Ma muuqataa Badbaado ?
Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com
Haa iyo Maya, waxba Adiga oo aan la soo degdegin, ila ogow
cida aan ka hadlayo, waxa aan jeclahay in aad ila sheegto
rajada la qabi karo marka aad dib u fiiriso qowmiyad uu
dumay qarankii ay harkiisa ku noolayd waxba yaysan shalay ku
qanacsanaane.
Way dhacdaa in qaran uu burburo dagaal sokeeyana uu si sahal
ah u dhaco, balse caalamka way ku cusub tahay hal qowmiyad
oo aan la taraxin oo hal dhaal wada degan, oo muddo ku sii
dhow labaatameeyo sano xal u la' diifta iyo darxumada ay ka
dhaxleen dagaaladii burburka qaran ka dib u horseeday
baaba'a naf iyo maalba leh, ee sii kala qoqobay meeshana ka
saaray in dib waxa maqan loo wada raadiyo si maalin loo
gaaro Badbaado.
Waxa lumay waa hal qaran,waxa baaba'ayna waa hal qoomiyad oo
ka soo jeeda hal qoys, taas oo sida muuqata weli raali ka ah
in ay qayb qayb u kala asteeyaan garwadeenadeeda ibtilada
shaydaanku ku saladay ah.
Waxaan ka hadlayaa Beel isku mid ka ah Diinta, Dhaqanka,
Afka iyo Muuqaalkaba oo dhexdeeda inteeda warmooga ah
cadaawad ay isaga yeeleen gacan ku dhiiglayaal,mid walba
miisaankiisa oo dambi ah ay noqonayaan galal dacwadeedyada u
kaydsan ee ay ogaalka u yihiin haddii isbedel dhaco in ay
horyaaliin.
Beeshan waxaa talada si xoog ah ugu haya kuwo baahi maalmeed
aan dhaafsanayn, damiir wadaniyadeed ama mid ummadeedna
uusan u noolayn,safka hogaamintana ku soo galay buntukh
afkii, darajada ay xiran yihiin ee lagu maamuusayana ay
tahay xinjirta ay shacabka tabaalaysan ka daadiyaan, kuwaas
oo mawqifkooda siyaasiga ahna uu yahay in aan laga balo
badnayn dhinac kasta xaga hooga iyo baabi'inta bulshada aan
waxba galabsan.
Ma kula tahay in uu sii jiri karo qoys u nuglaaday dulin ku
nagaaday oo aan wax u kordhayn, dhibka waayuhu bareena aan
wax ku qaadanayn,oo aan waxna diidi Karin, ogaalna u ah in
been lagu maaweeliyo , kooxina ay isaga dooran tahay,
halbeegooda qanacana uu ku salaysan yahay haybta qabiil ee
ah (yuu yahay ama waa reerkee), waxna aan loo qabanayn wax
loogu maqan yahay oo aan waxyeelo ahayna ayan jirin.
Ka waran haddii Beeshu noqotay mid dheregta ka jecel
gaajada,dheeftana ku badalanaysa dhibaatada,farxadana uga
caroonaysa murugada,oo ay tahay mid cadaalada uga
dacwoonaysa dulmiga,oo noqotay mid wax ku aragta mugdiga
halka ay iftiinka ku lumayso.
Waa Beel nasiib u yeelatay in ay talada u qabteen billo dad
mudan wada ah,oo ku badalatay dhagar qabayaal,waxay ahayd
mid ka daba foorisay Shiikh Xasan,Shiikh Shariif,Shiikh
Janaqow,Shiikh Muuday,Shiikh Roobow, iyo culumo intaa ka sii
badan,waxayna u sacabo tuntay Zanaawi,Yeey,Geedi,Jeelle, iyo
qabqablayashii qoriga iyo isbaarada ku caano maali
jiray,waxay gacan badbaado ku badalatay mid gumaad,waxaana
maanta iswaydiin leh suurtogal ma tahay in mar labaad ay ku
waabariisato ehel ay maciinsato oo mar kale u fura iftiin
nololeed.
Maanta arintu waxayba u eg tahay "maxay ku nuugtaa maxayse
ka nuugtaa" mar haddii maraykan, tikree iyo arxan
laawayaasha soo horkacay ee maqaarsaarka u ah ay si dhab ah
ugu hawlgaleen xasuuqa Beesha.
Waxaase la iswaydiinayaa su'aasha ah siday wax u rabaan wax
ma u dhacayaan,ogow in horay loo yiri "sir ma qabe saab baa
biyo u celiya"tilaabadaan cadaawadeedna ha u qaadan in ay
rajada mugdi ka dhigi karto.
Soomaalidu waxay tiraahdaa "Nin Alle lahoow ha quusan"
waxaan qabaa Annigu in rajadu ay wanaagsan tahay, balse
Beesheenu ay u baahan tahay bisayl ay gaarto, si ay u noqoto
mid danteeda u istaagi karta,wax dooran karta oo runta ku
noolaan karta,waana hubaa in maalintaas ay horteeda istaagi
karaan oo keliya kuwa hogaankeeda gayaan u ah,waxaana
oranayaa way muuqataa Badbaado,laakiin waxaa ka horaysa in
maanta naf iyo maalba Beeshu ay u hurto isbadbaadinteeda,oo
ay gacan adag ku soo cishato sharafkay taariikhda halganka
beelaha caalamka ku lahayd.
Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Apr
23, 2007
Waftigii
Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta
Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Switzerland
Waxaa Galabnimadii shalay
ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu
imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan
Switzerland, axaana kulunka marti ku ahaa Wafdigii uu
hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga
Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow
iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho
marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland...
Akhri...
BAYAAN
KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...
Waxayna ugu baaqeynaa
ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka
gumeystaha Itoobiya iyo in...
Akhri...
Minnesota,
USA:
Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta
beesha....
Akhri...
Jaaliyadda
Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen
dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa
Akhri
Soomaalidda
Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax
Akhri...


|