Mabaadi u baahan in boorka
laga jafo
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Dhibaatada ummadda soomaaliyed ku habsatay mudada ka badan rubac qarniga ma
aysan waxyeelan oo kaliya dad, dal iyo duunyo ee waxay si xoog leh dhibaataysay
kalsooni iyo mabaadi fara badan oo runtii jiritaan ummadeed udub dhexaad u ah,
mabaadiida ka qaloocday ummadda soomaaliyeed waa ay fara badan yihiin waxaana ka
mid ah:
Xaqa:
Xaq sidiisaba waxaa lagu gartaa xaq ahaantiisa,
laakin xaqa laguma garto ragga wada, soomaalida inteeda badan mabda’aas isaga ah
wey dhalan rogtay, waxayna u bedeshay xaqa waxaa lagu gartaa ragga wada ama hor
boodaya. Tusaale ahaan haddii uu wadaad kalmed diini ah sheego, waxaa dadka qaar
u caado ah inay yiraahdaan waa reerkee iyo wax la mid ah (subxaanallaah)!!!!warkiiba
daa qofkii ka hadlaya arimo siyaasadeed taa waxaa sahlan in aragtidiisa la
beeleeyo.
Arintaan iyada ahi waa mida ugu khatarsan oo ay soomaalida dhaxalsiiyeen
dagaaladii sokeeye waana tan keenta mar walba in wixii nidaam ah ee yimaada la
diido iyada oo sababta loo diidayo ay tahay dadka howsha wada oo beel ahaan loo
diidayo iyada oo aan arinka loo eegin xaq iyo xaq la’aan toona.
Itoobiya:
Waa waddan cadaw u ah ummadda soomaaliyeed
sababtoo ah waxay gumeysataa dhul iyo dad soomaaliyeed intaa waxaa u dheer
dhibka ummadda soomaaliyeed haysto meel kale kama imaan bilaw iyo dhammaad
Itoobiya ayaa aabbe u ah waxyaabaha is badalay waxaa ka mid ah in Itoobiya ay
noqotay saaxiib ku soo dabaalaya ummadda soomaaliyeed nabad iyo kala dambeyn. !!Yaa
ilaahii war dadku goormuu caqligoodu sidaa u fasaqmay. mayee arinkaan wuxuu
kamid yahay mabaadida ay dagaaladii sokeeye bedeleen cadawga ummaduna uu ka
faa’iideystay isaga oo isticmaalayo xeelado iyo xoola badan.
Midnimada:
Shacabka soomaaliyeed waa shacab kulansaday
dhammaan sifooyinka mideeya dad wadan wada daga sida: diinta, afka, midabka iyo
dhaqanka. Laakiin dhibaatooyinkii sokeeye waxay gilgileen kalsoonidii midnimada
ummadda soomaaliyeed taana waa arin khatarteeda leh una baahan in waxgaradku ku
baraarugo.
Dowlad:
Dad badan markaad la sheekeysato waxaad ka
maqleysaa dowlad waa laga reystay dadkii xoriyad iyo dhaqaale ayey heleen,
qaarkoodna waxaadba arkaysaa inaysan dareensanayn maqnaanshaha dowlad arinkaana
waa arin ka mid ah arimihii uu na dhaxalsiiyay dagaalkii sokeeye una baahan in
la saxo.
Mabaadidaa iyo kuwa badan oo asaasi ah oo qaloocday rubac qarnigii ugu dambeeyay
taariikhda soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inla saxo si jiilka soo koraya
xaqu uusan baadil ugu noqon. Baadilkuna xaq. Si marka sixitaankaa loo helo waa
inuu qof walba oo soomaali ah marka hore Alle ka cabsado caddaaladana aan laga
fogaanin. sheegidda xaqana aan cid looga heybeysan, cidnana aan lagu raali galin.
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 9, 2007
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA


|