Idinkaa is keenaye
u Dulqaata Rasaasta
Liibaan Cabdi Cali
hayaan_8@hotmail.com
Waa hubaal in dadka soomaalida badankood ay aad uga nexeen
dagaalkii aadka u ba'anaa ee dowladaha Ethiopia Kenya iyo
Maraykanku ku soo qaadeen dalka Somalia iyagoo ujeedkoodu
yahay in ay damiyaan nuurka islaamka ee ka ifay geeska
Afrika ee dadka soomaalyeed ee muslimiinta ah ku diirsadeen.
Cadaawaddaas caqiiddada salka ku haysa ee Salibiyiinta
isbahaystay ku soo qaadeen kuna qabsadeen dalka iyadoo
Xabashadu wakiil ka tahay,waxay dad badan ku xambaartay in
ay niyadda ka jabaan,ayna u qaataan in shacabkii iyo dalkii
soomaalyeed gacan galay,waxayna ula muuqatay in aanay xitaa
jiri karin rajo la isku hallayn karo.
Laakiin mar walba waxaa muuqanaysay in Gaalada dalka
qabsaday waqtigoodu gaaban yahay ayna guuldarradu iyaga ku
dambayn doonto,waayo shacabka soomaaliyeed marnaba ma
aqbalayo,waxaana lagu yaqaannaa in uu ka dhiidhiyo
dullinimada iyo sharaf dhaca,kumana sii jirto haddii cidda
ay la dagaalayaan ay tahay gaalo duullaan ah oo doonaya in
ay dalkooda xorta ah gumaystaan.
Farxaddoodda ma aysan qarsan gaalada dalka qabsatay,dhammaan
axzaabta mucaaradka iyo kuwa Muxaafadka ee Ethiopia waxay
hambalyo u direen Melles Zinawi oo ay ku bogaadiyeen
tallaabada uu ku qabsaday caasimadda somalia ee
Mogadishu,waxaana ay Zinawi u aqoonsadeen Waddani iyo wakiil
wanaagsan oo Masiixiyadda u adeegaya ayna tahay in aan
garabkiisa laga bixin.
Ciidammada la soo hoday ee sida hal haleelka ah loogu soo
qubay dalka Somala,sida Sahlanna ku soo gaaray
Mogadishu,waxay muddo gaaban gudohood u garowsadeen in ay
khalad ahayd tallaabadii ay ku soo galeen Somalia,waxayna
qireen in dhibaato xanuun badan ay cagohooda ku soo doonteen.
Maamulka Zinawi oo la dagaallanka waxa loogu yeero
argagiixisada oo ay ula jeejdaan "ISLAAMKA" lacag kaga qaata
Maraykanka iyo Yahuudda,waxay ka ilduufeen in lacagtu aysan
askariga ku hayn karin dhul uusan u dhalan oo uu xoog ku soo
galay.
Sida lagu yaqaanno ciidammada Mabda'a la'aanta dagaala
durbaba waxay bilaabeen in ay is dal dalaan,waxayna lumiyeen
istiraatiijiyaddii dagaal ka dibna waxa Amar kale kaga yimid
Addis Ababa kaas oo faraya in ay laayaan shacabka maadaama
aysan garan karin cidda la dagaallamaysa,amarkaasi waxaa
ansixiyay Cali Max'ed Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf oo Meles
Zinawi uga wakiil ah dalka Somalia oo lala rabo in uu noqdo
kilinka lixaad ee Ethipia.
Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ahi dhag uma dhigin dhibta
gaaraysa,waayo waxa uu ka soo daalay dagaallo jaahiliyadeed
oo qabyaalad ku salaysan,hadda oo Jihaadku dhulkooda ugu
yimidna waxaa caqligu keenayaa in ay dulqaataan oo ay u
qaybsamaan Shuhaddo iyo Mujaahidiin.
Gaalada gumaysi doonka ah ee Xabashida oo ka dhigan xaabo
maraykanku ku sii hurinayo Somalia oo uu ku hunjoobay
sagaashamaadkii,iyagoon muddo dheer joogin,waxay u dul
qaadan waayeen dhirbaaxooyinka mujaahidiinta, waxaana ku soo
xirmay dhammaan waddooyinkii,waxa ay maciin badeen in ay
badda koraan si ay uga badbaadaan dagaalka Masiirka ku
salaysan ee ay sida dullinimada ah u galeen,markii ay sida
gardarrada ah u soo weerareen dalka Somalia oo diinta
islaamka ku dhaqmaya.
Guuli waa midda cadawgaaga gaalka ahi kuu qiree,waxay dani
ka fursan wayday in xabasho injirreey inta xaraashato
dareeskii ciidan qorigiina qiima jaban uga iibsato Muqdisho
si kuwooda haray loogu laayo ay doomo ka raacdo Xeebaha
Somalia,si ay Yeman uga raadiyaan nolol aan xabbad lahayn.
Mid ka mid ah askartaas Yamen tahriibka u aaday oo u
warramay wargagyska Al Ayyam ee ka soo baxa dalka Yemen,waxa
uu yiri" Waan ka adkaannay Maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho
laakiin waan u dul qaadan waynay rasaasta xanuunka badan ee
xaafadaha Muqdisho,sidaasi darraaddeed waxaan maciin badnay
in aan Yemen u soo tahriibno".
Qisooyinka warbaahinta u soo gudba waxaa ka badan kuwa la
qariyo maalin kasta ayayna goostaan iyaga oo guutooyin ah
ciidammada gumaysiga ee Xabashidu,Somalia oo kaliyana ma
ahan ee waxaa sidoo kale amar diiddo Xooggani ka jiraa
gudaha Ethiopia,waxaana Wasaaradda Warfaafina Ereeria shalay
laga soo xigtay in ay dalkeeda soo gaareen 7 sarkaal oo
ciimammada Ethiopia ka soo goostay oo isugu jira Tigree
Amxaaro iyo Oromo,arrinaasina waxay daliil cad u tahay in
taliska Zinawi darafyada ka soo gurmayo uuna sii licayo.
Soomaalida haddaba waxaa la gudboon in ay isu garabsadaan in
ay gaalada dalkooda qabsatay la dagaallamaan,oo ay libtana
is dhaba dhigtaan.
Ilaahayna waxa uu la jiraa kuwa Sabra iyo dullmanayaasha
intaba ay ilaahay ku kalsoonyihiin.
Liibaan Cabdi Cali
hayaan_8@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 20, 2007
Mudaaharaad
looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada
Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.


|