SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Siyaasadda somalia xageey u socotaane.??

bashir hashi dhore(aimar)
Cairo Egypt
+20108317610....

Sida aad la socotaan waxaa dhawaan laga saaray goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya Golaha Maxaakiimta Islaamka. Maxaakiimta ayaa waxaa lawada ogyahay in ay ku yimideen rabitaanka shacabka.
Kadib markii ay Ciidamada Itoobiya oo kaashanayo kuwa DFKM ah ee Soomaaliya ay ciidamada maxaakiimta ka saareen goobihii ay ka talin jereen ayaa wuxuu isbadal ku yimid nolasha, ganacsiga, amaanka, qarannimada, siyaasada iyo waliba xurriyada ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin ku dhaqanka diintooda Islaamka.

Waxaan jeclaan lahaa akhristoow in aan isbadalkaan meelaha badan taabanayo aan kuu falanqeeyo. Falanqeyntaas oo ku saleysan aragtideyda shaqsi ahaan.

Itoobiya

Ciidamada Itoobiya waxaa haatan la oran karaa waxay ka taliyaan Soomaaliya oo dhan. Waayo mar hadii aysan ogolaasho uga baahneyn DFKM ah oo hawl walba oo ay fulinayaan ogolaasho weydiisanayaan Adis Ababa way iska caddahay in ay meesha ka taliyaan. Lakiin akhristoow ogoow in Itoobiya hadda uun qabsan Soomaaliya balse ay dhowrkii sanno ee lasoo dhaafey ka talineysay Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in sanadihii la soo dhaafay ay Soomaalida gooni-gooni u shiraneysey, iyagoo markaa midba wuxuu jecel yahay u balan qaadayey hadii uu iyaga la shaqeeyo, iyagoo dhanka kalena ku baaci jirey in hadii uu la shaqeyn waayo ay heli doonaan mid ka mid ah dadka kasoo horjeedo oo diyaar u ah in uu iyaga la shaqeeyo. Balanqaadyada ay Itoobiya sameysay waxaa ka mid ah: Amaankaaga annagaa sugeyno, hub ayaan ku siin, siyaasada dibada ayaan kaa caawin, lacagtaad ku hawl galeysid annagaa ku siin, Mareykanka annagaa kaala hadli iyo waliba annagaa caalamka ka dhaadhicin doono in uu aqoonsi buuxa ku siiyo.

Anigoon u guda gali doonin taariiqda dheer ee colaadeed u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaan waxaan jeclaan lahaan in aan dhowr tusaalo kuugu xaqiijiyo in Itoobiya ay haatan si cad ula wareegtay maamulka dalka Soomaaliya.

Sanadihii lasoo dhaafay Itoobiyo waxay Soomaaliya u maamuleysay si qarsoodi ah iyadoo mar walba inkirmaad kala hor imaan jirtay qofkii ku eedeeyo in ay ku lug leedahay arimaha Soomaaliya. Balse haatan waxay qiratay kadib markii ay in muddaa ay inkirsaneyd in ciidamo aan tababar ahayn oo ciidamo dagaal ah ay ka joogaan dalka Soomaaliya. qirashadaan waxay ka dambeysay kadib markii ciidamada Maxaakiimta ay dhowr ka mid ah ciidamadaas ay dileen, hub ka gubeen iyo warfiyeenada Soomaaliyeed oo saweriada meydka ciidamadaas oo dhulka yaalay dunida dacalaheeda gaarsiiyey.

Mar hadii ay Itoobiya qiratay in arimaha Soomaaliya ay faraha kula jirto waxaa dhacday in ay ka maarmaan DFKM oo ay mar walba ku daba gamba jireen. Waxay ciidamada Itoobiya sidoo kale ay xor u noqdeen in iyagoo qof Soomaali ah la tashan ay hawshii ay doonaan ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Tusaale: waxaa dhacday in gegida duyuurahada ee caalamiga ee Muqdisho in ay Itoobiya weerarto, tan ayaa ah mid aan waligeed hore u dhicin. Waxaa hubaal ah in R/W Geedi uu ciidamada Itoobiya uusan ogolaasho siin, iyadoo DFKM ah markii la bambeeyey garoonka Muqdisho kadib ay ku dhawaaqeen in xaduudaha Soomaaliya cirka, dhulka iyo badda la xidhay. Taa oo kuu cadeyneso in aan DFKM ah aan lala tashan, iyadoo markii ay wax dhaceen kadib u hadashay qaab “wixii dhici lahaa wey dheceen ee maxaan ka gaarnaa”.

Waxaa sidoo kale dhacday akhristoow in Xuseen Ceydiid oo jago muhiim ah ka haayo DFKM ah uu shaleeyto (02-jan-07) sheegay in DFKM ah qorsheyneyso in ay ‘walaaleeyso’ Soomaaliya iyo Itoobiya. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelan doonaan 1 baasaboor, 1 dhaqaale, 1 ciidan iyo waliba 1 xaduud oo markaa la tir tiri doono xadga Soomaaliya.balse Xuseen maanta waxa uu ku biiray mucaaradka isagoo ku sugan wadanka Erataria oo wadanka Ethiopia u xifaaaltan kala dhaxeeyo.

Dhaqaale

Dowladda Geedi ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in lacagta lagu kala ganacsado koonfurta Soomaali lagu badali doono lacag kale oo cusub, tan ayaa keentay in uu argagax ku yimaado suuqyada waaweyn ee koonfurta Soomaaliya. Iyadoo hadalka kasoo yeeray Xuseen Ceydiid ee ahaa in aan 1 dhaqaale lala yeelan doono Itoobiya uu argagax kusii riddi ganacsatada Soomaalida.

Amaanka

Maxaakiimta goobaha ay ka talin jireen waxaa laga helay amaan aan la helin dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay. Iyadoo Soomaali badan oo isug jira ganacsato, aqoonyahanno iyo arday ay ka dageen gegida duyuurahada ee magaalada Muqdisho iyagoo ka yimid dalalka Europe iyo USA. Sidoo kale dhaqaalaha dalka ayaa kor u kacay kadib markii ay ganacsatada ay heleen amaan iyo waliba dekkeda iyo garoonka Muqdisho. Dib u hawl gelinta garoonka iyo dekkeda Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore faraha uga gubtay dowladihii hore iyo siyaasiin iyo ganacsato isku dayey in ay dib u hawl geliyaan ilahaan dhaqaalaha Soomaaliya muhiimka u ah. Waxayna u suura gashay oo kaliya Maxaakiimta Islaamka.
Dhawaan qoraal kasoo baxay UN-ka ayaa xaqiijiyey in goobihii ay maxaakiimta ka talinayeen laga helay amaan aan horey loo arag.

Qarannimada

Dhowr todobaad ka hore ayey xubnaha baarlabaanka KMG ee usoo goostay magaalada Muqdisho waxay soo bandhigeen khariidad/MAP ay ku qoran yihiin dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka maqan tahay. Iyadoo Soomaaliya la raaciyey dalka Itoobiya. Xubnahaan waxay sheegeen in map-ka laga helay xafiiska R/W Geedi.

Waxaan dhaamnteen ognahay in dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ay Itoobiya hub iyo qarash badan gelisay dalka Soomaaliya, waxaana weydiin u baahneyn in danaha ay Soomaali ka leeyihiin ay yihiin ku aad u weyn.

Siyaasada

Siyaasada Soomaaliya ayaa waligeedba ahayd mid lagu waalan karro, maadaama ay ku saleysneyd qabyaalad. Haatan waxaa la oran karaa in siyaasada koonfurata Soomaaliya ay laba qeybood isaga soo horjeedaan: Maxaakiimta iyo Itoobiya oo kaashaneyso DFKM ah. Akhristoow ogoow in uu farqi u dhaxeeyo “DFKMG oo kaashaneyso Itoobiya” iyo “Itoobiya oo kaashaneyso DFKMG ah”. Maadama maamulka, hubka, ciidamada, siyaasada fulinta iwm ay leedahay hogaankana u heydo Itoobiya waxaa la oran karaa in Itoobiya ay kaashaneyso DFKM ah.

Shicibka Soomaaliyeed meel walba uu joogo, waxaa haatan u sahlanaatay in labada dhinac uu dhinac la safto. Maadama DFKMG ah oo ay wataan ajaanib ay ku mideysan yihiin qabiilada Soomali daga oo dhan, waxay qabiiladaasi sidoo kale ku mideysan yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamka. Marka waxaa qof walba oo Soomaali ah uu taageri karaa mid ka mid ah labadaan dhinac isagoon markaa qabiil gooni ah uusan la saffan.

Nolosha

Waxaa hubaal ah qofka Soomaaligaa ee dhibaateysan, oo ay daadadka, cunna la’aanta, ammaan darida waxyeeleeyeen in haatan nolashiisa sii adkaan doonto, maadaama dhibaatooyinka aan kor ku xussay ay haatan usii dheer tahay ciidamo ajaanib ah oo neceb dadka iyo diinta Soomaalida in ay iyagoon qof Soomaali ah kala tashan ay waxay doonaan ka yeeli karaan.
Waxaa in la xusso muddan in magaalada Bydhabo amaankeeda intii ay ciidamada DFKM ah joogeen uu sugnaa. Iyadoo markii ay “ciidamada tababarka” ah ee Itoobiya markii ay yimideen subax walbo la arkayey meydadka dumar Soomaaliyeed oo markii la kufsaday kadib la dilay!

Waxaa sidoo kale in la xusso muddan in uu Melez uu dhawaan idaacadaha ka sheegay in “ciidamada Eritrea” ay soo xidheen dharka dumarka lagu yaqaano iyagoo baxsad ah. Hadalkaan kasoo yeeray Melez wuxuu Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya fasax u siinaa in ay dhibaateeyaan dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dhulkooda hooyo. Waxaa sidoo kale la ogyahay dhibaatada ay ciidamada Itoobiya ku hayaan dumarka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada ay gumestaan.

Diin

Koonfurta Soomaliya xiligii ay ka talin jireen dagaal oogayaasha xiriirka la lahaa Mareykanka waxay wadaadada ku nooleyeen si aan xur ahayn. Hadii aad gadh lahayd oo aad salaada duhur iyo cassir ku dugatay masjidka waxaa maqrib iyo cishaa isaga dukaneysay gurigaada, si aan lagaaga shakin oo aan inta lagu afduubo laguu gacan gelin Mareykanka. Si markaa aan laguugu gudbin Guantanamobay. Cabsidaan waxay dadka ka bexeen markii dagaal oogayaasha ay Maxaakiimta ka saareen magaalada Muqdisho. Akhristoow ogoow in maxaakiimta ay ku yimideen rabitaanka shicibka. DFKM ahna ay ku timid rabitaanka IGAD gaar ahaan rabitaanka Itoobiya. Sida ay sheegtay Kenya: “DFKM ah ee Soomaaliya gacanteyna ayeye ku dhaltay, mana rabno in ay gacanteyna ku dhimato”.

Haatana waxaa hubaal ah qofkii 5ta salaad masjidka ku dukado in naftiisa ay halis ku jirto oo ay suurto galtahay in Itoobiya ama Mareykanka loo gacan galiyo. Ujeedadayda maahan in aan dadka cabsi galiyo ee waa baraarujin. Akhristoow ogoow in hadalka kasoo yeeray Xuseen Ceydiid oo ay inkirtay DFKM ah in laga yaabo in ay tahay digniin. Waayo waxaa laga yaaba Xuseen Ceydiid in uu ka mid yahay dadka Itoobiya ay kacmaha iyo afka xidhay, sidaan uu haatan sameeyana ay tahay sida kaliya oo uu shirqoolada loo dhigayo Soomaaliya uu uga diggi karo.

Ugu dambeyn

dadka soomaalieey meel kasta oo ay joogaan waa in ay gacmaha is qabsadaan oo aysan wadankooda uga tegin in ay itoobiya sidii ay rabto ay ka sameysato waana in aan so xasuusanaa hestii macnaha badan xanbaarsaned oo ahed somaali waa mid waa ul iyo meerax mataano weyoo meel beey ka wada timid.................

 bashir hashi dhore(aimar)
Cairo Egypt
+20108317610....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 9, 2007

ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com