SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Ma wasaaradii gaashaandhigaa minilikh meeraystay.

Maansadan waxaa curiyey maxamad bashiir jaamac ,waana maansa sida aad ka akhrinsan doontaan aad ka hadlaysa ciidamada itoobiya oo ah cadowga taariikhiga ah ee soomaaliyeed oo maanta soomaaliya qabsaday iyaga oo ay rag soomaliyeed soo hogaamiyeen soona hor kaceen.Sida magaca maansada ka muuqata ama aan cinwaankaga uga dhigay waa arinta ugu weyn ee iga keentay gabaygan ,waayo wasaaradda gaashaan dhiga ee soomaliya waxay ahayd meelaha umadda soomaaliyeed ku faani jirtay inkasta oo ciidankeennii iyo dowladii burburtay waxaa hadana waxlaga naxo ah in cadowgaagii uu qabsado wasaaradaadii gaashaandhiga.waxaan arintaas uga tacsiyadaynayaa umadda soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan ciidamada iyo saraakiisha xooga dalka soomaaliyeed.

 
Ma hadhada aduunyadu waxay meerto galab meelba.
Meel waxay u boodoo mar kale qolo umaadeeyso
Mooradayda waa taa fadhida ,murugo ciil  maaanta
Ma wasaaradii gaashaandhiga Minilikh meeraystay
Mingiste iyo Xayliyo kuwii meydka qalanaayey
Magaceena nimankii nebcaa muuqa arageenna
Mustacmarada nimankii la yimi maalka nagu qaatay
Markii yurub na hoosheen kuwii soo mushxaradaayey
Mudanow dalkii naga dhacee mariyay reerkenna
Maadhiinka nimankii la dhacay maatadiyo geela
Nimankii maroosaday hantida mariyey haybteenna
Mushrigaan colowniyo kuwii diinta nagu maagay
Minankii ilaahay kuwii muhandisoonaayey
Maroodiga kuwii keensadee,gulufka maareeyey
Maka nimankii soo weeraree mowle la coloobay
Min sijiil kuwii lagu diree malagu soo toogtay
Mujrimiinta taariikhda iyo maafiyadii uunka
Iyo maanta kuwa noola yimi wax isma dhaamaane
Muqdishoo la haystiyo kuwaa mudug xalaaleeyey
Marka iyo kismaayiyo kuwaa gaday mareereyba
Mash caleed kuwaa doonayiyo madaxyadii laaska(laaska qoray)
Miinada berbera iyo kuwaa maakhir laga iibshay
Muqaawimada laynayiyo sheekh ma,dana fuushan
Madfacay ridaayaan kuwaa midowgii uu yaabay(midowga yurub)
Magacood b,a waa nimanka yidhi xabashi maandheysta
Magacood b,a waa nimanka yidhi meles walaalaysta
Magacood b,a waa nimanka yidhi madaxa laadlaadsha
Masiibooyinkaan sheegay iyo mililka boogtaasba
Mugdi weeye aan keensaniyo, cadho macbuudkeene
Markii aan qabiil dooranaa , mooro lagu daatay
Midigtii walaalkii nin jaray , maa yajidu khayran
An midowno maantoo kaleey madhaxa keentaaye
An midowno maantoo kaluu qaran macquulaaye
Muslin iyo walaalaynu nahay ,kalana maarmeyne
Madfaceena aan wada ridnoo meel ku wada tuurno
Mowdka iyo geeriduna waa muqadam liibaane
Mirihii janaa lagu helaa ,magacyo waweyne.
Marinkii xamsaa lagu tagaa waa martabad weyne.
Mirahaas anaa soo marshoo meesha soo dhigaye
Madaxweyne gaarsiiya iyo mudane baarmaanka(barlamaan)
Min wasiir ilaa ilaa muhansdiskiyo madax ha loo sheego
Ma doonee amxaarada la taga ,meleg allow keenta.

           Maxamad bashiir jaamac

          gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com