SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Waa maxay waxa uu sharcigu ka leeyahay xuquuqda ama xaqa iyo masuuliyadda ay leeyihiin shaqaalaha iyo hantilayda ku nool magaalada mataanaha ah ee Minneapolis iyo St Paul.?

Shir balaaran oo ka dhacay xarunta jaaliyadda midowga ee mpls ,mn oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (CSCM) ayaan galabnimaadii maanta oo ay bishu ahayd 04/12/07.

Lagu soo bandhigay waxa uu sharciga am amenmenka u degsan dalka maraykanka uu ka lee yahay xuquuqda ama xaqa iyo masuuliyaddaay leeyihiin shaqaalaha iyo hantiilyda ku nool labada magaalo ee mataanaha ah ee mpls, mn iyo St paul.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururada u dooda xuquuqda aadamaha ee afka qalaad lagu yiraahdo (human rights) iyo jaaliyadda midowga ee Minneapolis (CSCM}, iyo ururka xuquuqda aadanka ee degmada Minnesota (league of Minnesota human rights commissions) iyo ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Minnesota. (Minneapolis department of civil rights) iyo ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee degmamda St paul.

Waxaa kaloo ka soo qaybgalay shirkaan marti sharaf ka kala socota labada magaalo ee mataanaha ah , St paul iyo Minnesota ,waxaan ka mid ahaa , Stephen W. Cooper oo hore u ahaa xubin guddiga Minnesota u qaabilsan qaybta xuquuqda aadanaha iyo Micheal Jordan oo isagan qabiir ku xeeldheer shaqaalaha iyo xeerka sharciga u degsan , waxna ka dhiga kuliyadda la yiraahdi Wlliam Mitchell eek u taal St paul ,mn , waxaa kaloo ka soo qaybgalay Sonja Dunnwald Peterson wuxuu ku jiraa guddiga u qaabilsan xuquuqul insaanka waana xeerelaaliye ku takhasusay kalasoovidda dadka ku nool maraykan iyadoo loo firinayo jinsiyadooda iyo diintooda.

Lolly lejewski waa naaga madaxweyne ku xigeen u ah urur la yiraahdo Guidedog owners Sheik Abdirahman omar oo imam ka ah masaajidka la yiraahdo daarulquba , Sidaanu la socono waxaa ku nool labadan magaalo ee matnaha ah ee Stpaul iyo mpls.

Waxaana u badan dadka soomaaliyeed am jaliyadda soomaaliyeed sidaa dardeed Waxaa shirkan looga doodayay sidii loo badbadin lahaa shaqaalaha ama hantiilaha midkoodaba inaan lagu xadgudbin xuquuqdooda ay xaqa u leeyihiin iydoo uu shirkan markiisoo horeeba ay ahayad sababaha loo soo diyaarshay sharciyaqaandan ka soo qaybgalay shirkaan.

Midda labaad oo uu shirkan loo soo abaabulay ayaa ahayd ka dib cabasho faro badan ay keeneen wadayasha tagaasida ka shaqaysa airopoorka wada iyo shaqaale ka shaqeeya dukaanka weyn ee taargedka la yiraahdo kaa soo inta badan si aan kala go'a lahayn u soo cayrsha shaqaalaha . waxaa kaloo ka hadlay shirkaa ganacsade soomaliyeed oo leh shirkad tagsi ka shaqeeya gobolladan mataanaha ah ee St paul iyo minneapolis Abdinur Dolal,wuxuuna sheegay inuu in mudo ah ahaa ganacsade ka shaqeeya tagaasida ka shaqaysa airoporka wuxuuna yidhi aad baa loo buunbuuniyay eddeymaha la eedeenayo wadaayasha tagaasida ka shaqaysa airoporka waayo aniga ayaa ka shaqeeya ogna dhibka iyo dheefta aanu kala kulano howshaan aanu u hayno dadka custanka inoo ah waxyaabaha la sheegayana waa 100%saddex waxaana ka badan wanaagga aanu sameeyno balse dad ujeedo kale leh baa buunbuuniyay arimaha.

abdinoor waxa uu yidhi diinteenu iyo baniaadannimada ma ay qabaan in qofka rakaabka la weydiiyo waxa uu sito waxaana idiin cadeenayaa inaysan taa qabin diinteena in qofka la faquuqo laakiinse wixii cadaan ah oo muuqda hadaynu la kulano waa meesheeda inkastoo aanuna la kulmin arintaa.

Intaa ka dib waxaa si fiican uga faalooday shiekh cabdirahmaan oo ah imaanka masaajidka abuubakar al-sadiiq ee magaalada minneapolis minnesota shiekhu waxa uu aad ugu dheeraaday in qofka malinka ah uu ixtiraamo qofka kale sida ay diinteenu na leedahay wuxuuna ku celiyay inayan marnaba diinteenu ogolayn in qofka la faquuqo sababo diinta ama jinsiydda ama waxa uu rumaysan yahay ,wuxuuna tusaale u soo qaatay waxa uu yidhi diinteena waxa ay inoo ogolaatay inaynu guursan karno qofku hadduuba yahay kitaabi taa ayaa cadaynaysa diinteena sida ay u qadariso ixtiraamka qofka ajnabiga ah ee nabadda kugu la nool sidaa darteed qofkuu haduusan waxba kuu dhimayn waa inaad amaan galisaa oo aad ku ixtiraamtaa jinsiyaddiisa iyo diintiisa sida uu isgaba kuugu ixtiraamo.

sheikhu waxaa kaloo uu sheegay in loo gargaaro dadka waayelka ah dinn walba iyo jinsiyad walba ha haystee ama dadka xanuunsan kuwa indhal'a kuwa curyaanka ah.

Shirkaa waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo isafgarad waxaana lagu balamay in dib la isugu soo noqdo kulan danbe iyadoo la sheegayo goaamadii la xaliyay iyo kuwaan la xallin waxaan dhamaan jaaliyaddii soomaaliyeed ee ka soo qayb gashay lagu wargashay inay la soo xiriiraan haday dhibaato kala soocid ah kala kulmaan goobaha ay ka shaqeeyaan.

Waxaa diyaarshay
Mohamed Hussein
info@somaliamericanmedia.org

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com