SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Bandhigga Dhaqansidaha Gobaad

Wixii la qoraa qaruumo haree, muxuu hadal qiime leeyahay (Cabdi Deeqsi)

Shirkadda Gobaad Communications and Press, waxa ay ku faraxsan tahay in ay idiin soo bandhigto Dhaqansidaha Gobaad oo Insha Allah noqon doona sannadle, soona bixi doona bisha August sannad walba. Gobaad waxa uu idinka haqab-tiri doonaa, kaydin & dhigaalin bulshana uu u noqon doonaa qormooyin cilmiyeed ku saabsan afka, dhaqanka, suugaanta, caafimaadka, ganacsiga, dhaqaalaha, taariikhda Soomaalida & arrimaha horumarinta bulshada, haddii Alle idmo.

Waxa caddadkiisa koowaad la soo bandhigi doonaa taariikhda hoos ku qoran, waxana goob-joog ka noqon doona seddex qalinle oo seddex qormo dhaqameed u hibeeyey Gobaad, kalana ah: Anwar Maxamed Diiriye (Tifaftiraha); Siciid Saalax Axmed (Xubin ka mid ah guddiga la-talinta) & Axmed Ismaaciil Yuusuf (Xubin ka mid ah guddiga la-talinta). Insha Allah, qalinle waliba waxa uu ka jawaabi doonaa wixii su’aalo ah ee ku saabsan qormadiisa. Anwar Maxamed, waxa uu si gaar ah diyaar idiinla yahay in uu idinka haqab-tiro wixii toyasho ah ee ku saabsan Dhaqansidaha Gobaad & hogaga aqooneed ee uu himileynayo in uu bulshada u soo bandhigo aayaha, Insha Allah. 

Goobta:  Brain Coyle Community Center (420 15th Ave South, Minneapolis, MN 55454) 

Taariikhda:  Sabti, August 11, 2007 

Amminta:      5:30 - 8:00pm 

        Qalinleyda:  Anwar Maxamed Diiriye   

            Siciidd Saalax Axmed

            Axmed Ismaaciil Yuusuf 

Soo-saaraha:   Gobaad Communications and Press  

E-mail:      Gobaadpress@gmail.com  

Bandhigaha:          Gobaad Communications and Press

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com