SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BELGIUM

Soomaalida dalka Belgium oo dhigay bannaanbax lagu dalbanayo in Ethiopia ay ka baxdo Soomaaliya



Maanta oo Khamiis ah (19/4/2007) waxaa ka dhacay magaalada Brussels bannaanbixii ugu horreeyey ee ay isugu soo baxaan Soomaalida ku nool dalka Belgium. Iyadoo guud ahaan Soomaalida ku nool dalkan hadda lagu qiyaaso 600 oo ruux ayaa waxaa bannaanbaxa ka soo qayb galay tiro gaareysa 200.

Dadweynaha bannaanbaxayey ayaa markii hore ku soo ururay saldhigga tareennada ee waqooyiga Brussels, halkaasoo markii dambe ay soo beegsadeen dhismaha xarunta Midowga Yurub oo ku yaalla bartamaha magaalada Brussels (Schuman).

Dadka bannaanbaxa ka soo qayb galay ayaa ka kala yimid magaalooyin dhowr ah, sida Antwerp, Liege, Gent, Verviers iyo magaalooyin kale. Waxaa kaloo goobta yimid cuqaal ka timid dalka Holland. Waxaa bannaanbaxa aad u soo camiray dumarka oo horey u soo kexeeyey carruurtoodii, waxaana nabadgelyada sugayey ciidanka ammaanka.

Sababta ay u soo bannaanbexeen Soomaalida Belgium ayaa ahaa inay shucuurtooda ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan haysashada ay ciidanka Ethiopia haystaan Soomaaliya, waxaana ay dalbanayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan leh ay ciidanka Ethiopia uga baxaan Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa kor u lulayey calanka Soomaaliya, waxaana ay siteen boorar iyo sawirro muujinaya xasuuqa iyo gumaadka ay ciidanka Ethiopia ka geysanayaan Soomaaliya. Waxaa boorarka ku qornaa dalab lagu weydiisanayo Midowga Yurub inuu maxkamadeeyo kuwa galay dambiyada dagaalka.

 

Mudane Xasan Maxamed (Kaabeer) oo ka mid ahaa waxgaradkii iyo odoyaashii halkaas ka soo jeediyey khudbadaha ayaa ku guubaabiyey bannaanbaxayaasha inay xooggooda iyo xoolahoodaba ku gacan siiyaan dadka masaakiinta ah ee lagu dhibaateynayo Soomaaliya. Wuxuu soo jeediyey in dhaqaale degdeg ah loogu gurmado dadka la gumaadayo.

Waxaa dadkii kale ee halkaas ka hadlay ka mid ahaa Eng Khaliif Sheekh Cusmaan, Axmed-Nuur Xasan Cadde, Maxamed Xaaji (Ingiriis), Abuukar Abanuur, Daahir Dheere, Bashiir Xasan Cabdi, Cabdiraxmaan Niini, Xabiiba Fartaag iyo Cadar Cusmaan.

Dhammaan dadkii halkaas ka hadlay ayaa si adag ugu nuuxnuuxsaday in ciidanka Ethiopia ay shuruud la’aan uga baxaan Soomaaliya. Waxay kaloo xuseen in Soomaaliya aysan maanta ka jirin wax dowlad ah oo sharci ah, balse ay ka jirto dowlad ay soo sameysatay Ethiopia oo ay ku xalaashanayso qabsashadeeda Soomaaliya.

Dumarkii ka soo qayb galay bannaanbaxa ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso waddani ah iyo buraanbur guubaabo ah. Waxaa heesahaas ka mid ahaa; ninkaad waalikood iyo walaalkoodba leysaa weyraxaaya ma ogtahay? Kani galbay, ku kale mooyee! Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada!

Waxaa gaba-gabadii halkaas looga duceeyey xoogagga xaq u dirirka ee u istaagay inay dalka ka difaacaan, kana xoreeyaan ciidanka Ethiopia ee sida gardarrada ah ugu soo duulay. Waxaa Ilaaheey looga baryey inuu siiyo guul degdeg ah, isla markaana uu jebiyo cadowga dalka ku soo duulay ee doonaya inuu dalka oo dhan la wareego.

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

Mudaaharaad looga soo horjeedo xasuuqii Xamar &
joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com