SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Kulan ay isugu yimaadeen Nairobi weriyeyaal ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo laga soo saaray 5 qodob



Kulan maantay ka dhacay Hotelka Barakaat ee Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayna isugu yimaadeen Suxifiyiin Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha warbaahinta Soomaaliyeed, ayaa dood iyo wada tashi dheer oo ay yeesheen kadib waxa ay ka soo saareen qodobadda hoos ku qoran;

I. Waxaynu cambaareyneynaa xusuuqa ay ciidamadda Itoobiyaanka ahi ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada magaalada Muqdisho.

II. Waxaanu cambaareyneynaa weerarada sida gaarka ah loola beegsanayo xarumaha warbaahinta xorta ah gaar ahaan:- Idaacadda iyo Talafashinka Horn Afrik, Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) & Xarunta Wargeyska maalinlaha ah ee Ayaamaha, weeraradaas oo ah kuwa geystay qasaaro naf iyo maalba leh oo ay wax yeelo ka soo gaartay wariyeyaasha kala ah:

1) Wariye Yaxye Cali Faarax

2) Kamiriiste Cabdi Dhaqane (Cabdiyare)

III. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda FKMG in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan xornimadoodana dib ugu soo celiyaan saddexda wariye ee ka tirsan Talafashinka Universal oo uu ugu horeyo Agaasimaha Talafashinkaas ee magaalada Muqdisho.

IV. Waxaan ugu baaqeynaa dowladdaha sii murjinaya xaaladda cakiran ee Somaliya in ay faraha kala baxaan. Sidoo kale waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka iyo Hay’adaha xuquuqul insaanka in ay fiiro gaar ah ku eegaan xasuuqa qaawan ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.



V. Waxaan ka codsaneynaa Hay’adaha samafalka iyo Jaaliyadaha Somaaliyeed in ay kaalmo bani-aadanimo la soo gaaran shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay Dagaaladda iyo Masiibooyinka kale ee rabaaniga ah.

Weriyeyaasha soo saaray baaqaan

1) Cibaar Sheekh Cali Cibaar

2) C/shakuur Cilmi Xasan

3) Bile Gurxan Axmed

4) Hanad Max’ed Xuseen

5) Ibraahim Daa’uud C/lle(Gentleman)

6) Xuseen Cilmi Cali (Ottodheere)

7) C/sataar Daahir Sabriye

8) C/raxmaan Cali Suubiye

9) Canab Cabdi Axmed

10) Yaasiin Max’ed Axmed

11) Fardowsa Max’ed C/lle

12) C/naasir Max’uud Cumar (Zero)

13) C/weli Ibraahim Garyarre

14) Xabiibo Max’uud Garabwaa

15) Nasro Abuukar Axme

ibraahim da'ud c/llaahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com