Gancasaada Puntlanad oo Khamiistii oo soo bandhigay dhisme
cusbtaal xoolo [maxjar] oo ay ku baxyso malaayiin doolar
Boosaaso:
Waxaa Khamiistii Aug 9, 2007 xaflad aad u ballan lagu qabtay
xarunta Maxjarka wadaniga oo ku yaal dhanka bari ee magaalada Boosaso,
waxaa xafladdaas lagu soo bandhigay Cusbtaal ay maalgashadeen gancasato
Soomaaliyeed oo ka soo hor jeeda nin sucudiyaan ah oo maamulka puntland
heshiis la galay.
Maxjarkaan
la soo bandhigay ayaa waxaa ku baxaya sida ay sheegen raga
maalgashaday in ka badan 5milyan oo doolar oo ay iska ururiyeen.
Waxaayna shegeen in uu u
furanyahay qof walba oo soomaali ah oo xoola iib gayan raba.
Mudo bil ka hor ah ayeey ahayad
markii ay dhagax dhigeen xaruntaan gancasatadu.
Maamulka puntlnad oo isagu
gacansiin jiray maxjarka kale ayaan wax war ah ka soo saarin abaabulka
ganacasatada, waxaana khamiistii goobtaasi joogay dad aad u farabadan oo isgu
jira ganacastada ugu waaweeyn puntland, waxgarada aqoonyahno iyo dhalinyaro.
Cali xaaji siciid oo ka mid
ahaa ragii gobtaasi joogay ayaa diirka ka qaaday in soo
dhoweynayaan hindisayaasha dawalda fedraalka iyo kuwa Puntlanad balse
ay xaq u leeyihiin in ay dhistaan maxjarkaan.
Gancasatdii isugu timi gobtaas
aaya dhammaanatood ka muuqtay shucuur xoogan oo ah in ay diyaar u
yihiin in ay dhidibada u tagaan mashruucan waxii doona ha ku baxeen.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug
10, 2007


|