SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sabaankii Salaad Jeelle & Cawrada Dowladda Federaalka!

Cudur kasta wuxuu leeyahay daawo marka laga reebo midka ku dhacay xubnaha dowladda Federaalka, xitaa caqli-yaridu xal bay leedahay (oo caqligii qof ka maqan wuxuu ku jiraa walaalkii). Waxaa ku filnaa weyday inay dalkii geliyeen gumaysi, waxaa ku filnaa weyday inaan Xabashidu wax ixtiraam ah u hayn, oo aysan xitaa kala tashanin cidda ay la dagaalayaan iyo ciddda ay la heshiinayaan, inay beeshii ay doonaan la shiraan kalana hadlaan danahooda. Maalinba maalinta ka dabmaysa waa ka dhaqan iyo hadal xunyihiin. Waxaad mooddaa qaarkood inay yihiin ‘machine’ ay codad badani ku duuban yihiin oo marba meel laga riixaayo si hadba wixii la rabo ay uga yeeraan!! Ha isku dayina inaad cawrada u asturtaan hadii aad aragtaan iyagoo ‘fadhi-xumeeyey’ si aan argagixiso laydinkugu aqoonsan!! 

Ma aha arrin cusub in qof ama koox ay  ka hadlaan hankooda, inay dhigtaan siriq ay ku ugaarsaan, ama shamaag ay ku jillaabtaan, si ay u gaaraan dano shaqsi ama kooxeed. Hase yeeshee wixii ka dhacay Hotelka Laf-weyn 8-9/04/2007 ma aha wax laga aamusi karo. Halkaas waxaa lugu “harmay”  ama lugu nijaaseeyey beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed (Abgaal), iyadoo loo sawiray inay  taageersantahay Gumaysiga xabashida iyo gummaadka aan loo meel dayin ee dadka Soomaaliyeed. Haddaba anigoo ku hadlaaya magaca beeshaas waxaan soomaalida oo dhan u caddaynayaa in shirarkaasi ay ahaayeen kuwa lugu kala qeybinayo soomaalida si qola waliba markeeda loo gumaado, ayna  taabba gelin u tahay siyaasaddii gumaysiga ee ahayd “qeybi oo xukun”. 

Horaa loo yirir “dhacdooyinka taariikhdu waa soo noqnoqdaan”.  Waxaa la sheegay in  berigii ay sii dhacaysay boqortooyadii Cabbaasiyiinta, lasoo maray waqti meelaha laysugu yimaado lugu hadal hayo kuwii shaqooyinka hoose qaban jirey, sida tima jaryaasha, kawaanlayda, dhuxullayda, kuwa dadka tooba iyo kuwa carruurta guda!! Tusaale ahaan waxaa la maqli jirey “tima jare hebel oo ka hadlay siyaasadda boqortooyda ee ku saabsan arrinkaas!!”.. waxaan rejeynayaa inay soomaalidu noo cudur-daaraan..Haddii ay magaceenna ku hadlaan kuwo ay aheyd inay iska aamusaan si aysan naftooda u fadeexayn intaa la gaarin cid kale! 

Shirqoolkii Imaam Maxamuud.

Dadka shirkaas soo xaadirey ma ahayn kuwa mudan in wax laga soo qaado marka laga reebo imaamka beesha Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Imaamka oo la ogyahy inuu wax badan diiday inuu kasoo qeyb galo shirarkaas ceebaynta ah, waxaa muuqata inay saareen cadaadis aad u weyn oo uu xammili waayay!

 Haddaba waxaa looga fadhiyaa imaamka inuu sida ugu dhaqsaha badan uga cudur daarto taageerada uu siiyey gumaadka loo geysanayo dadkii uu imaamka u ahaa.

Haddii ay imaamka qanciso inuu imam u noqdo dadka taageersan Itoobiyaanka oo kaliya, ha ogaado Imaamku inuu yahay imaamkii ugu horreeyey ee taageera gumaysi. Sidoo kale ha ogaado in dadka aan gumaysiga oggolayn ay xaq u leeyihiin inay doortaann imam kale!! Iyadoo laga yaabo inay imaamnimadu yeelato garbo kala duwan sida ay siyaasaddu u leedahay! 

Yaa lugu taageeraayay shirarkaas?

Dadka aan la socon dhacdooyin ka horreeyey shirkaas, waa ku adagtahay inay fahmaan ujeeddada laga lahaa shirarkaas. Shirkaas maalmo ka hor ayaa saraakiisha Itoobiyaanku waxay canaan kulul loo soo jeediyay siyaasiyiinta beesha uga jira dowladda Federaalka iyagoo ku eedeeyey inay ‘sireen’ oo ay usheegeen inay dadkoodu 100% taageersanyihiin!! Waxayna si dhaqsa ah uga dalbadeen inuu caddaato mowqifka beesha. Taas ayaan keentahay in si hal-haleel ah  loo qabto shirkaas oo aan lugu taageeraynin dowladda Federaalka balse loogu niyad dhisaayay Xabashida oo laga dareemay niyad jab weyn, taasna waxaa caddaynaysa in sawirrada ka qeyb galayaashu siteen ay u badnaayeen sawirka geeddi iyo Zenawi oo isku dheggan, iyadoo mar dambe meel laga soo helay sawirka C/lahi oo kaligiis ah!

Waxaan dad badani ogayn in shirkaas uu ka horreeyey shir kale oo uu Salaad ka soo qeyb galay, kaasoo ay isugu yimaadeen dadka deggan xaafadda Laf-weyn ee degmada Yaaqshiid. Ma ogi in shirkaasi ahaa shirqool loo dhigay Salaad iyo in uu isagu yahay qof wacyigiisu hooseeyo. Dadkii meesha isugu yimid wuxuu kula hadlay wax ay ka yaxyaxeen ka qeybgalayaashii, ilaa uu qof  istaago oo yiraahdo “meesha soomliyoo dhan ayaa joogta ee hadii wasiirka beel ahaan lugu casuumay dadka kale hallayska fasaxo” markaas ka dib shirkii waa la xirey, waxaana muuqata in shirkaan dambe loo soo xulay dadkii uu rabay halkaasna uu ka jeediyey qudbadiisii taariikhda gashey!! 

Salaad Cali Jeelle & Raggiisa

Qarni waliba  raggiis! Qofna maaha inuu la yaabo hadalka salaad iyo ragiisa, maxaa yeelay hawsha iyaga iyo madaxdooda(xabashida) u talla ma yara, waxaa suuq-gayn uga baahan badeeco baartey waqtigeedina dhamaaday, oo aysan jirin cid ay ka gadmayso, Waxaa laga rabaa inay dhurwaa ari u ekaysiiyaan, waxaa looga fadhiyaa inay gumaysi dowlad u ekaysiiyaan! Waxay ku xiiqayaan inay wadaan nasteexo iyo dowladnimo, qaarkood waxay gashadeen dhar culimo, qaar kalena dhar siyaasi, qaarna dhar ciidan, qaarna dhar oday dhaqameed, laakiin hoosta waxaa ka muuqda duftooda iyo miciyahooda, waana sababta ay dadku uga sii carayaan oo uusan jirin qof wax garad ah oo aaminsan!! 

Yaa ka duubay salaad hadalka?

Meesha waxaa isugu yimid waxay ahaayeen taageerayaasha Itoobiyaanka, Prof. Geeddi iyo Salaad, sidaa darted waxaa hubaal ah inuu ka duubay qof aan laga dareen qabin oo ka mid ah dadka ay u haystaan taageerayaashooda. Haddaba salaad ma ku waana qaadan doonaa oo ma fahmi doonaa in dadka u sacbinaaya aysan siyaasaddiisa ku wada qanacsanayn? Miyaan arrinkaasu caddayn u ahayn in haddii ay raggiisa ka mid yihiin dadkii codkaas ka duubay uusan amnigiisu sugnayn?

Waxaan xasuustay qiso dhex martey hoggaamihii Muslimka ahaa ee Salaaxudiin al-Ayuubi iyo nin ay dakano ka dhaxaysay aadna uu u raadin jirey. Maalintii dambe ayaa salaaxudiin wuxuu barkintiisa ka dhex helay warqad dhiig lugu soo qoray oo ku dhex jirta toorrey galkeed!! Warqadda waxaa ku qornaa hadalkaan: “Salaaxuddiinow ma rabo inaan dhiggaaga faraha la galo, laakiin dilkaagu aniga waxba ilama aha…maxaad ka ogtahay sida aan barkintaada ku soo gaaray??, waxaa dhici karta inaan ahay tin ka mid ah garkaaga, ama dun ka mid ah cimaamaddaada..haddii ay tani ku kaafin weydo waxaad heli doontaa wax la hubo inay ku kaafin doonaan!!”  

Yaa Xukuma Waddanka?

Qofkii jecel iyo qofkii neceb-ba dowladda federaalku way dhimatay (haddiiba ay nolo ku dhalatay) maamul ahaan. Qofkii aan rumeysan karin ha isku dayo inuu wax ka ogaado qaabka loo maamulo dededda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dhaqaalaha ka soo xarooda! Wuxuu ogaan doonaa qof kasta inay dowladdu tahay mid loogu tala galay wax bur-burin. Waxaa dhamaaday cimrigii ay ugu tala galeen kuwii soo samaystay, waxaa la gaaray u jeedddii laga lahaa, sababta kaliya oo ay hadda u jirto waxay tahay iyagoo laga baqaayo inay firaaqada ay bannayso ay buuxiyaan kooxaha muslimiinta diintooda ku dheggan, hadii ay cabsidaasi suushana iyaduna waa suulaysaa!!

Dadka qaar ayaa aaminsan inay jirto beel soomaaliyeed oo waddanka xukunta, beelaha kalena sida ay doonto ka yeeli karta!! Xukun beel soomaaliyeed waa dhamaaday. Haddii ay jirto beel waddanka xukunta waa beesha Tigre e ee dalka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in dad badan oo reer Muqdisho ah hadalkooda laga dareemi karo eed ay u hayaan reer PuntLand iyagoo taas sabab uga dhigaaya dhaqanka C/lahi Yuusuf iyo raggiisa!! Maxay tahay dambiga ay reer PuntLand ku leeyihiin dhaqanka C/llahi iyo Azhari oo aysan reer Muqdisho ku lahayn dhaqanka Geeddi, Jeelle iyo Gacma Dheere?

Nimanka Itoobiyaanka waddanka u gacan geliyey waa qowlaysato danaystayaal ah, kana kooban Beelaha Soomaaliyeed oo dhan mana jiro qabiil iyo deegaan ay ixtiraam iyo naxariis u haayaan, cidii ka hor timaadana waxay ku fasaxayaan Itoobiyaan iyo ciddii kale ee ay heli karaan?  

Dagaallada Muqdisho

Soomalidu waxay ku maah maahdaa “Nabar aad filaysay naxdin maleh”, Muqdihso waxa ka dhacay waa wax la filayey horeyna loo saadaaliyey. Hase yeeshee ma noqonin sidii ay ay rabeen itoobiyaanka iyo saaxiibbadood. Waxaa muuqata inay itoobiyaanka lama filaan ku noqotay iska caabinta adage e ay la kulmeen. Sidaa darted waxay go’aansatay inay sii maalweeliyaan una soo dejinaan kaarto cusub oo ay kula dagaallaam dadka diidan joogitaankooda. Qofka aaminsan in dagaalka muqdisho dhamaaday waa khaldanyahay, waxaa la hubaa inuu soo noqon doono isagoo ka ‘waalli’ badan kan a xulafo badan kii hore. Dagaalku maaha mid ay ku lug leedahay itoobiya oo kaliya, balse waa mid ay ku lug leedahay waxa loogu yeelo ‘beesha caalamka’ oo ay ka go’antahay in Soomaliya la xanuunjiyo maadaama ay ka soo baxeen dad aan oggolayn inay u ‘rukuucaan’ sayidka weyn ee mareykanka kuna fikiraaya inay shareecada Islaamka Dastuur ka dhigtaan, taasoo ah dambi aan reer galbeedku cafin karin! 

Maxaa la gudboon kooxaha iska-caabbinta?

Dadka aan oggolanyn Itoobiyaanka  ma jiro dariiq u furan oo aan ahayn inay u diyaar garoobaan dagaal aad uga culus kii hore. Waa inaan lugu sirmin xabbad joojinta ay ku baaqeen Itoobiyaanka, suurta gal maaha inay uga tanaasulaan riyadii boqolaalka sano ee sida fufud ugu dhabowday. Waxaa suurta gal ah inay gacan ka helaan reer galbeedka iyadoo laga yaabo in caawin kale oo xagga hawada ah ay soo gaarto, sidaa darted waxaan laga maarmayn in talada lugu darsado in dagaalka ‘fool-ka-foolka’ uusan suurta gal noqonin mararaka qaarkood, loona baahdo in ciidanka la fur-furo si dhaq-dhaqaaqiisa iyo hawl-galladoodu ay suurta galaan hadii ay dhacdo in duqayn culus oo ay sameeyaan Mareykanka oo aan waxba kala hari doonin dhibaataynta dadka aan isaga jeclayn.

Waxaa lagama maarmaan ah in gobollada kale gaar ahaan kuwa ku dhow Muqdisho laga sameeyo saldhigo guur-guura oo carqaladeeya isu socodka ciidamada cadowga, si ay ugu khasbanaadaan inay ilaaliyaan jidadka culayskuna ugu bato awooddooduna u kala baahdo. Hadddii ay Itoobiya ku guulaysto dagaalka (alle ma qaddaree) waxaa la hubaa inaan xasuuqoodu ku ekaan doonin Muqdisho ee uu gaari doono intii ay gacantoodu gaarto ee ka mid ah dhulka soomaaliyeed gaar ahaan meelaha ay dareemayaan inay joogaan dad laga yaabo inay mustaqbalka kusoo kacaan. 

Dadkii hantida boobay iyo kacdoonka!

Waxaa dowladdu ku dooddaa in dadka ka soo horjeeday ay yihiin dadkii boobay hantidii qaranka iyo shakhsiyaadka oo diiddan in la xisaabtamo. Waxaa xusid mudan in dadkii haystay guryaha dadka iyo hantida dowladda ay badankoodu  taageersan yihiinn dowladda iyo Itoobiyaanka. miyaan mooryaantii haysan jirtey Balli Doogle ka mid ahayn ciidanka dowladda? Miyaan dowladdu u daynin Shabeellaha Hoose raggii haysan jirey? Miyaanay xildhibaanno dowladda ahayn isbahaysigii argagaxa? aaway saxaafadii ka qeylin jirtey ‘indhacadde’ miyaanay arkayn in dowladdu u daysay raggii indhacadde (intoodii aan maxkamadaha la shaqeyn) Shabeelaha Hoose intiisa badan?? Mase oohintu orgiga ka weyn? 

Qabyaaladdu sun iyo dawo ma wada noqon karaa?

Waxaa dad badani ka dheregsan yihiin sidii hawlaha iska caabbintu ay ugu milmeen qab-yaaladda. Inkastoo ay dadka qaar leeyihiin waa la xakamayn doonaa, anigu cuqdad weyn ayaan ka qabaa in qabyaaladdu ay wax wanaag ah yeelan karto. Sow qabbiilku nagalama dhaxeeyo kuwii bahallada ahaa ee dadka cuni jirey? Yaa damaanad qaadaaya in duggaaggii (qabyaaladdu) uusan mar kale xarigga goosan doonin oo uusan ‘dhunxi’ doonin wax kasta.?? Haddi la maqlo waxaa dagaallamaya itoobiya iyo beel heblaayo sidee ayaa loogu qancinayaa beelaha kale in uu waddanku gumaysi ku jiro arrinkuna iyaga khuseeyo? Nin qabbiil ku dagaallamaya ma xamili karo waxa dhacaya, waxaa loo baahanyahay inay howsha wada galaan inta mabda’ ahaan ka soo horjeedda qabsiga waddanka meel kasta oo ay joogaan!!  

Hay’adaha xuquuqul insaanka & dhacdooyinka Soomaaliya.

Waxaa aad u maan gaaban kuwa aaminsan in hey’adaha xuquuqdu ay caalamka ka dhaadhicin doonaan in dad soomaaliyeed la dhibaateeyey. Hey’adahaas waxay ku shaqeeyaan barnaamij degsan, waxay leeyihiin khad ‘guduudan’ oo aysan dhaafi Karin. Wax u barooranaya miyaad aragteen dadkii, xoolihii iyo ugaadhii lugu halaajiyey Jubbooyinka.?? Dadka loo barooran karo kuma jiraan kuwa ay dilkooda rabaan reer galbeedku! Waxay ka hadli karaan gudniinka,  dadka laga hor istaago dhaqan xumada iyo sababta haweenka loogu yareeyey baarlamaanka, taasi waa sida ay ku helayaan maal gelin. Howshooduna waa intaas ee yaan laysku daalin!!! 

Yugandha, Itoobiya iyo ceegada kabaalka aqalka!!

Intaan ciidamada Ugandha waddanka imaanin waxaa wax badan idaacadaha ka hadlay Melles isagoo leh Muqdisho aad bay u xasilloontahay wax dhib ahna kama jiraan ee ciidamada Africa ha soo dhaqsadeen. Arrinkaas wuxuu dhareerka ka soo daadiyey Ugandha oo iyaduna dano ka lahayd soomaaliya. Hase yeeshee markii ay cagaha soo dhigeen ayay arkeen sida ay xaqiiqdu tahay. Waxaa laga hayaa inay yiraahdeen “Africa waxay naga dhigatay Eygii gosha lugu sahniyey”!!

Waxaa jirtey sheeko gaaban oo ahayd: Laba dhallinyaro oo reer miyi  ah ayaa waxay arkeen qof haween ah oo xoolo la joogta wayna faduuliyeen oo waxay ku cadaadiyeen inay la sheekaysato. Markii ay haweentii iska kari weyday ayay tiri waxaan deganahay aqalkaas ee caawa fiidkii ii soo sheeka doonta. Haweentu markii ay guriga tagtay waxay u sheegtay Saygeedii (ninkeedii) oo ahaa nin aad u xoog weyn waxa manta ku dhacay iyo inay nimankii ay caawa guriga imaan doonaan!

Labadii ardaal ayaa fiidkii soo aaday aqalkii loo tilmaamay. Waxayna soo hormariyeen midkood si uu gabadha ula soo sheeksyto. Ninkii guriga laha wuxuu isku qariyey  tiirka (kabaalka) aqalka, markii wiilkii (faduusha u socday) is yiri aqalka gal ayuu cunaha ceego ku dhegay.. wuxuu raftaba markii dambe waa iska sii daayay.

Wiilkii la ceejiyey isagaoo wareersan ayuu u tegay saaxiibkiis oo meel ku sugayay wuxuuna ku yiri “war nin yohow aniga qoftaasi sheeko waa iga diidday ee bal adna markaaga isku soo day!” wiilkii kale ayaa isna isi sii daayay, markii uu is yiri aqalka gal ayaa isna cunaha lugu dhegay! Wuxuu rafto oorafto.. isna waa la sii daayay.. wuxuuna u tegay saaxiibkiis kuna yiri “war inkaari kugu dhacdaye maxaad ii sirtay?” markaasuu ku yiri “ceegada kabaalka taalla uun sow maaha waxa aad sheegeyso? taas maxaad ka sheegaysaa aniguba waan soo arkaye?!!”

Ugaandha iyo Itoobiya waa laba waddan oo aan  bad lahayn, ma laga yaabaa in ay meelo iska shaabahaan danaha labada waddan ay ka leeyihiin Soomaaliya?? Anigu waxaan aaminsanahay inaan Ugandha ka dhib yaraan doonin Itoobiya, balse loo fadhiyee sida ay wax noqdaan!! Maxay ciidamada Midowga Afrika iyo UN-ku  ka qabteem Daarfuur oo aan ahayn inay caruurta kufsadaan?? Halka ka akhriso hawshooda: http://www.aljazeera.net/NR/exeres/9EA33081-44C9-44B7-A552-16234714A677.htm, sidoo kale halkaan ka akhriso: http://www.telegraph.co.uk/news/main.jhtml?xml=/news/2007/01/03/wsudan03.xml

Gunaanad

Sida ay taariikhdu na barayso haddii waddan la qabsado dadka waddankaas waxay u kala bixi jireen, kuwo nacfi ka raadiya oo gaadiid u noqda, kuwo la dagaallama, kuwo dantooda ka raacda oo aan waxba iska saarin , Soomaaliduna sida haddaba muuqata sidaas ayay u kala bexeen. Haddaba taariikhdu manta ayay qormaysaa ee qof kasta ha doorto dhinacii uu cuslayn lahaa anigoo rejeynaya in danta guud laga hormariyo tan shakhsiga iyo beesha. 

Wixii aan saxo waxaa i waafajiyey Allah, wixii aan khaldana waa naftayda aqoonta yar iyo sheydaan.

Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid-Muqdisho
inawallays@yahoo.com

Afeef: Gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com