SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nacab aad Qaran Wadaagtaan

A. M. Yusuf | wayeel@opermail.com 

Xamar, Abriil 18, 2007 

          Nafarkiyo aday kugu hodeen noolka Xabasheede 
          Nacabkaaga weeyaan waxaad Nugusta haysaaye 
          Ninkii dhiigga nuugaba mar baa nudaygu qoonmaaye 
           

                                                          —  Timacadde  
           

QEYBO ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa dad rayid u badnaa lagu gumaaday, lagu na waxyeelay dagaallo, kuwii ugu foosha xumaa oo ay weligeed ba aragto il Soomaaliyeed. Kumanaan Soomaali ah ayaa la xasuuqay. Kumanaan kale na waa la dhaawacay, la iimeeyay, la naafeeyay, la cuuryaamiyay, la indhatiray, ama ba la dacdarreeyay. Tirooyin kale, ayaa loo dhoofiyay, weli na loo dhoofiyaa dalka Itoobiya: halkaas oo lagu shubo Auschwitz dahsoon, xeerooyin lagu takooro Muslimiinta—xabsiyo sinjiga Soomaaliyeed lagu jirdilo, lagu kufsado, lagula na sammeeyo falal ka baxsan xeerarka quruumaha adduunka. Tusaale waxa kuugu filan Soomaalidii badnayd ee Kenya laga qafaalay, si Tigreegu uu uga sii iibsado Maraykanka. Maalaayiin Soomaali ah ayay murugadu, qofkood ba, si uun u wareentaa. Hablo badan, foodley badan, ayaa lagula kacay faraxumeyn aan ay weligood ba cidna kula dhiirrateen, haddii Tigreegu aan uu gumeysteen, hooygoodii na aan uu xoog kaga muquunsadeen. Kumanaan carruur ah ayaa la baday silicii agoonnimo ama ba rafaadkii rajaynimo; sidaas oo kale, aabbe iyo hooyo badan ayaa iyagu na la goblamiyay. Dhowr bilood kahor, degaanno ka bedqabi jiray cabsida iyo gaajada qaarkeed, ayaa laga dhigay gelengel iyo Gooddigii Bancawl oo kale. Soomaali badan ayaa maanta ku hoos saxariiraysa “geedkii fakhriga”. Cidla', ceella', iyo ciirsila'— dowladla'aan! Jawrfal awgii, guryo badan ayaa waddaro lagu burburiyay; dadkii degenaan jiray na lagu qasbay in ay ka huleelaan; ama si ulakac ahayd ayaa ba duqeyn loogu barakiciyay. Dad ayay ahaayeen isugu jiray waayeel, bukaan, iyo carruur weliba uu dhallaanku ku badnaa. Haddii hal erey lagu sheego, dad waxa ay ahaayeen ka koobnaa, maati. 

   Sida muuqato, maxaysatadii Tigreega ayaa xalay, mar kale mdaafiic ku garaacday xaafadahii Xamar qaar ka mid ahaa. Indhoweyd ba, Soomaali badan ayay darxumo ku ag diloonaysay Tabeelle Abroone, agagaarka ruunkii Xaawa Cabdi, iyo kuwo kale ee u kala dagaagay gobollo kale, kuwaas oo saboolnimadu ay horey ula ciirtay. Dadkaas iyaga ah, ma ayan qaadi lahayn cudurro halis ah haddii ay heli kari lahaayeen biyo yar oo ay ku mayrtaan; si horleh na, ugu ma ayan sii dhici lahayn jirrooyin, maalintii ba, saameynaya nolosha boqollaal dilane. Soomaalidii ugu adkeysiga iyo caafimaadka badnayd ayaa safmar hadba u u sii liicaysa ama haatan ba ku nool nolol saabbirnimo, nolol bukaannimo, taasoo ah mid weliba aad u tayo liidato. Maxaa yeelay, Tigreega macatabka xiran uma maamulo dalka si ugu gargaaro ama uu quudiyo; bal se waxa uu dalka u qabsaday si uu Soomaalida uga cunaqabateeyo hungurigoodii. Halkii iyaga lagu daryeeli lahaa; oontii Soomaaliya ayuu Woyanehu sahay uga dhigaa jirrigii uu ku dabargoyn lahaa Soomaalida. Hanti weyn, canshuurtii dekeddaha iyo gegooyinkii Soomaaliya, ayuu Tigreegu maalintiiba ku bixiyaa si loo xasuuqo geesiyadii, iyo shacabkii reer Soomaaliya. Suuqii Towfiiq, Suuq Bacaad, iyo Suuqii Bakaaro waa ay aamuseen. Dukaamadii, gedisleydii, ganacsatadii, waratadii, kudhacdii, dahableyaashii, wershadihii waxsoosaarka iyo ilihii dhaqaale waa ay wada joogsadeen. Naadadii dallaalkii waa ay aamustay; sidaas oo kale na idaacahii iyo hirarkii wakaaladihii wararka ayaa iyagu na wada caariyeen. Yeerta keliya ee la maqlayaa caawa waa guuxa taangiyada Tigreega, reemida madaaficda, iyo mashaxaradda hubka kala kaan ah.

   Aay Culumo, xaafadda If ya Aakhiro ayay guri ku lahaan jirtay. Islaan weeye qiyaastii 70 sano jirsatay, taas oo aan saakayto kula kulmay xaafaddii Gubta—geed hoostii. Oohin awgeed iyada oo la hinraageysa ayay iiga tiri, “gurigeygi, saw u dhammaay, kurtigiis, igaarkaygiyow, ogaaw dhulkaa la dhigee! Inya madfac ku dhufteen, asaw anigoo saas u deyoow haayo, aaw ho'h isla yiri. Gebertaydaan iyo ilmahaan agooma ooy dhashay, shaantaan cunug, ya aniga, lafahaanya bes aan mihi kala soo fakannay. Ma haysanno abbuul aan cimilada ka galno. Ma haysanno wax aan cuno. Ma haysanno waxaan cabno. Roobka nagu da'awhaaya na, adbo waw jeeddaa! Saatan hee, walleen xansuuq ka walax maaha?” 

   Gabadhii aay Culumo, Miinaay, ayaa iyadu na igu tiri, “Mooggii guryaheenni la gubay, buuladeenni na ay jabjabtay, aan waxaan ka maqlay raadiyahaan xun, Salaad Cali Jeelle oo iska warramow haaya. Kuma lahoo: ‘guryahoodi muggaan garaacnay, argagixisadi wax kud dilay, ya wax kala kudeey naqdeen!’ ”

   Indhaha Miinaay daaf dartii lama guduudan; ogow se, waxa caseeyay qaacii iyo holacii ay xalayto isugu biimeysay si ay wax uga soo caysanto agabkoodii qiiqaabayay, iyo, maleha, ilmadii badnayd oo ay indhaheedu qubeen; iyada oo tafta maradeedii dhabannada marmarinaysa, ayay sheekadii iigu sii gunudday, “libta aw Salaad ku faanaayo—ma Imaamka Soomaalideeys ka leh, mase Imaamka Amxaaradeeys ka leh?”

   “Xabashiinigu, inya Soomaalida kale laayo, ogaaroo qolo kaleento deysa haayee!” ayay duq Culumo la soo boodday.

Gaalada Tigreega nacaybka ay u qabto, qalimmadii balanbaalista oo kale iyada oo uu foolkeedii ugu shaqlan yahay, ayay Miinaay igu tiri, “horta, yaa ii sheegaayo? Tigreegaan xaw naga soo jershay? Xaase Soomaalida dhexdeera ka galay?”

   Aay Culumo iyo geberteeda Miinaay ahayd, waxa ay i weydiiyeen su'aalo aanan anigu ba weli helin jawaabahoodii. Weydiimo igu dhaliyay eedaysi badan. Weydiimo igu dhaliyay weydiimo kale. Haddaba, sida Tigreegu uu ku yimid Soomaaliya, iyo cidda qabsashada iyada ah loo aaneyn karayo gebi ahaanteeda, ayaan ka wareystay oday Soomaaliyeed, kaas oo lixdanmeeyadii soo ahaan jiray xeerilaaliye guud.

   “Megangooye,” ayuu iigu warceliyay.

   Waxa aan dabadeed ka codsaday, “Ma ii qeexi kareysaa nuguurta magangooye?”

   Odaygii waxa uu ii tibaaxay in magangooye uu yahay qof ku ballanfuraya dadkiisa, hagranaya na xil kasta ee loo dhaariyo. Waa taroox ogaan u maleegaya dhagar qaran. Halkii uu umaddiisa ku wanaajin lahaa, waa ba xildhibaan ku ajaraya dadkiisii isla xilkii uu iyaga dartood u xambaarsaday. Waa duul u doorsoomaya gedda abbaanduule ku wadeeceynaya ama ba u baylihinaya cadowgii dalkiisa xogtii uu ka kaayi ama ba ka waabin lahaa sida dhufaysyada, saldhigyada, xarumaha, iyo xafiisyada—xooggii dalkiisii na faraya in uu is dhiibo, kii oo aan weliba laga adkaadeen. Waxa kale ee uu ku tilmaamay: qof hub u guranaya, dagaalyahanno u qafaalaya, u na carbinaya si uu ugu weeraro ama ugu wiiqo isla dalkiisii uun. Haddii si kale aan kuugu qeexo, ayuu qareenkii qaranka igu yiri, waa qolo wax ka abaabuli shirqool, mid weliba na uu nacab ku qabsan lahaa dalkoodii. Mardabeeyeyaal weeye aan milgeyn kareyn nidir, kii wal oo ay wax uun ku ballanqaadaan ba. Si kooban, cidda wacadkii kasta ba beenin ama cidda kalsoonidii kasta ba dhantaali; waa megangooye.

   Qeexitaankaas faahfaahsan kadib, ayaan anigu na xeerilaaliyehii ku yiri, “haddaba, dagaalooge waa megangooye! Waa khaa'in, Alle ya Rasuul ka furtay, sow maaha?”

   “Cid kasta ee uu cadowgu ku daneysto ama qof kasta ee cadowga gacan ku siinaysa qabsashada dalkiisii waa megangooye.” Waayo xanaaq dartii ayuu hadalkii uga soo bixi waayay; sidaas awgeed na warkii ayuu cabbaar ka hakaday. Iyada oo ay dibnihiisu wada dubaaxinayaan ayuu misana igu yiri,“qof kasta ee Soomaalida ku boorriya in aan Tigreega dalka ku soo duulay halgan la iskaga caabbin ama qof kasta ee Soomaalida wanaag u tusinaya joogista Tigreega, isagu na, waa megangooye kale.”

   “Tigreegu, gartay oo, waa ii nacab; fir na, iima gelin. Dagaalooge se, dhalyo ayuu ila wadaagaa. Tigreega gumac ololaya ayaan ku cagaajin. Dagaalooge se, sideen ula xaalaa?”

   “Maandhe, aniga talo iga hoo. Dagaalooge waa gaal. Gaal na, waa nacab aan adiga marnaba kula walaal noqon doonin.” Sidii barehii dugsigii hoose, sitaahoo uu hawlguri i siin lahaa ayuu waraaq iigu qoray, “Antaradhaafka gurracan iyo xeerka ciqaabta ka yaal megangooyanimada, ka sii baro qoraalkan: ‘Sharcinimada Ciidanka Itoobiya ee Dalka Jooga’. Baaristii, gorfeyntii iyo qalinkii Prof. Dr. Faarax Cabdullaahi Macallin.” 

A. M. Yusuf | wayeel@opermail.com 

Xamar, Abriil 18, 2007 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com