Soomaalaay
Ayaan daran Ma Sidaan baa kuu Dambaysay?!
Bashiir M. Xesri.
brdiraac@hotmail.com .
Tripoli-Libya.
Soomaalidu waa Bulsho Reer guuraa ah {Less
Society}, noloshoodu ku tiirsan tahay Naqraac
kadaba yahaama Roob meel uu ka Hillaacay ama ka
Curtay, Nolosha sidaa ah waa Nolol ka fog
Iskaashiga, Wadaaga, iyo Midowga, Maadama aysan
lahayn Deganaan iyo Saldhigasho, haddaba
la’aanta arimahan waxaa kaalintooda buuxiyey
Qabiil iyo Tol, oo qofku uusan noolaan Karin
inuu ku tiirsan yahay Qaiil mooyee!, sidaa
darteed waxaa bulshada ku xoogaystay Qabka
Qabiilku ku dhex leeyahay.
Soo galiddii Gumaystuhu soo galay Dalka wuxuu
xoogga saaray kala qoqobka Beelaha Soomaalida
iyo inuu u sameeyo Soodin uu kala dhix dhigay
deegaandii ay daganaayeen, wuxuu foodda isu
galin karana isu galiyey dagaalna isaga hor
keenay, isagoo Beel kasta u muujinaya inuu la
safan yahay ayna ka gar leedahay Beesha kalee
dirirtu kala dhaxayso, waxay noqotaba
Gumaystihii Suun Caddaha wuu baxay halgan dheer
ka dib, waxaana la qaatay Madaxbanaani iyo
Xorriyad qabyo ah maadama Dhulweynaha iyo
Soomaaliweyn qaar ay wali hoos tagaan maamullo
Qalaad, Dalkana waxaa ka hanaqaaday Dawlad ay
hoggaan keedi qabteen markii ugu horraysay Rag
Soomaali ah, balse laguma diirsan oo waxay
noqotay: {Kud ka guure Qanjo u Guur}, Soomaalaay
Ayaan Daraneey Tanna ma ku soo Martay?!
Xorriyaddii iyo Dawladdii loo hammuun qabay Naf
iyo Maalna loo huray ma noqon mid lagu
dheefsaday?, Xorriyaddii waxaaa bedelay Caburin
iyo Jujuub, Dawladdiina waxay u xuubsiibatay
Xeerbeegti Oday Beeleedyo iyo Maamul dahsoon,
taasna waxaa keentay ka gadaal markii loo
qeybsaday Dawladii Soomaaliya sidii Geelii ama
Xoolo Xero ku jira oo kale, Shaar Dawladeedkii
Qabiilku ku adeeganayey ee ay ka midaysnaayeen
maamuladii Dalka soo maray; Musuqmaasiqii iyo
Militarigii, waxaa ka dhashay xaalad adag oo
Dalkii galisay Qas iyo Jaha wareer kuna
biyashubatay Qaranjab iyo Burbur ku yimid
Talsikii dhexee ee Dalka, Soomaalaay Ayaan
Daraneey Tanna ma ku soo Martay?!
Kadeedkii looga caban jiray Maamuladii isaga
dambeeyey Dalka waxaa xigay kadeed laba
jibbaarmay iyo qaxar ay la yimaadeen Jabhadihii
Hubaysnaa ee Dalka ku baahay wixii ka dambeeyey
burburkii Nidaamkii Kacaanka, waxaana la dhaxlay
xaalad is garab yaac iyo tafaraaruq ballaaran oo
soo food saartay Siyaasadda Soomaaliya, wax
qaskaa lagu jiro lana dhex dabaasho
amar-ku-taaglaynta Qabqablayaasha Beelaha
Hubaysan iyo Tabcanayaasha Tigreega u darban
duminta Tiir kasta oo Soomaali yagleelato,
iyagoo taagero ka helayao Xigaalada xabashida ee
u xaglan duminta Udub kasta oo Soomaali mudato,
Soomaalaay Ayaan Daraneey Tanna ma ku soo Martay?!
Wax badanbaa Shirar Dib-U-Heshiineed la qabtay
si xal loogu helo xaaladda murugsan ee ka
aloosan gayiga Somaaliya, wax Shir la qabto oo
mid kale laga daba qabto waxaa dabayaaqadii
sanadkii 2004-tii lagu soo gunaanaday Nayroobi
{Nairobi} Shirkii Dib-U-Heshiisiinta Soomaalida
ee Madaxweyne loogu doortay: Qabqable C/laahi
Yuusuf, dabadeedna waxaa dhacay: Soomaalay Ayaan
Daran Tanna ma ku sugaysay?! Wax aan la filayn,
C/laahi yuusuf wuxuu Geed Gaaban iyo Geed
Dheerba u koray, Cod Dheer iyo Cod hoose ku yiri:
in Dalka Xabashi la keeno ma ahane waxba hagaagi
maayaan!, wuxuu warwareego oo marba Degmo Dabata
muto, wuxuu xeeriyaba Barqocad ayuu ku soo
dareeriyey Ciidanka Xabashida Dalka Soomaaliya,
waaba yaabe waa kuma qofka Soomaaliga ah ee ku
fekerayey in Xabashi imaan doonto oo soo gali
doonto Muqdisha oo ah Caasimadda Soomaaliya?,
Walise Xabash ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku
dhex mari doono Ural iyo Taangi isagoo waliba
taageero ka helayo Soomaali?!, Soomaalaay Ayaan
Daraneey Tanna ma ku su gaysay?!.
Ayaan darrada Soomaali ku habsatay ee waqtigii
kaga dhamaaday maray iyagu is Calool Dooxaan iyo
maray Cadow xasuuqo, tan hore waligeedba waxay
ahayd mid soo jireen ah, balse waxay faraha ka
baxday 16-kii sano ee sebanka Colaadaha ee
Qabyaaladdu xakamaha goosatay ee uu dhacay
dagaallo foolxun oo Saqiira Gawrac iyo Umulo
Doox, taas waxaa garab socday Xasuuqyadii
Huwantii UNISOM ee dhacay horraantii
sagaashamaadkii iyo xasuuqa hadda ay ka waddo
Xabashidu gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada
Muqdisho, waaba Murugu Tiiraanyo, iyo Naxdin u
dhimee miyey manta xabashi Dalkii gudahiisa ku
xasuuqaysaa Dadi Soomaali ah?!, dhacdo ka
Qarracan badan miyaa Soomaali soo martay
maalintii Xabashidu Cudud Ciidan iyo Quwad
Militari ku soo gashay Soomaali?!, dabadeedna ay
gaystay xasuuqa arxan darada ah iyo naxariis
la’aanta ah ee ku salaysan waxashnimada iyo
bahalnimada ee ah dabar gownta Soomaali,
Soomaalaay Ayaan daraneey Tanna ma ku sugaysay?!.
Ayaan darrada Soomaali ku habsatay ayna dhex
maquurayso muddada 16-ka sano ah ee salowga
colaadaha Sokeeye iyo Dagaalada ayna barbar
socotay Abaaro, Gaajo, iyo Cudurro, waxay socoto
meertada Dunida maanta waxaa Magaalada Muqdisha
iyo Dalka guud ahaan dhex mushaaxaya Askar
Xabashi ah oo ku hubaysan Gawaarida Gaashaaman,
Taangiyo iyo Diyaaradaha dagaalka, xabashida oo
ay Dalka ku soo hoggaan sheen xigaaladooda oo
hoerseed ka yahay Qabqable: C/laahi Yuusf
Qawsaarka Dawladda Empagathi, Soomaalaay Ayaan
daraneey Tanna ma ku sugaysay?!.
Qaranjabkii nagu dhacay, Aafadii nagu habsatay,
hardankii dagaalada Sokeeye, Xarig Jiidkii
Siyaasiyiin Beleedyada, Qawlaysigii
Qabqalayaasha, waxay iska daba wareegto, wax
xabashi loo kala dhuunto, laguna tartamo uu
adeegiddeeda, loona kaltamo ka guddoonka Deeqda
Rasaasta iyo Hubka isuga jirta iyo Macaawinada
Miinooyinka ah, waxaa dhacay lama arag oo lama
maqal iyo filanwaa: In Xabashi maanta ku dul
dakaynayso Caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho oo
walibana ka gaysatay Xasuuq ba’an iyo gumaad
ballaaran keenay Dhimasho, Dhaawac, Qax iyo
Burbur HantI iyo Guryo, waa dhacdo iga daadagi
waysee: Soomaalaay Ayaan daraneey Tanna ma ku
sugaysay?!.
Lixdankii kolkii Xirriyadda la qaatay sanado ka
dib waxaa foodda is daray oo dagaal isaga hor
yimid Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo
Ciidankii Xabashida, Dagaalkaa oo ku gacan
sarreesey Soomaalida, waxaa xigay dagalkii ku
caan baxay 77-ban, wacdarihii dagaalka iyo
guushii deg dega ahayd ee lag gaaray waa lawada
xasuustaa, in kastoo nasiib xumo ayna dhabar
wareemeen Dawladihii Hanti wadaaga ee hor ka
cayey Midowgii Soofiyeeti {Soviet}, ma Nimankii
heerarkaas qaraar ee kala duwan aan isla soo
marnay ayaa manta marti qaad logu fidyey inay la
soo galaan Hubkooda, Taangiyadooda,
Gantaalahooda, walibana fasax loo siiyo inay
Cagta mariyaan ama Xasuuqaan Dadweynaha
Magaalada Muqdisha ku nool, iyadoo walibana loo
raacinayo Hambalyo iyo Bogadin, laguna dhiiri
galinayo falalka waxashnimadaa, waa arin ii
Cuntami waysee: Soomaalaay Ayaan daraneey Tanna
ma ku sugaysay?!.
Gunaanad:
Waxaan ku soo af meeraya Qormadan erayadaan qaab
Maansedka leh, balse aan Maanso ahayn xittaa aan
u qalmin in lagu magaaco tan uu ugu magac daray
C/Qaadir Aroma: Maansada Qalin-ku-Qorka, balse
aan is leeyahay waxay xambarsan tahay talooyin
iyo tusaalooyin ku wajjahan Bulshada
Soomaaliyeed weedhooyinkan waa sidan:
Soomaalay Ayaan Daraneey: Asagaa ka hartayoo,
Waligaa Waalkaa ma Gaadhide, maxaa hor-u-marka
kuu diidan?!.
Soomaalaay Ayaan daraneey: Dirir iyo Heshiisbuu
Aadmigu u dhexeeyaaye ee maxaa Dirita joogteeyey?!.
Soomaalaay Ayaan daraneey Idaylkaa, isma
dhaantaay Dhamaantaa, maxaa xumaha kuu weecshay?!.
Soomaalaay Ayaan daraneey: Saxan saxada Nabadd
iyo Saxa Caafimaad iyo maxaa Samaha ku seejiyey?!
Soomaalaay Ayaan daraneey: Tubta Suuban Raacidda,
Taageerka Wadajirka, Taxaalufka Wadaniyadda iyo
maxaa Tawfiiqda kaa Tuuray?!
Xasuuqa
Muqdisho yaa Xilkeeda leh?!
Dagaaladii qaraaraa ee lagu hoobtay ee ka dhacay
Magaalada Muqdisho maalmihii aan soo dhaafnay
waxay qaysteen qasaarooyin lixaad leh oo aad u
ballaaran soona gaaray marasta iyo rayidka ku
dhqan magaalada, qasaarahaan ka dhashay
dagaaladan oo la isu adeegsaday hub aad u culus
ayna ka mid yihiin hoobiyayaal madaafiic iyo pm
aan loo aaba dayin meesha lagu ridayo ama uu
kudhacayo.
Dagaaladaan oo lagu tilmaamay dagaaladii ugu
ba’naa ee ka dhaca Magaalada 16-kii sano ee la
soo dhaafay, tan iyo markii la riday taliskii
Siyaad Barre, dagaaladaan ba’an ee ka dhacay
Magaalada ayaa keenay qasaaro baaxad weyn ee naf
iyo maal leh, burbrur iyo barakac soo garay
arwaaxda maatada iyo hantida dadweynaha, waxaana
lagu qiyaasay Dadka ku dhintay dagaalkan ilaa
170(Boqol iyo Todobaatan), suuragalna ay tahay
inay tiradu intaa ka badan tahay maadaama an
lahayn tirokoob rasmi ah iyo cadad go’an oo
qeexaya tiada dad ee ku geeriyootay dagaaladaan,
Dadkan dhintay oo isugu jira kuwo uu ku dul
habsaday guryahooda hoobiye oo sidaa ku qur
go’een, iyo kuwo ay haleeleen xabado habow ah
iyo rasaas wiifto ah, halka dhaawacana lagu
sheegay ku dhawaad 400(Afar Boqol) oo isugu jira
dhaawac fudud iyo mid culus wallow ay jiraan
tirobadan oo la ildaran dhawaacyo halis ah ayna
la buux dhaafeen Isbtaalada iyo xarumaha
Caafimaadka, dhanka kale waxyeelada soo gaartay
guryaha iyo goobaha ganacsiga ayaa iyana aad u
daran, maxaa yeelay xaafadaha Muqdisho ka kooban
tahay ma jirto xaafad aan hoobiye ku dhicin,
taasna ay usii dheer tahay xaafadaha qaar weerar
cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Xabashidu
ay u gaysanayeen, taas oo sii laba jibbaartay
burburka ku yimid guryaha siina kordhiyey inay
ku basbeelaan aqallo badan.
Dagaaladaan oo qasaarahaas ka sokow keenay qax
barakac iyo inay isaga hayaamaan guryahooda dad
lagu qiyaasay 47.000(Afartan iyo Todobo Kun), uu
u kala qaxay gobalada dalka oo dhan, Dadkaa
qaxay oo ay soo food saartay xaalad nolol xumo
oo ka dhalatay Cunto yari iyo Biya la’aan, bal
waa yaabe Dadkan dhintay kuwan dhaawacmay iyo
kuwan qaxay maxay galab sadeen?!, dambigooduse
muxuu yahay?!, runtii bilowgii dagaalkan wuxuu
ku yimid barnaamij loogu yeeray: “Sifaynta
Magaalada Muqdisha” oo loogu talagalay in
Magaalada wax looga qabto intuusan dhicin Shirka
lagu sheegay nabadaynta, waa su’aale yaa laga
Sifaynayaa magaalada?!, sida muuqata waxaa
hubaal ah in ujeedka dhabta ah ee laga lahaa
howl galkan uu xaqiiqoobay maadaama sida eraga
“Sifayn” ka muuqaataba Dadkii Magaalada Muqdisha
laga dhigay qaar ku dhintay qantaalaha ay
tuurayaan diyaaradaha Dagaalka iyo duqaynta ay
gaysanayaan, kuwo ku dhaawacmay hoobiyaasha loo
miilaynayo xaafadaha, iyo qaar isaga cararay oo
u hayaamay bannaanka magaalada ka gadaal markii
ay u adkaysan waayeen hoobiyaasha iyo duqaynta,
sidaa darted waxaad moodaa in la suura galiyey
qaab ahaan erayga “Sifayn”, balse waa su’aale
nimankan ku xaraysayn Villa Soomaaliya iyo
madaxtooyada maxay maamuliyaan ama u talinayaan?
Mar haddii Dadkii noqday saddaxdaas qaybood ee
aan soo xusnay, mise waxay rabaan inay dhex
yuuraraan gueyaha dumay iyo qallada burburay?
Mise waxaa la damacsan yahay in markii Dadkaan
magalada laga sifeeyo dad kale la soo dajiyo oo
markaas ay u talliyaan? waaba hadday dhacaysee!
Waa yaab! waa amakaak!.
Xasuuqa Muqdisho waxaa xilkeeda iska leh si toos
ahana masuuliyaddeeda u qaadaya ugu horayn
Madaxda dawladda Empagathi ayna horseed ka
yihiin Madaxweynaha, Rai’usul wasaaraha,
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiirka
Gaashaandhigga, waa kan horee ah Madaxweynaha
wuxuu masuul ka yahay dhammaan wixii Dalka ka
dhaca xummaan iyo samaan, kan xigana waa
Rasi’usul wasaarahee isna wuxuu u xil saaran
yahay hagidda howl maalmeedka Dalka iyo Dadka,
kan xigana waa Wasirrka Arimaha Gudahee wuxuu u
qaybsan yahay inuu ilaalsho arwaaxda iyo hantida
dadweynaha si guudna uu gacanta ugu yahoo
ammaanka xasiloonida Dalka, balse waxaad moodaa
in madaxdaan aan soo sheegnay ay si toos ah u
taageereen xasuuqa Maatida, Rayidka, iyo Marasta,
ayna ku qanacsan yihiin burburinta loo gaysanayo
xaafadaha lala dhacayo PM-ka iyo hubka
artilleriga, sidoo kale diginta laga dhigayo
guryaha iyo aqallada, madaxdaan kuma ekaysan
taageerada xasuuqa iyo burburintaas qaawan balse
waxay ku celceliyeen inay ku faraxsan yihiin
sida wax u socdaan ayna ku soo afjari doonaan
muddo gaaban howl galkan la magac baxay:
“Sifaynta Magaalada Muqdisha”!.
Dhanka kale dhacdooyinka gurracan waxaa iyana
masuuliyadda ugu weyn leh Ciidanka Xabashida oo
iyana ku andacooda inay dagaal kula jiraan wax
ay ugu yeereen: : “Haraagii Maxkamadaha” sidaa
darteed ayey iyagoo ku soo gabanaya magacaas
waxay xasuuq ka gaysteen xaafadaha ay la dheceen
hoobiya yaasha iyo PM-ka, markii dambana isu
rogay in loo adeegsado diyaaradaha dagaalka si
ay cirka uga duqayso, duqayntaan oo gaysatay
qasaaro naf iyo maal leh oo ku timid Shacabka,
waxaase wax aad looga xumaado ah gaabiska ku
yimid Uraradiii Gobalka iyo kuwii Dunida iyo
juuq la’aanta lawada daawanayo dhibaatada
baahsan ee Magaaladu ku jirto, murti ayaa waxay
leedahay: “Qosolba Hiilla wuu Galaa”, waxaa la
yaab ah in Dunida laga waayo howlad ka hadasha
Xasuuqan qaawan iyo falalkan gurracan iyo
dhibaatadan ku hubsatay Dadkan, waxaa hubaal ah
in aamuskan uu ku sii dhiirigalin doono Dawladda
Xabashida inay sii joog tayso falalkaan gurracan
ee arxan darrada ah ee ay la beegsanayso
Bulshada iyo hantidooda, waxaa naxdin iyo murugo
leh inaysan jirin Dawlad sida cad uga hadashay
xasuuqan baahsan ha ahaato Dawladdaas kuwo
Gobalka ama Dawladaha Dunida.
Waxaa nasiib xumo ah nimankan Sheeganaya inay
Madax yihiin aysan waxba maamulin aysanna u
madax bannaanayn ka go’aan qaadashada talada
Dalka, aysanna gacantooda ku jirin maamulka Dalk,
balse Dalka dhan ay maamulaan saraakiisha
Ciidanka Xabashida oo iyagu si cad u maamula
gayiga Soonaaliyeed, tani la yaab ma leh oo
waxay ahayd arin lawada filayey, balse waxaa la
qaadan waayey sida Dunida uga gaabisay baajinta
Xasuuqa ama ugu yaraan ugu dhaqaaqi waysay sidii
loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalanayaa
awooddaa xad dhaafka ah ee xabashidu
adeegsanayaan iyo labada cudud oon isu dhigmin,
run ahaantii waxaad moodaa in Soomaaliya lawada
dayriyey ama lawada laalaadshay arintooda
haddaanba la filqin!, aysanna jirin cid ka
dhiidhinaysa falalkan waxashnimada ah ee
ciidanka Xabashidu ku yahaan Magaalada Muqdisho,
ama aysan jirin cid ka damqanaysa dhibaatada
Shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay
hoobiyayaasha iyo PM-ka lala beegsanayo
xaafadaha iyo waxyeelada naf iyo maal leh ee ka
dhalatay duqayntii Cirka!.
Bashiir M. Xesri.
brdiraac@hotmail.com .
Tripoli-Libya.
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 18, 2007