SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Horta ina Caaji isagu ma gaalbaa?

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Beryahaan dambe waxaa soo if baxay niman gaalada u dhuun daloola oo xog iyo xurquunba ay wadaagan. Waxaa jira luqado iyo ishaarooyin hoose oo ay kula hadlaan. Waxay inoo sheegaan waxa gaaladu jeceshahay, waxa ka caraysiiya iyo waxyaabaha raalli galiya intaba. Waxay kale oo inoo soo bandhigaan xiriirka ina kala dhexeeya gaalada, khayrka ay ina la doonayaan, waxayaabaha dhibta ah ee ay ina gaarsiinayaan haddii aynu qaadan weyno wanaagga ay ina la rabaan, siyaabaha looga hortagi karo dhibtaas iyo siyaabaha loo kasban karo kalsoonidooda. Waxay mar walba farta inoo ku fiiqaan dadka iyo waxyaabaha inoo soo jiidaya colaadda gaalada iyo sida loogu baahan yahay in la iska qabto, loogana hortago dadka iyo walxaha adduunyadu ina ku nacayso.

Hadda ma bilaaban dad muslinka ku abtirsada oo gaalada u danqada oo xiriir la leh. Xilligii Rasuulka (NNKH) waxaa joogay dad la tukada muslimiinta, la sooma, sakada iyo sadaqada bixiya, kala qaybgala jihaadka, waxayse xiriir hoose la lahaayeen gaalada, Waxay kula sheekaysan jireen xogta hoose ee muslimiinta iyo waxa Nabigu (NNKH) damacsan yahay, meelaha ay muslimiintu ka jilicsan yihiin, sida loo kala jabin karo, dadka gaalada u janjeera iyo kuwa la kasbi karo. Nimankaas waxaa loola dhaqmi jiray sida muslimiinta waxaase laga ilaashan jiray sirta hoose, waxaa loo soo jeedin jiray wacdi iyo naseexo. Xilligaan waxa dheeraadka ina ku ahi waa in dadkaasi ay daalacdaan xogteena hoose, aynu rumaysano wararka ay gaalada inoo ka soo gudbinayaan, ay ku hadlaan codkeenna oo qaddiyadeenna ay u fasiraan si raalli galinaysa gaalada, isla markaana ay ina matalaan oo inoo ka qayb galaan shirar xasaasi ah oo taabanaya danaha istiraatiijiga ah ee muslimiinta.

Sidii gaaladu u qabsatay dhulka muslimiinta waxaa samaysmay dad wax ku bartay iskuulada iyo jaamacadaha gaalada, bartay afafkooda iyo dhaqankooda, isla marakaana ku qancay afkaartooda iyo hab nololeedkooda. Waxay noqdeen safiirro gaalada u jooga dalalka muslimiinta, faafiya afkaartooda, dhaqankooda, u gudbiya xogta iyo sirta dalalkooda, una fuliya danohooda gaarka ah. Dadkaas qaarkood waxay ahaayeen kuwo qaatay diinta kirishtaanka, kuwana ma ay gaaloobin waxaase u siman muslinka iyo gaalka. Gaaladu iyana waxay dadkaas u samaysaa dicaayad, waxay ka shaqaysaa in ay dalalkooda ka noqdaan madax, waxay siisaa kaalmo leh dhaqaale, waxbarasho iyo soo caan bixin. Waxaa Soomaaliya jooga dad la soo shaqaystay gumaystayaashii Yurub ama wax ku bartay dalalkaas oo xambaarsan fikradohooda iyo dhaqankooda. Waxay caan ku ahaayeen ku dayashada iyo dicaayad u samaynta dalalkaas, Soomaaliduna way ku ogayd oo waxay u joogtay: (ceebtood ma aha ee waa caadadood). Hadaba waxaa fajiciso noqotay in qaar raggaas ka mid ahi Xabashida u war geeyaan, kana war keenaan, ha u dhuunteen ama dharaar ha u dhoofeene!. Waxay nala ahayd in nimankaasi Xabashida is kala weyn yihiin oo ay gaalada waaweyn ku oran doonaan: war naga saara gaaladaan liidata annagaa waxaad rabtaan dalka idiinka qabanaynee!. Waxaase soo baxday in ninkii dhaqan ama shaqo bartaa uusan dayn Karin.

Oday Soomaaliyeed oo reer miyi ah ayay gaalo timid tuulooyinkii uu u soo magaalaysan jiray marar kala duwan. Mar kastana waxaa la oranayay: ha loogu soo yeero ina Caaji ha ka tarjumee. Odaygii waxa uu la yaabay ninkaan gaal kasta loogu yeerayo, mid walbana af garanaya, markaas ayuu yiri: HORTA INA CAAJI ISAGU MA GAALBAA? .

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 24, 2007

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com