SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii Caalamka ee Maanta:::

Apr 4, 2007

Tony Blair oo Iiraan fariin u diray: "Iima dooneyno wax dhibaato ah"

Xiisada ka aloosaneyd Iiraan iyo Ingiriiska ayaa soo afjrantay kadib markii Iiraan ay shaacisay iney sii deyneyso rag badmaxiin ah oo ay ku qabatay xeebaa dalkeeda dowlada Ingiriiskana ay arrintaasi u soo dhaweysay ayaa hadana hadal uu jeediyey ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ku sheegay in dowladiisa aysan u dooneyn dalkaasi Iiraan wax dhibaato ah.Madaxweynaha dalkaasi Iiraan Axmedinijaad laftiisa ayaa waxaa uu sheegay sii deynta raggaasi badmaaxinta ah ay qeyb ka tahay wanaagsa Islaamka farayo, waxaana uu intaasi ku daray in Ingiriisku ay balan qaadeen ineysan jareyn xirriirka ganacsi ee ka dhaxeeya.



Madaxweyne Axmedinijaad oo shir jiraa'id uu qabtay ayuu sheegay in siideynta kooxdan ay misna tahay "Hadiyad loo dirayo dadka reer Ingiriis timidna munaasabadii dhalada Nabigeena Suuban ee Muxamed ah NNKH." Isagoo si daran u weeraraya siyaasada Ingriiska ayuu sheegay iney Mareykanka iyo Ingiiriisku ay isku baheysteen siddii inqilaab looga sameyn lahaa xukuumadiisa la doortay. "Waxaan ka xunahay in badmaxiinta reer Ingriis ay kumaan kun oo kiilo miter ay soo dalkooda uga soo tageen sidey dal kale u qabsan lahaayeen islamarkaasina ay dalkiisa wax u dhimi lahaayeen" ayuu yiri isagoo shirkaasi jaraa'id uu ku qabtay magaalada Tehraan uu si darran u weeraray siyaasada London ee barriga dhaxe isagoona meesha ka saaray in hey'ada xaquuqda aadanaha u dooda ee Amnisty dowr weyn ka ciyaartay sii deyntooda.

Axmedinijaad ayaa shirkiisi jaraa'id kadib la kulmay badmaaxiintii reer Ingiriis ee lugu qabtay biyaha dalkaasi Iiraan waxaana uu weydiiyey sida xaalkooda ahaa intii maxbuusnimada loo heystay.

Soomaali heysta dhalasho Swedhish ah oo CIA-du su'aalo ku weydiiyeen Itoobiya

Dad gaaraya boqolaal soomaali ah oo laga musaafuriyey Soomaaliya ayaa qaarkood waxey heysteen dhalasho Swedhish ah kuwaasoo haatan la sheegayo iney ku jiraan xabsiyada Itoobiya halkaasoo hey'adaha sirdoonka Marreykanku ay su'aalo ku weydiiynayaan. Hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u cambaareyey arrintaasi.
Hey'ad muslin ah una dooda xaquuqda aadanaha lana yiraahdo (Muslim Human Rights) ayaa sheegtay in maxaabiista loo daabulay dalka itoobiya kuwooda la soo daayey u sheegeen in maalin walba si joogta ah loo dhageysan jiray islamarkaasina jirdil iyo tacadiyo loo geysan jiray.
Dowlada taagta darran ee Soomaaliya ayaa iyadoo ka heleysa taageero ciidamada Itoobiya waxey dalka ka saareen maxaakimta Islaamiga ah ee bishii julay gacanta ku dhigay meelo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, maxaabiis badan iyo dad rayid ah oo ka cararay dagaaladii ka dhacay dalka ayaa u baxsaday Kenya waxaana keenyaatigu u gudbiyeen Itoobiya halkaasoo tacadiyo jirdil joogto ah loo geysto. Amuurtana waxaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyey hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Filim qaade lugu dilay dalkaasi Zimbabwe

Filim qaade u dhashay dalka Zimbabwe ayaa lugu dilay dalkaasi, waxaana dilkiisa la runsan yahay ama saxaafadaba ku sheegeysa iney tahay aarsi la xirriira sawiradii uu ka qaaday hogaamiyihii mucaaridka ahaa ee dhawaan booliska dalkaasi dhaawac u geysteen. Sawirada laga qaaday Morgan Tsvangirai oo caalamka ku faafay toddobaadyadii tagay ayaa sawir qaadanahi lugu eedeynayaa inuu wax ka faafiyey. Wargeyska ka soo baxa dalkaasi Ingiriiska oo soo xiganaya dad uu ku sheegay iney yihiin goob joogayaal ayaa u sheegay iney arkeen kooxo hubeysan ay taxaabteen filim qaadahan oo u shaqeynayey telefeyshinka ku hadla afkka dowlada ee ZBC maalmo kadibna la helay isagoo meyd ah.

Xukuumadda Mugabe ayaa saaran cadaadis uga imanaya reer galbeedka kuwaasoo ku eedeynayo inuu doorooshooyin dalkaasi horey u dhacay ku shubtay islamarkaasina mucaaridka ka qaaday xorriyadooda, halka uu isagu laftiisa ku eedeynayo iney reer galbeedku yihiin kuwo weli Afrika iyo dalkaasi ku haya gumeysi maskaxdeed.

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH