SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaalada Soomaalida Kunool Casimada Kenya!!!

Cabdi Raxman Cali Adam:
Kenya,Nairob.
E_mail: baadiyow12@hotmail.com

Waxan rabaa in aan qoralkeygan ooga waramo somalida ku nool wadan keyna gaar ahaan kuwa ku nool caasimada wadanka keny,Nairobi.

Dowladii dhexe ee soomaliya uu madaxda ka ahaa Max’ed Siyad Barre waxey bur burtya 1991di wixii ka danbeya dalka iyo dadkaba waxaa aafeyay dagaalo sokeyo kuwaas oo keenay dhibatooyin fara badan oo ka mid yihiin ,dil,dhaca,kufsi,iwm.

Dagaaladasi waxeey dadka ku qasbeen in eey isaga qaxaan wadanka ayagoo u qaxayo nin kastaba meesha uu isleyahay waad ku bad baadi karta, soomali badan ayaa u soo qaxday wadanka Kenya qaasatan casimadiisa Nairobi.

Soomalida dagan Nairobi 85% waxey daganyihiin xafaada la yiraahdo islii (eistligth), waa xaafad markaad joogto aad is dhaheysid waxad joogta somaliya waxaad ka dareemeysaa dhaqankii macaanaa ee soomaladu’lahayd.

.waxaa ku yaalo maqaayado waaweyn ee soomalidu ku ganacsadaan waxaad ka heleysa cuntooyinka kala duwan ee soomalida cunaan,waxaa kaloo jira maqaayado yar oo lagu shaah cabo, inta badanna eey ku fadhi diriraan soomalida, waxeey aad ooga warqabaan xalada soomaliya ayagoo ka sheekeysanaayo waxyaabihii oogu danbeyay ee uu kusuganyahay dalka.

ka warqabkaasi waxaa u fududeeyay ayagoo dhageesta idaacadaha warbaahinta ku baxo afka soomaliga oo soo tebiya wararkii oogu danbeyay xalaada dalka, waxad arkeysaa inta badan ayagoo kala taageraayo DFKS iyo ururada mucaaradka iyo waliba fara gilinta caalamaka eey ku hayaan soomaliya ha ahaato faragilin siyaasad iyo mid milatry intaba

Dhanka Ganacsiga

Dadka soomalida ee dagan casimada Kenya waxeey ka gaaree horumar lataaban karo dhanka ganacsiga inta eey ku noolaayen Kenya,.waxaa la oran karaa ganacsigaasi waa mid eeysanba gaarin dadka u dhashay wadanka.

Somalida ku dhaqan Nairobi waxeyba u arkeen in eey joogaan dhulkooda hooyo ayagoo ka dhistay guryoo dhadheer oo aad u quruxbadan una badan kuwa lagu ganacsado waxaa ka mid ah Gaarisa,Dubai, Bankok, Baraka basar,Amal Plaza, Alcarafaat, Almubaarak,L iibanshop.suuqyadaasi waxaa looga yimaada wadamada kala ah Uganda,Tanzania.

Waxaa la’oran karaa guulo la taaban karo ayey ka gaareen somalida ku nool wadanka Kenya kuwaasoo eey gaarin soomali badan oo ka ganacsata wadamada Africa sida koonfru Africa oo aalaaba soomalida ku dhanqan gayigaasi loo geesto dil dhac iyo waliba dab la qabadsiinaayo ganacsigooda iyo naftoodaba qofkii oo nool isla mar’ahaantana lagala baxaayo xubnaha muhiimka ee bini’adamka, kaba soo tag guul eey ka gaaran gancasiga naftooda ayaaba halis ku jirta 24hours.

Buufiska soomalida


Waxaa la dhihi karaa 85% soomalida dagan Nairobi waxeey sugayaan bixitaan eey u baxayaan wadamada rer galbeedka sida Mareekanka, Canada, Austrlia,England,Neuzaland,, Finlanad,Norway.IWM

Waxaad ku arkeysaa meelaha inta badan eey ku kulmaan soomalida iyo xitaa meelaha aan sidaa can u ahayn in looga sheekeysanaayo arimaha ku saabsan buufisaka su’aasha oogu horeyso uu qof soomali ah ku weydiinaayo ayaa noqonyso maxaa kuu hirgalay?leenkaadii xaguu marya?ma heshay screen?,ma heshay inter view?leenkii wali kuuma soo bixin miyaa?ma baastay?ka waran imtaxaankii manta laga soo qaaday? wax miyaad qaladay gaalka imtaxaanka ka qaadayay mid fiican miyuu ahaa mise mid xun?shalay hebel iyo hiblaayo ayaa timid maxey keenen maxeey soo kordhiyeen? ayagoo isku dayayaan in eey la kulmana qofkaasi dibada ka yimid si uu ooga sheekeeyo dibada, markuu la so sheekeysto ayaad arkeysaa asagoo ku haayo hebel ayan la kulmay manta oo buufis zaa’id ah ayaa I haayo iyo arimo badan oo lamid ah oo halkaani lagu soo koobi Karin mararka qaarkood ayaadba is oran dadkani wa eey dhaqan badal meen.

Waxaan tagay xarunta imtaxaanadka ee loo yaqaano JVA waa mesha imtaxaanka eey ku maranaan dadka larabo in dib loo dajiyo Mareekanka waxeeyna ka tirsantahay xaafada Westland ee maagaalada Nairobi. .

waxaad ku arkeysaa meshaasi dad anan isku af’ahyn isku dhaqann’na ahayn sida Ethopian,sudaan, somali.

Dadku dhamaan adbey u faraxsanyihiin Markey howlka imtaxaanka fadhiyaan caruur iyo ciroolaba waxaana u badan dadka imtaxaanka marayo somalida ayadoo aad moodidba in eey tahay meeshaba meel soomali kaliya eey daganyihiin fara’badnidooda.

Isku soo wadada duduub dadka waa mid wax maray,mid wax sugaayo,iyo mid kan wax sugaayo sii sugaayo,

Xiriirka Boliska iyo soomalida

Booliska Kenya ayaa ah kuwa inta badan habeenkii soo aado xafada islii eey soomalidu dagta ayagoo raadinaayo dad eey ka qaadan lacago laaluush ah waxaad ku arkeysaa habeenkii xiliga fiidka eey tahay dad u badan dhalin yaro oo gacanta looga jabiyay katiinad markaad weydiiso dadka sababta loo hesta waxey ku shegayaan in eeysan dhib geeysan balse laga rabo lacago laaluusha ah,booliska ayaa iyagu ah kuwa ku andacooda in eey dadkani heeysan sharciga wadanka amababa sharci qaxooti.

Waxaa intaasi u sii dheer tuugada oo aalaaba soo gasho xafada soomalida ayagoo ku hubeeysan bastoolada isla mar’ahantana dadka ka qaato wax yaabaha eey sitaan sida mobilada,lacagaha,IWM mararka qaar ayaa dhacdo hadii eey ka wayaan lacag ama mobil in eeyba dilaan qofkaasi.

Waxbarashada Soomalida

Soomalida ku nool Nairobi aad ayey u badanyihiin hadana sida eey u badan yihiin wax uma bartaan.dhanka dowlada Kenya siduu u noqday madaxweyne Kibaaki waxuu ka dhigay waxbarashada schoolda primary mid lacag la’aan ah,halka markii hore eey ka ahaan jirtay lacag, waxaa kaloo jiro schoolda sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa aan unaqaano privatyada dhamaan waxaa lagu dhigaa manhajka Kenya, hadana sidaa eey tahay somalida ka faa’iideysato waa tiro aad u yar markii loo eego inta eey ku joogaan, taana waa nasiib daro naheysato.

Waxaad arkeysaa dhalinyaro tiradoodu eeysan yareen hadana meel u fadhiyo falaqeenta siyaasada iyo wax anan ku jirin macno iyo waqtigii oo la lumiyo.

kuwaasi markii laga soo tago waxaa jiro dhalin yaro dadaal muujineyso oo si fiican wax u bartaan dhalinyaradas waxeey isugu jiraan kuwa dhameyay iyo kuwa dhigta dugsiga dhexe,kan sare,jaamacadaha ku yaalo wadanka iyo college intaba.

Isku soo wadad duuduubo dadka ku dhaqan caasimada waa kuwa mar qur’ah sugaayo in soomaliya eey ka dhalato dowlad soo celiso kala danbeentii iyo xasiloonidii(Low anad Order) si eey oogu noqdaan wadankoodii hooyo.

Waxaa Diyaariyay:Cabdi Raxman Cali Adam:
Kenya,Nairob.
E_mail: baadiyow12@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2007

Mudaaharaad looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com