SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Isniin Apr 23, 2007

  • 47 Qof oo Ku Dhintay Dagaalkii Axadii Ka sii socdey Muqdisho...
  • "Dagaalku Waa sii soconayaa" DFKMG
  • Meydka oo Wadooyinka Daadsan
  • Eritrea oo ka baxday ururka IGAD
  • Ciidamada Uganda ee Jooga Muqdisho....
  • Dhaawaca oo aan Daryeel haysan:
  • Kumanaan Qof oo Ka Qaxaya Muqdisho

47 Qof oo Ku Dhintay Dagaalkii Axadii Ka sii socdey Muqdisho...

Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho oo galay maalintii shanaad ayaa maalinimadii Axada waxaa dagaalkaas ku dhintay 47 qof, sida ay sheegtay hay'adda xuquuq Insaanka ee Elman Human Rights Organization.

Madaxa hay'addaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii Axadda ay ku dhinteen 6 ka tirsan kooxaha iska caabinta iyo 41 shacab ah.

Waxaa warbixintu intaas ku dartay in dagaalka shanta maalmood ka socdey Muqdisho in ay ku dhinteen 212 qof, ayna ku dhaawacmeen 291 qof. Tiradaas oo warbixintu sheegtay in laga helay dadka degaanka iyo cisbitaalada. Waxaa jira warbixino dadka dhintay gaarsiinaya 230 qof.

Dagaalkii hore ee afarta beri ka socdey Muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 1000 qof.

Warbixintu ma sheegin tirada ka dhimatay ciidamada Itoobiya ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho, laakiin dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in la arkayey gawaari militari oo Itoobiyaan ah oo sida meydka askarta Itoobiyaanka iyo dhaawacooda, inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee ka dhimatay ciidamadaas itoobiyaanka.

"Dagaalku Waa sii soconayaa" DFKMG

Dhanka kale Salaad Cali Jeelle ayaa yiri "waa in dadka reer Muqdisho ay ka baxaan guryohooda u dhow aagga ay xoogga ku leeyihiin waxa uu ugu yeeray argaggaxisada", waxana uu intaas ku daray "in ay dhowaan burburinayaan muqaawadama iyo waxa uu ugu yeeray argaggaxisada."

Sidoo kale ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo la hadlay saxaafadda ayaa isaguna ku hanjabey in ay cirib tiri doonaan waxa uu ugu yeeray "argaggaxisada", waxana uu sheegay in dagaalku sii socon doono.

Meydka oo Wadooyinka Daadsan

Hay'adaaha xuquuqul Insaanku waxa kale oo ay sheegeen in meydka dadkii ku dhintay dagaalada ka socda Muqdisho in ay daadsan yihiin dariiqyada, meydkaas oo aan dariiqa laga qaadi karin ama la aasi karin dagaalka oo socda awgeed.

"Waxaan aragnaa taangiyada ciidamada Itoobiya oo hubka ku ridaaya dhinaca shacabka ayagoo rasaasta u ridaaya si aan loo meel deyin" sidaas waxaa yiri Cabdulkariim Cali oo deggan xaafada loo yaqaan Gubta ee magaalada Muqdisho.

"Dagaalku waxa uu u socdaa si xoog weyn. Labada dhinacba waxay adeegsanayaan hubka culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Dadweynuhu waxay ku xayiran yihiin guryahay," sidaas waxaa yiri Mukhtaar Maxamed oo deggan aagga Fagax.

Eritrea oo ka baxday ururka IGAD

Dhanka kale dawladda Eritrea ayaa ka baxday xubin-nimadii urur goboleedka IGAD, arrintaas oo ka dambeysey xurguf soo kala dhex-gashay Eretria iyo Itoobiya oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka labadaas dal. Arrintaas oo dadka siyaasadda odorosa ay ku tilmaameen mid sii cakireysa xaaladda geeska Afrika. Wadamada kale ee ku jira IGAD waxa kamid ah: Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, iyo Sudan (iyo Soomaaliya), kuwaas oo mar haddii Eretria ay ka baxday ka dhigaaya siyaasadoodu mid u janjeerta dhanka Itoobiya, sida uu sheegay weriye u waramayey Aljazeera.

Ciidamada Uganda ee Jooga Muqdisho....

Waxaa lagu qiyaasay in Muqdisho ay joogaan ilaa 1,500 oo ka tirsan ciidamada Uganda kuwaas oo dalka u yimid nabad-ilaalin, kuna socda magaca Afrikaanka, lakiin ma muuqato wax nabad ilaalin ah oo ilaa hadda ay ka qabteen Soomaaliya. Dadka siyaasadda odorosa ayaa ciidamadaas ku tilmaamay sidii "shimbiro lugaha laga xiray = sitting ducks".

Dhaawaca oo aan Daryeel haysan:

Walaac weyn ayaa soo food saaray dadka shacabka ah ee ku dhaawacma madaafiicda sida roobka ugu soo da'eysa Muqdisho, dadkaas oo ay dhici karto in aysan gaari karin cisbitaalada dagaalka oo socda awgiis, iyo cisbitaalada oo aan xamili karin daryeelka ay dadka tirada badan ee dhaawaca ah u baahan yihiin.

Burburka Magaalada

Magaalada Muqdisho ayaa ciidamada Itoobiya waxay madaafiicda ugu ridaan si aan loo meel deyin, arrintaas oo keentay burbur xad-dhaaf ah oo leh naf iyo maalba. Waxaana burbur weyni soo gaarey magaalada.


Burburka Madaafiicdu u geysteen Muqdisho

Kumanaan Qof oo Ka Qaxaya Muqdisho


Dad ka qaxaya Muqdisho. Sawirka. EPA.

Wararka laga helayo hay'adaha gargaarka iyo warbixinada hay'adaha u dooda xuquuql insaanku waxay tibaaxeen in dagaalada ugu dambeeyey ee ka socda Muqdisho in ay ku barakaceen kumanaan qof. Waxaana warbixinadu sheegeen in nus malyuun qof ay ka qaxayaan Muqdisho.

Hay'adda Qaraamada Midoobey waxay ku qiyaastay in ilaa hadda ay magaalada Muqdisho ka xaqeen dad lagu qiyaasay 321,000 qof.

Waxaa jira kumanaan qof oo ku xayiran xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaalida, dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo aan loo ogolayn in ay u gudbaan dhanka Kenya, ayagoo aan haysan wax gargaar ah ama daryeel ah.

Waxa kale oo jira warbixino sheegaya in kumanaan qof ay isku deyayaan in ay u gudbaan dalka Yemen ayagoo isku deyaya in ay raacaan doonyo ama sixiimado yaryar oo halis gelinaya naftooda.

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com