HADDII DAGAAL AFAR MAALMOOD AHI XASUUQ NOQDOKII 16KII SANO MUXUU NOQONAYAA
xasan yuusuf jibriil.
xyjibriil@hotmail.com
Akhristayaasha sharafta lohow bal waxaad isu miisaantaan wixii 16 sano dad
samaynayey oo ay ku samaynayeen dad kale oo soomaali ah iyo dagaal la
sheegayo inuu socdey 4 maalmood kee xasuuq ah,
hadda waxaa la sheegay in la diley afar maalmood ugu yaraan 1000 qof,16kii
sano bishii waxaa la dilayey ugu yaraan 8.000 kun oo qof bal ku dhufo
8000x16=128 000 oo qof,
waxaan weydiinayaa cidkasta oo ka damqanaysa 1000 qof oo afar maalmood la
diley oo aan xaqiiqo ahayn kawarama 128.000 oo la diley oo aan cid ka
hadashay jirin,
waxaa la sheegay inay dhaawacan tay ugu yaraan 4.000 oo qof afar maalmood ka
soo qaad inay bshii dhaawacmi jireen in ka badan 20.000 00 qofood ku dhufo
16sano oo ah min 20.000x16=320.000 00 qofood,
waxaa la sheegay inay qaxeen afar maalmood 120.000 oo qofood, hadda yareeyoo
ka soo qaad inay maalintii qaxi jireen ilaa 300.000 kun
qofood,16x300.000=4.800 000 (afar milyan iyo sideed boqol oo kun ayaa ka
qaxday goryohoodii oo waliba dadka loo sheegi jirey inay yihiin yuhuud aan
soomaalina ahayn islaamna ahayn oo qofkii dhib u gaystaa ka helayo ajar
ilaahay loogu dhowaanayo oo jid walba inta loo fariistay qofkii arkaaba
isagoo ajar doona gabdhaha la kufsanayey oo haddana la dilayey,caruurta dab
lagu shidayey,hooyooyinka la xasuuqayey,nimanka warkooda daah waayeelba ha
ahaadeene,meesha kuwa maanta qaxayaa ay nabad galyo ku gaarayaan meelkasta
oo ay u socdeen tuug xabbad ku soo rida oo baarasho labey ee aan qabiil ku
raadsanayan ka sokow.
guryohoodii,beerohoodii,baabuurtoodii iyo wax kasta oo ay lahaayeen la
qanimaystey waa say la tahaye,
xuseen caydiid,cabdullaahi sheekh xasan,calasoowga la sheegay inuu ku
takhakhusay xuquuqda aadanaha ee hadda sheegaya sharciyada xasuuqa iyo cid
kasta oo ka hadasha waxa yar ee hadda ka dhacay muqdisho siiba yuusuf
garaadka qabyaaladdu gedtey ee marba qof teleefan u diraya iyo ABDHIR
bacadlaha ka qayb galay isagu xasuuqaas 16kii sano socdey ma hadday
dhasheen,hay adaha u dooda xuquuq insaankuse ma hadday dhasheen,
Bal waxaad isu eegtaan akhristayaasha sharafta lohoow waxa hadda la la
qaylinayo iyo wixii la gaystey muddadii ka horeysey, abshir bacadle wuxuu
ahaa hoggaamiyihii dadkii la xasuuqi jirey markaasuu gabay ugu sii daray
waxaana ka mid ahaa gabayadii bacaadle ee ku digashada ahaa=Qulqulkiinna
waxaa laga arkaa qaaraddii yurupe marka hadalba ma u bannaan yahay bacaadle
iyo raggiisa oo inta kufsaday dumar,diley caruur,bililiqaystey hanti wali ku
nool ma ka hadli karaa waxa hadda soconaya isagoo ah hoggaamiyaha burcadda
argagixisada ah kawarama hadduu maanta leeyahay aryaa cabdullaahiyaa
aarsaaya,
Isku soo duuduuboo soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa isma aragto aqal
dhaantay,maroodigu takarta saaran ma arkee kan kale tan saaran buu
arkaa,doqontu meeshii lagu dagaalay bay ogayde meeshii lagu heshiiyey ma
ogayn,dhagar qabe dhulkoow dhaqdhaqaaqa,dhurwaa la teg u bartay laga dhig
waa ku ceeb,xaaraantu uga macaan xalaasha iyo wax fara badan oo kale.
Waxaan qabaa in marka xasuuqii loo gaystey dadkii reer waqooyiga ahaa,kuwii
reer mudugga ahaa,kuwii reer koonfureedka ahaa,ee xilligii dowladdii hore
ee millatariga ahayd,
markii SNMtu qabsatay gobolada waqooyi xasuuqii ay ku sameeyeen dadkii kale
ee soomaalida ahaa oo mar walba meelihii ay ku aaseen inta dad geeya oran
jirey waa dadkii dowladdu laysay iyadoo ay ahaayeen dadkii soomaali galbeed
ka yimid iyo kuwii koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ka yimid,oo ay
qudhoodu xasuuqeen,
markii dagaaladii 16ka sano socdey xasuuqii ay u gaysteen dadkii looga soo
qaxay muqdisho ilaa haddana socda lagula xisaabtamo oo sharciga la horkeeno
ayaa laga hadli karaa kan hadda ka socda muqdisho ma dagaal ay horboodayaan
kuwii dadka layn jirey iyo al qaacido ku soo biirtay ka hortaggeed baa mise
waa dagaal qabiil lagula dagaalamayo iskaba daa xasuuq iyo dambi dagaale.
gabagabadii soomaalidu waxay tiraahdaa fallaari gilgilasho kaagama
harto,bacaadle iyo raggiisu ha iska had had leen inta sharciga laga
horkeenayo waxa ka dhawaajinayaana wax kale maahee waa uun waxay gaysteen oo
ku maqan xisaabina waa u diyaar aakharo iyo adduunba ee ilaahow xaqaaga la
jir.
xasan yuusuf jibriil.
xyjibriil@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 20, 2007


|