SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Haddii Hadhaaba la’waayose!

By: Liiban M Shariif

Stockholm Sweden

Somalia60@hotmail.com


Xaqiiq weeye in xalka soomalida Eebe hayo, ee Eebe Sunaami makabarinaa? Dad is diidan waxay isku diidanyihiina aan qeexi karin waxaa taariikhda lagu hayaa waa soomaali. Xiisada Xamar ka taagan waa wax caqliga caafimaadka qaba uu diidayo. Hooyo qaxaysa oo jeeniqaaran dhalaankeede waxay dhuunta ugu qoysana aaney indhaheedu qaban maalmo. Madaafiic isu dhaafeysa sidda warku uu isugu dhaafo shabakada internetka, dal iyo dunnyo midna ku hadhi mayo.

Jasiirada Java ee dalka Indonisia waxaa mudo dheer dagaal sokeeye uu ku dhexmari jirey, ciidamo dowlada Jakarta daacad u ah iyo jabhad gooni istaag u dirir ah. Kumanaan qof ayaa naftooda ku waayay, kubari kacay in badan oo kalena waa ku naafoobeen. Wax badan ayuu aduunku malaayin dollar iyo wakhti badanba ku lumiyey si bal arinta xal loogu helo. Hase yeeshee dhamaan juhdigaa caalamku ugu yaboohay dadweynaha Indonisia waxay noqdeen HAL BACAAD LAGU LISAY!

sunami-dii xoogeedu ku habsaday qaarada Asiya, dhibkeeduna soo gaadhay dacalada bariga Afrika, gaarahaana somaliya. Kumanaan dad ah oo caruur iyo cirooleba ah ayaa daqiiqado gudohood ku qudhgo’ay dalal badan oo ku yaala Asiya iyo bariga Afrika. Dhib-kasta Dheef-baa kujirta. Sunamida aan kor ku xusay cidna ma moogana burburkii iyo baabi’ii ay ka tagtay. Hase yeeshee waxay xal u noqotey xiisadii aduunku XALKA u waayey. Waxay soo afjartay dagaalkii sokeeye ee jasiirada Java ee dalka Indonisya. Somaliyeey waa iga su aale ma Sumaami baynu Eebe ka barinaa mise dhibta manta taagan beynu dheef kalabaxnaa. Inaga oo qiimeyneyna oo qeexeyna qulqulda hadda taagan.

Qax iyo qaxooti soomali wax ka weydii, waxnu ku nahay khabiir labaatankii sano ee ugu danbeeyey waxaynu ku jirney socod aan dhamaad laheyn.1990 markii urukii USC ay xukumka ka tureen Dawladdii Maxamed Siyaad Bare waxaan idaacadaha ka maqli jirey iyada oo la leeyahay waxaan ku daba jirnaa HADHAAGII DAWLADII SIYAAD. Maanta waxaa maqlayaa Dowlda ku meel gaadhka ah oo ku andocooneysa waxaanu safeynaeynaa oo aan ku daba jirnaa HADHAAGII MAXKAMADAHA ISLAAMIGA.

Su’aashu waxay tahay haddiiba hadhaaba lawaayo halkeynu ku danbeyn. Sidda ay soomaali manta ku socoto waxay u egtey dad iyo dal dabargoaya.Ee aduunku xal waaye Eebe Sunaami ma kabarinaa?


By: Liiban M Shariif

Stockholm Sweden

Somalia60@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ?

Faafin: April 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com