SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALISTIIN!!!!!
SAHID M YUSUF
USA,VA
 
Soomaalistiin waa maqaal aan qoray sanadkii 2001 se nasiib daro lumay kadib markii la xiray webside la oran jiray Hiiraantoday oon ku daabacay, wixii aan Maqaalkaas ku sheegay ayaa haatan taagan kadib ayaan jecleystay in aan maskaxdeydii dib u maalo oon soo saaro Maqaalkii soomaalistiin oo mar labaad la curiyey !!!!
 
SHARAXA CINWAANKA:
 
Akhristahaygiiyoow Maqaalku wuxuu iskugu jiraa labo erey oo aan isku lamaaneeyey oo kala ah Soomaali & Falastiin,kadibna aan ka soo saaray Soomaalistiin oon macnaheeda ka wado Soomaaliya oo falastiin oo kale noqotay.
Soomaali waa qeybta hore marka waxaan gadaal ka raaciyey falas-tiin qeybteeda danbe oo ah tiin halkaas waxaa ka soo baxay Soomaalistiin!!!.
 
Horudhac :
 
Haddaan Taariikhda dib u baarno wixii ka horeeyey 1918 khariidadaha adduunka waxaa ku yaalay wadan la yiraahdo Falastiin oo ka mid ahaa dhulka loo Aqoon jiray Shaam.

Sultaankii tabarta yaraa ee ugu danbeeyey khilaafadii Cusmaaniyiinta Allaah ha u naxariistee waa Suldaan Cabdi xamiid oo reer galbeedku markii danbe ay u bixiyeen ( Ninkii Jiranaa)oo markaas falastiin maamulaayey ayaa waxaa u tagay Taajirkii weynaa ee yuhuuda ahaa ee reer Austariya Hertzl wuxuuna suldaanka ka codsaday in uu Falastiin dhul ka siiyo yahuudda asaguna uu ka bixin doono deymaha wadankiisa lagu lahaa oo dhan, lacag fara badanna uu uga gato dhulkaas Falastiin !!! Suldaankii baa xanaaqay oo ku yiri la taliyihiisii :( Waryaa khinsiirkan ii soo galiyey,? war miyaadan ogeyn in taako kasta oo falastiin ka mid ahba lagu xoreeyey dhiigii muslimiinta sideen kaaga gadaa ? war lagama yaabo dhib kastoo i heysta in aan adduun siisto Diinteyda iyo wadankeyga oo aan iska badalo wadaddii aabayaashey !!! Waar iga bixiya Khinsiirkaan !!!!).

Hetzl halkii kuma joogsan ee wuxuu abaabulay shirkii caanka ahaa ee balsan,Swisszerland 1889 oo uu yuhuud oo idil iskugu yeeray,shirkaas oo lagu go,aansaday in 50 sano kadib ay falastiin ka dhigtaan wadan yuhuudu degto .(1).

Sidii caadada aheyd markii la jabshay khilaafaddii cusmaaniyiinta 1918 ayaa Falastiin waxa dhaxlay Boqortooyadii Ingiriiska isla markiina wuxuu ku dhawaaqay wasiirkii arrimaha debedda ee Ingriiska Bolvier uu soo saaray wacdigii markii danbe loogu magaca daray wacdigii Balvier  oo ahaa in Yuhuudda in falastiin dhul laga siiyo.

Kadibna waxaa bilaawday hijraddii yuhuuda ay ka soo hijroonayeen Adduunka daafihiisa oo ay isku soo shubeysay dhulka falastiin,waqtigaas ka hor Yuhuudu waxay deganaayeen xaafad yar oo jerruslam ka mid ah waxaana la oran jiray xaafaddii yuhuuda.

Dawladda Ingiriiska ayaa ka talineysay wadankaas ilaa 1948 oo yuhuudda u hoosaasineysay shacabkii carabta ahaa ee falastiin, xataa uu dagaal bilaabay 1923 Mujaahidkii weynaa,khadiibkii magaallada xeyfa waa shiikh Cizidiin Al- Qasaam(2).
Kaas oo Yuhuudda kaadideedii kalaxa ugu shubay ilaa Adduunkii oo idil ba uu ka Qeyliyey,

laguna hoosaasiyey shacabka Falastiin xuquuqdiisa wuu heli ee si nabad ah haku doono,ee yuusan dagaal ku doonin taas oo xoogeysatay in waddaadkii hubka laga dhigo 1933.

Markii ingiriisku ka baxay dhulkaas 1948 saacaddo kadib Yuhuudu waxay ku dhawaaqday dawladaan haatan wada naqaano ee Israa,iil ee khariidaha adduunka ku taal !!! markaas ayey bilaabeen in ay xasuuqaan shacabkii falastiin oo qoxooti ka dhigeen ilaa haatanna waan aragnaa falastiin oo dhagax tuuraaya iyo UN ka oo yuhuuda ka baryeyso in ay shacabka gumaadin, waxay UN soo saartay 86 qoddob oo Yuhuuda lagu canbaareynaayo,26 ka mid ah Mareykanku wuu kula jiray oo Yuhuudda wuu canbaayeeyey,60 ka mid ahna VITO ayuu saaray xataa in la canbaareeyo !!!!

 
Soomaalistiin:
 
 
Sidaan horeyba u soo sheegay 2001 ayaa waxaa igu soo dhacay Soomaaliya sida ay noqon doonto 100 sano kadib haddii ay sida ay tahay ku sii jirto!!! Markaaas ayaan is iri kolley waxay noqon doontaa sidii Falastiin oo wadanka cadaw debeeda ka yimid baa qabsan doona !!! markaas ayaan sidii Falastiin dhagax tuuri doonaa !!!!
Markaas waxaan isku qancinaayey ilaahaan Amxaaradii aan is necbeen talada u dhiibin talada Ethiopia markay Soomaaliya jabtay se Minority baa heysata aan na haweysan karin, se waxaan ilaaway in gaaladu hal millad tahay( AL- kufru milatun waaxida)(3).
Waxaa kaloo jirtay in ay Ethiopia ayba iska maamulaneysay nimankii warlords ahaa ee 16 kii sano na maamulaayey se markii laga Guuleystay oo Maxaakiimtu soo celisay Nidaamkii iyo nabadgalyadii ayey Gaaladuna soo dadajiyeen in ay naba qabsadaan !!!!
Akhristoow haddii wixii aan boqol sano u maleynaayey ay shan sano noqotay??? oo maanta nala heysto maxaad u maleyneysaa 20 sano kadib ama 50 sano kadib sow si cadaan ah dhagax uma tuureyno ???

Runtii meeshii ay martay Falastiin ayaan mareynaa !!! Falastiin markii Yuhuudu Xasuuqday waxaa u soo gurmaday Mareykanka iyo yurub oo soo daldalay si Yuhuuda dhulka loogu banneeyo !!! Akhristoow adigaan ku weydiiyaye aaway caruurtii Qaxootigii falastiin  1948 !!!

Meel dheer ma jiraan waa John,mark,James, haatan degan HOUSTAN,FALORIDA IWM.

Akhristoow ma isweydiisay Soomaalida lagu soo daldalaayo Yurub & America !!!! Haddii ayaga wax laga qaadi waayo Caruurteena ka waran waxay mari meeshii ay falastiin mareen , sow haddaba uma jeedid waxa aan ka hadlaayo, sow xaaladdu ma ahan Soomaalistiin !!! sow xaaladu ma ahan dhagax tuur !!! sow taladeenu ma ahan soomaalistiin!!! sow wadankii tigree kama taliyaan !!! sow hoobiye ma noqon jawaabtii Tigree !!! sow Soomaaliya ma noqon Soomaalistiin!!!

 
Maxaa xal noo ah :
 
xal baan soo jeedshay se waa xal aad u adag sababtuna waa xaaladda ayaa adag !!! waxayna u baahan tahay mowqif aad u adag in la qaato si aan uga badbaadno balada soo socota hadddii kale waxaan ku danbeyn doonaa in ay baladaasi na asiibto.

waxaa maanta Soomaalidu ku sugan tahay waa arrin iska cad haddii aysan is yeel yeeleynin sidii JUXA !!! waxaa la yiri Juxa oo laan uu ku taagan yahay goynaaya ayaa nin soo hoos maray oo ku yiri :( waar ma waalan tahay !!! geedka ha ka soo dhicin sidee u u go'yneysaa laanta aad ku taagan tahay ) !!! Juxa wuxuu ugu jawaabay waar bax iska tag!!!!

markii uu laantii gooyey ayuu soo dhacay !!! ninkii ayuu ka soo daba cararay oo ku yiri ninyahow wax baad ogtahay ee ii sheeg goorta aan dhimanaayo????
Waxaan sheekadaas ka wadaa Soomaalidu ayagoo u jeeda godka ay ku dhacayaan ayey sidii Juxa is indha tirayaan???? Maxaakiimtii ayaan talooyin u soo jeedinay wey diideen?(4)
waan aragnay meesha ay ku danbeeyeen iyo dhibka ay soo dedejiyeen ???

Marka dadku Ruuxu markuu dhimanaayo ma garan karaan? se waxa soo socda wey saadaalin karaan sidaas darteed sidee Soomaalistiin uga xijaabanaa????

Akhristoow  xalka soomaaliya waxaan ku faafaahiyey Maqaal aan ugu magac daray :
( BAASABOOR GUBE ( ROOTI)(5)!!!!!
 KAAS AYAAN XAL U ARKAA HADDII UUSAN ASAGU NOQONNA KOLLEYBA WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN FICIL LA QAADO OO LA HELO KOOX U ISTAAGTA XOREYNTA SOONMAALIYA  OO KA BADBAADISA GUNNIMADA TIGREEGA IYO DHAGAX TUURKA SOOMAALISTIIN 20 SANO EE SOO SOCDA AMA 50 BA DHEH !!!
 
                                                        FII AMAANI LAAH
 
SAHID M YUSUF
USA,VA
 
1)weyna ka dhabeeyeen oo 1948 ayey ku dhawaaqeen dawladda Israa'iil.
2)Cizi diin Qassaam haatan garabka dagaalama ee xamaas ayaa la yiraahdaa.
3)waxaa la yiri meles waxaa tahniyad u soo diray Mingistu oo yiri shaqo aan bilaabay ayaad dhameystirtay !!! thank you waa ninkii dilka ku xukunnaa???
4)maqaal aan Maxaakiimta kula dardaarmay waa kismaayo & Kandahaar !!!!
5)maqaalkaan ka akhri somalitalk.com rayiga dadweynaha 19 march!!!!!!!!!!!!!!

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ?

Faafin: April 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com