SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Cabdi-shukri Cali Xirsi "Waa inay is casilaan, xildhibaanada iyo wasiirada dowlad ku sheega, ka hor inta aan la maxkamadeyn"

Ku: Dhamaan saxaafadda gudha iyo mida dibedda

22/04/2007

WAR-SAXAAFADEED

Xisbiga Somali National Congress Part (SNCP) wuxuu si aad ah u canbaareynayaa xasuuqa iyo barakicinta ula kaca ah ee lagu hayo shacabka reer Muqdisho, iyo burburinta magaalada Muqdisho iyo hantida dadweynaha.

Xisbigu, wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalada isir cibirtirka ah ay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Cabdulaahi Yuusuf uu hogaaminaya oo magac dawladnimo wata ay u geysteen, intii dhimatayna waxaan ILAAHAY uga baryeynaa in uu Jannadiisa kawaraabiyo AAMIIN.

Xisbiga SNCP wuxuu Dowladaha caalamka iyo hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ka cosdsanayaa in ay u tafaxeytaan sidii maxkamad caalami ah loo soo taagi lahaa dawladda Itoobiya iyo Cabdulaahi Yuusuf iyo xulufadiisa oo tacaddiyada ay u geysteen shacabka iyo magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan xildhibaanada, golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo dhamaan mas'uuliyiinta dawlad ku sheega federaalka Soomaaliyeed in ay is casilaan inta aan la bilaabin qaadista dambiyada dagaal iyo xasuuqa ka dhacay Muqdisho, hadii kale kama fakan doonaan in la horgeeyo maxkamadda caalamiga maadaama ay shacabka Soomaliyeed ay wakiil ka yihiin oo aysan hor istaagin tacadiyada ay geesaneyso Dawladda ay katirsan yihiin.

Xisbiga SNCP Wuxuu ugu baaqayaa bulshada Caalamka in ay gar gaar bini;'aadanimo oo degdeg ah ay la soo gaaraan dadka maatada ah ee sida ula kaca ah guryahooda looga soo barakiciyeey lagana hor istaagay in ay helaan wax macaawino ah si ay gaajo ugu le’edaan.

Waxaan uga digeynaa odayaasha, masuuliyiinta iyo shacabka reer Muqdisho in aysan qaadan mar sedexaad dhagar xabad joojin oo been ah oo ay ciidamada Itoobiyaan ah ku baaqaan mar alaale iyo marka ay galaan go’odoon.

Waxaan ugu dambeytii ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay lasoo gaaraan taageero naf iyo maalba leh kacdoonka shacbiyadeed ee Xamar kabilawdey oo difaaca sharafta iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed loogana xortaya cadowga Soomaaliyeed iyo xulufadiisa.


GUUL IYO GOBANIMO
CABDISHUKRI CALI XIRSI
GUDDOOMIYAHA XISBIGA SNCP

Waxaa soo tebiyey:

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com 
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com