SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 10, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (100), Muqdisho (104), Beledweyne (107), Baydhabo (115),  Galkacyo (136),
Sarbeebtii Diinaari

Wararkii: April 10, 2007

  • Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo laga qodey dhufeysyo waaweyn..
  • Dalka Ereteriya oo ay ku sii qulqulayaan kooxaha ka soo horjeeda..
  • Dowladda Federaalka oo laga yaabo in ay dib u dhigto shirka dib u heshiisiinta...
  • Cabdulaahi Shiikh Xasan oo raaligelin ka bixiyey hadalkii ka soo yeerey ..
  • Geedi: "qofka ka qaybgalaya shirka Dib u heshiisiinta waa in uu aqoonsada Dowladda"
  • Maamuladda Soomaaliland iyo Pundland oo shaley isku fara saarey...

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo laga qodey dhufeysyo waaweyn..

Mar aan shalay soo maray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaan arkay wadooyin ay horey Gaadiidku u isticmaali jiray oo lagu goynayo Caro-Kaawo iyo Dhagxaan.

Jidadka la gooyey waxaa ka mid ah jid taga tarabuunka, waxaana waqtiga aan marayey halkaasi ku jiray Gaari Katarabiil ah oo ka qodayey god aad u weyn, sidoo kale mar aan maray wadada gasha Garoonka K/cagta Muqdisho ee dhinaca Ifka Xalane ayaan waxaan ku arkay god isna halkaasi laga qodayey, waxaana arintaani ku hawlan sida ay noo sheegeen dadka qaarkii Kooxaha ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Itoobiya, iyagoo doonaya in ay halkaasi ka dhigtaan gabaad, isla markaana aysan u soo gudbin Taangiyada Ciidamada Itoobiya, waxaana meelaha qaarkood la sheegay in lagu aasay Miinooyin, balse wararkaasi miinada wax xaqiijinaya ilaa iyo hadda lama hayo.

Lama garanayo sababaha waqtigaan loo jaro wadooyinkaas iyagoo dhawaan ay heshiis xabad joojin ah wada gaareen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiil ka tirsan Itoobiya.

Dalka Ereteriya oo ay ku sii qulqulayaan kooxaha ka soo horjeeda..

Dalka Ereteriya oo si weyn uga soo horejeeda Dowladda Itoobiya, isla markaana uu dhex maray dagaal lagu hoobtay ayaa haatan waxaa dalkeeda ku sii qulqulaya kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda Dowladda Federaalka oo aan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wado, waxaana dhawaan gaaray dalkaasi Ra’isul Wasaare ku xigeenkii Dowladda Federaalka Xuseen Max’ed Caydiid, Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii hore Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana horey dalkaasi ugu sugnaa ilaa iyo afartan Xildhibaan.

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

Waxaa jira warar sheegaya in Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan in ay u baxsadaan dalka Ereteriya, kuwaas oo haatan ku sugan dalka, Gaar ahaan Magaalada Baydhabo, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa Xildhibanaada iyo Wasiirada.

Dowladda Ereteriya ayaa horey loogu eedeeyey inay taageeri jirtay Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshe waxay ku tilmaantay in mid aan sal iyo raad toona laheyn oo ay wadato Dowladda Itoobiya. Dhawaan ayaa madaxweynaha Ereteriya iyo Madaxweynaha Uganda waxay kulan ku yeesheen dalkaasi, waxa uuna madaxweynaha Ereteriya ugu baaqay Dowladda Uganda in ay ciidamadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan ugala soo baxdo dalka Soomaaliya, sidoo kalana ay joojiso u adeegida Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay Madaxweynuhu in aysan ogoleyn in Soomaliya ay hesho nabad iyo dowlad loo dhan yahay.

Dowladda Federaalka oo laga yaabo in ay dib u dhigto shirka dib u heshiisiinta...

Iyadoo Wasiirka Dib u heshiisiinta Max’ed Cabdi Xayir Maareeye uu ku dhawaaqay in aan marnaba dib loo dhigi doonin shirka dib u heshiisiinta ee lagu ballansanaa 16-ka bishan ayaa haatan waxaa muuqata saansaan uusan ku qabsoomi Karin shirkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo maalmaha soo socda in ay shirkaasi dib u dhigto, ilaa mudo ku siman bil, sida lagu helayo warar ka soo baxay madaxtoonyada. Shirkaan oo lagu waday in ay ka qaybgalaan 3-kun oo ergo ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay dagaalo kharaari ka dhaceen Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max’ed ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin sida uu u qabsoomi karo shirkaasi.

Cabdulaahi Shiikh Xasan oo raaligelin ka bixiyey hadalkii ka soo yeerey ..

Siyaasiga Caanka ah ee Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa raaligelin ka bixiyey hadal ka soo yeerey Wasiir ku xigeenka Gaashaamdhiga ee Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeele oo sheegey in Dagaalka ka socda Muqdisho uu yahay mid Qabiili

Cabdulaahi Sheekh Xasan wuxuu hadaladaas ku tilmaamey mid raqiis waayo ayuu yiri” Beesha Mudulood waayo aragnimo ayey u leedahay Wax la yiraahdo iska horkeenka Beelaha” wuxuu intaa sii raaciyey “waxaan raaligelin ka bixinayaa mar labaad hadaladaas wuxuuna sheegey in beesha mudulood aysan la qabin warkaas balse koox yar oo ka amar qaadata salaad kuwaas oo doonaya in ay mar kale iska horkeenaan beelaha wada dega Magaalada Muqdisho.

Cabdulaahi Shiikh Xasan wuxuu bulshada soomaaliyeed uga digey in ay ka digtoonaadan hadalada la doonayao in la iskaga horkeenayo kuwaas uu sheegey in laga leeyahay dano siyaasadeed , wuxuu kaloo sheegey in Salaad loo soo dhiibey hadalada uu ku Hadley balse aysan ahayn kuwa isaga ka yimid

Geedi: "qofka ka qaybgalaya shirka Dib u heshiisiinta waa in uu aqoonsada Dowladda"

Waxaa shaley kulan isugu yimd Siyaasiin ka tirsan Beesha Mudulood kuna jira Dowladda Federaalka ,Odoyaal , Nabadoono iyo Aqoonyahano waxaa kulankaas looga Hadley arrimo la xiriira xaalada Magaaladda Muqdisho iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda Fedraalka.

Xubnihii ka qaybgaley kulankaas waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geedi wuxuuna sheegey: in Dowladda Federaalka ay dhawaan qaban doonto shir dib u heshiisiin isagoo sheegey in qofkii doonaya in uu ka qaybgalo looga baahan yahay Saddex shuruudood oo kala ah in uu faraha kala baxo Dagaalada iyo qalalaasaha uu ku jiro , in uu aqoonsado Dowlada iyo noqdo qof ka shaqeynaya nabadda.

Cali Maxamed Geedi wuxuu sheegey in Dowladda aysan la diririsaneyn Qoys wararkaasina ay yihiin kuwa Been abuur ah isagoo sheegey in wararkaas ay faafinayaan dad doonaya dano gaar ahaaneed.

Waxaa kaloo ka Hadley Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow waxuuna sheegay "in beesha Mudulood ay soo dhaweyneyso Dagaalka lagaula jiro kooxa doonaya in ay qas ka abuuraan Magaalada muqdisho"

Waxaa kaloo ka Hadley Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar wuxuu sheegey in beesha Mudulood ay soo dhaweyneyso Howlgalada Dowlada federaalka ay ka wado Mgalaalada Muqdisho.

Maamuladda Soomaaliland iyo Pundland oo shaley isku fara saarey...

Waxaa magaalada Dahar ee Gobolka Sanaag dagaal ku dhex marey Ciidamo kala taabacsan Maamuladda Soomaaliland iyo Pundland , waxaana Dagaalkaas lagu waramey in labada Dhinac ay Khasaaro kala gaartey.

Masuul u Hadley Soomaaliland ayaa sheegey in ay dagaaladaas ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo shan qof sidoo kale wuxuu sheegey in ay ku qabsadeen gaari uu saarnaa Qoriga Dhashiikaha.

Sidoo kale Afhayeen u Hadley Pundland wuxuu sheegey in magaalada ay ka saareen wuxuu ugu yeerey Ciidamadii ku soo duuley haatana Magaalada ay gacanta ku hayaaan Ciidamada Maamul Goboleed Pundland.

Afhahayeenka wuxuu sheegey in ciidamada Soomaaliland ay si gardaro ah ugu soo duuleen magaalada oo uu sheegey in ay doonayeen in halkaas ka abuuraan qalalaaso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

April 10, 2007
 


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com