SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAWAXAA LOO HADLAA AFBAA KUGU YAAL?
MISE WAX SAXAHAA LA SHEEGAA,
MAWAXAA WAX LOO QORAA WAX BAAD QORI TAQAAN MISE WAX SAXAHAA LA QORAA?

xasan yuusuf jibriil. xyjibriil@hotmail.com

Waxaaan ka hadlayaa maqaal uu qoray nin magaciisa ku sheegay maxamed cabdi maxamed bootaan oo aan waji ahaan iyo muuq ahaanba aqaan,bootaan oo isku sheegay qoraa caan ah wuxuu qoray,

su'aal uu weydiiyey dadka amaba naf ahaantiisa oo uu ciwaan uga dhigay waa kuma ninka ay soomaalidu ugu necebtahay oo uu faafiyey webka somalitalk 15kii bishan abriil, mr bootaan waan aqaan da ahaan waa ilaa 20 sano,aan arag soomaaliya iyo kenya maahee meel kale,

Haddaba waxaan ka yaabay bootaan wuxuu doonayaa inuu wax ka qorotaariikh nololeedka Ra isul wasaaraha itoobiya mudane maleze sanawi,qoraalkaasoo uu ugu magac daray yaa yaqaan ninka soomaalidu 90% ugu neceb tahay,wuu sii waday oo wuxuu sheegay in males sanawi yahay nin xun yarkaasi wuxuu qorayaa wax uu jeebkiisa ka samaystay isagoo waayo arag iska dhigaya,

Haddaba wiilkaas yari wuxuu iloow san yahay in itoobiyada maantu aysan ahayn tii markuu dhashay uu maqli jirey itoobiya iyo soomaaliyaa dagaalsan oo colaad hore u dhaxaysaa,

wuxuu illoowsan yahay in qaxooti farabadan oo soomaali ahi deggen yihiin itoobiya kuwaasoo ku qaxay dagaaladii sokeeye ee soomaaliya ka dhacay iyagoo ku dhala,ku dhista,ka dhoofa,ku ganacsada deegaan ahaan u jooga iyagoo xor ah oo aan cidina weydiin waxay waddanka ku joogaan, yarku wuxuu illowsan yahay inay soomaalidu qaadato passapoorka itoobiya meeshay doonaanna ku aadah,wuxuu illoowsan yahay in itoobiya ay dhibaato weyn ku qabto maamul iyo dowlad la 'aantii ka jirtey soomaaliya dhowr iyo toban sano isla markaasna ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay soomaali inay mar uun dowlad hesho si ay uga nasato dhibaatada dadka seef la boodkaa ee soomaaliya ku nool uga imaanaysa oo aysan jirin cid ay uga dacwooto, Haddaba waxa yarku qoray waa uun wax loo soo sheegaye maahan wax ku dhisan cilmi iyo aqoon iyo baaris uu sameeyey toona marka mawaxaa wax loo qoraa wax baad qori taqaane wax qor mise wax saxahaa la qoraa jawaabta su'aashaani waxaa weeye waa inaad waxaad qorto aad taqaan oo cilmi ama aqoon ku salaysan haddii aad wax iska qorto waxay yihiinna aadan aqoon kama duwanid dameer ciyey Ma waxaa loo hadlaa waad hadli kartaa mise xigmad baa lagu hadlaa? jawaabta su'aashaasina waxaa weeye waa inaad wax macnosamaynaya oo jira oo aad si dhab ah u hayso aad ku hadashaa haddii kale aad iska aamustaa waana kii xaddiisku ahaa haddaad hadlayso khayr ku hadal haddii kale iska aamus,haddii aadan saas yeelin wax tixraacna aadan hayn waxaad noqonaysaa dameer baqtiyey,

Haddaba anoo yarka qoraalkiisa meel kale ka fiirinaya waxaan leeyahay mudane raisul wasaare meleze sanawi waa ninka ugu taageerada badan soomaalida dhexdeeda 99%kiiba halkaas soo harayna waa uun shaqsi dan gaara leh ama qaab qabiil wax ku xurubsanaya,

Haddaba waxaan u sheegayaa yarka iyo inta lamidkaa soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa dhurwaa addimana lagu gaari waa afna wax looga qaadi waa waxaanna u malaynayaa in yarku ku jiro qolooyin uun jeebka wax loo gashey waayo da'ahaan iyo aqoon ahaan midna umaba gaarin inuu ogaado taariikh nololeedka halyey afrika u soo baxay,

ugu dambayntii waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa geesiga africa mudane Ra iisulwasaare meleze sanawi waxaanna leeyahay mudane waxaad africa u tahay qorax soo baxdaye geeddiga halkaas kawad inta ku neceb waxaa ka badan inta kuu hanweyn oo ku taageersan marka laga hadlayo soomaalida dhexdeeda,

Yarka qoraalkaan qoray oo aan aqoon u lahayn raisul wasaare meleze zanawi inuu qoro wax uun loo soo sheegay maahee,wiilkaan yari waa yar iska soo lumay oo aan waxba ogayn ee waxaan u sheegayaa dadka itoobiya in dadka soomaaliyeed aad ugu kalsoon yihiin geesiga africa mudane meleze zanawi, Ugu u dambayntii mude dadka ku neceb ee soomaalida ahi waa kuwii isbaarada u dhigan jirey dadka danyarta ah,masaakiinta ah,ka qaatay guryohoodii,beerohoodii iyo xorriyaddoodii uguna yeeray looma ooyaan oo macneheedu yahay iska dil,iska dhac,iska kufso,iska raro,ka iibi biyaha wabiga yaan cidina wax kaa weydiin iyo mid hadba shaati gashada,mar mid qabiil,mar mid diimeed iyo waxaan marna samaynayn wax caqli ah, gaba gabo: jaa alxaqu wasahaqal baadilu innal baadilu kaana sahuuqaa,xaqii baa dillaacay,dulmigiina waa hoos maray oo baaba'ay, ee halla iska illoobo isbaaro dambe iyo biyo wabi oo la iibiyo sidaasna halagu raaco dawladda soomaali oo dhan wada dhisatay inta goori goortahay. Inkastoo loo baaqoo loo sheego barwaaqo dad bay meeli bugtaa.ilaahoow xaqaaga u hiilli.

by xasan yuusuf jibriil. xyjibriil@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka Qabsoomay?: 13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com