KOOXDA MBGAHTI WAA CIRBAD
QAAWAN, CILMI IYO CAQLINA MALAHA
Qore : Bashir
Abdulkader Mualem
Dugsiga tababarka Xalane
oo ahaa dugsi ciidan oo lagu tababari jiray ardayda
gudaneysa shaqada qaran , sidoo kale wuxuu ahaa xarunta
tababarka macalimiintii loo yiqiin PP , ayaan waxaan
galay markaan ka baxay dugsiga sare si aan u guto
waajibka qaran oo markaa dowlada kacaanka ku soo rogtay
dhamaan ardayda , maalintii inoogu horeysa dugsigaa ayaa
waxaa qudbad la xiriirta soo dhaween iyo barid nidaamka
dugsiga inoo jeediyay taliye ku xigeenka dugsiga ,
Gaashaanle Sare “Sanbolooshe”.
Wuxuu nagu yiri ha
noqonina idinkuna sida ardaydii loo tababraayey PP-da ,
kuwaas oo aan cilmina laheen caqlina laheen , waayo
wasaqda ayee ka dhigteen qad oo ay ku qoreen
gidaarada caay iyo aflagaado, markaa ayuu wuxuu raaciyay
kuwaa maaha kuwa qaadi kara masuuliyadda wax barida
caruurteena. ( in kasto ay ka mid ahaayeen PP –da in
badan oo aqoon leh , laakin inta badan ayuu ka hadlaayey
Taliyaha). Sidoo kale , arrinkaan
waxtar yarida macalimiinta PP –da waxaa buug ka qoray
waagaas qoraaga soomaaliyeed ee caanka ah Mr Nuradin
Farah , buugaa uu u bixiyay The Naked Needle , ama
Cirbadii Qaawaneed ,taasoo uu ula jeeday macalimiinta
qaabkaan loo tababray oo aqoontooda dhaafsiisneen
fasalka 8aad , wax ay soo kordhin karaan ma jiro oo aan
aheen khasaaro, magaca buugiisa wuxuu tusinayaa in
cirbada qaawaan oo aan laheen dun , in ay dharka
daldolooliso mooyee waxba toli karin .
Kooxda Mbgahti-na waa
sidoo kale caqlina ma laha cilmina malaha , waa sidii
cirbad qaawan , oo talaabada ay qaadaan wax bay
dalooliyaan , bulshadii laysku soo celinaayey oo laysku
toltolaayey ayee daldoleeliyaan oo ay kala daadiyaan .
Kooxdaan marka ay afka
kala qaadaanba sidii cirbadii qaawaneed ayee wax
dalooliyaan.
Waxaan aad ula fajacay shalay galab jimcihii 13/04/2007
markaan dhageestay dood ka socotay British Broadcasting
Corporation oo Salaad Cali Jeelle ku qirtay in uu
shacabka muqdishu qabiil qabiil iskugu kicinaayeey ,
isagoo aan warba u haynin waxa ka dhalanaayo qirashadaas
oo ah in uu yahay dambiile dagaal ruuxi bulsho isla
degan iskugu kiciya isar ahaan ama qabiil ahaan waxuu
cadeystay in uu ugu baaqay beeshiisa in ay barakiciyaan
beel kale, waxaa intaa ka sii daran Salaad iyado Dr Omar
Calasow u fasiraayo wax yaabaha masuulka lagu soo taagi
karo maxkamad dambiile dagaal ahaan ayuu sii qiranaayay
, taasi waxay cadeyneesaa jahliga meesha uu ka joogo in
ay tahay meel fog , Salaad oo aan naftiisa maareen Karin
ma lagu aamini karaa dal iyo dad maraayo marxalad kala
guur ah , oo ay aqoonyahanada iyo khubarda ay ku
wareeran xal u helidooda , ummada Soomaaliyeed oo manta
mareyso marxald adag oo kal guur ah , ayaa waxaa hor
boodayo iyagoo qabiil dugsanaayo kuwo aan caqlina laheen
cilmina laheen oo naftooda badbaadin Karin iska daa dad
ay wax u taraan.
Dowladii kacaanka
waxaan dhihi karnaa aqoon yari iyo baahi deg deg ah ayaa
u geysay in ay dhalin yaro aan aqoon laheen ka dhigaan
macalimiin , oo weliba loo dhiibo heerka asaasiga ah oo
ugu muhimsan heerarka wax barashada , talaabadaasna
waxay ka mid noqotay asbaabihii bur buriyay dalka ,
laakin Melles oo soo xushay kooxdaan ogaal ayuu u
sameeyay waayo ma doonayo in Soomaaliya ay heshiiso oo
ay degto.
Marka aad dhegeesatid
khudbadaha C/llahi Yusuf waxaad is weydiineysaa ma oday
jaahil ah oo kaabo qabiil ah, waayo sida uu u hadlo
maaha si uu u hadlo qof masuul ah oo doonayo in uu
nabad dhex dhigo ummad .
C/llahi isagana waxaa
laga hayaa shacabka ha lagu garaaco madaafiic haddii ay
dowlada taageeri waayaan.
Ruuxa caqliga iyo cilmiga
leh xitaa hadii uu dhagar qabe yahay , marka la garto
wuu ka leexdaa ,oo cudurdaar ayuu ka bixiyaa wixii ka
dhacay , laakin kooxda Mbgahti , maaha sidaa , ummada oo
soo jeedo aye doonayaa in ay been u sheegaan.
Beentii ugu dambeesay ay
kooxda Mbgahti ay sheegaan waxay aheed marka uu beeniyay
Gacma dheere , warbixintii guddiga qiimeynta khasaaraha
ka dhacay muqdishu , iyadoo khubarada caalamka ku
tilmaamayaan wixii ka dhacay muqdishu dembi dagaal ,
sidoo kale Geedina wuxuu qiray in ay dowlada dadka ku
tiri barakaca haddii kale waan idin laayneena , waayo
micno kale ay leedahay ma laha hadalkii Geedi oo ahaa
go’aan dowladeed ayuu ahaa in aan dadka ku niraah ka
baxa magaalada , iyadoon dowlada ay dejin meel kale ,
Geedi halkuu ku ogyahay dadkii magaalada uu ka qixiyay ,
waxaa is weydiin mudan kooxda Mbgahti ma meydadaka iyo
dhaawaca iyo masaakinta bara kacay ayee madax u
noqonayaan. Calaa ayi xaal waxaa cid
walba u cadaatay in kooxda Mbgahti ay caqli iyo cilmi ay
wax ku hogaamiyaan laheen , oo yihiin cirbadii qaawaneed
uu sheegayay Mr Nuradin , in ay wax dalooliso mooyee wax
kale aan tarin , markaa kooxdaan in ay wax burburiyaan
mooyee wax ay dhisaan ma laha .
Manta waxaa la gudboon
aqoonyahnada soomaaliyeed- oo qarannimada , islaamnimada
iyo dadnimada ku jirto – in ay u istaagan badbaadinta
ummada oo ay gacmaha ka laaban waxa dhacaya oo
doqomadaan loo soo kireestay.
Burburninta
Caasimada Soomaaliya: waa Bar kulanka
Masaaliixda Tigreega & Mareekanka
Mudadii uu
dagaalka sokeeye soomaaliya ka socday wuxuu wada
saameeyay dhamaan Soomaaliya, meel walbna heerka
saameynta iyo wax yeelada uu u geystay way kala
badneed, Caasimadda Soomaaliya waxay nasiib u
yeelatay inta ugu badan wax yeelada dagaalka
sokeeye, waayo , Muqdishu oo ah Caasimada
Soomaaliya , waxaa ku kulma dhamaan masaalixda
siyaasadeed ,dhaqaaale iyo bulshadeedba ee
ummadda soomaaliyeed iyo kuwa gobolka iyo
caalamkaba , mashaakilka Muqdisho cidii xalisa
iyadaa hogaamineysa , majarahana u qabanaysa
geedi socodka iyo falgalida masaalixda gudaha
iyo dibadaba, sidaa darted, ciyaaryahanada
siyaasadda Soomaalida , kuwooda gudaha iyo
dibada waxay Muqdishu ku leeyihiin saameyn ,
saameyntaasna waxay ka dhigtay Muqdiaho masraxa
dagaalada sokeeye.
Intii dagaal soo
maray magaalada Muqdishu waxaa ugu weynaa midkii
u dhexeyay Caydiid & Cali Mahdi, magaalada kama
dhicin qax ,la mid ah midka ka dhacay manta ,nolosha
caadi aye u socotay , dagaalka manta ka socda
wuxuu kaga duwan yahay kuwii hor , waa mid u
dhaxeeya cadawga ummadda Soomaaliyeed iyo
shacabka Soomaalida , waa mid uu cadawgu doonaya
in geeska Africa kaga tirtiro cunsurka
Soomaalida ee Muslimka ah , waa dagaal ay isku
baheesteen Kirishtaanka xag jirka ah ee
Mareekanka iyo Tigreega.
Khasaaraha uu
dagaalkaan geestay waxuu aad uga badan yahay khasaarah
dagaaladii Soomaalida dhexdeeda ahaa , dagaal
kasta oo Mugdishu ka dhaca ma istaajin nolosha
magaalada , laakin kan maanta waxuu hakat
geliyay dhamaan noloshii ka jirtay magaalada ,
sida ay sheegeyso qadarin ay sameeyeen Gudigga
Qiimeynta Dagaalka , Muqdishu waxaa ka bara
kacay dad gaaray 1,400,000 shakhsi , waxaa ku
naf waayay in ka badan 1,000 ruux, inta ku
dhaawacantay , waxay dhaafeysaa 4,000 ruux.
Wax-barashadii ,
ganacsigii , xitaa adeegii caafimaadka wuu
istaagay , waxaa lala beegsaday BM , Isbitaalada
magaalada , calaa ayi xaal dagaalka haddii
qiyaas walba lagu eego wuxuu ahaa mid xasuuq ah
iyo isir tirid.
Maslaxada Tigreega
ka leeyahay burburinta Muqdishu
-
waxaan ogsoonahay
in Ethopia ay tahay dowlad ay hogaamiyaan
masiixiyinta Tigrega iyo Amxaarada, in kasto
labadaan qomiyadood ay ku loolamaan hogaaminta
dalka Ethopia - oo ay ku noolyihiin qomiyado
kale oo muslim u badan , sida Oromada ,
Soomaalida – waxay ka mideysan yihiin cadaadinta
iyo caburinta .
warqad uu u diray
Millig , gumeestihii reer Yurub markii ay
qeybsanaayeen Africa ayuu ku cadeeyay in Ethopia
ay tahay dowlad masiixi ah oo ku dhex taal
badweyn Muslimiin ah sidaa darted ay tahay in
laga qeyb geliyo qeybsashada , markaa colaada
iyo cadaawada Tigreega u hayoummada Soomaaliyeed
waxay salka ku heysa caqiido kirshtaan ah oo
aaminsan in Geeska Afrika ay jirin dowlada aan
aheen mida Ethopia oo kirishtaanka ah ,
qowmiyadaha kalena ay yihiin kuwo ku hoos nool .
markaa Tigreega in
uu burburiyo xudunta ummadda Soomaalyeed waa
hadafkiisa istraatiijiga ah oo ka tarjumayo
caqiidadiisa masiixiga oo xaqdiga iyo
xaasidnimada u heysa ummadaha Muslimiinta
Geeeska Afrika guud ahaan , Soomaliyana gaar
ahaan.
-
Tigreega &
Amxaarada Ethopia hogaankeeda ku kal tama waxay
ka wada siman yihiin , in ay aamin-sanyihiin in
xuduudkooda dhuleed uu yahay Badweynta Hindiya,
Taas micnaheeda waa in aysan jirin dhul Soomaali
la yiraah.
Xayle Salaas wuxuu
Qaramaada Midoobay 1960 u diray waraaq uu ku
cadeynayo in dhulka Soomaliya uu yahay dhul ka
tirsan dalka Ethopia , oo ay tahay in lagu soo
wareejiyo marka gumeystaha reer Yurub ka baxaan
, wuxuu aad u caariday gobanima gaarsiinta
Soomaaliya , isagoo ku eedeeyay dowladaha
Talyaniga iyo Britain in ay Ethopia ka
gooynayaan ama kala gooynayaan , oo ay dal
muslim ah ka dhinac abuurayaan , qodobkaan ah in
ay jirin wax dhul ama dal Soomaaliya la yirihaa
, waa mid ay ka mideysan yihiin dhamaan
hogaamiyayaasha Tigreega iyo Amxaarada , oo ayna
iska dhaxlaan xaqiijinta burburinta dalka
Soomaaliya.
Milles wuxuu
fulinayaa siyaasadaa istraatijiga ah , midaa
ayaana ka dhigeysa burburinta Muqdishu
talaabadii koowaad ee burburinta Soomaaliya ,
xaqiijineysa masaalixda Ethopia , iyo hadafkeeda
ah in dal Soomaali la yiraah laga tir tiro
Geeska Afrika.
-
Sideedaba
dabeecada derisnimada ayaa qaabeysa xiriirka
sayaasadeed ee dowldaha deriska ah, Ethopia
dhulkeeda ma laha bad oo ay dunida kala
xiriirto , waxaa dhanka bada ka xiga dalka
Soomaaliya , markaa Siyaasada iyo xiriirka ay
Ethopia la leedahay Soomaaliya waxaa qaabeyna
dabeecadaan derisnimo , sidaa darteeda Ethopia
maslaxadeeda qaran kuma jirto in ay jirto dal
Soomaali ah oo ka xigsada badda , hadduu
jiraayaan waa in u ahaada mid burbursan oo aan
taak la heyn .
-
asbaabahaan aan
soo sheegnay waxay ka dhigeysaa masaalixda
Ethopia ee qaran in Soomaaliya la bur buriyo ,
burburinteeda waxay ka bilaabaneysa in la bur
buriyo Muqdishu.
Masaalixada
Mareekanka ka leeyahayBur burinta Muqdishu
-
1993 Oct.3.
Mareykanka waxaa Soomaaliya ka soo gaaray jab
weyn oo uusan ilaabi Karin , taariikhdiisana
galay, culimada taariikhda iyo kuwa siyaasadaaha
ka faalooda ay ku tilmaameen jabkaas in uu ahaa
kii ugu xuma ee ciidamada mareekanka oo aad loo
tababaray la gaarsiiyo Vietnam ka dib , halka
jabkaas lagu gaarsiiyay mareekanka waa Muqdishu
, sidaa darted Mareekanka wuxuu doonayaa in
Moqdishu ka aargoosto .
-
Mareekanka oo ah
maanta dowlad ay hogaanka u hayaan
Kirishtaanka protestant –ka ah oo xag jirka ah
oo ay Yahuuda gadaal ka riixeysa, waxay mudoba
ay ka walaacsanaayeen fikirka Islaamka ah oo ku
sii fidaya dalka Soomaaliya guud ahaan ,
Muqdishu gaar ahaan, ganacsiga , waxbarashada
iyo caafimaadkaba waxaa gacanta ku dhigay dad
leh mabda’a Islaamnimo, wadaniyad iyo dadnimo ,
taasna waxay wal wal weyn ku abuurtay xag jirka
Mareekanka , xarumahooda cimi baaristaaya ayaa
10kii sanno ugu dambeeyay aad u daraaseynaayay
xarakada ka socota Soomaaliya ee waxbarasho ,
ganacsi iyo horumarba ayadoo uu dagaal sokeeye
ka socoda dalka , waxay walaac badan ka
muujiyeen horumarka ka socda Soomaaliya in ay
hogaaminayaan dad leh daren Islaam nimo ,
wadaniyad iyo dadnimo, kuwaasoo la’aantooda aan
la dhisi Karin dowlad, markii ay Maxaakiimta ay
qabsadeen Muqdishu iyo Koonfurta Soomaaliya
aayaa waxaa u muuqday Mareekanka khatar ah in
maxaakiimta ay dalka faraha ku dhigaan , madaama
shacabka Soomaaliyeed ay 100% ay taageereen ,
marka ay la dagaaleen qab qabla yaashii uu isaga
taakuleynaayay, sidaa darted Mareekanka , mid
raba ma ahan in uu arko Soomaaliya ay
hogaaminayaan dad leh Islaamnimo , wadaniyad iyo
dadnimo.
-
Siyaasada la
dagaalanka argagixisada uu calankeeda bilayo
Mareekanka ayaa waxay ka mid tahay asbaabaha loo
burburinaayo Soomaaliya , iyado lagu andacoonayo
in ay joogaan saddex nin oo argagixiso ah ayaa
loo baneesanayaa xasuuqa rayadka iyo burburinta
hantidooda , xitaa haddii aan rumeyno dooda
Mareekanka dambiilayaashaas ma qaab sirdoon
booliis ayaa loo soo qabtaa mise ummada ayaa la
xasuuqayaa , ma jiro wax caqli gal ah oo
baneeynayo in loo xasuuqo ummad dhan nin ama
laba dambi galay , intuu doonoba ha ahaado
dambigooda.
Markaa waxaan oran
karnaa masaalixda Mareekanka iyo Tigreega waxay
iskugu timid burburinta Soomaaliya.
Waxaa yaab leh in
burburinta Soomaaliya loo kaalmeesto dad
soomaaliyeed oo canshuurti ummadda wax ku soo
bartay , dadkii loo tababaray in wadankaan
cadawga ka celiyaan kana difaacaan in ay
cadawgii oo ay qeexan tahay hadafkiisa u soo
hogaamiyaana dalka , xitaa ayna ka damqan
dadkooda waxa ku dhacaya .
Qore : Bashir
Abdulkader Mualem
Sana’a - Yemen
Danaha Kooxda
Imbagaati & Tigreega:
Waa maan Barreey iyo maan Bilaal kala warla’a.
Itoobiya cadaawada ay u hayso dalka iyo dadka
Soomliyeed waa mid soo jireen ah oo cidwalba oo
Soomaali ah ama taarikhda geeska afrika wax uun
kala socotaahi ay ka dharagsantahay.
Hadaba duulaankan qaawan ee ay dalka ku soo
qaaday waxa uu leeyahay ujeedooyin aad u guracan
oo aad u fog fog kuna salaysan nacaybkeedi ay u
heynjirtay umadaan iyo danaha istaratiijiyaded
ee ay dalkan ka leedahay hadii ay noqon lahayd
mid siyasaded iyo mid dhaqale:
Siyaasada
Dhanka siyaasada hadii aan ku horeeyo, Itoobiya
waa dal ay ku noolyihin dad kala diin , dhaqan ,
iyo kala isir ah, dadkaa oo intooda badan ah dad
Muslimiin ah oo intooda badan gumeysi ugu jira
koxda yar ee tigreega ah, iyomujtmaca amxarada
oo in badana dalakan xukumyay oo iyana ka xun
koxdan yar ee lawregtay hoganaka, sida awgeed
Somaliya oo ay dawlad quman ka dhalataa waxay
halis ku tahay isku haynta wadajirka itoobiya,
si hadaba aanay u dhicin taa Itoobiya waxa ay ka
shaqeynysay ilaa lix iyo tobankii sano ee tagay
waxa ay ku shaqeysanaysay qabqablayaashi
dagaalaka ee wadanka u horseeday burburka, waxa
ayna burburin jireen wadahadla walaba oo loo
qabto soomlida hadii uu umuuqdo in aan iyga
dantooda ahayn ilaa ugu danbeynti ay iayaga
ururasadan kooxdan imbagati ee iyaga shaqlaha u
ah.
Dhaqalaaha
Itoobiya maadama aanan haysan wax dekad ah,
canshuuro badan ayay ku bixisaa si ay dekadaha
dalalaka deriska la ah wax ugala soo dakto, si
hadaba ay u hesho dakad iska free ah waxa ay
kudaalaysaa in ay hesho dekadaha Somliya weliba
si sahlan , maadaama ay samaysatay kaoxo iyada u
ah adeegayaal(qabbaano).
Sida laga warqabao dhaqalaha itoobiyana aad buu
uisi babayaa marba marka ka danbeysa ,si amrka
ay u xaqiijiso danaheda dhaqale waxa ay
abuuratay dawlad ku sheegan(koxda imbaghaati) oo
lasheegayo in ayba heshisyo qarsoodi aha
lagaleen.
Kooxda Imbagaati
Hadaba waxa is weydiin mudan waa maxay danaha
kooxda imbagaati?
Sideedaba ibnuaadamka waxa uu kuwanagsanyahay in
si dabiici aha uwada socdaan xaga koriinka
caqligisa iyo jirkisa sidaas si la eg waxa
haboon in qofka si nidaami ah uu ku socdo xaga
waxbarashada iyo xilka uu qabanayo , laakin
koxdan ayaa gumeysigu marin hababiayay waxanay
isugu jiraan dad aanba soo marin wax tacliin ah
iyo kuwa jirran oo xanuuno qabyaaladu ugu
horeyso qaba.
Waxa wax lala yaaba ah in BBCda ay wareysi la
yeelatay lataliha madaxa koxda imbagaati Azhari
oo si buxda u yiri xabshida reer hebel in ay
naga dhiciyaan baanu ugu yeeranay maxaa yeelay
reerkaa oo hanati badan naga dhacay 1991kii,
sidaa si leg Salaad Cali Jeele ayaa isna ka
sheegay meel beel beelaha xamar daga beel kamid
ah ay ku shirayeen in tigrega ay reer hebel
isirtiriyaan, hadaba sow kuma cada in xitaa
koxda imbagaati aanayba isku ujeedo ahayn halaka
qaarkalena ay ku mashquulsanyihiin in ay
dawladnimadaba ay sidi NGO ugu adegtaan iyaga
danahooda khaaska ah.
Laakin sida xaqiiqda arinku yahay sidaa maahan
Itoobiya kooxda hada shaqaalaha u ah iyo kuwa
kahorjooga dalka iyo diinta ee dagaalaka kula
jira kalam ay jecla, kuwan waa uun
kabadii(buundadi) lagu dhaafi lahaa xiligan hada
taagan.
Hadaba murtida aan cinwanaka uaga dhigay qormada
ee ah “ maan Barrey iyo maan Bilal kala war la’a”
Sheekadan oo lagu macneeyo in uu jiray nin boqor
ah oo dhalay gabdh la dhihi jiray Barreey iyo
waxa uu lahaa nin isga adoon u haa o la dhihi
jiray, marka maalin baa waxa aya gabdhii
aabahedd ku tiri aabo dahab ii iibi markaa buu
yriri hada lacag mahayo, marka bay tiri aabo
adonkana ino gad o qimahisa dahab ii soo sii, in
yar kadib baa waxa yimid adoonkii o isna ka
codsadey boqor maadama u in muda ah u
khidmeynayay in u xureyo gabdhiisan u guuriyo.
Boqorki oo ad ula yaaban meesha ay kala jogaan
labadan qof baa yiri “maan Barrey iyo maan Bilal
kala war la’a”.
Hadaba sow arinka tikreega iyo kuwan shaqalaha u
ahi sow sidaa uma eka.
MUKHTAAR HAARUN CISMAAN
Harunsom56@hotmail.com
Sanca-Yemen
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 19, 2007
Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka
Qabsoomay?: 13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii
Akhri


|