SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Micnaha Ereyga Mooryaan ?. Faallo Cilmiyeed

W/D Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail Yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Puntland Somalia

Af-Soomaaliga Ereyga Mooryaan Micnihiisu waa Ceydh Maxeysato, laakiin maanta Micno kale ayuu yeeshey, kaas oo ka dhashey burburkii dowladii dhexe ee dalka soomaaliya, waxaana weeye qof dilaa ah oo aan waxba ka xishoonayn,waxna dhaafeyn oo daroogaysan mooryaan Gobolada Waqooyi Bari ee dalka soomaaliya waxaa looga yaqaan “Jirri” Gobolada Waqooyi Galbeedna waxaa looga yaqaan “Dayday”.

1. Ma damqade:-

Wiil dhalinyaro ah oo 21 jir ah ayaa gabar ay deris yihiin jeclaadey wiilku ma aha wiil caadi ah waa wiil ku caan baxey dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacey dalka soomaaliya oo aan waligiis horey usoo arkin sharci iyo kala danbayn wuxuu ku garaadsadey waa la diley,waa la dhaawacey,waa la kufsadey,waa la afduubey,waa lagu duuley,waa la difaacey,waa la weerarey, yool baa haysta O’ bay ku jiraan waa la dhabar jabiyay, baad kaa ku dhacay raran baa lagu rogey iyo warar baas oo ceynkaas ah.

Wiilku waa wiil ku dhex jira xaaladaas yaabka leh iyo qaar kale oo kasii yaab badan, waxaase dhici kara amase ay tahayba, isagu intuu qabo aragti ka duwan taa aan soo sheegey oo qaabkan uu u nool yahay ay caadi u tahay hadii aan sawir guud ka bixiyo wiilkan muuqaalkiisa ma aha mid ku farax galinaya, guud ahaan waa guban yahay waa xayaysi labada indhood waa bur guduudan,haaraha oogadiisa ku yaal lama xisaabi karo ee gebigiisuba waa hambo xabadeed, Qaadka sigaarka qoriga iyo dhowrka qasnadoodba waa wehelka naftiisa.

Ninka sidaas u yaal waxay labadiisa waalid ula baxeen Cabdisalaam hadase looma yaqaan oo wuxuu leeyahay magacyo kale sida ‘ Ma nexe, ma dale,ma seexde,baqa diid,iyo Ma damqade oo ah magaca uu ugu jecel yahay in loogu yeero, Wiilka magacyadaa iyo astaamahaa leh gabadhii uu jeclaa markii loo tagey oo loo sheegey in uu doonayo Ma damqade waxay tiri “Wiilku muxuu haystaa ?’’ isagoo suaashaa ka jawaabayana wuxuu yiri.

. Aakahaygan Fanax da leh
. Iyo faal surweynaha
. Fartu leebka u dhow dahay
. Amaankuna u furan yahay
. Aniga iyo Faadumo
. Labdaasi nagu filan’’

Intaa waxaa sii dheer labo barood oo leejo (Lacag baad ah) laga qaado oo aan anigu madax ka ahay iyo waliba mararka qaarkood oo aan howlgal la sameeyo si dhaqaale looga helo waxyaabo kalana wey jiraan mase doonayo in aan wax kasta daboolka ka qaado oo waa sir ciidan, Faadumo iyadoon ku qanacsanayn jawaabtii uu Ma damqade ka bixyay su’aasheedii ahayd Wiilku Muxuu haystaa? Ayay mar labaad tiri “Aduunyada Aqoon baa la isku dhaafee Horta wiilku Muxuu yaqaanaa??’’ Ma damqade markii loo sheegey suaashii labaad ee ka timid Faadumo Xageeda kuna saabsanayd heerka aqoontiisa aad buu u farxey maxaa yeeley waa ku kalsoon yahay aqoontiisa mana ahayn in uu jiro wiil kaga horeeyay xaga aqoonta sida ay isaga la tahay, waxaase la yiri Hadal qofna si kuu yiri qofna si u qaaday’’

Ma damqade oo ka jawaabin su’aashii Faadumo iyo dhaliishii saaxiibkii ayaa oday goob jog ahaa aad ula yaabey kibirka ka muuqda Ma damqade saaxiibkii ayaa xasuustey maanso uu tiryay Abwaan soomaaliyeed oo yiri.

Ø Dadaal iyo aqoon bey dunida isku dhaaftee

Ø Dammiinimiyo maandhow doqonimo ma fiicnee

Ø Daan-daansi iyo kibir danbar lagama maalee

Ø Inaad damisid mooyee fidmo looma duubtee

Ø Waa in aad dadaashaa..

Odaygii oo intaa kusoo gabagabeeyay maansadii ayaa raaciyay Cabdisalaanow iga raali ahow waan kaa boobey hadalkee halkaagii kasii wado, Ma damqade oo ay wali ku taagan tahay su’aashii Faadumo oo ahayd Igaarku ama wiilku muxuu yaqaanaa?? Wendiintaa muhiimka ah intaanu ka jawaabin ayuu hadal u ceshey saaxiibkii oo ku yiri war sidu sidii maaha” oo waa leys haystaa anigaa ku warami doona ee ha deg degine gaabso,Intaa dabaceed Ma damqade wuxuu faah faahin ka bixiyay heerka aqoontiisa wuxuu ku bilaabey hadalkiisii sida soo socota:-

Ø Baastooladaha Waan Aqaan

Ø Bambada gacanta Waan Aqaan

Ø Bumbo Faalka Waan Aqaan

Ø Aakaha Waan Aqaan

Ø Kaarabiinka Waan Aqaan

Ø Faal surweynaha Waan Aqaan.

Ma damqade Markii uu sidaas wax u sharaxey ayay faadumo si deggan u tiri ma diidani anigu hubka aqoonta u leeyahay oo aan la’aanteed la isticmaali Karin waxaase loo baahan yahay iney jiraan wax ilaaliya,kaa ilaaliya,kugu ilaaliya.

Nin baa laga sheegey “Dheg-dheer taan u dhigtayda ma aha” ee cabdisalaan aqoontii aan weydiiyay tan uu la gole yimid ma ahayn hadana waxba kama qabo in aan la wadaago nolosha laakiin hal shardi baa ku xiran shardigaas ma aha dahab ii gad ma aha aqal ii dhig ma aha yarad iga bixi,ee waa inuu cabdisalaan ka baxo waxa uu faraha kula jiro halka uu ka aaminey qorigana waa in uu qalinka ka aamino, Cabdiaslaan oo aad u faraxsan ayaa balan ku qaadey inuu sidaas yeelo isla goobtaa ayuu nikaaxii ka dhacey, qays cusubna lagu unkumey.

Hadaba Guntii iyo Gabagabadii Faaladan waxaa loo baahan yahay in aan la fogeyn dhalinyarada ee waa in la waaniyo, wax loo sheego oo loo tilmaamo qaab ay noloshooda ku maareyn karaan, laguna taageero si loo badbaadiyo iyaga iyo kuwii ku dayan lahaa intaba horaa loo yiri waa {Wuxuu rag u kaco Rabina aqbalo waa rumoobaan}

W/D Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail Yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Puntland Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com