Maxaad ka taqaan dadka
Shisheeye ee Saamaynta ugu wayn ku leh Siyaasadda Soomaaliya?
Qore: Abdiweli Hassan
abdihass55@hotmail.com
Dr. Jendayi Frazer;
Amb. Michael E. Ranneberger; Meles Zenawi; Isaias Afewerki;
Amb. David Shinn.
Jendayi E. Frazer
waa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Dhinaca Afrika.
Waxay ka soo jeedaa Gobolka Virginia ee Maraykanka. Haweenaydaan
oo aad caan uga ah qaaradda Afrika ayaa takhasus aad u fog u leh
arrimaha Afrika. Waxay ahayd hadda ka hor Safiirka dalka South Africa u
fadhiya Maraykanka. Waxay horay u soo qabatay jagooyinka kala ah La
taliyaha gaarka ah ee Madaxwayne G. Buush ee dhinaca Afrika; Madaxa
Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka; xubin ka
tirsan Golaha Ammaanka Qaranka. Haweenaydan waxay macallimad ka ahaan
jirtay iskuulka dawladnimada ee Kennedy ee Jaamacadda Harvard, iyadoo
xubin firfircoon ka ahayd Golaha Xariirka Caalamiga ah ee Jaamacaddaas.
Waxay wax badan ka qayb qaadatay dejinta qorshayaal milateri oo ay
sameeyeen Hoggaamiyeyaasha ciidamada maraykanka. Markii ay ahayd
Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Golaha Ammaanka Qarraanka waxay lahayd
qorshaha siyaasadda faragelinta arrimaha waddamada Koongo, Siiraliyoon,
Laybeeriya, Burundi iyo Suudaan. Dhammaantoodna iyada ayaa si gaar ah
ugu xilsaarnayd fulintooda.
Haddaba haweenaydaan waxay
si firfircoon faraha ula gashay cidda noqonaysa madaxda waddamada kor ku
xusan isla markaana abuurtay awoodihii meel marin lahaa hawshaas iyadoo
mar kasta isticmaalaysay awoodda waddamada dariska la ah kuwa kore sida
Ugaandha, Nayjeeriya, South Africa iwm.
Dr. Frazer waxay xagga
waxbarashadeeda jaamacadeed oo idil ku soo qaadatay arrimaha Afrika
iyadoo wax ku baratay Jaamacadda Stanford halkaas oo ay shahaadada B.A.
ku qaadatay Culuunta Siyaasadda, gaar ahaan Afrika, waxay isla
jaamacaddaas ka qaadatay shahaadada M.A. ee Siyaasadda Caalamka iyo
Horumarinta Waxabarashada. Waxay takhasus Doktoraal ah ku samaysay
Xariirka u dhexeeya Shacabka iyo Milateriga Keenya. Taasoo ay si hoose u
dhexgashay hawlaha Keenya iyo Waddamada Dariska la ah. Waxay ka qayb
qaadatay hawlaha Milateri ee Afrika. Waxayna macallimad ka ahaan jirtay
Machadka Culuunta Horumarinta ee Jaamacadda Nayroobi (the Institute for
Development Studies at the University of Nairobi, Kenya). Waxay sidoo
kale Macallimad ka noqotay the Graduate School of International Studies
ee Jaamacadda Denver.
Dr. Frazer waxay kale oo u
xilsaarnayd dhexdhexaadintii Ethiopia iyo Eriteria ee dagaalkii
dhexmaray 1998-2000, iyadoo la safatay Ethiopia halkaasna Eriteria ay ku
qaadacday hawsheeda sidaasna ay colaadi u dhexmartay taasoo ilaa hadda
taagaan. Haweenaydan waxay hadda aad uga qayb qaadatay isbedelkii ka
dhacay Soomaaliya ee Golihii Maxaakiimta awoodda looga tuuray iyo
qandaraaskii soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya. Dr.
Frazer oo takhasus fiican u leh sida loo adeegsado waddamada deriska la
ah waddanka ay doonayso inay hawl ka fuliso ayaa sidoo kale qandaraas
fiican wuxuu kala dhexeeyaa Ugaandha oo hore ugala qayb qaadatay
qorshaheedii Koongo. Mr. Museveni (Madaxwaynaha Ugaandha) oo xariif ku
ah sida loo rog-rogo siyaasadda reer galbeedka isla markaana ah jabhad
waynaaday ayaa hadda u muuqda mid hunguri ka galay sidii uu uga qayb
qaadan lahaa qaybsiga qandaraaska Soomaaliya.
Waxaa arrimahaas si fiican
isugu sii xiraya qayb wayna ka ah qandaraaskan Safiirka Maraykanka u
fadhiya Kenya Amb. Michael E. Ranneberger. Wuxuu sidoo kale ka
soo jeedaa gobolka Virginia ee Maraykanka. Virginia waa gobol koonfurta
Maraykanka ku yaal oo ah halkii ugu horaysay ee dadkii Ingiriiska ahaa
ay ka dageen Maraykanka. Waana halka Madaxwaynayaasha ugu badan ee
Maraykanka ka yimaadeen.
Amb. Ranneberger ka hor
Kenya wuxuu ahaa u qaabilsanaha Sudan ee xafiiska Afrika isagoo isla
markaana ahaa ku xigeenka xafiiskaas. Wuxuu wax badan soo ahaa la
taliyaha gaarka ah ee Maraykanka dhinaca Suudaan. Ka hor wuxuu soo
noqday Safiirka Maali. Ninkan odayga ah wuxuu si fiican ugu takhasusay
hawlaha Koonfur Ameerika iyo kala furfuridda jabhadaha iyo samaynta
kooxaha isagoo ahaa 1995-1999 isu-duwaha arrimaha Kuuba kuna guulaystay
inuu Kuuba ka abuuro kooxo u janjeera siyaasadda Maraykanka. Ka hor
Kuuba wuxuu soo sameeyay koox la baxday Task Force oo ka hawl gasha
Haiti. Amb. Ranneberger wuxuu hadda aad uga shaqeeyaa arrimaha
Soomaaliya, kumana cusba oo wuxuu soo noqday Agoosto 1994 Deputy Chief
of Mission ee Muqdushu. Ka hor wuxuu aad ugu soo dhex jiray kana soo
shaqeeyay Mozambiik 1986-89 iyo Angola 1981-84 isagoo labadan waddanba
ka qayb qaatay la dagaalankii kooxihii Shuuciga iyo abuuritaankii
jabhado iyo kooxo u shaqeeya danaha Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ka soo
abuuray kooxo iyo shaqsiyaad ka shaqeeya danaha Maraykanka waddamada El
Salvador iyo Guatemala.
Amb. Ranneberger wuxuu wax
ku bartay Jaamacadda Towson State isagoo ka qaatay shahaadada B.A.
Wuxuu ka qaatay shahaadada M.A. dhinaca taariikhda Jaamacadda Virginia.
Wuxuu hadda si aad ah ugu mashquulsan yahay inuu ka abuuro Soomaaliya
kooxo iyo shaqsiyaad u adeega danaha Maraykanka, isagoo kaashanaya Dr.
Jendayi Frazer iyo Meles Zenawi.
Meles Zenawi
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu ku dhashay Adwa oo ah gobolka Tigray
ee Waqooyiga Itoobiya. Waxaa iska dhalay Aabe Tigray ah iyo Hooyo
Ereteeriyaan ah. Zenawi oo madax ka ah Itoobiya muddo 16 sano ah waa nin
dhallinyaro ah oo da’diisu tahay 51 jir. Wuxuu noloshiisa in badan ku
soo qaatay jabhadnimo isagoo muddo badan ku noolaa Soomaaliya
waqtigiisii Jabhadnimada kuna socdaali jiray baasaboor Soomaali ah.
Wuxuu madax ka noqday Jabhadihii midoobay ee EPRDF (Ethiopian People’s
Revolutionary Democratic Front) ee la dagaalamayay maamulkii Mengistu
Xayle Maryam ee Derg.
Zenawi wuxuu ku guulaystay
inuu ku xukumo Itoobiya siyaasadda ah qaybi oo xukun. Wuxuu ku soo rogay
in qawmiyad kasta maamul-goboleed samaysato taasoo abuurtay in la isku
qab-qabsado xuduudaha iyo maamullada. Arrintani waxay abuurtay dagaalo
joogto ah iyadoo qawmiyaddii u hogaansami wayda awaamiirta Zenawi lagu
hubaynayo kuwa kale ee ay is hayaan. Zenawi wuxuu ku guulaystay inuu si
casri ah u dhiso gobolka uu ka soo jeedo ee Tigray taasoo leh dhammaan
adeegyada hoose, dhexe iyo sare ee bulsho u baahan karto. Wuxuu u
diyaargaroobay, sida lagu xanto, inuu ka goosto gobolkiisu haddii
Itoobiya kala tagto.
Meles Zenawi wuxuu si aad
ah ugu guulaystay in maanta taangiyada Itoobiya dhex joogaan goobihii
looga talin jiray milaterigii Soomaaliyeed, isla markaana ay xasuuq ugu
gaystaan shacab aan hubaysnayn. Zenawi waa nin taariikhda Soomaaliya iyo
Itoobiya si fiican u yaqaan, isagoo og in taangiyada Soomaaliya ay mar
aan sidaas u dheerayn dhex joogeen Dire-Dawa, iyagoo korna u dhaafay
Harar. Zenawi wuxuu doonayaa inuu tirtiro guuldarooyinkii ku dhacay
Itoobiya, abuurana taariikh cusub oo jiilasha soo socda ugu faanaan kuwa
Soomaalida ah in Xamar, Caasimadda Soomaaliya, taankiyadoodu waxay
doonaan ka sameeyeen..
Wuxuu fursaddan uga
faa’iidaysanayaa Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Shidaalka caalamka
ee lagu qabsanayo magaca Argagaxisada. Haddaba Zenawi oo xariir fiican
la samaystay Dr. Frazer waxay doonayaan inay Soomaaliya u abuuraan
kaadiriin u shaqeeya danaha ay leeyihiin isla markaana xeebaha
Soomaaliya looga taliyo Addis Ababa.
Waxaa dhinaca kale
dhibaatada Soomaaliya qayb ka ah Isaias Afewerki, Madaxwaynaha
Eritereeya. Wuxuu ku dhashay Asmara 1946 waana nin haysta diinta Judiac-Christian.
Wuxuu arday ka ahaan jiray Jaamacadda Hayle Selaase I isagoo ka tagay
1966 kuna biiray jabhaddii xornimadoonka Eritereeya ee la dagaalamayay
Itoobiya. Wuxuu aad ugu guulaystay waqtigii jabhadnimada inuu ka wada
takhaluso raggii ka wada caansanaa ee hoggaamin jiray jabhadda kuwaas oo
Muslimiin u badnaa, isagoo kaashanaya walaalkiis Meles Zenawi oo
hoggaaminayay Jabhaddii Tigrayan Peoples Liberation Front (TPLF). Waxay
labadan nin si fiican uga wada shaqeeyeen qabsashadii Itoobiya iyo
Xornimo-siintii Eritereeya. Nasiib-daro waxay isku khilaafeenba waxaa
dhexmaray dagaal qaraar. Waxay hadda labaduba ku mashquulsan yihiin hub
isugu dhiibka Soomaalida iyo burburinta intii harsanayd qarankii
Soomaaliya. Waxaa la hubaa inay maalin ay noqotaba ay heshiin doonaan
labadan nin ee wada haysta diinta Kiristaanka, cadaadis ba’ana ku haya
muslimiinta ku nool waddamadooda. Mr. Afewerki wuxuu gacan bir ah ku
hayaa dadka Eritereeya oo wax badan u soo halgamayay inay xoriyad helaan
balse candhuuftooda dib u liqay iyagoo qurbihii ay is lahaayeen haddaad
ka laabanaysaan uu mar kale halgan u bilowdo.
Waxaa xagga siyaasadda
Maraykanka kala taliya labadan nin rag uu ka mid yahay Amb. David
Shinn. Waxaa laga yaabaa Soomaali badan markay arkaan rag uu ka mid
yahay David shinn oo dhaleecaynaya siyaasadaha qaar ee Maraykanka inay
aad ula ordaan.
Amb. David Shinn wuxuu
safiir ka ahaan jiray Itoobiya (1996-1999) gaar ahaan waqtigii ay
bilaabatay siyaasadda Itoobiya ay dagaallada ugu soo qaadaysay gudaha
Soomaaliya 1996. Waxaa hubaal ah inuu qorshe iyo qaaraanba ku lahaa
siyaasaddaas ilaa maanta taagan. Amb. David Shinn wuxuu ku dhashay halka
la yiraahdo Yakima ee Washington 1940, isagoo waxbarashada Jaamacadeed
ka qaatay Jaamacadda George Washington, halkaas oo uu hadda macallin ka
yahay. Wuxuu ku sameeyay takhasuskiisii M.A. 1964 Pan-Somali Movement.
Waxaa qariib ah waqtigaas inuu u doorto thesis-kiisa arrintan. Waqtigaas
sida la wada og yahay waxaa dhacay dagaalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya
iyo Itoobiya taariikhda casriga ah. David Shinn wuxuu sidoo kale safiir
ka noqday Burkina Faso. Wuxuu shaqooyinkiisii dublimaasiyadeed ee ugu
horeeyay ka bilaabay Nairobi-Kenya iyo Daresalaam-Tanzania, isagoo
Konsul-ku xigeen ka ahaa Bayruut-Lubnaan. David Shinn wuxuu gacan wayn
ka gaystay hawshii Operation Restore Hope ee Maraykanku hoggaaminayay.
Wuxuu Isku-duwe ka ahaa 1992-93 Somali Task Force. Amb. David Shinn
wuxuu xubin firfircoon ka yahay ururo taageeridda Itoobiya ah sida
Society of Friends of the Institute of Ethiopian Studies; U.S. Cares for
Ethiopia. Hase yeeshee ka mid ma ahan ururo Soomaaliyeed, isagoo
takhasuska shahaadadiisii jaamacadeed ku qaatay Soomaaliya kana soo
shaqeeyay.
Waxaan maqaalkan u doortay
in Soomaalidu aysan ahayn dad wax ku qiimeeya taariikhda isla markaana
aan qorin, inay wax baaraana warkeedaba daa, taasoo keenaysa inay si
fudud maalmo kaddib hadba jiho u yaacaan. Sidaas darteed waxaa haboon in
qofka Soomaaliga ah iska badalo fikirka ku dhisan saacaddaas wixii aan
rabo ayaa sax ah.
Qore: Abdiweli Hassan
abdihass55@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 21, 2007
Mudaaharaad
looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada
Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.
|