SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TOGDHEER

Xulka Kubbada Cagta G/Todheer oo ku guuleystay tartankii cayaaradaha Somaliland.

Xulka kubada cagta gobolka Togdheer ayaa ku guulaystay tartankii shanaad ee ciyaaraha kubada cagta gobolada Somaliland,ka dib markii galabta ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka gobolka Awdal oo ay ciyaartii kama danbaysta wada yeesheen.

Ciyaartan oo ahayd tii ugu kullayd tan iyo markii tantankani furmay 30-kii Bishii la soo dhaafay ee July waxa labada xulba ay aad u adkeeyeen difaacoodii waxana ay is dhaafsanayeen weerar iyo weerar-celis,hase yeeshee markii ciyaartii muddo socotay ayaa Xasan Cabdilaahi "Xasan Dafe" uu gobolka Awdal u dhaliyay gool aad u qurux badnaa oo sii shiday xamaasadii ciyaartaas, taasi oo aamus u diiday tageeryaasha gobolka Togdheer.

Weeraro badan ka dib waxa Xulka gobolka Togdheer u suurto gashay inay iska soo gudaan goolkii la dheeraa waxana gool qurux badan u dhaliyay Mustafe Maxamed Axmed oo ka tirsanaa difaaca gobolkaas waxana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1 Gool, taasi oo ay tageeryaasha gobolka Togdheer ku qaboobeen.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid ka sii kulul oo ay si dhaba u shaqeynayeen talooyinkii Tababarayaashu ay soo siiyeen ciyaartoyga waxa wax weyni iska bedalay qaab ciyaareedkii qeybtii hore.

Labada kooxoodba waxa ay iska lumiyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karayay,taas oo sababtay in 90-kii daqiiqadood ee ciyaartaas loogu talo galay ay ku dhamaato barbar-dhac 1-1 waxana aakhirkii rigoorayaal loo dhigay 9-8 ku badiyay xulkii metalayay gobolka Togdheer.

Waa markii labaad ee gobolkaasi uu ku guulaysto Ciyaaraha gobolada tan iyo markii la bilaabay sanadkii 2002-dii, iyada oo koobkii kan ka horeeyay ay hanteen xulka gobolka Sanaag iyaga oo ka badiyay ama ka qaaday xulkani maanta qaatay ee Togdheer.

 

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Muxumed ayaa hadal uu u jeediyay labada kooxood ugu baaqay inay isu haneeyaan koobka,waxana uu ciyaartoyga labada kooxoodba ku amaanay wax uu ku tilmaamay ciyaar wanaagii ay muujiyeen iyo sida nabadgelyada ah ee ay ku dhamaatay ciyaartaasi.

Ammaanka goobta lagu ciyaarayay waxaa aad u sugayay ciidamo ka tirsan Somaliland, kuwaasoo isha ku hayay dadka soo galay garoonka iyo dhaqdhaqaaqa shacabka, si aysan u dhicin iska horimaad dhex mara labada taageero.

Abdifitahaam Ahmed
Hargeysa – Somaliland
Email: abdifitahaam@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com