SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS

Teliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka Soomaaliya waxaa uu kula dardaarmay Jaaliyadda gobolka Minnesota mar uu la shiray ineey u istaagaan sidii lagu soo celin lahaa Qaranimadii

Mudane Abdi-Bare Jibriil oo ah Teliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka DFKMG ee Soomaaliya oo la shiray Jaaliyadda ee gobolka Minnesota ayadoo ay isugu jiraan wax garad Aqoon yahano iyo dhalinyaro.

Waxaa uu ka jeediyey Mudane Cabdi Bare qudbad ay ku dheehan tahay mudnaan asagoo yiri waxaa maantay sharaf noo ah in Dowlada FKMG ee Soomaaliya soo celisay sharaftii Baasabooradeenii asagoo yiri waxaa aduunka laga yaqaan ama uu ahaan jiray Baasaboorka Soomaaliya mid tuke cambaarleh marka hada weey dhamaatay arinkaasi oo waxaa ubaxay dowlada.

Mudane Cabdi Bare waxaa uu ka hadlay waxqabadka eey hay'adda Socdaalka ay qabatay iyo horumarkeeda wuxuu yiri waxaa hay'adda ay ka shaqeeysay ineey ka badasho sidii uu ahaan jiray Baasaboorkeena waxaa ay soo saartay Baasaboor Caalami ah oo horumar ukeenaya dalka iyo dadka soomaalida intaba oo uu san noqon mid kii hore oo kaleeto ah waxaana cadeeynaya buu yiri in uu yahay kan ama ay isticmaalaan wadamada horumaray waxaana uu ka hortagayaa buu yiri in lagu sameeyn suuqyadda oo awal ahaan jirtay meel kasto inuu iska yaali jiray qofkasta oo rabana uu iska sameeysan jiray Baasaboorkii hore marka waa guul usoo hoyatay oo lataaban karo waxaana uu yiri waxaa hada la dhacay wadamada dariska ah oo raba ineey keena oo kale waa Baasaboorka Cusub ee ay soo saartay DFKMG ee Soomaaliya ay sameeystaan.

Mudane CabdiBare waxaa uu yiri waxaa aqoon saday wadamada Afrikaanka oo idil iyo Yurub Mareeykankana wuxuu aqoon saday dhamaadka bishii lasoo dhaafay waxaana aanu ka sameeynay Xafiisyo badan dalka gudihiisa iyo dibadiisa intaba sida Dubai, Kenya, Itoobiya.

Waxaa uu kula dardaarmay Jaaliyadda ineey u istaagaan sidii lagu soo celin lahaa Qaranimadii ayna garab istaagaan DFKMG ee Soomaaliya oo rabto ineey soo celiso kala dambeeyntii iyo Qaranimadeenii.

Qore: Abdikarim Ciise (Qaxiye)

Faafin: April 10, 2007

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

Dadkii Soomaalida ahaa ee ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe oo la sii daayay....
waxaana dadkaas loo ogolaaday in ay... Akhri.... Apr 9

Garowe: Dawlada hoose ee Magaalada Garowe oo bilowday hawlo lagu sifaynayo wadooyinka Magaalada.
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com