Ducada xitaa ma awoodno
miyaa?
W. Q. Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Sida ku xusan xadiis saxiix ah oo uu soo weriyay Abi Daawuud
wuxuu nebi Muxammad calayhissalaatu wassalaamu uu
yiri:ducadu waxay ka mid tahay cibaadada Alle,
Ilaahay meelo badan ayuu qur’aankiisa ku sheegay ducada
faa’iidada ay inoo leedahay iyo in ay tahay in aanu
ducaysano,nebigeena Muxammadna calayhissalaatu wassalaamu
axaadiis fara badan oo saxiix ah ayuu ku sheegay lama
huraanka ducada iyo in ay tahay in markasta Rabbi la baryo
dhibka iyo khayrba.
Dhib kastoo qofka soo gaara waxaa daawo u ah ducada,
ducaduna waxay ka mid tahay cibaadada Alle, waana calaamad
aad ku muujinaysid in aad Alle aaminsan tahay, ducadu waxay
kaloo ka mid tahay ficilada is dhiibidda ah, yacni waxaan
isku dhiibay Ilaahay, wax aan awoodana ma jiro, waxaan ahay
addoon daciif ah, markii aad muujisid oo Alle kor ahaaye aad
u muujisid in aad daciif tahay wuxuu Allah kuula soo
degdegaya in uu aqbalo ducadaada.
Rasuulkeenii suubbanaha ahaa Ilaahay korkiisa nabad iyo
naxariis badan ha yeelee, markii isaga iyo asxaabtiisa ay
isku diyaarinayeen dagaalkii Badar, iyadoo dagaalkaasi ay
mushrikiintu aad uga fara badnaayeen muslimiinta, waxayna
muslimiinta oo uu rasuulkeenu hoggaamiyaha u ahaa ay ku
jireen xaalad aad u daran, haddii maalintaa mushrikiintu
afka u dhigan lahaayeene ama baabi´in lahaayeen muslimiinti
markaas ka soo hor jeeday taariikha islaamku si kale ayay
noqon lahayd, habeenkii ka horreeyay subixii uu dagaalku
bilaaban lahaa ayaa waxaa la sheegay in rasuulku
calayhissalaatu wassalaamu ducaysanaayay oo gacmaha kor u
taagayay, waxaana ducadiisa ka mid ahaa erayadan:“ Rabbiyow
waan ku baryayaa naxariistaada noogu deeq oo noogu dabool,
cadawga guusha naga sii” iyo ducooyin fara badan oo kale,
markii uu rasuulku calayhissalaatu wassalaamu ducaysanaayay
waxaa la sheegay in labadiisa kilkilood la arkaayay korkiisa
oo dhana gariiraayay, gariirkaasina wuxuu keenay in ay ka
dhacdo maradii shaalka ahayd ama go’ ii dhabarka ka saarnaa.
Waxa maanta waddankeena ka socdana waa wax waalli nagu
ridaayo,keliya waxaa magaalada Muqdishow lagu laynaya maato
fara badan,waxaana ka qaxay dad ka badan 200,000 oo ruux ah
oo u badan carruur iyo waayeel iyo dumar, haddii aanu
doonayno in aanu ka baxno dhibaatada waddankeena doboolay
waa in aanu ducaysanaa, waa in aanu gacmaha kor u taagnaa oo
Rabbi tuugnaa, naxariista Alle barinaa, Ilaahay
naxariistiisa aad ayay u dhowdahay, addoonka Alle ayaase
laga doonaya in uu afka furto oo ilmeeyo isla markaana isaga
oo tiiraanyo ka muuqato Ilaahay si niyad ah u baryo, mana
aha in aanu Ilaahay ka quusano oo muragada isku dhiibno.
Nebi Yoonis calayhissalaam markii uu xuudka ama neberigu
liqay, ma uusan quusan ee wuxuu u orday Ilaahay oo baryay
wuxuuna yiri “ Laa ilaaha illaa anta, Subxaanaka, innii
kuntu mina daalimiin” Suuradda Anbiya’ aayadda lambar
87.nebi Yoonis qaladkii oo dhan ayuu dusha iska saaray
wuxuuna qiray in uusan Ilaahay mooyee ilaah kale jirin,
dhibkana Ilaahay keliya kaa saari karo, isaga oo xawayaan
aad u wayn calooshiisa ku jira, oo aan haysanin hawo iyo
iftiinba ayuu haddana quusanin oo ducaysanaayay, nebi
Ilaahay soo diray ayaa markii uu imtixaan arkay sidaas
Ilaahay u baryaayay, ka warran innaga oo addoomo Alle ah
denbigeenana aad u badan sow ma’ahan markaasi in aanu
markasta Alle tuugno.
Xaalka waddankeenu maanta ku sugan yahay shaki kuma jiro in
uu imtixaan xagga Alle nooga yimid yahay, haseyeeshe aanu
innaga nafteena haddii aanu Soomaali nahay Ilaahay
weydiisano denbi dhaaf, Soomaaliya keliya ma’ahan waxa
imtixaankaas haysto, fiiri Ciraaq, fiiri Falastiin,fiiri
Afghanistan oo dhib iyo rafaad ku nool, Falastiinta
waddankoodii laga boobay fiiri, fiiri kumanaanka kun ee
muslimiinta ah ee xabsiyada isaga jira denbi la’aan , xalay
ayaan waxaan xoogaa yar ka daawaday channel waddanka Holland
ay leedahay barmaamij laga sameeyay Afghanistan, waxaan mar
qura ii muuqday boqolaal nin oo xabsiyada Kabul iyo meelo
kaleba ka buuxa, waxa ka muuqdayna raggaas indho caafimaad
qaba in aysan arki karin, indho xumo iyo darxumaba ka
muuqday waxay ahayd mi daad ka jirirricoonayso , raggaas oo
dhallinyaro u badnaa waxaa loo haystay in ay ka mid ahaayeen
Dhaliban, waxa dadkaas soo xir xirayna waxay ahaayeen
ciidamo isku sheegga reer Galbeedka sida Ingiriiska,
Holland, Canada iyo Maraykanka, maalin kasta waxaa kale oo
la dilaa in ka badan boqolaal shacabka Afghanistan ah.
Waxaa taas ka sii daran dib u dhaca ku yimid bulshada
dhammaan waddamada muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ugu
horrayso, in ku dhaw 75% ayaa waddanka Soomaaliya wax qorin
waxna akhrinin halka waddamada kale ee islaamkana iyaguna in
ku dhow 70% aysan wax qorin waxna akhrin, waddamada reer
galbeedka in ka badan 95% ayaa wax akhriya isla markaana
qora, halka waddanka Canada isagu uu 100% ku dhowaad wax
akhriyaan waxna qoraan.
Innaguna haddii aanu islaam nahay ayaa farriintii ugu
horraysay ee Alle kor ahaaye noogu soo dhiibay rasuulkeena
ahayd akhri, akhri aad wax fahantide, akhri si aad u baratid
sharciga Ilaahay, akhri aad nabad gashide, akhri haddii aad
Soomaali tahay ducada Alle aad ka baxdide imtixaanka weyn ee
maanta waddankeena iyo dadkeena haysta.
W. Q. Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Apr
24, 2007
Waftigii
Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta
Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Switzerland
Waxaa Galabnimadii shalay
ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu
imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan
Switzerland, axaana kulunka marti ku ahaa Wafdigii uu
hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga
Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow
iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho
marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland...
Akhri...
BAYAAN
KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...
Waxayna ugu baaqeynaa
ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka
gumeystaha Itoobiya iyo in...
Akhri...
Minnesota,
USA:
Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta
beesha....
Akhri...
Jaaliyadda
Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen
dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa
Akhri
Soomaalidda
Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax
Akhri...


|