GORGOR HAWADA HEEHAABI
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Gorgor baal dillaacsaday
ma ridaan dabeyluhu?
Duufaanno waalan —
Ee loogu dawggalay:
sida daadka oo kale
in ay dalal u xaaqaan —
daarihii magaalada
kolkay hoos u dumiyaan,
boqorkii dunjiga haad,
sow dushooda kama lalo?
Xaaji Yuusuf: Gorgor, 1977
MA OG TAHAY GORGORKU in uu yahay haad horeyba u sii ogsoon
kicinka? In uu sii og yahay hoogga leexooyinka inta aan uu carrada ba soo
gaarin?
Meelo sare ayuu gorgorku u sii buubaa. Halkaas ayuu ugu sii
kuurgalaa, ku na sugtaa: amminka ay ufadu soo dhici lahayd. Dhacdada goorta ay
aloosanto se, baalashiisa ayuu si giigsan u kala fidiyaa si dabayshu ay isaga
duufaantii uga sare marsiiso. Inta hugufkii uu weli baduugayo dhulkii hoose;
isagu dul fog ayuu uga sii baxaa—dabadeed na, cirka ayuu uga soo dhex bidhaamaa
sidii astaan gobnimo oo kale.
Ogow! Gorgorku kama dido “dabaylaha fooryayaa”. Sida kale se,
si waxyeello uu uga feejignaado; cimilada ayuu sii odorsaa. Eeg! Shishe iyo
xaggii samada si uu u higsado, isla tamartii dabaysha ayuu duulista u
kaashanayaa.
Haddeer dalkeennii sow kama aloosno dhiillooyinka coladeed?
Duufaan, nacabtooyo, loogu taloggalay in jiritaanka qarankayagii lagu burburiyo.
Haddaba, sida keliya oo aan kaga badbaadi karayno, waxa ay hadba ku xiranaan
doontaa, ma aha baqada aan hooygeennii uga abraari lahayn ama dhawrta aan
dalkayagii uga fiigi lahayn; bal se waa dhiirranaanta iyo dhiifoonaanta aan
nacabka ku weerari lahayn, iyo tabta aan hubkiisii na, isla isaga xooggiisii ugu
jebin lahayn. In aan yeelanno Xarun Sare oo aan Tigreega iyo dabadhilifkooda ba
ku saadaalinno, iyo in aan dhisanno eegi ama daar-ilaalo oo aan shisheeye oo
idil ka ilaaleysan lahayn; haddii loo baahda na—gorgor sidiisii—aan dusha uga
soo dhici lahayn.
Hayeeshee, walaal, ha illoobin in dalkeennii ay ka jiraan
dhibaatooyin gurracan. Dhabdarrooyin tiro badan. Tusaalaha ugu muuqan og oo aan
ku siin karayo na waa: “agoonka ama rajayga sida—gardarrida jawrka Ameerikaanka
ku gaashaaman—burcaddii Tigreegu ay u boobtay xoolahoodii, ay na u dishay
waaridkiisii…”. Malaha ma aadan arag ilmada ku taagan dhaayaha murugeysan ee
wiilkaas isaga ah. Geesigii berrito. Ilamada qoysay dhabannada inanta la
kufsaday. Geesiyaddii berrito. Waa facii u hari lahaa. Ilmuhu waa daljirkii
foogta. Waa layligii dhaxli lahaa waddanka iyo waxadda ba.
Dhibaatooyinkaas iyaga ah na, Soomaali maahee, waa kuwo aan
cid kale ba loo eersan kari doonin. Darxumada waxa noogu wada wacan waa
dabadhilifyo Maryooleey ah. Waa hubaal in aan hoog badan ka badbaadi lahayn, in
aan ka saramari lahayn dulmi, iyo magacxumo kasta oo dhexdeenna horey u soo
oolli jireen; ama, haddii ay ahaan lahaayeen, shirqoollo horleh oo la inoo
maleegi lahaa ba. Waa se goorma? Waa goorta aan iimaankeenna sare ugu wada
qaadayno Kelmedda Ilaahay.
Awoodda Eebbe oo qura mooyaane, ma jirto mid kale oo aan kaga
sabatabbaxixi kari doonno urka gaalada ee xagga Muslimiinta intaa u soo dhacayo.
Maalin walba, sidii qof waalan oo kale, ayaan maankayga ku
wareeriyaa laba su'aal. Weydiinta kowaad waa: sideen ugu birmannaa—sideen ku
badbaadinnaa, hor iyo horraan ba, nolosha ilmahaas, geesiyadaas, aan kor ku soo
carrabbaabay? Weydiinta labaad na waa: sideen ardaydaas u barnaa in “qabku
dhaamo nolol la iska qabo uun, iyo in weliba na ay “geeridu ka roon tahay nolol
gunnimo ama se ‘nolosha qaarkeed’ ba”? Haddee sow in ay naga arkaan ma aha sida
aan gumeysiga uga dhiidhiyayno? Sida aan u halgamayno? Sow in ay indhahooda toos
ugu daalacdaan ma aha: “taariikhda nool oo aan iyaga hortood iyo daraaddood ba
ugu qori lahayn dhiiggayaga”? Haddii dhaxal ba uu qaaye iska leeyahay: abintan
oo kale ayaa ah hubka, carbiska, barbaarinta, iyo haybadda ugu toolmoon oo aan
dhashayada dhaxalsiin kari lahayn. Ereyo kale haddii aan kugu weydiiyo: maxaad
rabi lahayd in ay ilamahaaga kaaga daydaan? Maxaadan se weligaa iyaga kula
dardaarmi lahayd? Maxaad ugu duceyn lahayd? Maxaadan se ku ba habaari lahayn?
Asaaggaa ka har? Cadowgaa u jab? Facaa tuug?… Gurboodka, misana, ha u
dardaarwerin uun; bal se u dagaallan! Haddii aad colaadinta kufaarta ka doorbidi
lahayd nabadda qaarkeed se; walaal, haddee, ha diririn; hayeeshe ha iiga hiillin
nacab geeridayda—haddii aad i rumeysan lahayd iyo haddii kale ba: iyo weliba na
geeridaada—ay galladiisii ba tahay! Fulayow na ha moogaan! In awowgey la oran
jiray Isku-Filan. Hayeeshee, haddana, ha noqon dabadhilifkii oo kale! Ii sheeg
maxuu baday ilmaheennii? Ii sheeg maxuu se ku boorriyay ilmihii cadowgeennii na?
Ha noqon dabadhilifkii ilmaheennii duufsan lahaaa; ama sinjidhaankii dirkiisii
yasi lahaa! Ha noqon qabbaanka qarankoodii dhaafsan lahaa
“halalad beeso ah”—laba hal oo BIR ah! Woyane oo dadkayagii gummaadayo, ha
noqon doqonkii “dhallintii waddanka” fari lahaa:
“Tigree caano iyo biyo ka dabaqaada.”
XABEEBOW, adiga na, aan kuugu iraahdo cod: dhawaaq ka hufan
hungurigaagii mid aan weli ka soo bixin. Caku muudalka aad tahay. War illayn
naxariis ba ma taqaannid. Hal bursiino ayaa jirta oo aan burcadda ugu wada
roonaan lahaa. Haayoo, anigu se, maxaan gaalka kaaga sii sahay-siin ogahay?
Tigreega, kiisa wax liqi yaqaan ba, waayoo aan dhuuntiisa gumac ugu ridi lahaa?
Arroow, Laarrigii Qarankow, xaad ku falee Amxaar dilif yiri, iyo Xabashi
qarsinkiisii kuu baaqday?
Wadanehayga waxa ku kaydsan sheekooyin lagula shubay dhiiggii
diric Soomaaliyeed oo badan. Rag iyo dumar darteen dhiiggoodii u huray. Haatan,
ma waxa aan noqonnaa fulayadii ugu horreeyay, aabbeyaashii carruurtooda ka
masuugi lahaa in ay u huraan “halalad liitar oo dhiig ah”? Maya. Maya. Maya.
Allahayow iguma ogid. Dhibic yar oo dhiig ah, dhig weyn oo dhaxalkii ilmaheennii
ah ayay u dhigantaa. Dalkoodii Hooyo. Shan Gobol miyaan loo huri kareyn “5
liitar jaw oo dhiig ah”?
Waa in aan dagaalka, haddaba, “tiimbad ugu roornaa”. Waa in
aan dhiigaas yar wada hurnaa. Duufaanta jihaadku se, dadkeenna, intoodii loo
qoray ayay ridi doontaa; guryaheenna na, qaarkoodii loo kasay ayay dumin
doontaa.
Haddii se aan dhimanno innaga oo dhashayadii iyo dalkayagii
nacab ka dhacsan lahayn; si uun ama si kale ba, waxa aan la halmaali doonnaa
gedda boqorkii haadda: GORGOR SAMADA HEEHAABI. Halyeeyo laga korreysiiyay
darbaddii gaalada. Sidaas awgeed na, waxa aan yeelan doonnaa magac: magac bahal
jiraa ba, gaal jiraa ba, iyo dabadhilif jiraa ba, midkoodna, aan abidkii ba
loogu yeeri doonin. SHAHIID.
.
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Jimce, Agoosto 10, 2007
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
11, 2007
|