SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Apr 19, 2007

  • Is bedel lagu sameeyey Golaha Wasiirada Cali Max’ed Geedi

  • Ciidamada dawladda federaalka oo Burburiyey Sandaqdo iyo Bushash .

  • Sanaag: Siyaasiin Soomaaliyeed oo sheegay in Dagaalka U dhexeeye .

  • Dib u dhac ku yimid Kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha  ..

  • Dowladda Federaalka oo Maxkamad soo taagtey Saddex Weriye ..

  • Shiikh Shariif oo  sheegey in Dagaalka ka socda  Muqdisho ..

  • Dowladda Sucuudiga oo martiqaad u soo dirtay Masuuliyiin ka tirsan..

  • Cali Khaliif Galeyr “Ma wanaagsana in la yiraahdo waxaa Dagaalamay..”

  • Shacabka Reer Uganda oo aan ku qanacsaneyn  Ciidamadooda ku sugan …

  • 31 Xidhibaan oo xilkoodii Baarlamaanimo laga qaadey iyo isqab-qabsiga ka soo shaac baxaya ciddii lagu bedelihaa..


Is bedel lagu sameeyey Golaha Wasiirada Cali Max’ed Geedi

            Raisul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa is bedel aan sidasi u buurneyn ku sameeyey xukuumadiisa, waxa uuna isku bedeley dhowr wasiir, midda ugu muhiimsan waxay tahay xilka laga wareejiyey Wasiirka Arimaha Dibadda Ismaaciil Hure Buubaa, waxaana booskiisii galay Wasiirkii Xaquuq Insaanka Xuseen Ceelaawe Faahiye, waxaana Ismaaciil Hurre Buubaa la geeyey Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo Cali C/llaahi Cosoble loo magacaabay Wasiirka Xaquuq Insaanka, waxaana lagu bedelay Cali Cabdi Waare oo ay isku reer yihiin.

Sababaha xilka looga wareejiyey Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ku timid kadib markii ay iskhilaafeen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, oo ka dambeysay markii uu Buubaa xilka qaaday Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Kenya Mudane Cali Ameeriko.

            Wasiirada ay is qabsadaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi si toos ah xilka loogama qaado balse meel kale ayaa loo wareejiyaan, sida Xuseen Caydiid oo laga qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha loona magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta. 

Ciidamada dawladda federaalka oo Burburiyey Sandaqdo iyo Bushash .

            Shalay subaxnimadii ayaa Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa waxa ay bur burin ugu dhaqaaqeen sandaqadihii iyo bushashkii ku yaalay waddooyinka soo gala Lr Afar.

            Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in goobaha qaarkood iyadoo hanti ay ku jirto ay bur buriyeen taasoo wel wel ka abuurtay dadkii lahaa sandaqadahaas, sidoo kale qaar ka mid ah kuwii meheradaha ganacsi ku lahaa halkaas ayaa waxa ay sheegeen in dawladda federaalka wax ogaysiin ah siinin bur burinta sanadqadahooda.

Dawladda FKMG ayaa waxa ay ku andacooneysaa in sandaqadahaasi ay yihiin kuwo ay ku dhuuman jireen kuwa ka soo hor jeeda dawladda iyagoo intaa raaciyay in hadda ka hor illaa dhowr Askeri looga dilay goobtaasi, waxay kaloo dawladdu sheegtay in sandaqdahaasu ahaayeen kuwo lagu Iibiyo daroogada iyagoo isla markaana intaa raaciyay in sandaqadaas iyo bushashkaasub ay ahaayeen kuwo wax u dhimaya bilicda iyo quruxda magaalada Muqdisha.

Sanaag: Siyaasiin Soomaaliyeed oo sheegay in Dagaalka U dhexeeye .

            Siyaasiin Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa waxa ay daboolka ka qaadeen in dagaalka u dhaxeeya labada Maamul ee PuntLand iyo Somaliland uu yahay mid ay ka danbayso Xukuumadda Itoobiya “Dawladda Itoobiya marnaba ma ogala in Soomaaliya ay Xasisho, mar ay isku dirto laba Beelood, mar ay iska hor keento laba Kooxood iyo mar bur buriso Nabaddii Dadkanu samaystau” ayay yiraahdeen Siyaasiintaasi.

            Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ay xildhibaanada Barlamaanka ayaa waxa ay u soo jeedisay labada Maamul inay faraha kala baxaan Degaanka Xiisaddu ka jirto, sidoo kale waxay u soo jeedisey dad weynaha ku nool degaankaasi inay ka digtoonaadaan dibin daabyada iyo hagar daamooyinka Itoobiya. “Nin walba inta Seddax Degmo waraaq ku qorto ayuu yiraahdaa Sedaxdan Degmo anigaa xukuma, sidaana uu ku dhaco Hantidii ay lahaayeen Dadkaas” waxaa dhawaan Dagaal uu ka dhacay Deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag

Dib u dhac ku yimid Kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha  ..

             Kulankii lagu waday in mar kale ay isugu yimaadaan saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha beelaha Hawiye ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana kulankaa lagu waday in looga hadlo arrimo badan oo kaabaya heshiiskii  xabbad joojinta oo horey ay u wada gaareen labada dhinac.

Kulankan oo markii sedaxaad uu dib u dhac ku yimaado iyadoo kulamadaa lagu waday sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada oo muddo halkaa isaga soo hor jeeday taasoo kalsooni darro ku abuurtay shacabkii guryahooda dib ugu soo laaban lahaa.

Af hayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa waxa  uu sheegay in ciidamada Itoobiya aysan marnaba oggoleyn goobihii ay hore u qabsadeen dagaaladii mudada Afarta Casha ka socdey Magaalada Muqdisha.

            Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisha ayaa dareemaya in mar kale dagaal uu dhici doono kaasoo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo hor jeeda ka gadaal markii ay arkeen ciidamo Itoobiyan ah oo Gurmad ahaan loo keenayo iyo Kooxaha ka soo hor jeeda oo qodonaya Dhufaysyo waa weyn.

Dowladda Federaalka oo Maxkamad soo taagtey Saddex Weriye ..

            Waxaa maalintii shalay ahayd Maxkamad la soo taagay seddax weriye oo ka tirsan T.V.ga Universal, sedaxdaa wariye oo kala ahaa agaasimihii T.Viigaas Cabdulqaadir  Nadaara, Bashiir Diiriye Naaleeye iyo Filim Qaade Xaamud Maxamed Cusmaan.

            Maxkamadda la soo taagay sedaxda wariye ayaa la sheegay ay ahayd mid qarsoodi ah maadaama loo diiday inay yimaadaan eheladoodii iyo mas’uuliyiintii televishinka universal, waxayna wararku sheegayaan in iyagoon la xukumin sedaxdaas weriye loo taxaabay Xabsiga.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha iyo dhamaan bahda saxaafadda ayaa waxa ay ka dalbanayaan Dawladda Federaalka in suxufiyiintaasi loo soo celiyo xuriyadoodii.

Dhawaan ayay ahayd markii af hayeenka Madaxtooyada Xuseen Maxamed Xuub-Sireed uu ugu yeeray inay ka qaadaan wareysi,markii waraysigaasu in yer uu socdayna ay dhacday in Xuub Sireed uu ka caroodo su’aal la weeydiiyay, wuxuuna markiiba amray Ciidamo si loogu taxaabo xabsiga, ma aha markii ugu horreysey in wariyaal ka tirsan war baahinta Muqdisha ay Dawladda Xabsiga u taxaabto iyadoo qaar ka mid ah wariyaashaasi ay sheegeen in six un loola dhaqmay iyadoo dawladda federaalka mar walba ay ku cel celiso inay dhowreyso xuriyadda saxaafadda.

Shiikh Shariif oo  sheegey in Dagaalka ka socda  Muqdisho ..

             Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Maxkamada Islaamiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Muqdisha uu yahay mid u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed oo diiddan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya.

            Sheekh shariif wuxuu sheegay in aas aaskii maxkamada ay ka danbeeyeen shacabka Soomaaliyeed oo iyagu doortay in Dalka lagu Dhaqo Shareecada Islaamka “haddii mar kale Shacabku noo yeeraan waynu aqbalaynaa” ayuu yiri Sh.Shariif oo sheegay in Dalka Soomaaliya aysan ku sugnayn kooxo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda, waayo ayuu yiri Shiikh Shariif Ereygaasi waxay dawladda Maraykanka u isticmaashaa sidii ay ugu bur burin lahayd Diinta Islaamka.

Sheikh Shariif oo ku sugan dalka Ereteriya ayaa waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed inay halkaas ka sii wadaan halgganka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya si dalka looga saaro.

Sheikh Shariif ayaa waxa uu meesha ka saaray in ciidamada Maxkamdaha Islaamiga ay qayb ka yihiin dagaalada ka soo cusboonaday Magaalada Muqdisha iysagoo mar kale ku celiyay in dagaalka ka socda Muqdisha uu yahay Dagaal u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiya oo uu sheegay inay qabsadeen dalka Soomaaliya

Dowladda Sucuudiga oo martiqaad u soo dirtay Masuuliyiin ka tirsan..

            Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay martiqaad u soo dirtay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in Dowladda Sucuudiga ay mas’uuliyiintaan kala hadleyso xaaladda Soomaaliya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

            Sidoo kale Dowladda Sucuudiga ayaa la filayaa in ay iyana martiqaad u soo dirto kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho iyo waliba Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah si loo wada hadashiiyo Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

            Dhamaan kooxahan ayaa waxay horey u sheegeen in uusan wada hadal suurtagal noqon karin isla markaana xal laga gaari karin arinta Soomaaliya ilaa inta ay ku sugan ciidamada Itoobiya gudaha dalka Soomaaliya.

            Dhawaan ayay ahayd markii boqorka Wadanka Sucuudi Carabiya Cabdala uu sheegay in boqortooyada Sucuudiga ay qorsheyneyso in ay dalkeeda ku kulansiiso dhamaan kooxaha ka so horjeeda Dowladda Federaalka si loo gaaro nabad waarta oo ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya.

            Dowladda Sucuudiga horey ayay u heshiisiisay kooxihii uu khilaafku u dhexeeyey ee Reer Falastiin iyo nabadda haatan ka jirta dalka Lubnaan, waxayna ku bixisay qarash aad u fara badan, iyadoo haatan diyaar la ah in ay Malaayiin Doolar ku bixiso sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya. 

Cali Khaliif Galeyr “Ma wanaagsana in la yiraahdo waxaa Dagaalamay..”

            Cali Khaliif Galeyr oo magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska kulan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ayaa waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in xiligaan la yiraahdo waxaana dagaalamaya Ciidamada Itoobiya iyo Beelaha Hawiye, balse ay ka wanaagsan tahay in dagaalku uu u dhexeeyo Soomaali iyo Itoobiya, maadaama Itoobiya ay tahay caddow soo jireen ah.

            “xiligii UNISOM ayaa waxaa la yiri waxaa dagaalamaya Mareykan iyo Habargidir, taasina waa la ogaa halkii ay ku dambeysay” ayuu yiri Cali Khaliif oo sheegay in loo baahan yahay in la abuuro Dallad guud oo kulmisa dhamaan ummadda Soomaaliyeed si looga hortago Ciidmada Itoobiya ee sida gardarada ah ugu soo duulay gudaha dalka Soomaaliya.

ugu dambeyntii Cali Khaliif waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya la geeyo ciidamo Nabad ilalain ah oo ka socda Midowga Afrika si ay u ilaaliyaan ilaha dhaqaalaha inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo kala wareegta shacabkuna uu raali ka  yahay.

Shacabka Reer Uganda oo aan ku qanacsaneyn  Ciidamadooda ku sugan …

            Wariye reer Uganda ah oo dhawaan booqday goobaha ku sugan yihiin ciidamada Uganda ayaa waxa uu ku tilmaamay ciidamo maxaabiis ku ah dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Uganda aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameyn karin Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in har iyo habeen ay ku jiraan ilaalo aad u xoogan, isagoo sheegay in ay iska ilaalinayaan ummadda Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda joogitaankooda.

“Dhamaan dadka oo dhan way wada hubeysan yihiin qaar waxay diidan yihii ciidamada, qaar waxay doonayaan in ay ciidamada ka dhigtaan qoryaha, kuwo waxay doonayaan in ay bililiqeystaan oo ay ka qaataan Gawaaridooda” ayuu yiri Weriyahaasi oo sheegay in Ciidamada Uganda aan laga jeclayn dalka Soomaaliya. Dhawaan ayay aheyd markii Odoyaasha Beelaha hawiye ay cambaareyn dusha uga tureen ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna Odoyaashu sheegeen in ciidamada Uganda ay indhaha ka fiirsanayeen xasuuqii ka dhacay Muqdisho, waxay kaloo sheegeen in Ciidamada Uganda ay fasaxeen in Diyaaradaha ciidamada Itoobiya ka duulaan garoonka Muqdisho oo ay Ciidamada Uganda gacanta ku hayeen, sidoo kalana waxay dusha ka eegayeen madaafiicdii laga ridayey xarunta Madaxtoonyada maadaama ay xaruntaasi gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda. Markii ay akhristeen dadweynaha reer Uganda warbixintii uu soo jeediyey Weriyahaasi ayaa waxay Dowladda ka dalbadeen in ciidamad Uganda dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxaan, maadaama aysan waxba ka qabaneyn gudaha Soomaaliya, iyadoo ay u dheertay eedeeymo uga imaanaya beesha Caalamka iyo waliba Dadka Soomaaliyeed, kadib markii ay goob joog ka noqdeen xasuuqii ka dhacay Muqdisho.

“Waan og nahay Ciidamada Uganda waxaa Soomaaliya geeyey Mareykanka, maadaama uu horey wax uga qaban waayey Soomaaliya” ayuu yiri nin Reer Uganda ah oo codsaday in Ciidamada Uganda sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo daabulo dalka Soomaaliya. Dhinca kale ciidamadii kale ee Afrikaanka ahaa ee ka imaanayey wadamada Malawi, Burundi, Nigeria iyo Benin dib loo dhigay ilaa waqti aan la garaneyn .

31 Xidhibaan oo xilkoodii Baarlamaanimo laga qaadey iyo isqab-qabsiga ka soo shaac baxaya ciddii lagu bedelihaa..

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan isugu yimid xubnaha barlamaanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha barlamaanka Shiikh Aadan Nuur Sh.Aadan Madoobe., kulankan oo ka dhacay xarunta kmg ee ADCda ayaa waxaa looga hadlayay laba qodob oo kala ahaa sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo in xilka laga qaado 31 xildhibaan oo la sheegay inay mucaarad ku yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya., sharciga la dagaalanka Argagixisada ayaa dib loo dhigay illaa iyo muddo aan la cayimin, hase yeeshee waxaa laga dooday waxa laga yeelayo 31ka xildhibaan  ee Dawladda ka soo hor jeeda, waxaana dood dheer iyo falanqayn kaddib la isku raacay in xilka laga qaado xildhibaanadaasi kaddib markii lagu eedeeyay inay ku soo xaadiri waayeen mudadii loo qabtay. 

Xil dhibaanada xilka laga qaaday waxaa ku jira guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaasoo isaguna mar uu war baahinta la hadlayay sheegay in xil dhibaanada barlamaanka ee  ku sugan ay yihiin kuwo aan xor ahayn isla markaana la hayste u ah Dawladda Itoobiya.  Xil-dhibaanada barlamaanka ayaa Xilkooda Barlamaanka waxay ku heleen markii ay beelahooda u soo magacaabeen Xilkaas.

Haddaba waxaa soo if baxaya in is qab qabsi uu ka dhex dhici doono beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan ciddii loo magacaabi lahaa xilkooda iyadoo la ogyahay in barlamaanku weli go’aan ka gaarin is haysigii u dhaxeeyay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo la xiriira markii la buuxin waayay xildhibaano ka geeryoodey xilalkoodii. 

Magacyada xildhibaanada xilka laaga qaaday:

  1. Shariif Xassan Shiikh Aadan
  2. Sekeriye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi
  4. Maxamuud Cabdullaahi Jaamac Sifir
  5. Axmed Cusmaan Jibriil
  6. Yuusuf Cabdullaahi Kaahin
  7. Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg)
  8. Jaamac Cali Jaamac
  9. Shariif Saalax Maxamed Cali
  10. Cumar Xaashi Aadan
  11. Munye Siciid Cumar
  12. Maxamed Cabdi Yusuf
  13. Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
  14. Axmed Cabdraxmaan Maxamed
  15. Fowsiyo Maxamed Sheekh
  16. Maxamed Cali Xaggaa
  17. Cismaan Liibaan Ibraahim
  18. Shariif Maxamed Siidii
  19. Cabdoow Maax Faarax
  20. Cabdalla Xaaji Cali Axmed
  21. Jamaal Xasan Ismaaciil
  22. Caasho Xaaji Cilmi
  23. Nuur Axmed Diirshe
  24. Axmed Diiriye Maxamed
  25. Saleebaan Colaad Rooble
  26. Suuri Diiriye Carab
  27. Maxmed Xasan Cali Daryeel
  28. Cadulqaadi Sheikh Axmed Nuur
  29. Sekeriye Xuseen Aare
  30. Faarax Ismaaciil Xasan
  31. Axmed Maxamed Saleebaan Shiraac

Ururka INAHO oo xusey Maalinta Dhirta ..

            Ururka bad baadada Degaanka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan ENAHO ayaa maalinimadii shalay waxay qabteen munaasibad lagu maamuusayay maalinta dhirta ee ku beegan 17ka Abril.

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeynba halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka ENAHO Prof.Jeylaani Busuri Shiikh Maye oo ka hadlay faa’idooyinka dhirtu u leedahay Noolaha oo dhan.

Prof.Jeeylaani ayaa si gaar ah uga hadlay xaalufka ba’an ee ka jira gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan nawaaxiga Kuunyo Barrow halkaasoo uu sheegay in si aad ah looga wado Xaalufinta Dhirta.

            Guddoomiyaha ayaa farta ku fiiqay in xilligan la joogo xeebta baraawe ay ku sugan yihiin ilaa dhowr Doomood oo dhuxul lagu rarayo iyadoo isla markaana ay xeebta aad u daadsan tahay dhuxul aad u fara badan oo in la raro u diyaar ah.

            Prof.Jeylaani ayaa ugu baaqay Dawlladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga, kuwa Waddaniga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka hor tagaan falalkaas maxaa yeelay haddii ay Xaalufintaasi sii socota waxa halis galaya ayuu yiri Nolosha Nafleyda oo dhan ayuu hadalkisii ku soo gaba gabeeyay Jeylaani Busuri Sh,Maye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka Qabsoomay?: 13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com