Cidna uma Maqna Ceelna
uma Qodna PUNTLAND
Waxaan salaamayaa dhamaan ummada
Soomaaliyeed ee nabad iyo hormarka jecel, si gaar ah REER Puntland oo
xaqiiqatan ah dad usoo halgamay dadkooda iyo dalkooda BAARINA u ah.
Qoraalkaan dad soomaaliyeed iyo beel Soomaaliyeed in wax loogu dhimo ama
lagu jaa’ifeeyo ma aha ujeedadu. Waxaa wax la layaabo ah in Puntland iyo
dadkeeda oo lagu yaqaanay ineey soomaalida u horseedaan nabad,
ilbaxnimada iyo hormarka eey aad ugu hungoobeen wax loogu yeero maamul
ku sheega uu hogaamiyo ninka magac ahaan Puntland madaxweynaha u ah. Ma
jecli inaan cidna wax u dhimo, ama hadal qadaf ah iraahdo. Qoraal waxaan
ugu dan leeyahay waa dhaliil wax lagu saxayo. Eeba kitaabkiisa wuxuu ku
yiri (FADAKIR FA INA DIKRAA TANFACU MU’MUNIIN) nabi aloow umada cabsida
eebe xasuusi waa intaasoo ee ku waano qaataanee.
Waxaa wax lala yaabo ah
ayadoo laga joogo curashadii DGPL muddo 9 sanadood ah in ilaa hada wax
adeeg ah oo la xasuusan karo in bulshada reer Puntland eeysan ka fa’
iidin haba yaraatee. Maamulka Puntland xataa cariish uu ummadda u dhisay
ma sheegi karaan, iska daaro iyo mashruuca waa weyn sida riyada
Batroolka!!!!.
Miisaaniyada Puntland waxaa qiyaastii lagu sheega ilaa 32
milyan oo USD, lacagtaa badankeeda waxeey kasoo xarootaa dakada,
airpoorada, baraha kontoroolada, iyo tan ganacsatadu bixiso hase ahaatee
waxaa nasiib daro ah in xoolahaas laga soo aruuriyay xalaal miiratada
iyo xoogsatada, hooyooyinka caanaha suuqyada ku gado, laguna xukmay
canshuurtii dulsaar badan daalin xeradii aan habayaratee cidna wax loogu
qaban.
Waxa Puntland ka dhaco ee boob xoolaha dalka waa wax lagu qoslo,
hase ahaatee murtidu waa ka weyntahay in la qoslo. Waxaa kula talinayaa
maamulka fadhiidh ah in eey u hogaansamaan rabitaanka shacabka, hadii
xaaladuna sidaa kusocoto ee dhici doonto in reer Puntland ee sameeyaan
kacdoon xuquuq raadis ah. Waxaa haboon in maamul ku sheegu uu si wacan u
dhageysto guuxa dad weynaha REER Puntland, gaar ahaan danyarta xalaal
miiratada ah.
Maamulka Puntland ka taliyo wuxuu dadweynaha ku
maaweeliyaa dalka waxaan ka hirgalineynaa Mashaariic hormarineed iyo
shidaal qodid!!! xaqiiqatan waa wax lagu maadeysto. Ninbaa yiri ma anaa
waalan mise cadanbaa laga heesi, qof walboo caqli u saaxiib ah wuxuu
ogsoon yahay in maamul ku fashilmay inuu xataa iskuulo dhiso, ama
howlihii yaryaraa ee dowlada hoose uu hirgaliyo, dal aan xataa amnigiisa
la sugin, waxbarasho iyo caafimaad wax ku ool ah la heyn, qorshe
magaalo, iyo mashaariicada ilaha dhaqaalaha warkood daa. See ku dhici
kartaa in dad shisheeye u maal gashto.
Dadka waxaa kaloo lagu
maaweeliyaa in wufuud dalal kale ka yimaadaan si Puntland u maal
gashtaan runta naxdinta leh waxaa weeye in ragaa wufuud lagu sheegayo
eey yihiin rag dano gaar ahaaneed qolyaha maamulka majara u hayo ka leh.
Waxaan intaan sheekooyin mashaariicada Puntland la soconay baranay rag
badan oo kala magacyo iyo mudabo duwan sida MUDANE dulaal TERRY,
maantana waxaa la hadal hayaa AL-JAABIR. Arintuba waxeey kusoo koob
meeysaa qowda ma qashii waxna ha u qaban.
Maamulku intuu jiray waxaa uu
dadka u balan qaaday doorashana ku galay inuu dalka hormarin doono 2-3
sano ee ugu danbeysay magaalooyinka waa weyn ee PUNTLAND waxaaa la hadal
hayay mashaariicda hoos ku qoran oo runtii hadii la fuli lahaa wax ku
ool ahaan lahaa dadweyne badan shaqooyin iyo dhaqaale ka heli lahaa:
- Mashruuc dhisme garoon caalami ah
magaalada Garoowe (Ma hayo mana sugaayo)
- Mashruuc dhisme gagida dayuuradaha
Boosaaso (Ma hayo waxaa aan hal daar ahey, inta kale ha sugin)
- Mashruuca dhismaha wadada
Laascanood-Buuhoodle (Mahayo mana sugaayo)
- Mashruuca hormarinta caasumada
- Mashruuc wadada lafo-goranyo ee isku
xirta magaalooyin badan oo gobolka bari ah (Ma hayo mana sugaayo)
- Mashruuc wadada wadaagsiin iskuna xirto
galkacyo-garacad (Ma hayo, mana sugaayo)
- Mashruuca wadada Eyl-Garoowe (Ma hayo
mana sugaayo)
- Mashruuc dib u habeynta wadooyin isku
xira Galkacyo-Bosaso iyo garowe-Laascanood (mahayo mana sugaayo
- Mashruuca dajinta qorshaha
magaalooyinka (Ma hay mana sugaayo)
Akhristaha sharafta leh waxaan u
sheegayaa intaa tahay tiro aad u yar marka loo eego mashaariicda
maamulka dad u balan qaaday amaba looga fadhiyo inuu fuliyo. Intaa waxaa
dheer in musuqmaasuq aad ugu baahay Puntland gaar ahaan maamulka
ciidanka, iyo waaxyaha kale duwan ee heyada dowlada magac u yaalka ah.
Waxaa haba yaratee jirin wax dowlad lagu sheegi karo, wax mushaar ah
askartu ma qaadato, wax adeegyo ah oo dadweynaha loo qabtaa haba yaratee
ma jiraan.
Mudanayaasha wasiiradaha waxeey kulmaan oo wada qaxweeyaan
maalinka khamiista shirka golaha wasiirada is bariidin, dhaleeceen, iyo
in munaasabado lagu balamo ma dhaafsiisno. Waxaa shaki ku jirin u
maamulka Puntland u bilad sharaf ku muteystay soo dhaweynta DULAALIINTA
iyo xodxodashada heyadaha caalamiga ah, iyo sidoo kale ka hadlida
munaasabada iyo jeedinta qudbooyinka. Waxaase wax laga naxo ah in
agaasimka madaxtooyada PUNTLAND eey ilaaween dib u habeyn iyo asleynta
hoyga madaxweynaha iyo wasaarada ileen waa ishii dalkee, iyo goobihii
DULAALIINTA lagusoo dhaweynayee.
Gabagabadii waxaan cid walbo oo
Soomaaliya xasuusinayaa inaan ahay nin Soomaali dhalad ah, una dhashay
deegaanka Puntland cidnana ugu tuhmi karin nin naceyb qabiil u qaba
maamulak Puntland, isla markaana aheyn nin is qarinayo ama cid ka baqayo.
Waxaan lee yahay shacabka BAARIGA ah ee reer Puntland CIDI UMA MAQNA
CEELNA UMA QODNA ee ka tashada AAYIHIINA
Waxaa diyaariyay
Saalax Siciid
Gudoomiyaha ururka Puntland Aid Service
PAS (Denmark)
Email:
abdi65@hotmail.com
0045 26 56 72 64
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007


|