SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Beer Abuurka Laga Sameeye Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf Axmed

Guure Alaw
guurealaw@yahoo.ca

Salaan qaaliya iga gudooma bahda Somalitalk iyo akhristiyaasheeda sharafta leh.

 
Waxaad ayaamaha ku daabacnaa been abuur laga sameeyey Madaxweyne Abdillahi Yusuf Ahmed.  Shabakadaha ku caan baxay colaada iyo nacayb kala dhexdhiga ummada soomaliyeed ayaa ilaa maanta ay ku jiraan beenabeerkaas la sameeyey.
 
Soomalidu waxay ku maahmaahdaa "Wax la eryo been ayaa u gaabisa".  Kuwa neceb in nabad lagu soo dabaalo Somaliya oo kala dambayntii,sharaftii iyo sharcigii la soo celiyo waxay ciirsadeen inay adeegsadaan qalabka warbaahinta iyagoo dacaayado aan sal iyo baar lahayn la beegsanaya qof kasta oo ay u arkaan inuu wado wax ummada sharafteeda soo celinaysa.
 
Maahmaah kale oo Soomaaliyeed ayaa odhanaysay " Mayd yaa u dambeeye" Jabaateeda ayaa noqonaysay Kaa la sii sido.  Hadaba akhristaw anigoon kugu daalin dadka cadhada qaba ee doonaya in ay Soomaliya noqoto xero colaadeed oo tuugo u taliso dhegayso beentii casriga aynu ku jiro ugu weyneyd ee aya adeegsadeen kuwa waddanku ka degi waayey iyo inta la hal maashaa. 
Waxay ahayd Mareegaha daabacay been abuurkaas inay ka saaraan beenabuurkooda Mareegahooda.  Beentii iyo dacaayadii raqiiska ahayd ee ay wadeen waxaa soo afjaraya markaad dhegaysatid sida cajlada been abuurka ah laysugu soo totolay. 
 
Akhristow Hadaad tegtid  mareegaha qaarkood waxaad arkaysaa maqaal ay qortay kaas aad ku arki doontid shir ka dhacay magaalada Toronto,Canada.  Waxaad halkaa ku arki doontaa dadkii ka soo qayb galay sawiradoodii .  Cinwaanka shirkaas oo ahaa "Shir dhex marayJaaliyada Isaaq ee Toronto iyo Jaaliyada Hawiye.  Hadaba wax marag ma doonta arimaha hoos ku qoran
 
1- Jaaliyada Hawiye ee Canada ku nooli 95% way ka soo horjeedaan shirkaas xaraanta ah. Waxay u arkaan inuu yahay mid la doonayo in wadankoodu colaad iyo dhibaato aanu ka bixin. Aqoonyahanada,waxgaradka iyo intii doonaysa inay helaan cadaalada iyo inay nabad kula noolaadaan walaalahooda Somaliyeed way ka biyo diideen shirkaa. Shacabka Hawiye way ka daaleen colaad aan dhamaanayn waxana go'aansadeen in la soo afjaro colaada dada weyn ee wadankooda ka aloosan.
 
2- Dadka shirkaas abaabulay waxay doonayaan inay soo cusboonaysiiyaan colaadii dhex tiilay Hawiye.  Waxay doonayaan inay Colaad dhex dhigaan beelaha Soomaaliyeed.  qolyahaaasi waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen in Muqdisho noqoto xero colaadeed.
 
Hadaba suaasha is weydiinta mudani waxay tahay maxay qolyaha woqooyi ka faa'iidayaan hadii Koonfur colaadi ka aloosnaato
A) Waxay iska dhaadhiciyeen hadii Koonfur lagu heshiin waayo in Ictiraaf u imanayo
B)Waxay iska dhaadhiciyeen hadii Koonfuri hagaagto in himiladoodu "HALBACAAD LAGU LISAY INAY TAHAY" inay noqonayso.
 
Qolyaa waxay wadaan munaafaqad cad  "Baadida nin baa kula dediyi daala kaa badane. Dadkuna moodi duul wada dhashayoo wax u dahsoonayne, oo doonahayn inaad hesho daayin abidkaaye.Delo malaha aakhirohadii kitaab dayo'eDhextaalka qoraalkan waxaan ku soo gabagabaynayaa tuducyada kor ku qoran.
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com