SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 4, 125

TAARIIKHDA MADOW, TIIRAANYADA XORIMADA   IYO TACADIGA MASAAKIINTA

WQ/ Shariif  C/nuur Xassan   (Shafka) 

shariifqoobey@hotmail.com  


Dalka iyo dadka somaliyeed ayaa waxay dhacanta u galeen dhibaato aan maqaal lagu soo qaato waxba looga qori Karin qiyaas mooyee  waxaa lumay qarankii xorta ahay ee aan caalamka uga mid ahayn, waxaa lumay xornimadii diinta ee aan wadamada islaamka xorta ah kala mid ahayn, waxaa dhumay kalsoonida  dadka somaliyeed ay dhaxdooda isku kalsoonaan jireen, waxaa dhumay rajadii wadaniga dalkiisa jecel iyo WM. 

Waxaa umadeena somaliyeed  la soo gudboonaatay taariikh xasuusin doonta caalamka oo dhan dhibaatooyinka  aan arxanka lahayn ee ka dhacay dalka Somalia oo aan horay uga dhicin Qaarada aan ka tirsanahay ee Africa. 

Dhibaatooyinka umada somaliyeed  ku habsaday oo ah kuwa ilaah uu u qadaray umadiisa in ay ku dhacdo ayaa waxaa ugu danbeeyay mid xanuun badan oo wali damqaysa umada somaliyeed oo dhan intooda alle cabsidiisa ay daacada ka tahay. 

Waxaa dhibaatadaasi saamaysay ilma uur ku jira iyo kuwa banaanka aan bila joogin waa masaakiin aan waxba galabsan ilaah iyo umad kalena aan danbi ka galin.

Waxuu dhibkaasi  gaaray ama saamayn ku yeeshay  waalid cajis ah iyo agoon aan aabe iyo hooyaba laheyn.  

Waxaa sidoo kale dhibkaasi saamayn ku yeeshay nolosha in kabadan kumayaal soomali ah oo dareemay nolol qaarkood ay ka jeclaysteen in ay dhintaan  iyo kuwa dhibaato aawadeed ugu geeriyooday daafaha deegaanada lagu waxyeeleeyay. 

Waxaa ku cuuryaamay oo aan cidna u maqneyn muwaadiniin somaliyeed oo  dalkooda luugu yimid waxaa ku gablamay oo ku caruurbeelay hooyooyin aan dhib u gaysan umad kale , waxaa sharaftooda shaqsiyadeed la wax yeeleeyay gabdho islaam ah oo loo gaystay kufsi iyo xad gubud. 

Ayadoo ay intaasi dhacaday ayaa waxaa ku xigay in dibindaabyada  umada soomaaliyeed haysata in  ay ku farax sanyihiin Somali kale ama shaqsiyaad  soomaaliyeed  waxaana qofkasta oo ka mid ah dadka dhibka u saaxiibka ah uu quus iyo samir ku yahay dhibkiisa maadaama aysan jirin cadaalad islaam oo  danbiilayaasha lagu amaal mariyo iyo cadaalad maadi ah oo lagula xisaabtamo. 

Waxaa dadka qaarkiis  hadal badi iyo war jecli u yiraahdaan  maxaa keenay dhibka iyo waxyeelada 17 sano gaartay  ee aan daawada lahayn , laakiin uma  fiirsadaan ama garaad umalahan  u jeedada dhabta ah ee umada aan is nebcayn isku dirtay iyo  danaha la dagaalanka islaamka , umada somaliyed waxaa ka mid ah dad aan ogayn taariikhda jiidamaysa ee aan ku leenahay geeska afrika maxaa keenay cadow tooyada ay xaasid nimadu ka muuqato  intaas oo dhan  aan wax idinka kaga taabto. 

Dagaalka Somalia ayaa ah mid ay wadaan afar gumayste oo mid walba uu fiirsanayo danahiisa  mustaqbalka dhow iyo midka dheer . aan kala qaado ujeedada gumaysiga ee dalka u diidan nabada iyo xasiloonida.. oo kala ah sidaan

Gumaystaha koowaad Maraykanka oo islaam nacaybka iyo cabsi uu ka qabo in Somalia xudun u noqoto xooga islaamka  mustaqbalkiisa  ku badbaadsanaya nabad la,aanta Somalia gumaysiga koobad. 

Gumaystaha labaad waa dilaa sare oo dibaato u gaystay umada soomaaliyeed walina ku haya oo ka baqaya diinta islaamka oo uu u arko cadowgiisa maadama islaam ku yahay diin cadaalad ah oo qofka xaqiisa siinaysa wixii uu gaystayna ka abaalmarinaysa. 

Gumaystaha sadaxaad waa kuma  aan faalo dheer ka soo qaadano waa dalka ethopia oo dana kuwaasi ka wayn ka leh Somalia

"Ethiopia's policy towards Somalia"   

waxaa guul iyo natiijo farxadeed u ah qofkasta oo ethopian ah  dhibaatada qaran la,aaneed ee ka jirta Somalia oo waliba ay xilgan sii dheertahay  gumaadka iyo waxyeelada ficilka wadata ee ay kawadaan gudaha Somalia , waxay isugu hanbalyeeyaan in ay dileen soomaalibadan oo  aan la soo koobi Karin waxaana xog rasmi ah lagu hayaa in askarta joogta Somalia gudaheeda  midkii maalintaas dila qof soomali ah in uu ehelkiisa jooga ethopia waco uguna bishaareeyo in uu dilay qof Somalia ah taasna ay qaraabadiisa qaxwo casiriye ah ku tuurtaan  isiguna wacdaan xaflad farxadeed. 

Dhibaatada Somalia gaarsiisay muda 17 sano ah ayaa hayd mid natiijo in laga gaaro ay isku dayayeen dowlado ay ka mid tahay Ethiopia   natiijada ay raadinayeen intaasi oo dhan  ayay maanta gaartay Ethiopia waxaana  faraxsan shaqsikasta oo ka mid ah farxad Mustaqbalkiisa dheer iyo midkiisa dhowba uu ku taamidoono. 

Muda aan badnayn oo aan joogay magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia ayaan ku soo arkay taariikh niyadayda ku reebtay  mahadho iyo ciil waxayna ahayd maalin maalmaha ka mid ah ayaa booqasho ugu tahay saaxiibkay oo daganaa xaafad ka mid  ah magaalada Adisababa waxaana xiligaas guriga ku sugnaa  haweeney guriga iska leh sida la ii sheegayna  guriga u heshay magdhow ay dowladu siisay kadib markii uu ninkeeda ku geeriyooday dagaaladii Somalia xiligii 1977 .

Markii aan  guriga albaabkiisa soo garaacay ayaan weydiiyay in dad somali ah ay guriga ku nool yihiin waxayna iiga jawaabtay ereyo caro leh inkastoona xiligaas fahmayn luuqada Amxaariga .

Saaxiibkay ayaa hadalkii maqlay kadibna soo baxay una sheegay in aan asaga u socday,

Markii aan guriga soo galay ayay biyo ku shubatay  weel oo dhamaan intii aan ku soo socday oo dhan tirtirtay  ayadoo ay ka muuqato caro iyo xumaan bini aadnimada dhaafsan  ma uusan ahayn guriga mid nadaafadaysan oo socodka loo diidayo  balse waxaan weydiiyay yarkii aan booqashada ugu imid  oo hadalkaygii u micneeyay  haweentii .

Waxayna ku jawaabtay  sida aan raadkiisa guriga uga tirtiray ayaan jeclaan lahay in magaca uu iweydiiyayna aan u tirtirno hadlkaasi aniga wuxuu ii lahaay ahmiyad oo waxaan dareemayay cadow tooyada baaxada leh ee ay u qabto haweenaydaasi soomalida. 

Waxaan kaloo la kulmay dhacdo ayaduna xasuus igu reebtay oo aan ka bartay cadowtooyo aana waligay ilaawi doonin  maalin  ayaan adeeg u aadnay dukaan ku yaal magaalada adis ababa ee caasumada dalka ethopia  waxaa dukaanka gadanayay  dhalin yaro ay magac qabiil wadaagaan Maliszanawi  waxaan weydiinay  nuuca adeega aan u baahnayn waxayna noo sheegeen in aysan hayn balse mid ayaa sii raaciyay meeshaan Muqdisho maahan ee maad isaga tagtaan muuqaalkiina ayaan dhibsanaynaaye.

Anga waxaan ahayn dhalin yaro badankood ay meesha iska marayeen laakiin inta wax gadashada u socotay oo aan ka mid ahay waxaan ka koobnayn 3 qof  kama aanan aamusoin ee indha adeegii Somali ayaa na qaaday waxaana ugu jawaabnay maxaad samayn kartaa in aad cadow nimadaada afka un ka sheegsheegto maahane wax talaabo ah oo aad naga qaadi kartaa ma jirto . 

Balse isla daqiiqad waxaa sii xoogaystay murankii ilaa ay gacan ka hadal gaartay lama yaabaneyn dagaalka iyo colaada uu noo muujiyay  dukaan laha aan beeca ugu soconay laakiin waxaa arin la yaableh igu noqotay markii aan gacan isla gaarnay ragii meesha joogay waxaan aragnay dhamaan dadkii meesha marayay oo nawada dilaya iyo xitaa laamiga baabuur maraysay oo inta darawaladii ka soo dageen dalaalka dhinac uga jiraan waas ayaa waxay noo muu jinaysay cadowtinimada  aysan u kala maqnayn ee ay noo qabaan umada ethopianka . waa badan yihiin dhacdooyinka murugada iyo uurku taalada leh ee loo gaysto dadka  somalida ah ee ku dhex nool. 

Hadanba akhristow ma waxaad u malaynaysaa in ethoipia xal Somalia u joogto dalkeena mise waxaad hubtaa oo shakiba uusan kaaga jirin in aa tahay dhibana laga aargutay hadana lagu hayo gumaad. 

Akhristow waxaan jeclaystay in aad maqaalka ku  gunaanado tix gabay ah oo aan tiriyay  kadib markii aan dareemay in Somalia gaartay heer aysan wali gaarin dhanka xumaanta iyo la dagaalanka islaamka  waana tanaa tixdii gabayga ahayd ee ila aqrista .  
 

  • Da'da gabay in aan daadahshoon daacad u hikaadsho ama aan daliil uga dhigoo dad ugu sheekeeyo. Dooqeygu ma'ahayne hadana dareen iyo in aan tusaale u baxshaa dan iga  gayn weysay.
  • Dacalada dhulkeenii darajada lahaayee daa'in nagu gargaaroo  
    Diinta lagu caweeyn jiray , dugsiyada qur'aankuna dariiqaad maraysaba dabku uga shidnaa jiray dabciguu ku sugan yahay dadow meyla eegteen?.
  • Dumarkiyo caruurtii daaraha ku noolaay, galadu ku dooshee inta qaar la dilayo qaar kale dalaabeen,dugaaga iyo baahadidu dibadaha u yaalaan cudurkuna ka siidaran, dandarida xumaanta leh dareen keeda yaaqaba.?
  • Dal waliba aduunkaan dadkiisaa difaacee duullaankiyo xasuuqii  
    dadka luugu yimidee maatada la dabar jaray, daldalaada culimada la dagaalan magac baas danta ay ka leeyiin dareenkeeda yaaqaba.?
  • Bulasha waliba dunidaan dadka lagama sooceen hadaan darajo qaran iyo daabacaad u gooni ah dastuurkeeda lagu qorin, ee dadkeenaan hurdaayow passporka daabacan markii E,da lagu daray dulucdiyo ujeedkeed dareenkeeda yaaqaba ?
  • Dadkoo la isku keeniyo dib heshiintu waa xaqe midii diradiraaliyo dacar lagu qasaayoo  
    Dabanadi horee tagay daqaradii la soo maray qolof inay ka diiraan dooqoodu uu yahay danta ay ka leeyihiin dareenkeeda yaaba?

    Hadaba aqristow tixdan gabayga ah hadii uu qalad xaga suugaanta ah ku jiro raali ka ahaada aniga maahi gabyaa    …W/Tiriyey sharif C/nur(shafka) 
 

WQ/ Shariif  C/nuur Xassan   (Shafka) 
shariifqoobey@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.