GOBANIMO
DAGAALAMA
Tirin:
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Gabaygan
wuxuu soo baxay 17-04-2007 waxaanu ku
saabsanyahay xaaladda coladeed ee ka
oogaan geeska afrika gaar ahaan
Soomaaliya/Muqdisho ee u dhexeeysa
gumaystayaasha isbahaystay iyo gobanimo
u dirirka Soomaaliyeed ee culimadu
horkacayso. Wuxu yidhi:
-
Gabay
Maxamed Caliyoow beryahan wayga
gaagaxaye (Eng Maxamed Cali Cibaar)
-
Sidii
geel irmaan oo libaax, gaadaya
ujeeda
-
Ma
gudhine wuxuunbayga tegay godolkii
maanseede
-
Sidii
loo gembiyey dawladdii guusha badan
keentay
-
Gooh
iyo waxay ii ahayd gibil madoobaade
-
Gobolladay fadhiday dawladdii looga
wada guuxay
-
Ee
gebiga soomaaliyeed gacal
walaalaysay
-
Ee
nabaddii loo gaajo qabay gaar dadka
u siisay
-
Rag
uunbaa guddoonsaday inay guluf ku
qaadaane
-
Gefna
laguma haynine, samaan Geeska loo
rabine
-
Guulaha islaam lagu helaa, reer
galbeed dhibaye
-
Gaadaha colaaduhu markuu gubayey
ciiddeena
-
Gurmad
nooma keenine dabkay gees ka
shidayeene
-
Wuxuu
gaalku wayraxay markaan gaadhnay
nabaddiiye
-
Gama’
kalena may ledin illaa maydku
geyllamaye
-
Geeridii Cadaado iyo Mudug, shicibka
loo geystay
-
Aheey
gobolka Hiiraana markii guudka laga
toogtay
-
Gudaha
Bay, gadaal Buurxakaba, godanka
Iidaale
-
Gobollada jubbada hoose iyo Gedo
xuduudkeeda
-
Raggii
Gaasta lagu buufiyee goobta lagu
dhaafay
-
Gadhacasta wayday meel ay galaan
dunida guudkeeda
-
Culimadii la gawracay ayaan laga
geyoonayne
-
Maantana gumaadkaa dhaacaan giida la
hayaaye
-
Raqda
xamar goglani may ahayn guuto
weerara eh
-
Wax-ma-galabsatiyo waa haween Gaal
ku xoogsadaye
-
Guryaa
dumay gidaarrada burburay, qaxiyo
guurguurka
-
Gabdhaa ay kufsanayaan ragga
Goondhar laga keenay
-
Waa
sida gumaystuhu, halkuu galo ka
yeelaaye
-
Geddii
weeye ay kula tageen gobolladeeniiye
-
Bal
garoo marbay HERER ahayd guri
islaameede
-
Gacmadheere, Diinaari iyo geeljir
Cali Jeelle
-
Iyo
Geeddi waxan ay faleen, garanba
mayaane
-
Godobtaase lama saamaxee geliya
diiwaanka
-
Gurigiisa nimuu mayd u yaal gamasna
loo haysto
-
Oo
loogu gooddiyey inaan sina gar loo
siinin
-
Ninka
gogosha ugu baaqayoow geed xun baad
tahay
-
Gardarrada nin taageerayoo gees
jiraad tahay
-
Garbaduub inaad maagantahay garannay
xeeshaase
-
Gaashaandhiggii iyo intuu Xamarba
gaal joogo
-
Ee
gobollo Soomaaliyeed Xabashi
gooshaayo
-
Waa
kuu garaad li’i inaad shirar u
guuxdaaye
-
Golaa
IGAD, gumaysiga madow, Yurub
gargaaraysa
-
Iyo
kii gantaallada la dhacay geel cidla
u foofay
-
Guryahoodi waa nabad kuwaa geystay
eedaha eh
-
Godobtaase lama saamexee geliya
diiwaanka
-
Al-shabaabka
soo giirtay iyo geesiyada dhaartay
-
Culimada go’aansaday in aan gaadhka
laga reebin
-
Ee
cadowga dhuunta u galoow gaar idiin
ogine
-
Haddaad geeriyootaan jannaad boos ka
gadateene
-
Haddaad guusha hanataanna waad, laba
gar daaqdeene
-
Gama’
yaanay abidkood ku ledin, goxoshka
soo duulay!
-
Soomaali gebigeedu waa
gacallayaashiine
-
Isu
geynta Daarood, xattaa gobol
Majeerteena
-
Gelimays kol ay tahay kuwaa Godey ka
hooseeya
-
Hawiyaha gadoodiyo Jareer, geeshash
Raxanweyna
-
Gabooyiyo tumaaliyo ashraaf, ganaya
liishaanka
-
Garre
iyo Ajuuraanka iyo gibilcad dhawr
jaad ah
-
Dirka
goob kastaba yaalla iyo gacalka
qiiraysan
-
Gobta
reer Isaaq, Ciise iyo beesha
Gudabiirsi
-
Gurgure iyo jaarsiyo qolyaha dega
galbeedoo dhan
-
Intaan
gees maree badan dhammaan gebiga
Soomaali
-
Giddogood waxay doonayaan guul aad
dhalisaane
-
Gurmadkiina way jecelyihiin gacani
waa toose
-
gabdhihina ducuunbay intaa gawda ku
hayaane
-
Gaaliyo waxay diidanyihiin Geeddi
iyo yey eh
-
Gobanimo dagaalama is dhiib, waa
gunnimo weyne
Maxamed
Xirsi Guuleed (abdibashir)
abdibashir@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii
hayaad tahaye:
Gabaygu, wuxuu
jawaab u yahay farriin culus oo..
Akhri
Faafin:
SomaliTalk.com | April 19, 2007


|