Saxafigu
dhexdhexaad ma ka noqon karaa qadiyada
dalkiisa?
C/raxmaan gurmad
cgurmad@yahoo.com
C/laahi Kolombo – tusaale ku dayasho mudan
Warbaahinta casriga ahi wa muraayada laga daawado
dhacdooyinka nolosha.
Waana halka laga daalacdo waayaha bulsho kasta dareenkeeda,
tabashadeeda iyo himilooyinkeeda nolosha. Waa madasha dood
iyo dareen wadaaga wadareed.
dalalka lagu tilmaamo horu-marka ama hanaanka dimuquraadiga
ahi ku xididaystay saxaafada waxa loo yaqaan laanta afraad
ee laamaha sadexda ah ee caanka ah ee xukuumada (sharci
dajinta, fulinat, garsorka). Shaqadeeduna waa inay ka jirto
danta guud xad-gudubka, inay u noqoto danaha guud ee qaranka
qareen iyo afhayeenn dhaliila wax kasta oo ku lid ah danta
guud.
Iyada oo taasi jirto hadana waxa muqadas laga dhigaa
xorriyada saxaafada iyo madax banaanideeda. Si ay u gudato
waajibkeeda jawi xoriyad iyo cabudhin la’aan ah. Isla
markaas waxa saaxfada haga danaha afkaarta ,dhaqanka ,anshaxa
guud iyo hab nololeedka dalkaas, oo loo qabeeyo hab-xeereed
qaabeeya shaqada saxaafada, si iyada lafteedu aanay u
xad-gudbin.
Halkaas waxa inoogu cad in aanay ahayn macnaha xoriyada
saxaafadu ama dhexdhexaad-nimadu dheh waxaad doonto.
Hadii xaalku sidaas ka duwanyahay maxaa loo arki waayay
dalka Mareenkanka oo amaanaya ama u ducaynayay Axmed Njaadka
Iiraan ama shafeeska Finsuweela ama u garaabaya kooxa ay ku
tilmamaan xag-jirka. Taasi ma dhici karto waayo waxa ka hor
imanayasa aragtida iyo danaha guud ee haga siyaasada dalkaas.
Mar walbana saxaafada dalka Mareekanku waxa ay ka qayb
qaadataa hirgalinta siyaasada arimaha dibada ee dalkaas.
Waxaan xasuustaa xiligii duullanka uu ku qaadayay Mareekanku
dalka Ciraaq, waxaa galbinayay ciidamada dalkaas boqolaal
wariyayaal ah, oo xogta saxaafadeed ee baahinayaan ka
qaadanayay af hayeenada iyo saraakiisha ciidamada dalkaas.
Sidoo kale duulaankii gardarada ahaa ee Itoobiya ku qabsatay
caasimada dalkeena ee Mareekanku sida dadban uga qayb qaatay,
saraakiisha siyaasada dibada ee Mareekanku waxay u gudbiyeen
saxaafada wareegto ku saabasan qaabka ay wax uga qorayaan
iyo in ay indhaha ka qarsadaan duullaankaas.
Waxa ka mid ah wareegtadan halkan ku qoranee loo gudbiyay
wargayska New York Times nytimes on12-27007(the press should
not be allowed to make this Ethiopia, or Ethiopia violating
the territorial integrity of Somalia) read the copy the
guidelines that was given ny times by American officials.
Ma doonayo inaan ku dheeraado tusaalayaasha iyo boqolaal
dhacado oo la mid waayo waxaynu ka talaabsanaynaa ujeedada
maqaalkan.
Hadaba hadaynu u soo noqono warbaahinta iyo saxaafada
soomaalida gaar ahaan dagalada internetka iyo mawqifka ay ka
taaganyihiin badankoodu duullaanka cadawgeenii taariikhiga
ah ku qabsaday caasimadii dalkeena hooyo.
Maka aad isha mariso badiba saaxafada internetka ee
soomaalida. Waxay wax u qoraan sidii oo ay ka hadlayaan
dalka Jabbaan ama dagaallada Filibbiin.
Waxaad dareemaysaa in ay yihiin saxafiyiin ajanabi ah oo aan
wax dareen wadaag al lahayn dhacdooyinka ay wax ka qorayaan.
Waxay khalad u fahmeen macnahah Dhex-dhexaadnimda saxaafada
(dhulku idin la go!) xilli dalkii nacab haysto oo loo jabay
guumaysiga madaw ee Xabashida, oo ku guulaystay inuu gaadho
riyadiisii qarniyaasha jirtay ee ku salaysnayd dullaynta iyo
aasidda qarannimada soomlaaiyeed; xilli masuuliin iyo madax
isku sheeg soomaali ku abtirsadaa ku soo hoggaamiyeen dalka
cadawgiisii taariikhiga ahaa; xilli dalka iyo dadku galay
TAARIIKH MADAW oo aan hore u soo marin. Duruufaha sidaa u
qallafsan ee dalk iyo dadku ku suganyahay waxaa ayaan darro
iyo habaar ah in saxfiyiinta soomaaliyeed ku andacoodaan
dhex-dhexaadnimo, oo ay gabaan kaalintoodii iyo waajibkii ka
saarnaa dalkooda, iyo inay noqdaan codka iyo hubka xoraynta,
iyo horseed bararujiya jidkana u iftiimiya dadwaynaha
soomaaliyeed ee gumaysiga iska caabbiyaya.
Kumaan darin ragga aan canaantay Qalinada kiraysan ee
mawqifkoodu gawskooda ku xidhanyahay, ee waxaan lah hadlayaa
intaan ku tuhmayo damiir soomaalinimo iyo dareen qarannimo.
Cudar daarka kali ah ee aan u hayaa saxafiyiinta aan
dhagarta u badheedhini waa damanaan. Waa soomaali daacad ah
laakiin marin-habawsan .Waayo?
Dhallinyarada saxaafada ku dhex jira maahan rag leh shaqada
ay hayaan khibradeedii, aqoonteedii iyo xeerarkeedii. Waa
dhallinyaro kacaamay intii dalku burbursanaa, intooda
badanina kama dheregsana taariikhda iyo qadiyada qarankooda,
dalkooda iyo dadkoodaba. Danbigana iyagu ma laha waayo waxay
kacaameen iyadoo aanay jirin adeegyadii guud ee qaranka ee
aqoon–gudbiyayaasha ahaa ee dhaxalsiin lahaa taariikhda iyo
taxanaha dalkooda. Sidaas awgeed wariyaasha kooxdan ka
tirsan waxay u baahanyiin wacyi galin iyo wax u sheegid.
Waxa kale oo jira koox kale oo wariyayaal ah oo aan damanayn,
balse iyagoo xiskooda qaba oo maankoodu ka fiyawyahay
cudurrada dhimirka maskaxada badheedh qayaxan u galo godob
qaran.
Waa wariyayaasha qalin-beelyaal ah. Waa ragg ay madax martay
xanuunka Qabyaaladu. Waa nacamlayaal ka daba xadreeya inta
soomalida kala dilkeeda ku hawlan. Waxay mikirifoon iyo
qalin sumad qabiil leh la taagan yihiin fagaarayaasha
warbaahinta.
Mar kasta oo aad booqato bogoga saxaafada internetka ee
soomalida, waxaad arkaysaa 95% inay yihiin kuwo ku hadla af
qabiil oo naxli iyo nacayb beeraya.
Dhacdo walba waxay wafajinayaan ama ku salaynayaan arargti
beeleed.
Waxa ugu xanuun badan qadiyadihii qaranka soomaaliyeed marka
loo sarifo hab qabiil ee lagu eego diiraad iyo maan qabiil.
Taasi waxay keentay jaahwareer guud. Waxaanay abuurtay boqol
fakir beelood iyo jifood oo is diidan oo is xifaalaynaya, oo
ka tallaabsaday ciidana ku rogay dhamaan waxyaalihii
muqadaska u ahaa qaranka soomaaliyeed.
Mar hadii xaalku sidaa yahay wax kastaa waa xalaal hadii
beeshaada maalintaas la macaantahay.
Sidaa awgeed Itoobbiya waa saaxiibka kali ah ee shacabka
soomaaliyeed.
Dagaalkii 77 khalad ayuu ahaa. Iska caabbinta cadawgu waa
asal-raacnimo.
Soomaaliya waa inay ka dhacdaa kii roonow reerka u hadh ee
yaan qabiilkaaga lagaga dheeraynin dhagarta iyo dilka.
Soomaaliyi waxay ku hashiisay inaanay heshiinin. Soomaalidu
isuma talin karto in loo taliyo mooyee. Qabiil waliba
cadawga kali ah uu leeyahay waa qabiilka kale ee
soomaaliyeed, saaxibka kali ah ee uu leeyahayna waa dawlada
Itoobiya iyo “walaalka wayn” ee Melez zinawi!!!.
Halka saxaafada soomaalidu afkaaraha kor ku xusan faafinayso,
dhanka kale dalka ina la dariska ee aynu colka ahayn ilaa
waligeen saxafadiisa hadaad isha mariso subaxdii waxaad
arkaysaa inay tahay saxaafad ku salaysan inay u adeegto
danaha dalka Itoobiya iyo damacyadiisa dhul balaadhasiga ah
ee soo jireenka ah.
Tusaale ahaan maalintii ciidamada cadawga Itoobiya qabsadeen
caasimadeena Muqdisho wargeyska ADIS TRIBUNE waxa uu ku
qoray boggiisa hore cinwaankan (The mission Accomblished) oo
macnaheedu yahay hawlgalkii waa lagu guulaystay.
Hawlgalka lagu guulaystay waa riyadii soo jireenka ahayd ee
madaxda Itoobbiya ee ahayd inay maalin uun Soomaaliya
gacanta ku wada dhigaan oo guumaystaan.
Saxaafada itoobiya ma soo bandhigto 70 qoomiyadood ee
Itoobbiya ku nool ee is guumaysta ee kal afka, dhaqanka,
diinta iyo damaca duwan. Waxaanay ka hadlaan kali ah
qaranimada iyo midnimda Itoobbiya.
Haddaba wariyayaal ku sheegga soomaaliyeed ma waxa ay garan
waayeen inta Adis Tribune garatay? Mise waxay ku
hawlanyihiin oo ka qayb qaadanayaan fulinta ajendaha
Itoobbiya?
Sow qaranjab maaha in 3% wax ka yar saxaafada dagalada
soomaalida wax u qoraan hab soomaalinimo ku dheehantahay?
Sow ayaan darro maaha xasuuqa qorshaysan, taangiyada iyo
diyaaradaha lagu garaacayo maatada, qiiqa iyo holaca
madafiicda ee aad mooddo qiiqii ceelashii shidaalka ee
Ciraaq, maydka maatada ee wadhan waddooyinka Muqdisho ee la
kala aasi kari waayaay, in ay fara ku tiris noqdaan
saxafiyiinta iyo qalin-maalka soomaaliyeed ee u taagan
difaaca dadkooda la gumaadayo?
Akhriste, waxaan ku ku dheeraaday qaawinta wajiga fooshaxa
xun ee warbaahinta soomaalida, waxaase hubaal ah inta nolol
jirto rajada Ilaahay lagama quusto. Haddaba waxa is waydiin
leh, ma jiraan wariyayaal soomaaliyeed oo wali damiir noooli
ku jiro?
C/laahi-Kolombo - tusaalaha damiirka nool
Waa naxariista Ilaahay in casri kasta oo xumaantu baahdo,
dareenka xaqa ku taaganina agoon noqdo, inay jiraan xiddigo
ifiya oo mudduci ku noqda mugdiga dulmiga gacanta sare leh.
Haddaba maadaama aan ku dheeraaday soo gudbinta falaadka xun
ee warbaahinta soomaalida, waxaan halkan ku soo gudbinayaa
tusaale san oo qof kasta oo soomaali ah qalbigiisa yididiilo
iyo farxad ku abuurayasa. Waa wariye soomaaliyeed oo
muujiyay mawqif karaamo, soomaalinimo, daacadnimo iyo madax
–bannaani fikireed ku dheehantay.
Halyaygaasi waa C/Laahi Nuur ”Kolombo” oo ku nool carriga
Mareekanka, waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada iyo
indheergaratada soomaaliyeed ee u arka arrimaha iyo
dhacdooyinku sida ay yihiin, isla markaasna ka badbaaday in
xumadda qabiilka iyo dhuuni-raacnimadu ka naafayso damiirka
iyo dareenka wanaagsan, libaynta iyo garab istaaga qadiyadda
dadkiisa iyo dalkiisa.
C/laahi wuxuu ka mid ahaa wariyaayaashii caanka ahaa ee
Raadiyow Muqdisho, gaar ahaanna daaddihin jiray barnaamijkii
”Faaqidaadda ciyaaraha” ee godli jiray dhegaha
dhagaystaayasha ciyaaraaraha xiiseeya.
Haddaba akhristow waxa dhadcay dhacdadan aan kaaga sheekayn
doono oo ah midda igu kalliftay qorista maqaalkan.
C/laahi waxa uu hawl-wadeen ka ahaa Idaacada layska arko ee
la yiraa Somali Internet TV ee fadhigeedu yahay magaalada
Minyaabolis.
Ka dib markii Cadawga amxaaradu gacanta ku dhigay caasimadii
dalka, ee gumaadka iyo baro-kicinta ka simay rayidkii iyo
maatadii, ayaa Cabdillaahi ka adkaysan waayay waxa meesha ka
dhacaya iyo mashaqada dalka ka taagan, waxaanu muujiyay
mawqifkiisa uu kula xanuunsanyo qarankiisa iyo dadkiisa.
Waxa uu Canbaareeyay gumaysiga madow iyo kuwa soo
hoggaamiyayba.
Dareenkaas uu muujiyay waxa ka biyo diiday oo damcay inay
xayiraan baahinta aragtidiisa wadaniga ah, milkiilayaashii
iyo saami-laydii soomaaliyeed ee tiifiiga maalgashaday,
raggaas oo iyagu dhanka kale ahaa si qayaxana ugu xaglinayay
dawlad kuu sheegta xasuuqa shacabka loogu gabbado.
Waxaan hadaba halkan idiinku soo gudbinayaa hadalkii
Cabdillaahi arrintaas kaga jawaab celiyay.
”Inkastoo aan ahay Suxufi muddo dheer ku soo dhex jiray
hawsha saxaafada, aadna xog-ogaal ugu ahaa isbadaladii dalka
ka dhacay, haddana damiirkaygu wuu i siin waayay in aan
dhex-dhexaad ka noqdo dalkaygii oo cadaw haysto. Waxaan ku
boorrinya aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku sugan dacallada
dunida inaysan indhaha ka daawan xaalada dalkooda, kana
qaataan doorka kaga aadan. Dabadhilifyada dalkooda cadawga
ku soo hogaamiyay waxay noqon kuwo taariikhda ka gala baal
madaw.”
Ka dib markii Cabdillaahi mawqifkiisa shaaca uga qaaday,
kuna faafiyay shabakada internetka, ayaa waxa cirka isku
shareeray khilaafkii isaga iyo madaxdiisa. Intaas ka dib
waxa uu sii geesinnimo leh uga fara xashay xilkii u ka hayay
Somali –TV internet. Waana kan Cabdillaahi isagoo mar kale
arrintaas tibaaxaya:
”Hawshii Somali-TV-Internet waxaan uga tagay markii raggii
ila shaqaynay ay isku dayeen inay hor istaagaan fikirka aan
kula xanuunsanayay waxa dalkii ka dhacaya.”
Sidaas ayuu Kolombo kaga tagay shaqadiisii isagoo sharaf iyo
maamuus wadaninimo xambaarsan. Waxaana hubaal ah inuu
taariikhda ka gali doono kaalin sharafeed jiilalka danbe ku
xasuustaan.
Diinaari iyo Kolombo waa walaalo!
Akhristow, waxaan kuu hayaa
arrin kaa yaabisa oo madaxa la ruxi doontid. Waayo? Waxa
aynu nahay ummad aan inta badan qofku lahayn aragti
madax-banaan. Qofka soomaaliga ahi waxa aragatida la
wadaagta beeshiisa ama reerka uu ka dhashay. Gar iyo
gardarrabana waa inuu taageeraa haddii kali waxa shaki
galaya aqoonsigiisa beeleed.
Ma ogtahay halyayga aan tusaalaha u soo qaatay ee kolombo
iney walaalo run ah oo uur ka soo wada baxay yihiin ninka
lagu magacaabo C/raxmaan Diinaari ee ah afhayeenka dawlad ku
sheegta cadawgu ku gabraarto?
Akhristow, adiga ayaan kuu daayay faallada arintaas.
Waxaan jecelahay inaan ku soo gunaanado maqaalkan ila
taraaray baaq aan u jeedinayo warbaahinta soomaaliyeed gaar
ahaan dagalada internetka.
walaalayaal, waxaan idinka codsanayaa inaad ku dayataan
walaalkiin Kolombo, oo aad mawqifka iyo qalinkaba ugu
gargaartaan dalkiina guumaysigu haysto. Ha noqdo qalinkiinu
waran cadawga weerara. Hhaatuf yididiilo iyo naruuro
wanaagsan u noqda dadwaynaha, iyo xaq u dirirka guumaysiga
inaga dhicinaya kuu diirsadaan. Qalinkiinu yuu noqon mid u
hiiliya nacabka, oo qariya ceebaha iyo hargdaamada
guumaysiga Xabashida.
Walaalayaal, afkiinna iyo qalinkiinnu waa hub iyo saanade ka
fiirsada dhanka aad la garab istaagaysaan. In afku hub yahay
casri walba waa kii Sayid Maxamed lahaa:
Waa laqan madaafiic ah iyo danab lifaaqoone
Waa liifad duushiyo rasaas leeb ah oo dhiciye
C/raxmaan gurmad
cgurmad@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 20, 2007
Mudaaharaad
looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada
Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.


|