqyadda Gumeeysiga Itoobiyaanka.
Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
sharifhassan50@yahoo.co.uk
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda
waxeey cambaareeyn culeeskeeda leh u soo jeedinaayaan Gumeeysiga
Itoobiyaanka oo Ciidankiisu Xasuuqo xad dhaaf ah ka geeysteen
Deegaanka Somali/galbeed(Ogaadeeniya)dhulka eey sida sharci daro
ku heysta,kuna doodsiyeey Xuquuqda hanashada Xoriyadooda Xaqa ah
oo Xeerarka Caalamiga ah iyo jiritaanka Ummadeed dhigaayo.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo si weyn uga gilgishay.kana xun
Tacadiga/Xasuuqyadda iyo bara-kicin Ummadda Riyadka ah,Haweenka,
Caruurta iyo Dadka waayeelka ah oo sida nabad ah ugu sugnaa dhulka
Iyo Deegaanka eey ku dhasheen,Allena ku abuuray,duruufaha adag iyo
Cadaadiska xad dhaafka ah lagu hayo,Dilka,Gumaadka,dhaca, boobka
iyo dumiinta Guryahooda,Xaalufiinka Deegaankooda,waana Qorshe eey
ka dameeyso Siyaasada Gumeeysiga oo ku saleeysan Naceeyb,Ciqaabta
Shacabkaas Muslinka ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxuu Cambaareeynaayaa Gumaadka
Dhowaan ka dhacay qeybaha kala duwan ee dhulka Ogaadeeniya eeyna
ku naf waayeen 800-qof oo ahaa Dad Rayid ah,waana xasuuqo qorshe
cad lahaa,uuna soo dejiyeey Ra'iisal Wasaaraha Rajiimka Adiis ka
Taliya-Gacan ku Dhiiglle-Sanaawi iyo Saraakiisha Ciidanka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si buuxda u taageersan yihiin
Halganka Xaqa ah oo eey Wadaan Jabhadda ONFL Dalkooda,Xaquuqdda
Dadkooda halganka Qaraar ugu jirra,una huran Naftooda Qaaliga ah
iyo Maalkooda,Anagoo u Rajeeyneeynaa Guul buuxda iyo Xoriyada oo
Dhameeys-tiran-Inshaa Alle.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Beesha Caalamka,Ururadda
Xuquuqdda Bani-aadamka iyo Shucuubta xorta ah ugu baaqaayaan in
eey ku Cadaadiyaan Nidaamka Addis Abba ka waan-toowga Falalka
Xasuuqyadda ah iyo Tacadiyadda waaweyn joogtada ah oo eey ku
Hayaan Shacabka Somali/Galbeed(Ogaadeeniya),una Ogolaadeen in eey
Aayahooda ka taliyaan iyo hanashadda Xoriyadooda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku baaqaayaan sameeynta
Baaritaan heer Caalami ah Deg deg ah si loo ogaadon heerka iyo
Baaxadda Xasuuqyadda Gumeeysiga Itoobiya ka geeysteen Deegaanka
Ogaadeeniya iyo Tacadiyadda,Bara kicinta,Af-duubka iyo Dhaca eey
ku hayaan Shacabkaas, iyagoo laga duulaayo Masuuliyada Guud iyo
Raacidda Xeerarka Caalamiga ah oo Illaalinaaya Xuquuqda Dadka
iyo Xurmadooda,Waxaan Rajeeyneeynaa in Codsigaasu la Kulmi doono
Soo dhoweeynta iyo Taageeradda Ururka Caalamiga ah oo Howlahaas
Sida gaarka ah u Dameeya.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
sharifhassan50@yahoo.co.uk
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
Iyo Cadaaladda Somaaliyeed.
-10/08/2007-
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
11, 2007


|