SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

  • Somali Laga soo Musaafuriyay Dalka Yamen oo Bososo Soo gaarey.
  • Gole Deegaan oo loo Sameeyay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Somali Laga soo Musaafuriyay Dalka Yamen oo Bososo Soo gaarey.

Dad Soomaali ah oo daganaa xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen oo laga soo musaafuriyay oo soo gaarey magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari, dadkan ayaa waxaa laga soo dajiyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada boosaado ee Bander Qasim Airport.

Dadkan lasoo Musaafiyay oo gaaraya ilaa iyo 30 Somali ah oo isugur jira Dumar iyo caruur ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaararadaha ee magaalada Boosaaso, ka dib markii laga soo musaafuriyay xeryo qaxooti oo ku taala dalka Yemen.

Qaar ka mid ah Dadkaan oo aan kula kulmey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso markii ay kasoo dagayeeen ayaa waxa ay ii sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ku soo laabashada dalkooda, iyagoo sheegay in halkaasi ay dhibaato uga soo carareen sida ay ii sheegtey haweeney ka mid ahayd dadkaasi soo laabtey.

Inta badan dad badan oo somali iyo itoobiyaan isugu jira ayaa kusoo qul qulaya dalka yamen iyagoo maalin kasta dhibaatooyin aad u fool xun ay haleelaan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsiga doonyaha yar yar ee lagu qaado dadka tahariibayaasha ah iyagoo marka ay marayaan badweynta ku daadida bada oo iska roga.

Isku soo wada duuboo ma ahan markii ugu horeysey ee dad lasoo musaafuriyay lasoo gaarsiiyo deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland ee waxaa dad lasoo musaafuriyay asbuucii tagey laga soo dajiyay magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug iyadoo hada ka horna magaalada boosaaso lasoo gaarsiiyay dad badan oo dalal kala duwan oo carbeed laga soo musaafuriyay.

Yusuf Gaduudow E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Somalia

Gole Deegaan oo loo Sameeyay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Waxaa Maalintii shalay Golaha deegaanka loo sameeyay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Waxaana loo dhaariyay 35 xubnood oo ah golaha shacabka deegaanka degmada dhahar kuwaas oo iska dhex doortey Gudoomiyaha Golaha shacabka deegaanka degmada dhahar iyo gudoomiye ku xigeeen.

Jagada Gudoomiyanimada ee degmada dhahar ayaa waxaa isku soo taagey labo musharax oo kala ahaa Mudane Axmed Maxamed Adan iyo Salaad Cali Shire labadaan musharax ayaa waxa ay kala heleen codad gaaraya 12 cod oo uu heley Salaad Cali Shire iyo 10 cod oo uu heley musharaxa la tartamayay ee Axmed Maxamed Adan.

Waxaa sidoo kale isku soo taagey Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Deegaanka degmada dhahar Mudane Siciid Muuse Ahmed ma jirin cid la tartamaysey mudane siciid oo kula tartamaysey gudoomiye ku xigeen sidaasna waxaa gudoomiye ku xigeen loogu doortey Mudane Siciid Muuse Axmed.

Doorashadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dowlada hoose iyo Horumarinta reer miyiga ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cali Cabdi Awaarey oo ku dhawaaqey gabagabadii nitijadii doorashada waxaa kaloo doorashadaasi goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlaamaanka dowlad goboleedka Puntland Axmmed Cali Xaashi.

Degmada dhahar waxa ay ka tirsan tahay gobolka sanaag waxa ayna ku soo biirtey degmooyinta dowlad goboleedka Puntalnd ee soomaaliya, maalin ka hor doorashan ayaa waxaa degmada dhahar ka dhacay dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada labada maamul ee kala ah Maamulka isku Magacaabey Somalidland iyo Puntland.

Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com