Faallo:- Maxaa Kasoo Baxey
Kulankii Wasiirada Amuuraha Dibada ee IGAD?
Qore: Yusuf Max’ed Ismail (Gaduudow)
E-mail
yusufgaduudow@hotmal.com
Bososo,Somalia.
Waxaa Asbuucii aynu soo dhaafney ka furmey hotel-ka lagu
Magacaabo Grand Regency ee Magaalada Nairobi fadhigii
caadiga ahaa ee 26-aad ee Golaha Wasiirada Dalalka ku
bahoobey Urur Goboleedka IGAD ay isugu imaadaan jireen sanad
kasta, waxaana kulankaasi uu ahaa mid xasaasi ah, ayna
xubnihii ka socday dalalka IGAD ee ka qeybagalay ay doodo
aad u fara badan isku Weydaarsanayeen waxa ayna xooga
saareen ka hadalka iyo lafa Gurka xaaladda dalka Soomaaliya
wuxuu kulan kaasi ku furmey ku bilowdey jawi aad u wanaagsan
iyadoo mas’uul kasta oo ka socday Ururka IGAD uu warbixin ka
jeediyey kulankaasi ay iskugu yimaadeen Wariirada Amuuraha
dibada ee Urur Goboleedka IGAD.
Kulankan kama soo bixin wax Natijo ah oo sidaasi usii Buuran
waxbana ma dhaamin kulamadii hore ee ay is kugu imaan jireen
Wasriirada Amuuraha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD kulankan
waxaa dalka Soomaaliya oga qayb galay Wasiirka Amuuraha
Dibedda Dowlada Soomaaliya Prof. Ismaaciil Max’ud Hurre (Buubaa)
waxa uuna halkaasi ka jeediyey khudbad uu oga hadlayey
xaalada iyo arimaha Murugsan ee dalka Soomaaliya &
isbedeladii ugu danbeeyey ee ka dhacday Magaalada Muqdisho e
caasimada Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladda
Federaalka ay si weyn ugu dadaaleyso in ay caasimada ku soo
celiso nidaamkii & kala danbeyntii hase ahaatee in badan
ayay Dowlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku cel celisey
in ay soo celin doonto nabadii iyo xasiloonadii ka jirtey
dalka soomaaliya mudo laga joogo 16 sano hase ahatee wali
wax muuqada oo la sheegi karo kama aysan qaban Dowlada
Federaalka waxa ay balan qaaday in ay ka qaban doonto Dalka
soomaaliya dhinaca Amaanka.
Kulan kan ay iskugu yimaadeen Asbuucii tagey Wasiirada
Amuuraha dibada ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba
Wasiirada Amuuraha dibada ee dalka ku bahoobey urur
Goboleedka IGAD waxaana ka mid ahaa dalalkii kasoo qayb
galay kulankaasi dalka soomaaliya oo uu oga qayb galay
Wasiirka Amuuraha dibada ee soomaaliya Prof Ismaaciil
Max’uud Hurre (Buubaa) waxaa kaloo ka mid ahaa dalalkii ka
qayb qaatey kulankaasi dalka Erateriya oo uu oga qayb qalay
Ergey Matalaya Wasiirka Amuuraha dibida ee Dowlada Erateriya
oo ah Isuduwaha u qaabilsan Wasaarada Amuuraha dibada
qaarada Afrika Waxaa uuna aad u dhaliiley fara galinta iyo
Xadgudubka ay Dowlada Itoobiya ku hayso dadka iyo Dalka
Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii halkaasi
ka hadashey Wasiirka gaashaandhiga Dowlada ugandha oo
matalaya amase ku hadlayay magaca wasiirka Amuuraha dibida
ee Dowlada ugandha waxa uuna si weyn u taageerey dowlada
Soomaaliya iyo howlaha ay ka wado gudaha dalka soomaaliya.
Guntii & Gabagabadii Kulankii Wasiirada Amuuraha dibada ee
Urur Goboleedka IGAD waxaa kasoo baxey ama ay Golaha Midowga
Afrika ka codsadeen in ay soo da dajiyaan ciidamadii ay u
balan qaadeen in ay soomaaliya usoo diri doonaan waxa ayna
sidoo codsi u direen dalalkii ayaguna damaanad qaaday in ay
ciidamo nabad ilaalin ah ay usoo diraan dalka soomaaliya in
ay soo usoo diraan ciidamadii ay u damaanad qaadeen dalka
soomaaliya, ma ahan markii ugu horeysey ee ay Wasiiradaha
Amuuraha dibada ay kulan iskugu yimaadeen ee waa kulan sanad
la ah oo ay sanad walba ay iskugu yimaadaan oo aysana kasoo
bixi natijo sidaasi usii buuran oo wax ku ool ah.
Qore: Yusuf Max’ed Ismail (Gaduudow)
E-mail
yusufgaduudow@hotmal.com
Bososo,Somalia.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 19, 2007
Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka
Qabsoomay?: 13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii
Akhri


|